Ayuub 14:13

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Hahe bal maad She'ool igu qarisid, Oo bal maad meel qarsoon igu haysid ilaa cadhadaadu dhaafto, Oo bal maad wakhti go'an ii qabatid, oo aad i soo xusuusatid!

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Ish 26:20-21 : 20 ¶ Dadkaygow, kaalaya, qolladihiinna gala, oo albaabbadiinna soo xidha, oo wakhti yar dhuunta, intay cadhadu gudbayso. 21 Waayo, bal eega, Rabbigu wuxuu meeshiisa uga soo kacayaa inuu dadka dhulka deggan xumaantooda u ciqaabo. Dhulkuna wuxuu daaha ka qaadi doonaa dhiiggiisa, oo kuwa la laayayna mar dambe ma dabooli doono.
  • Ish 57:1-2 : 1 ¶ Kan xaqa ah wuu halligmaa, oo ninna qalbiga ma geliyo. Cibaadalaawayaashana waa la kexeeyey, oo ciduna ma garato in kan xaqa ah belaayada soo socota laga waday. 2 Isagu wuu nabad galaa, oo mid kasta oo qummanaantiisa ku socdana sariirtiisuu ku nastaa.
  • Mark 13:32 : 32 Laakiin maalintaas iyo saacaddaas ninna waxba kama oga, malaa'igaha jannada ku jira iyo Wiilka toona, midna ma oga, Aabbaha keliya maahee.
  • Luuk 23:42 : 42 Markaasuu ku yidhi, Ciisow, i xusuuso goortaad boqortooyadaada ku timaado.
  • Fal 1:7 : 7 Markaasuu iyaga ku yidhi, Dantiinna ma aha inaad ogaataan wakhtiyada iyo xilliyada uu Aabbuhu amarkiisa kaga dhigay.
  • Fal 17:31 : 31 maxaa yeelay, wuxuu dhigay maalin uu dunida si xaq ah ugu xukumi doono ninkuu doortay, taasoo uu dhammaan ugu caddeeyey sarakicidda uu isagii ka soo sara kiciyey kuwii dhintay.
  • Bil 8:1 : 1 ¶ Oo Ilaah wuxuu xusuustay Nuux, iyo wixii noolaa, iyo xoolihii doonnidii kula jiray isagii oo dhan; oo Ilaah dabayl buu dhulka dul mariyey, biyihiina way dhinmeen;
  • Ayuub 3:17-19 : 17 Halkaas kuwa sharka ahu cidna kuma sii dhibaan, Oo kuwa daallanuna halkaasay ku nastaan. 18 Maxaabiistuna halkaasay dhammaantood ku wada istareexaan, Mana ay maqlaan kii dulmi jiray codkiisa. 19 Yar iyo weynba halkaasaa la wada joogaa, Oo addoonkuna sayidkiisa waa ka xor.
  • Sab 106:4 : 4 Rabbiyow, igu soo xusuuso naxariista aad dadkaaga u qabto, Oo igu soo booqo badbaadintaada,
  • Ish 12:1 : 1 ¶ Oo maalintaas waxaad odhan doontaa, Rabbiyow, waan kuu mahadnaqayaa, waayo, in kastoo aad ii cadhaysnayd, cadhadaadii way iga rogmatay oo waad i qalbi qaboojisay.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 85%

    14Mar hadduu nin dhinto, miyuu soo noolaanayaa? Maalmaha dadaalkayga oo dhan waan iska sugi lahaa Ilaa uu isbeddelkaygu yimaado.

    15Waad ii yeedhi lahayd, oo anna waan kuu jawaabi lahaa; Oo adna waxaa damac kaa geli lahaa shuqulkii gacmahaaga.

  • 13Haddaan She'ool u rajeeyo sida gurigaygii oo kale, Ama haddaan gogoshayda gudcurka ku dhex fidsado,

  • 79%

    20Oo haddii aan dembaabay bal maxaan kuu sameeyaa Kaaga dadka ilaaliyow? Bal maxaad iiga dhigatay calaamad, Si aan nafsaddayda culaab ugu noqdo?

    21Oo bal maxaad xadgudubkayga iiga saamaxi weyday? Oo dembigaygana maxaad iiga fogayn weyday? Waayo, haatan ciiddaan ku dhex jiifsan doonaa, Aad baadna ii doondooni doontaa, laakiinse siima aan jiri doono.

  • 12Sidaas oo kalaa dadku u jiifsada oo mana uu kaco, Oo jeeray samooyinku wada baabba'aan iyagu sooma toosi doonaan, Oo hurdadoodana kama kici doonaan.

  • 77%

    18Bal maxaad iiga soo bixisay uurkii hooyaday? Waxaa wanaagsanaan lahayd in naftu iga baxdo iyadoo aan iluna i arag!

    19Waxaa igu habboonaan lahayd inaan ahaado sidii wax aan jirin, Oo waxaa ii roonaan lahayd in qabriga la ii qaado isla markii aan uurka hooyaday ka soo baxay.

    20War cimriga noloshaydu sow wax yar ma aha? Haddaba iska kay daa Oo i dhaaf, aan in yar nastee,

    21Intaanan tegin meesha aanan ka soo noqonayn, Oo ah dalka gudcur iyo hooska dhimashada,

  • 1Rabbiyow, ilaa goormaad i illoobaysaa? Ma weligaa baa? Oo ilaa goormaad wejigaaga iga qarinaysaa?

  • 1Ruuxaygii waa tabardarnaaday, cimrigaygiina waa dhammaaday, Oo qabrigu waa ii diyaar.

  • 24Bal maxaad wejigaaga u qarinaysaa, Oo aad iigu haysataa sidii mid cadow kuu ah?

  • 14Rabbiyow, bal maxaad naftayda u xooraysaa? Oo bal maxaad wejigaaga iiga qarinaysaa?

  • Sab 89:46-48
    3 aayado
    76%

    46Rabbiyow, ilaa goormaad isqarin doontaa? Ma weligaa baa? Oo ilaa goormay cadhadaadu sida dab u ololi doontaa?

    47Bal xusuuso sida wakhtigaygu u gaaban yahay, Waayo, sidaad binu-aadmiga oo dhan u abuurtay micnedarnaa!

    48Bal waa ninkee kan iska noolaan doona isagoo aan dhimasho arkin, Oo naftiisa ka samatabbixin doona xoogga She'ool? (Selaah)

  • 14Anigu waxaan iyaga ka soo furan doonaa xoogga She'oolka, oo waxaan ka soo badbaadin doonaa dhimashada. Dhimashoy, meeye belaayooyinkaagii? She'oolow, meeday baabbi'intaadii? Toobaddu indhahayga way ka qarsoonaan doontaa.

  • 75%

    19Bal yuu yahay kan ila doodayaa? Waayo, hadda waan iska aamusayaa oo naftuna waa iga dhacaysaa.

    20Laba waxyaalood oo keliya ha igu samayn, Oo anna markaas nafsaddayda wejigaaga ka qarin maayo.

  • 13Ii tudh, itaalkaygu mar ha igu soo noqdee, Intaanan meesha tegin oo aanan mar dambe ka soo noqonayn.

  • 3Waayo, cadowgaa naftayda silciyey, Noloshaydiina dhulkuu ku tuuray, Oo wuxuu iga dhigay inaan meelo gudcur ah dego, sidii kuwii waagii hore dhintay.

  • 5Waayo, geeridu ma leh xusuus adiga lagugu xusuusto, Bal yaase She'ool kaaga mahadnaqi doona?

  • 7Rabbiyow, dhaqso iigu soo jawaab, waayo, naftaydu way itaal darnaataa. Wejigaaga ha iga qarin, Waaba intaasoo aan noqdaa sida kuwa godka ku dhaca oo kale.

  • 21Oo dhimasho u xiisooda, oo ayan u imanayn, Oo daraaddeed dhulka u qodqoda intuu khasnado qarsoon qodi lahaa in ka sii badan,

  • 74%

    15Sidaas daraaddeed naftaydu waxay lafahayga ka doorataa Ceejin iyo geeri.

    16Noloshayda waan nacsanahay, oo dooni maayo inaan weligay sii noolaado; War iska kay daa, waayo, cimrigaygu waa neefsasho oo kale.

  • 3Haddaba ma mid sidaas oo kalaad indhaha u kala qaadaysaa? Oo ma anigaad xukun ila soo gelaysaa?

  • 74%

    14Haddaba hilibkayga ayaan ilkahayga ku qaadayaa, Oo noloshaydana gacantaydaan ku ridayaa.

    15Oo in kastoo uu i dilo, weli waan rajaynayaa, Habase yeeshee hortiisaan kula xaajoonayaa.

  • 10Anigu waxaan is-idhi, Cimrigayga oo badh ah ayaan irdihii She'ool sii mari doonaa, Oo intii cimrigayga ka hadhayna waa layga qaaday.

  • 23Waayo, waan ogahay inaad ii kaxaynaysid dhimasho, Iyo guriga inta nool oo dhammu ku wada kulmayaan.

  • 6Wuxuu iga dhigay inaan meelo gudcur ah dego sidii kuwii waagii hore dhintay.

  • Ayuub 6:8-10
    3 aayado
    74%

    8Hahe bal maan helo waxa aan u baryootamo, Oo Ilaah bal muu i siiyo waxa aan u xiisoodo!

    9Oo xataa Ilaah bal muu iska jeclaado inuu i burburiyo, Oo bal muu gacantiisa iga sii daayo oo i baabbi'iyo!

    10Markaas waan istareexi lahaaye, Oo waxaan u adkaysan lahaa xanuun aan ii tudhayn, Waayo, ma aanan diidin Kan Quduuska ah erayadiisii.

  • 3Waxaan jeclaan lahaa inaan ogaado meeshaan isaga ka heli karo, Si aan kursigiisa ugu imaado!

  • 13Si aad uga nasiso maalmaha belaayada Inta kan sharka lahaa godka loo qodayo.

  • 17Rabbiyow, yaanan ceeboobin, waayo, adigaan kuu qayshaday, Kuwa sharka lahu ha ceeboobeen, oo She'ool ha ku dhex aamuseen.

  • 73%

    15Bal markaas meeday rajadaydu? Oo bal yaase rajadayda arki doona?

    16Waxay hoos ugu dhaadhici doontaa qataarrada She'ool, Markaannu ciidda wada galno.

  • 9Bal markaan yamayska ku dego, maxaa faa'iido ah oo dhiiggayga ku jirta? Ma ciiddaa ku ammaanaysa? Oo ma runtaaday sheegaysaa?

  • 13Waayo, hadda xasilloonaan baan ku jiifi lahaa; Oo waan iska seexan lahaa, oo waan nasan lahaa,

  • 17Naftaydii nabad waad ka fogaysay, oo barwaaqo iyo wanaag waan illoobay.

  • 3Rabbiyow, waxaad naftaydii kor uga qaadday She'ool, Oo waad i sii noolaysay si aanan yamayska ugu dhicin.

  • 12Rugtaydii waa layga fogeeyey, oo sidii adhijir teendhadiis ayaa la iiga qaaday. Sida dharsameeye ayaan noloshaydii u duudduubay, oo wuxuu iga gooynayaa alaabtiisa uu dharka ku sameeyo, Oo maalin ilaa habeenba waad i sii dhammaystiraysaa.

  • 15Laakiinse Ilaah naftayda wuu ka soo furan doonaa xoogga She'ool, Waayo, wuu i aqbali doonaa. (Selaah)

  • 6Waxaad igu ridday yamayska ugu hooseeya, Iyo gudcurka, iyo meelaha dhaadheer.

  • 5Waayo, isagu maalinta dhibta wuxuu igu qarin doonaa teendhadiisa, Oo meesha qarsoon oo taambuuggiisa ayuu igu xasayn doonaa, Kor buu ii qaadi doonaa oo dhagax weyn buu i saari doonaa.

  • 17Maxaa yeelay, gudcurka hortiis layma baabbi'in, Oo gudcurkii qarada lahaana wejigayga kama uu daboolin.