Sabuurradii 31:17

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Rabbiyow, yaanan ceeboobin, waayo, adigaan kuu qayshaday, Kuwa sharka lahu ha ceeboobeen, oo She'ool ha ku dhex aamuseen.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sab 25:2-3 : 2 Ilaahayow, adigaan isku kaa halleeyey, Haddaba yaanan ceeboobin, Oo yaan cadaawayaashaydu ii faanin. 3 Kuwa adiga ku suga midkoodna ceeboobi maayo, Laakiinse waxaa ceeboobi doona kuwa khiyaanada ku macaamilooda sababla'aan.
  • Sab 115:17 : 17 Kuwii dhintay Rabbiga ma ay ammaanaan, Kuwa hoos ugu dhaadhaca meesha aamusnaantana ma ay ammaanaan isaga,
  • Ish 41:11-12 : 11 Bal eega, kuwa idinku cadhaysan oo dhammu way wada ceeboobi doonaan, wayna sharafjabi doonaan, oo kuwa idinla dirirayaana waxay noqon doonaan sida wax aan jirin, wayna wada halligmi doonaan. 12 Waad doondooni doontaan, mana aad heli doontaan, xataa kuwa idinla diriraya, kuwa idinla dagaallamayaana waxay noqon doonaan sida wax aan jirin oo kale, iyo sida wax baabbah ah.
  • 1 Sam 2:9 : 9 Kuwiisa quduuska ah cagahooda isagaa dhawri doona, Laakiinse kuwa sharka leh waxaa lagu aamusiin doonaa gudcur dhexdiis; Waayo, ninna xoog kuma adkaan doono.
  • Sab 40:14-15 : 14 Kuwa doonaya inay naftayda halligaan ha ceeboobeen, Oo dhammaantood ha wareereen, Oo kuwa waxyeelladayda ku farxana Dib ha loo celiyo, oo sharafdarro ha ku soo degto. 15 Kuwa aniga, Ahaa, Ahaa, igu yidhaahda, Ceebtooda daraaddeed ha la fajeceen.
  • Sab 69:6-7 : 6 Sayidow, Ilaaha ciidammadow, kuwa ku sugaya yaanan ceeb u soo jiidin, Ilaaha reer binu Israa'iilow, kuwa ku doondoonaya yaanan sharafjab u soo jiidin. 7 Maxaa yeelay, adiga daraaddaa ayaan cay u qaaday, Oo waxaa wejigaygii ka muuqatay ceeb.
  • Sab 71:24 : 24 Oo weliba carrabkayguna maalinta oo dhan wuxuu ka sheekayn doonaa xaqnimadaada, Waayo, kuwa waxyeelladayda doondoonayaa way ceeboobaan, oo way isku wareeraan.
  • Sab 94:17 : 17 Rabbigu haddaanu i caawin, Hadda naftaydu waxay joogi lahayd meesha aamusnaanta.
  • Sab 70:2-3 : 2 Kuwa doondoonaya inay naftayda iga qaadaan Ha ceeboobeen oo ha wareereen, Oo kuwa waxyeelladayda ku farxaana Dib ha u noqdeen oo ha sharaf beeleen. 3 Kuwa Ahaa, Ahaa, lahu, Ceebtooda dib ha ula noqdeen.
  • Sab 34:5 : 5 Iyagu waxay fiiriyeen isaga, oo way iftiimeen, Oo wejigooduna weligood ceeboobi maayo.
  • Sab 35:4 : 4 Kuwa naftayda doondoonayaa ha ceeboobeen, oo sharafdarro ha ku soo degto, Oo kuwa waxyeelladayda u arrinsanayana dib ha loo celiyo, oo ha wareereen.
  • Sab 35:26 : 26 Kuwa waxyeelladayda ku reyreeyaa ha wada ceeboobeen oo ha isku wareereen dhammaantood, Oo iyagu ha huwadeen ceeb iyo sharafdarro kuwa iska kay weynaysiiyaa.
  • Ish 45:16-17 : 16 Iyagu dhammaantood way ceeboobi doonaan oo giddigoodna way sharafjabi doonaan, oo kuwa sanamyo sameeya oo dhammu way wada qasmi doonaan. 17 Laakiinse Rabbigu wuxuu reer binu Israa'iil ku badbaadin doonaa badbaado daa'im ah, oo idinku weligiin iyo weligiinba ma aad ceeboobi doontaan, mana aad sharafjabi doontaan.
  • Yer 20:11 : 11 Laakiinse Rabbigu waa ila jiraa isagoo ah sidii mid xoog badan oo cabsi leh, oo sidaas daraaddeed kuwa i silciyaa way turunturoon doonaan, oo igama ay adkaan doonaan. Ma ay liibaanin oo taas daraaddeed aad iyo aad bay ugu ceeboobi doonaan ceeb weligeed ah oo aan marnaba la illoobi doonin.
  • Daan 12:2 : 2 Oo qaar badan oo ku hurda ciidda dhulka ayaa soo toosi doona, qaarkood waxay u soo toosi doonaan nolol weligeed ah, qaarkoodna waxay u soo toosi doonaan ceeb iyo quudhsasho weligeed ah.
  • Yoel 2:26-27 : 26 Oo idinku wax badan baad cuni doontaan oo waad dhergi doontaan, oo waxaad ammaani doontaan magaca Rabbiga Ilaahiinna ah oo waxa yaabka badan idiin sameeyey, oo dadkayguna innaba ma ay ceeboobi doonaan. 27 Oo markaas waxaad ogaan doontaan inaan dadka Israa'iil dhex joogo, iyo inaan anigu ahay Rabbiga Ilaahiinna ah, oo aan ilaah kale jirin, oo dadkayguna innaba ma ay ceeboobi doonaan.
  • Mat 22:12-13 : 12 oo wuxuu ku yidhi, Saaxiibow, sidee baad halkan u soo gashay adigoo aan dharkii arooska qabin? Wuuna iska aamusay. 13 Markaasaa boqorkii wuxuu midiidinyadii ku yidhi, Lugaha iyo gacmaha ka xidha, oo gudcurka dibadda ah ku tuura; halkaas waxaa jiri doonta baroor iyo ilko jirriqsi.
  • Ish 50:6-7 : 6 Kuwii i karbaashay ayaan dhabarkaygii u duway, oo kuwii timaha iga rifayna dhabannadaydaan u duway. Wejigaygiina ceeb iyo candhuuf toona kama aan qarin. 7 Waayo, waxaa i caawin doona Sayidka Rabbiga ah, oo sidaas daraaddeed ma aan sharafjabin, oo sidaas daraaddeed ayaan wejigaygii uga dhigay sidii dhagaxmadow oo kale, oo waxaan ogahay inaanan ceeboobi doonin.
  • Ish 65:13-14 : 13 ¶ Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, addoommadaydu wax bay cuni doonaan, idinkuse waad gaajaysnaan doontaan, addoommadaydu wax bay cabbi doonaan, idinkuse waad harraadsanaan doontaan, addoommadaydu way rayrayn doonaan, idinkuse waad ceeboobi doontaan, 14 addoommadaydu farxadda qalbigooda ayay la gabyi doonaan, idinkuse murugta qalbigiinna ayaad la ooyi doontaan, oo dhibta ruuxiinna ayaad la barooran doontaan.
  • Sab 6:10 : 10 Cadaawayaashayda oo dhammu way wada ceeboobi doonaan, oo aad iyo aad bay u dhibtoon doonaan, Dib bay u noqon doonaan, oo si kediso ah ayay u ceeboobi doonaan.
  • Sab 31:1 : 1 Rabbiyow, adigaan isku kaa halleeyaa, yaanan weligayba ceeboobin, Oo xaqnimadaada igu samatabbixi.
  • Sab 83:16-17 : 16 Rabbiyow, wejigoodu wareer ha ka buuxsamo, Si ay magacaaga u doondoonaan. 17 Weligood ha ceeboobeen, hana baqeen, Ha wareereen, hana baabbe'een,

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 18Ha carrab beeleen kuwa beenta sheegaa, Oo kan xaqa ah si qallafsan wax uga sheega, Iyagoo kibir iyo quudhsasho leh.

  • 1Rabbiyow, adigaan isku kaa halleeyaa, yaanan weligayba ceeboobin, Oo xaqnimadaada igu samatabbixi.

  • Sab 40:14-15
    2 aayado
    76%

    14Kuwa doonaya inay naftayda halligaan ha ceeboobeen, Oo dhammaantood ha wareereen, Oo kuwa waxyeelladayda ku farxana Dib ha loo celiyo, oo sharafdarro ha ku soo degto.

    15Kuwa aniga, Ahaa, Ahaa, igu yidhaahda, Ceebtooda daraaddeed ha la fajeceen.

  • Sab 83:16-17
    2 aayado
    76%

    16Rabbiyow, wejigoodu wareer ha ka buuxsamo, Si ay magacaaga u doondoonaan.

    17Weligood ha ceeboobeen, hana baqeen, Ha wareereen, hana baabbe'een,

  • Sab 35:24-26
    3 aayado
    76%

    24Rabbiyow, Ilaahayow, igu xukun sida ay xaqnimadaadu tahay, Oo yaanay igu rayrayn.

    25Yaanay qalbigooda iska odhan, Ahaa, sidaasaannu doonaynaa, Yaanay odhan, Isagii waannu liqnay.

    26Kuwa waxyeelladayda ku reyreeyaa ha wada ceeboobeen oo ha isku wareereen dhammaantood, Oo iyagu ha huwadeen ceeb iyo sharafdarro kuwa iska kay weynaysiiyaa.

  • 20Naftayda dhawr, oo i samatabbixi, Oo yaanan ceeboobin, waayo, waan isku kaa halleeyaa.

  • Sab 25:2-3
    2 aayado
    76%

    2Ilaahayow, adigaan isku kaa halleeyey, Haddaba yaanan ceeboobin, Oo yaan cadaawayaashaydu ii faanin.

    3Kuwa adiga ku suga midkoodna ceeboobi maayo, Laakiinse waxaa ceeboobi doona kuwa khiyaanada ku macaamilooda sababla'aan.

  • 1Rabbiyow, adigaan kuu qayshan doonaa, Dhagaxayga weynow, ha iska kay dhega tirin, Waaba intaas oo haddaad iga aamusto, Aan noqdaa sida kuwa yamayska hoos ugu dhaadhaca.

  • 78Kuwa kibirka lahu ha ceeboobeen, waayo, si gardarro ah ayay igu afgembiyeen, Aniguse waxaan aad uga fiirsan doonaa amarradaada.

  • 21Kuwa la dulmay yaanay dib u noqon iyagoo ceeboobay, Miskiinka iyo kan baahanu magacaaga ha ammaaneen.

  • Sab 69:6-7
    2 aayado
    74%

    6Sayidow, Ilaaha ciidammadow, kuwa ku sugaya yaanan ceeb u soo jiidin, Ilaaha reer binu Israa'iilow, kuwa ku doondoonaya yaanan sharafjab u soo jiidin.

    7Maxaa yeelay, adiga daraaddaa ayaan cay u qaaday, Oo waxaa wejigaygii ka muuqatay ceeb.

  • Yer 17:17-18
    2 aayado
    74%

    17Cabsi ha ii noqonin, waayo, maalinta masiibada waxaad tahay magangalkii aan magangalo.

    18Kuwa i silciya ha ceeboobeen, laakiinse anigu yaanan ceeboobin, oo iyagu ha nexeen, laakiinse anigu yaanan nixin. Maalinta masiibada ku soo deji, oo waxaad iyaga ku halligtaa halligaad laba jibbaar ah.

  • 80Qalbigaygu qaynuunnadaada ha ku qummanaado, Si aanan u ceeboobin.

  • 13Hahe bal maad She'ool igu qarisid, Oo bal maad meel qarsoon igu haysid ilaa cadhadaadu dhaafto, Oo bal maad wakhti go'an ii qabatid, oo aad i soo xusuusatid!

  • 2Kuwa doondoonaya inay naftayda iga qaadaan Ha ceeboobeen oo ha wareereen, Oo kuwa waxyeelladayda ku farxaana Dib ha u noqdeen oo ha sharaf beeleen.

  • 31Markhaatifurkaaga waan xajiyaa, Rabbiyow, ha i ceebayn.

  • 7Rabbiyow, dhaqso iigu soo jawaab, waayo, naftaydu way itaal darnaataa. Wejigaaga ha iga qarin, Waaba intaasoo aan noqdaa sida kuwa godka ku dhaca oo kale.

  • 4Kuwa naftayda doondoonayaa ha ceeboobeen, oo sharafdarro ha ku soo degto, Oo kuwa waxyeelladayda u arrinsanayana dib ha loo celiyo, oo ha wareereen.

  • 13Kuwa naftayda cadaawayaal ku ahu ha ceeboobeen oo ha baabba'een, Oo kuwa waxyeelladayda doondoonayana ceeb iyo sharafdarro ha ku bateen.

  • 72%

    28Iyagu ha habaartameen, adiguse i barakee, Kolkay kacaan, way ceeboobi doonaan, laakiinse anigoo addoonkaaga ah waan rayrayn doonaa.

    29Cadaawayaashaydu sharafdarro ha xidheen, Oo ceebtooda ha u huwadeen sida go' oo kale.

  • 1Rabbiyow, adigaan isku kaa halleeyaa, Yaanan weligay wareerin.

  • 8Xadgudubyadayda oo dhan iga samatabbixi, Oo ha iga dhigin mid nacasyadu caayaan.

  • 15Biyaha daadka ahuna yaanay i qarqin, Oo yaan moolku i liqin, Oo yamayskuna yaanu afkiisa igu qabsan.

  • 116Rabbiyow, ii tiiri si eraygaaga waafaqsan si aan u noolaado, Oo yaanan rajadayda ku ceeboobin.

  • 10Cadaawayaashayda oo dhammu way wada ceeboobi doonaan, oo aad iyo aad bay u dhibtoon doonaan, Dib bay u noqon doonaan, oo si kediso ah ayay u ceeboobi doonaan.

  • 11Cagta kuwa kibirsan yaanay ii iman, Oo kuwa sharka leh gacantooduna yaanay i eryin.

  • 11Laakiinse Rabbigu waa ila jiraa isagoo ah sidii mid xoog badan oo cabsi leh, oo sidaas daraaddeed kuwa i silciyaa way turunturoon doonaan, oo igama ay adkaan doonaan. Ma ay liibaanin oo taas daraaddeed aad iyo aad bay ugu ceeboobi doonaan ceeb weligeed ah oo aan marnaba la illoobi doonin.

  • 3Amase faankaagu miyuu dadka aamusiin karaa? Oo markaad majaajilootid miyaan ninna ku kashifi karin?

  • 17Kuwii dhintay Rabbiga ma ay ammaanaan, Kuwa hoos ugu dhaadhaca meesha aamusnaantana ma ay ammaanaan isaga,

  • 13Rabbiyow, kac, Oo isaga ka hor tag, oo dhulka hoos ugu tuur, Oo naftaydana kan sharka leh seeftaada kaga samatabbixi,

  • 10Waaba intaas oo uu ku caayaa kii maqlaa, Oo aanay ceebtaadu kaa hadhin.

  • 3Markii aan iska aamusay, lafahaygii way gaboobeen, Maxaa yeelay, maalintii oo dhan baan cabaadayay.

  • 16Wejigaaga anoo addoonkaaga ah igu iftiimi, Oo igu badbaadi raxmaddaada.

  • 15Maalinta oo dhan sharafdarradaydu way i hor taal, Oo waxaa iga muuqatay ceebtii wejigayga,

  • 3Rabbiyow, waxaad naftaydii kor uga qaadday She'ool, Oo waad i sii noolaysay si aanan yamayska ugu dhicin.

  • 4Waaba intaasoo cadowgaygu yidhaahdaa, Anigu isagaan ka adkaaday, Oo ay cadaawayaashaydu farxaan markii lay dhaqaajiyo.

  • 22Rabbiyow, adigu waad aragtay, haddaba ha iska aamusin, Sayidow, ha iga fogaan.

  • 18Waayo, She'ool kuguma mahadnaqi karo, oo dhimashaduna kuma ammaani karto, Oo kuwa yamayska hoos ugu dhacana runtaada rajo kama qabi karaan.

  • 6Markaas anigu ceeboobi maayo, Markaan dhawro amarradaada oo dhan.

  • 18Dhulkow, dhiiggayga ha qarinin, Oo qayladayduna yaanay meelay ku nasato lahaan.

  • 22Kuwa ku neceb waxay xidhan doonaan ceeb, Teendhada sharrowyaduna mar dambe siima jiri doonto.

  • 46Oo weliba waxaan markhaatifurkaaga ka sheegi doonaa boqorro hortooda, Mana ceeboobi doono.