Sabuurradii 13:4

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Waaba intaasoo cadowgaygu yidhaahdaa, Anigu isagaan ka adkaaday, Oo ay cadaawayaashaydu farxaan markii lay dhaqaajiyo.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sab 25:2 : 2 Ilaahayow, adigaan isku kaa halleeyey, Haddaba yaanan ceeboobin, Oo yaan cadaawayaashaydu ii faanin.
  • Sab 38:16 : 16 Waayo, waxaan idhi, Yaanay igu rayrayn, Oo markii cagtaydu simbiriirixato, yaanay iska kay weynayn.
  • Yer 1:19 : 19 Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Iyagu way kula diriri doonaan, laakiinse kaama ay adkaan doonaan, waayo, waan kula jiraa inaan ku samatabbixiyo.
  • Bar 1:16 : 16 Waxyaalahan daraaddood ayaan la ooyayaa, oo indhahayga ilmaa ka daadanaysa, Maxaa yeelay, kii i qalbi qaboojin lahaa oo naftayda u raaxayn lahaa waa iga fog yahay. Carruurtaydii way cidloobeen, maxaa yeelay, cadowgii baa iga adkaaday.
  • Yex 35:12-15 : 12 Oo waxaad ogaan doontaa inaan anigoo Rabbiga ah maqlay caydaadii aad buuraha reer binu Israa'iil ku cayday oo dhan, adoo lahaa, Iyaga cidlaa laga dhigay, oo annagaa lanoo siiyey inaan baabbi'inno. 13 Afkaagaad ku faantay oo isaga kay weynaysay, oo erayadaadiina waad igu badisay, oo anigu kulligood waan wada maqlay. 14 Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Iyadoo dunida oo dhammu ay rayraynayso ayaan cidla kaa dhigi doonaa. 15 Sidaad dhaxalka reer binu Israa'iil ugu rayraysay markuu cidlada noqday sidaas oo kalaan kaa dhigi doonaa. Buur Seciiray, cidla baad noqon doontaa, dhammaantiin adiga iyo reer Edom oo dhammuba, oo markaasay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.
  • Sab 55:22 : 22 Culaabtaada Rabbiga saar, oo isna wuu ku xanaanayn doonaa, Waayo, isagu kan xaqa ah marnaba u dayn maayo in la dhaqaajiyo.
  • Sab 62:2 : 2 Isaga oo qudha ayaa dhagaxayga weyn iyo badbaadadaydaba ah, Isagu waa munaaraddayda, oo aniga aad lay dhaqaajin maayo.
  • Sab 62:6 : 6 Isaga oo qudha ayaa dhagaxayga weyn iyo badbaadadaydaba ah, Isagu waa munaaraddayda, oo aniga layma dhaqaajin doono.
  • Sab 112:6 : 6 Waayo, isaga weligiis lama dhaqaajin doono, Oo kii xaq ah weligiisba waa la xusuusan doonaa.
  • Sab 121:1-3 : 1 Buurahaan indhahayga ku taagi doonaa, Caawimaaddaydu xaggee bay ka iman doontaa? 2 Caawimaaddaydu waxay ka timaadaa Rabbiga sameeyey samada iyo dhulka. 3 Isagu uma oggolaan doono in cagtaada la dhaqaajiyo, Kan ku dhawraa ma gam'i doono.
  • Maah 12:3 : 3 Ninna shar kuma dhismi doono, Laakiinse kuwa xaqa ah xididkooda weligiis lama dhaqaajin doono.
  • Sab 35:19 : 19 Kuwa sida qaladka ah cadowga iigu ahi, yaanay igu rayrayn, Oo kuwa sababla'aanta ii necebuna yaanay isu il jebin.
  • Sab 35:25 : 25 Yaanay qalbigooda iska odhan, Ahaa, sidaasaannu doonaynaa, Yaanay odhan, Isagii waannu liqnay.
  • Yash 7:9 : 9 Maxaa yeelay, reer Kancaan iyo kuwa dalka deggan oo dhammu waxay maqli doonaan warkaas, oo markaasay na hareerayn doonaan oo ay magacayaga dhulka ka tiri doonaan; oo markaas maxaad u samaynaysaa magacaaga weyn?
  • Sab 9:19 : 19 Rabbiyow, sara joogso, oo dadku yaanay adkaan. Quruumaha hortaada ha lagu xukumo.
  • Sab 10:11 : 11 Oo wuxuu isyidhaahdaa, Ilaah waa i illoobay, Oo wejigiisiina wuu qariyey, weligiisna ima arki doono.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 16Waayo, waxaan idhi, Yaanay igu rayrayn, Oo markii cagtaydu simbiriirixato, yaanay iska kay weynayn.

  • Sab 41:10-11
    2 aayado
    80%

    10Laakiinse, Rabbiyow, ii naxariiso, oo mar i sara jooji, Aan iyaga ka aar goostee.

    11Tan ayaan ku garanayaa inaad igu faraxsan tahay, Maxaa yeelay, cadowgaygu igama guulaysto.

  • Sab 13:2-3
    2 aayado
    79%

    2Ilaa goormaan naftayda la tashanayaa, Anigoo maalinta oo dhan calool xun? Ilaa goormuu cadowgaygu iga sarraynayaa?

    3Rabbiyow Ilaahayow, waxaas u fiirso, oo ii jawaab, Indhahayga iftiimi, yaanan hurdadii geerida seexanine,

  • 19Kuwa sida qaladka ah cadowga iigu ahi, yaanay igu rayrayn, Oo kuwa sababla'aanta ii necebuna yaanay isu il jebin.

  • 5Laakiinse anigu waxaan isku halleeyey naxariistaada, Oo qalbigayguna wuxuu ku rayrayn doonaa badbaadintaada.

  • 10Waayo, cadaawayaashaydu waxay ka hadlaan wax igu saabsan, Oo kuwa naftayda inay iga qaadaan doonayaana way wada arrinsadaan,

  • Sab 7:4-6
    3 aayado
    78%

    4Haddii aan shar ugu abaalguday mid ila nabad ah, (Haah, oo waxaan samatabbixiyey kii sababla'aan cadowga iigu ahaa,)

    5De markaas cadowgu naftayda ha eryado, oo ha qabsado, Oo isagu ha igu tunto, Oo sharaftaydana ciidda ha ku rido. (Selaah)

    6Rabbiyow, cadhadaada la kac, Oo ku kac dhirifka cadaawayaashayda, Aniga daraadday u sara joogso, waayo, waxaad amartay xukun.

  • 24Rabbiyow, Ilaahayow, igu xukun sida ay xaqnimadaadu tahay, Oo yaanay igu rayrayn.

  • 7Cadowgaygu sida sharrow ha noqdo, Oo kii igu kacaana sida mid xaqdaran ha noqdo.

  • 10Ilaahayga naxariista leh ayaa i hor iman doona, Oo waxaan doonayana Ilaah wuxuu iga tusi doonaa cadaawayaashayda.

  • 5Cadaawayaashaydu shar bay iga sheegaan, oo waxay yidhaahdaan, War goormuu dhiman doonaa, oo magiciisu baabbi'i doonaa?

  • 12Waayo, kii i caayay cadaawe ma ahayn, Maxaa yeelay, waan u adkaysan kari lahaa, Mana ahayn kii i necbaa oo iska kay weyneeyey, Maxaa yeelay, waan ka dhuuman lahaa isaga,

  • 29Haddaan ku reyreeyey kan i neceb halligaaddiisa, Ama aan aad u farxay markii belaayadu isaga heshay,

  • 24Bal maxaad wejigaaga u qarinaysaa, Oo aad iigu haysataa sidii mid cadow kuu ah?

  • Yer 20:10-11
    2 aayado
    76%

    10Waayo, waxaan maqlay kuwa badan oo i caayaya, iyo cabsi dhan kasta iga wareegsan. Oo waxay yidhaahdaan, Soo ashtakeeya oo annana waannu ashtakaynaynaa. Kuwii ila nabad ahaa oo dhammu waxay sugayaan dhiciddayda, oo waxay yidhaahdaan, Mindhaa isaga waa la khiyaanayn doonaa, oo waannu ka adkaan doonnaa, oo waannu aargudan doonnaa.

    11Laakiinse Rabbigu waa ila jiraa isagoo ah sidii mid xoog badan oo cabsi leh, oo sidaas daraaddeed kuwa i silciyaa way turunturoon doonaan, oo igama ay adkaan doonaan. Ma ay liibaanin oo taas daraaddeed aad iyo aad bay ugu ceeboobi doonaan ceeb weligeed ah oo aan marnaba la illoobi doonin.

  • 2Ilaahayow, adigaan isku kaa halleeyey, Haddaba yaanan ceeboobin, Oo yaan cadaawayaashaydu ii faanin.

  • 1Rabbiyow, cadaawayaashaydu fara badanaa! Kuwa igu kacaa aad bay u badan yihiin.

  • 19Bal fiiri cadaawayaashayda, waayo, way badan yihiin, Oo waxay igu neceb yihiin nacayb dulmi miidhan ah.

  • Sab 27:2-3
    2 aayado
    76%

    2Markii xumaanfalayaashu iigu yimaadeen inay hilibkayga cunaan, Kuwaasoo ah cadaawayaashayda iyo colkayga, way turunturoodeen, wayna dheceen.

    3In kastoo ciidan col ah i ag dego, Qalbigaygu cabsan maayo, In kastoo dagaal igu soo kaco, Xataa markaas waan kalsoonaanayaa.

  • 27Haddaanan ka cabsanin cadowga cadhadiisa, Waaba intaasoo ay cadaawayaashoodu si xun u macaamiloodaan, Oo ay yidhaahdaan, Gacantayadii waa sarraysaa, Oo waxyaalahan oo dhan Rabbigu ma uu samayn.

  • 8¶ Cadowgaygow, ha igu farxin. Goortaan dhoco waan kici doonaa, oo goortaan gudcur fadhiistana Rabbiga ayaa iftiin ii noqon doona.

  • 21Inaan taahayo waa la maqlay, ninnase ima qalbi qaboojiyo. Cadaawayaashaydii oo dhammu dhibaatadaydii way maqleen, oo inaad saas igu samaysay way ku faraxsan yihiin. Waad keeni doontaa maalintii aad ka hadashay, oo iyaguna sidaydoo kalay noqon doonaan.

  • 10Bal eeg, sabab uu igu eedeeyo ayuu iga helaa, Oo wuxuu igu tiriyaa inaan cadowgiisa ahay;

  • 12Oo gacanta ha ii gelin cadaawayaashayda, Waayo, waxaa igu kacay markhaatiyaal been ah iyo kuwa nacweynaanta ku hadla.

  • 3Waayo, cadowgaa naftayda silciyey, Noloshaydiina dhulkuu ku tuuray, Oo wuxuu iga dhigay inaan meelo gudcur ah dego, sidii kuwii waagii hore dhintay.

  • 19Laakiinse cadaawayaashaydu waa dadaal badan yihiin, xoogna way leeyihiin, Oo kuwa gardarrada igu necebuna way tarmeen.

  • 7Rabbigu waa ila jiraa, oo wuxuu ku dhex jiraa kuwa i caawinaya, Haddaba waxaan kuwa i neceb ku arki doonaa waxaan doonayo.

  • 13Rabbiyow, ii naxariiso, Bal eeg dhibaatada ay kuwa i necebu igu hayaan. Waxaad kor iiga qaaddaa irdaha dhimashada,

  • 13Waayo, waxaan maqlay kuwo badan oo caytamaya, Iyo cabsi dhan kasta igaga wareegsan, Oo intay ii wada tashadeen, Ayay waxay ku arrinsadeen inay nafta iga qaadaan.

  • 3Cadaawayaashaydu markii ay dib u noqdaan, Way kufaan, oo waxay ku halligmaan hortaada.

  • 6Aniguse intaan barwaaqaysnaa waxaan idhi, Weligay dhaqdhaqaaqi maayo.

  • 7Naxariistaada waan ku farxi doonaa, waanan ku rayrayn doonaa, Waayo, dhibaatadii igu dhacday waad aragtay, Waanad ogayd qaxarka naftaydu ku jirtay,

  • 3Waayo, shisheeyayaal baa igu kacay, Oo rag dulmi badan ayaa doonayay inay nafta iga qaadaan, Iyagu Ilaah kama fikirin. (Selaah)

  • 26Kuwa waxyeelladayda ku reyreeyaa ha wada ceeboobeen oo ha isku wareereen dhammaantood, Oo iyagu ha huwadeen ceeb iyo sharafdarro kuwa iska kay weynaysiiyaa.

  • 3Sababtuna waxaa weeye codka cadowga daraaddiis, Iyo kan sharka leh cadaadintiisa daraaddeed, Waayo, iyagu xumaan bay igu tuuraan, Maxaa yeelay, cadho ayay igu silciyaan.

  • 14Kuwa doonaya inay naftayda halligaan ha ceeboobeen, Oo dhammaantood ha wareereen, Oo kuwa waxyeelladayda ku farxana Dib ha loo celiyo, oo sharafdarro ha ku soo degto.

  • 17Ha rayrayn markuu cadowgaagu dhaco, Oo qalbigaaguna yaanu farxin markuu turunturoodo,

  • 9Waxaad iga qarisaa kuwa sharka leh oo i kharriba, Kuwaas oo ah cadaawayaasha naftayda oo hareerahayga ku wareegsan.

  • 41Oo cadaawayaashaydiina waxaad ka dhigtay inay dhabarka ii jeediyaan, Si aan u kala gooyo kuwa i neceb.

  • 20Tanu waa abaalmarinta cadaawayaashaydu ay xagga Rabbiga ka helaan, Iyo kuwa naftayda xumaan ka sheegaba.

  • 9Waxaan Ilaaha dhagaxayga weyn ah ku odhan doonaa, Bal maxaad ii illowday? Dulmiga cadowga daraaddiis bal maxaan ula sii cabaadaa?

  • 2Waayo, waxaad tahay Ilaaha xoogga ii ah, bal maxaad ii xoortay? Dulmiga cadowga daraaddiis bal maxaan ula sii cabaadaa?

  • 15Laakiinse anigu markaan turunturooday ayay reyreeyeen, oo way isa soo wada urursadeen, Oo waxmatarayaashii ayaa dhammaantood ii wada shiray, oo anna ma aan ogayn innaba, Way i dildillaacsadeen oo imana ay dayn.

  • 7Waayo, isagu wuxuu iga samatabbixiyey dhibaato oo dhan, Oo ishayduna waxay cadaawayaashayda ku aragtay wixii aan doonayay.