Sharciga Kunoqoshadiisa 32:27

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Haddaanan ka cabsanin cadowga cadhadiisa, Waaba intaasoo ay cadaawayaashoodu si xun u macaamiloodaan, Oo ay yidhaahdaan, Gacantayadii waa sarraysaa, Oo waxyaalahan oo dhan Rabbigu ma uu samayn.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sab 140:8 : 8 Rabbiyow, kuwa sharka leh ha siin waxay doonayaan, Oo horay ha u sii wadin xeeladdooda sharka ah, waaba intaasoo ay kor isu qaadaane. (Selaah)
  • Ish 10:8-9 : 8 Waayo, isagu wuxuu leeyahay, Amiirradaydu dhammaantood sow boqorro ma aha? 9 Kalnoo sow ma aha sida Karkemiish? Xamadna sow ma aha sida Arfaad? Samaariyana sow ma aha sida Dimishaq oo kale? 10 Sidii ay gacantaydu u gaadhay boqortooyooyinkii sanamyada, oo ay taswiirahoodii la xardhay ka sii badnayeen kuwa Yeruusaalem iyo Samaariya, 11 iyo sidii aan Samaariya iyo sanamyadeedii ku sameeyey oo kale, miyaanan Yeruusaalem iyo sanamyadeedaba ku samayn doonin? 12 ¶ Sidaas daraaddeed markii Sayidku shuqulkiisa oo dhan ku dhammaystiro Buur Siyoon iyo Yeruusaalem, wuxuu odhan doonaa, Boqorka Ashuur ayaan u ciqaabi doonaa midhaha qalbigiisa isla weyn iyo faanka indhihiisa kibrayba. 13 Waayo, isagu wuxuu yidhi, Tan waxaan ku sameeyey xoogga gacantayda iyo xigmaddayda, maxaa yeelay, miyir baan leeyahay, oo waxaan durkiyey dadyowga soohdintooda, khasnadahoodiina waan dhacay, oo sidii nin geesi ah oo kale ayaan kuwii carshiyada ku fadhiyey u soo dejiyey. 14 Oo gacantayduna waxay maalkii dadka u heshay sidii buul shimbireed oo kale, oo sida loo soo ururiyo ukumo laga tegey ayaan u soo ururiyey dhulka oo dhan, oo lamana arag mid baal dhaqaajiyey, ama afka kala qaaday, amase ciyey. 15 Miyuu faasku ka faanaa kan isaga wax ku gooya? Minshaartuna miyey iska sii weynaysaa kan iyada ku shaqeeya? Waa sida haddii ulu iska gilgisho kuwa iyada kor u qaada, amase sida hangool kor u qaada kan aan qori ahayn?
  • Ish 37:10 : 10 Xisqiyaah oo ah boqorka dalka Yahuudah waxaad ku tidhaahdaan, Ilaahaaga aad isku hallaysaa yuusan ku khiyaanayn, isagoo kugu leh, Yeruusaalem gacanta loo gelin maayo boqorka Ashuur.
  • Ish 37:12-23 : 12 Quruumihii ay awowayaashay baabbi'iyeen ilaahyadoodii miyey samatabbixiyeen kuwaasoo ahaa Goosaan, iyo Xaaraan, iyo Resef, iyo reer Ceeden oo Telasaar degganaa? 13 Oo bal meeye boqorkii Xamaad, iyo boqorkii Arfaad, iyo boqorkii magaalada Sefarwayiim, iyo kii Xeenac iyo kii Ciwaah? 14 ¶ Markaasaa Xisqiyaah warqaddii ka qaaday gacantii wargeeyayaashii oo akhriyey, dabadeedna wuxuu tegey gurigii Rabbiga, oo warqaddii ku kala bixiyey Rabbiga hortiisa. 15 Oo Xisqiyaah wuxuu baryay Rabbiga, oo yidhi, 16 Rabbiyow, Rabbiga ciidammadow, Ilaaha reer binu Israa'iil, kan keruubiimta ku dul fadhiyow, waxaad tahay Ilaah, oo adiga keligaa ayaa ah Ilaaha boqortooyooyinka dunida oo dhan, oo cirka iyo dhulkana adigaa sameeyey. 17 Rabbiyow, dhegta u dhig oo maqal, oo Rabbiyow, indhahaaga fur oo arag, bal maqal Seenxeeriib erayadii uu u soo diray inuu Ilaaha nool ku caayo oo dhan. 18 Rabbiyow, sida runta ah boqorrada Ashuur waxay baabbi'iyeen quruumihii oo dhan iyo dalalkoodiiba, 19 oo ilaahyadoodiina dab bay ku dhex tuureen, waayo, iyagu ilaahyo ma ay ahayn, laakiinse waxay ahaayeen wax gacanta lagu sameeyey, oo ahaa qoryo iyo dhagaxyo, oo sidaas daraaddeed iyagu way baabbi'iyeen. 20 Haddaba sidaas daraaddeed, Rabbiyow, Ilaahayagow, gacantiisa naga badbaadi, in boqortooyooyinka dunida oo dhammu ay ogaadaan inaad adiga keliyuhu Rabbiga tahay. 21 ¶ Markaasaa Ishacyaah ina Aamoos u soo cid diray Xisqiyaah, oo wuxuu ku yidhi, Rabbiga Ilaaha reer binu Israa'iil ahu wuxuu leeyahay, Seenxeeriib oo ah boqorka Ashuur waad iga bariday, 22 taas aawadeed Rabbigu wuxuu ku hadlay eraygan isaga ku saabsan, Gabadha bikradda ah oo Siyoon ahu Way ku fududaysatay, oo intay kugu qososhay ayay ku quudhsatay, Yeruusaalem madaxay kaa ruxatay. 23 Bal adigu kumaad yaraysatay oo aad cayday? Oo bal yaad codkaaga kor ugu qaadday Oo aad indhahaaga ku taagtay? Waa kan quduuska ah oo reer binu Israa'iil.
  • Ish 37:28-29 : 28 Laakiinse waan aqaan fadhigaaga, iyo bixiddaada, iyo soo geliddaada, iyo cadhadaadii aad ii cadhootayba. 29 Cadhadaadii aad ii cadhootay Iyo islaweynaantaadii waxay soo gaadheen dhegahayga, Oo sidaas daraaddeed sanka waxaan kaa sudhi doonaa qabatadayda, Bushimahaagana waxaan gelin doonaa xakamahayga, Oo waxaan kugu celin doonaa jidkii aad ku timid.
  • Ish 37:35 : 35 Waayo, anigu magaaladan waxaan u daafici doonaa oo u badbaadin doonaa aniga daraadday iyo addoonkaygii Daa'uud daraaddiis.
  • Ish 47:7 : 7 Waxaad istidhi, Anigu weligayba waxaan ahaan doonaa sayidad, oo waxyaalahanna qalbiga ma aad gelin, oo ugudambaystoodiina sooma aadan xusuusan.
  • Yer 19:4 : 4 Iyagu way iga tageen, oo intay meeshan nijaaseeyeen, ayay foox ugu shideen ilaahyo kale oo iyaga, iyo awowayaashood, iyo boqorrada dalka Yahuudahba ayan aqoon, oo waxay meeshan ka buuxiyeen dhiigga kuwa aan xaqa qabin.
  • Bar 1:9 : 9 Nijaasteedii waxay ku tiil googaradaheeda, kamana ay fiirsan ugudambaysteeda, Haddaba sidaas daraaddeed si aad loola yaabay ayay u dhacday, oo mid u qalbi qaboojiyana ma ay lahayn. Rabbiyow, bal dhibkayga fiiri, waayo, cadowgii wuu isweyneeyey.
  • Yex 20:13-14 : 13 Laakiinse reer binu Israa'iil way igu caasiyoobeen intii ay cidlada dhex joogeen. Qaynuunnadaydii kuma ay socon, oo xukummadaydiina way diideen, kuwaasoo ninkii sameeyaaba uu ku noolaanayo, oo sabtiyadaydiina si weyn bay nijaas ka dhigeen. Markaasaan idhi, Anigu waxaan korkooda ku shubi doonaa cadhadayda inta ay cidlada dhex joogaan si aan u baabbi'iyo. 14 Laakiinse magacayga daraaddiis ayaan u shaqeeyey, si uusan ugu nijaasoobin quruumihii ay dhex joogeen hortooda, waayo, iyagoo u jeeda ayaan soo bixiyey.
  • Yex 20:20-22 : 20 oo sabtiyadayda quduus ka dhiga, oo iyana waxay ahaan doonaan calaamad aniga iyo idinka inoo dhexaysa, si aad u ogaataan inaan anigu ahay Rabbiga Ilaahiinna ah. 21 Laakiinse carruurtiina way igu caasiyoobeen, oo qaynuunnadaydiina kuma ay socon, xukummadaydiina inay sameeyaan ma xajin, kuwaasoo ninkii sameeyaaba uu ku noolaanayo, oo sabtiyadaydiina nijaas bay ka dhigeen. Markaasaan idhi, Cadhadaydaan ku kor shubi doonaa, si aan xanaaqayga iyaga ugu dhammaystiro cidlada dhexdeeda. 22 Habase ahaatee gacantaydii waan ka soo celiyey, oo magacayga daraaddiis baan u shaqeeyey, si uusan ugu nijaasoobin quruumaha hortooda, waayo, iyagoo u jeeda ayaan soo bixiyey.
  • Daan 4:30-37 : 30 Markaasaa boqorkii hadlay oo yidhi, Sow tanu ma aha Baabuloontii weynayd, oo aan u dhisay meel boqornimadu rug u leedahay, oo aan ammaanta weynaantayda ugu dhisay xoogga itaalkayga? 31 Intii hadalkaasu weli boqorka afkiisii ku jiray ayaa cod samada ka dhawaaqay, oo yidhi, Boqor Nebukadnesarow, adaa lagula hadlayaa, boqortooyadii waa kaa tagtay. 32 Oo dadka waa lagaa eryi doonaa, oo waxaad la joogi doontaa xayawaanka duurka, oo waxaa lagaa dhigi doonaa inaad doog u cunto sidii dibi, toddoba wakhtina way ku gudbi doonaan, jeeraad ogaato in Ka ugu Sarreeyaa u taliyo boqortooyada dadka, oo uu siiyo ku alla kii uu doonayo. 33 Oo isla saacaddiiba waxyaalihii waa ku dheceen Nebukadnesar; kolkaasaa dadkii laga eryay, sidii dibina doog buu u cunay, jidhkiisiina waxaa qoyay dharabkii samada, ilaa ay timihiisii u bexeen sida baalal gorgor, ciddiyihiisiina sida ciddiyo haadeed. 34 Oo markii wakhtigii dhammaaday ayaan anigoo ah Nebukadnesar indhaha kor u taagay, waxgarashadaydiina way ii soo noqotay, markaasaan ku mahadnaqay Ka ugu Sarreeya, waanan ammaanay oo ciseeyey kan weligiis nool; waayo, dowladnimadiisu waa dowladnimo aan weligeed dhammaanayn, boqortooyadiisuna waxay raagtaa fac ilaa fac; 35 oo kuwa dhulka deggan oo dhammu isaga lama simna, siduu doono ayuu ciidanka samada iyo dadka dhulka degganba ka yeelaa; mana jiro mid gacantiisa joojin karaa ama ku odhan karaa, Maxaad samaynaysaa? 36 Isla markiiba waxgarashadaydii way ii soo noqotay; oo ammaanta boqortooyadayda aawadeed ayaa weynaantaydii iyo dhalaalkaygii iigu soo noqdeen; markaasay waaniyayaashaydii iyo saraakiishaydii i doondooneen, oo boqortooyadaydii baa la ii dhisay, oo derejo aad u weyn baa la iigu daray. 37 Haatan anigoo ah Nebukadnesar waxaan ammaanayaa oo sarraysiinayaa, oo cisaynayaa Boqorka samada, waayo, shuqulladiisa oo dhammu waa run, jidadkiisuna waa xaq; oo kuwa kibirka ku socdana isagaa kara inuu hoosaysiiyo.
  • Sak 1:14-15 : 14 Kolkaasaa malaggii ila hadlay igu yidhi, War qayli, oo waxaad tidhaahdaa, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Anigu Yeruusaalem iyo Siyoonba waxaan ugu masayrsanahay masayr weyn. 15 Oo aad iyo aad baan ugu cadhooday quruumaha iska istareexsan! Waayo, anigoo in yar u cadhaysan ayay sii badiyeen dhibaatadii.
  • Bax 32:12 : 12 Bal Masriyiintu maxay u odhan doonaan, Wuxuu iyaga u saaray xumaan inuu buuraha ku laayo iyo inuu dhulka iyaga ka baabbi'iyo? Rabbiyow, ka leexo cadhadaada kulul oo ka noqo xumaantan aad damacsan tahay inaad dadkaaga ku samaysid.
  • Tir 14:15-16 : 15 Haddaba haddaad dadkan sidii nin keliya u disho, quruumihii warkaaga maqlay way hadli doonaan, oo waxay odhan doonaan, 16 Rabbigu ma uu karin inuu dadkan keeno dalkii uu ugu dhaartay, sidaas daraaddeed ayuu cidladii ku laayay.
  • Yash 7:9 : 9 Maxaa yeelay, reer Kancaan iyo kuwa dalka deggan oo dhammu waxay maqli doonaan warkaas, oo markaasay na hareerayn doonaan oo ay magacayaga dhulka ka tiri doonaan; oo markaas maxaad u samaynaysaa magacaaga weyn?
  • 1 Sam 12:22 : 22 Maxaa yeelay, Rabbigu ka tegi maayo dadkiisa, magiciisa weyn aawadiis; maxaa yeelay, Rabbiga way ka farxisay inuu dad idinka dhigto.
  • Sab 115:1-2 : 1 Rabbiyow, yaanay noo ahaan, yaanay noo ahaan, Laakiinse magacaaga ammaani ha u ahaato, Naxariistaada iyo runtaada daraaddood. 2 Bal maxay quruumuhu u odhanayaan, Haddaba Ilaahoodu meeh?

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 26Waxaan idhi, Iyaga meel fog baan ku kala firdhin lahaa, Oo xusuustoodana dadka dhexdiisa waan ka joojin lahaa,

  • 4Waaba intaasoo cadowgaygu yidhaahdaa, Anigu isagaan ka adkaaday, Oo ay cadaawayaashaydu farxaan markii lay dhaqaajiyo.

  • 75%

    28Waayo, iyagu waa quruun aan talo lahayn, Oo innaba waxgarasho kuma jirto.

    29Bal may caqli yeeshaan, oo ay waxan gartaan, Oo bal may ka fikiraan ugu dambaystooda!

    30Haddaan Dhagaxoodii iyaga iibin, Oo aan Rabbigu iyaga gacanta u gelin, Sidee baa nin keliya kun u eryi karaa? Labase sidee bay toban kun u didin karaan?

    31Dhagaxoodu ma aha sida Dhagaxayaga. Oo xataa cadaawayaashayada qudhoodu waxaas way kala gartaan.

  • 24oo haddii aannan taas u samaynin feejignaan iyo sabab aawadood, annagoo leh, Waa dambe carruurtiinnu waxay la hadli doonaan carruurtayada, oo waxay ku odhan doonaan, Maxaa idinka galay Rabbiga Ilaaha u ah reer binu Israa'iil?

  • 74%

    28Kaasu weliba waa dembi ay xaakinnadii ciqaabi lahaayeen, Waayo, waxaan daacadlaawe u ahaan lahaa Ilaaha wax walba ka sarreeya.

    29Haddaan ku reyreeyey kan i neceb halligaaddiisa, Ama aan aad u farxay markii belaayadu isaga heshay,

  • 18Waayo, waaba intaas oo Rabbigu taas arkaa, oo ay shar la ahaato indhihiisa, Oo uu dabadeedna cadhadiisa ka soo celiyaa isaga.

  • 14Oo waxaan haddiiba jebin lahaa cadaawayaashooda, Oo gacantaydana waan ku jeedin lahaa colkooda.

  • 23Waayo, masiibo xag Ilaah ka timid ayaa i cabsiisay, Oo sarraysnaantiisa daraaddeedna anigu waxba ma aanan samayn karin.

  • 13Isjira inaydaan odhan, Annagu xigmad waannu helnay; Ilaah baa isaga ka adkaan kara, laakiinse dadi ma kari karo.

  • Sab 7:3-4
    2 aayado
    73%

    3Rabbiyow, Ilaahayow, haddii aan waxan sameeyey, Haddii xumaanu gacmahayga ku jirto,

    4Haddii aan shar ugu abaalguday mid ila nabad ah, (Haah, oo waxaan samatabbixiyey kii sababla'aan cadowga iigu ahaa,)

  • 41Haddaan listo seeftayda dhalaalaysa, Oo gacantayduna xukun qabsato, Cadaawayaashayda waan ka aarsan doonaa, Oo kuwa i necebna waan u abaalgudi doonaa.

  • 27Si ay u ogaadaan in tanu tahay shaqadii gacaantaada, Iyo inaad taas samaysay, Rabbiyow.

  • 12Waayo, kii i caayay cadaawe ma ahayn, Maxaa yeelay, waan u adkaysan kari lahaa, Mana ahayn kii i necbaa oo iska kay weyneeyey, Maxaa yeelay, waan ka dhuuman lahaa isaga,

  • 9Oo weliba waxaan idhi, War waxaad samaysaan ma wanaagsana. Sow waajib idinkuma aha inaad ku socotaan ka cabsashada Ilaaheenna cayda quruumaha cadaawayaasheenna ah aawadeed?

  • 7Waxaan idhi, Sida xaqiiqada ah waad iga cabsan doontaa, oo edbin baad aqbali doontaa. Markaas hoygeedu uma uu baabbe'een sidii aan iyada u goostay. Laakiinse aroor horay keceen oo falimahoodii oo dhan way xumeeyeen.

  • 72%

    13War miyeydaan ka war qabin aniga iyo awowayaashayba wixii aan ku samaynay dadyowga dalalka deggan oo dhan? War quruumaha dalalka deggan ilaahyadoodu miyey sinaba u awoodeen inay dalkooda gacantayda ka samatabbixiyaan?

    14Oo quruumihii awowayaashay ay wada baabbi'iyeen ilaahyadoodii oo dhan kee baa awooday inuu dadkiisii gacantayda ka samatabbixiyo? Haddaba Ilaahiinnu sidee buu u awoodaa inuu gacantayda idinka samatabbixiyo?

  • 10Haddaba waxaa qalbigayga ku jirta inaan axdi la dhigto Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil, si ay cadhadiisa kululu inooga noqoto.

  • 16Waayo, waxaan idhi, Yaanay igu rayrayn, Oo markii cagtaydu simbiriirixato, yaanay iska kay weynayn.

  • 72%

    34Isagu ushiisa ha iga fogeeyo, Oo cabsidiisuna yaanay i bajin.

    35Markaas waan hadli lahaa, oo isaga kama aanan baqeen; Waayo, anigu sidaas ma ahi.

  • 11¶ Rabbiyow, gacantaadu kor bay u taagan tahay, laakiinse iyagu ma ay arkaan illowse waxay arki doonaan dadaalkaaga aad dadka u dadaashid, wayna ceeboobi doonaan, oo cadaawayaashaadana dab baa baabbi'in doona.

  • 10Waayo, waxaan maqlay kuwa badan oo i caayaya, iyo cabsi dhan kasta iga wareegsan. Oo waxay yidhaahdaan, Soo ashtakeeya oo annana waannu ashtakaynaynaa. Kuwii ila nabad ahaa oo dhammu waxay sugayaan dhiciddayda, oo waxay yidhaahdaan, Mindhaa isaga waa la khiyaanayn doonaa, oo waannu ka adkaan doonnaa, oo waannu aargudan doonnaa.

  • 28waaba intaasoo dadkii aad dalkoodii naga soo bixisay yidhaahdaa, Rabbigu ma u awoodin inuu iyaga geeyo dalkii uu u ballanqaaday, oo nacaybkii uu iyaga u qabay aawadiis ayuu u bixiyey si uu cidlada ugu laayo.

  • 21Gacantaada iga fogee, Oo waxyaalahaaga laga cabsadona yaanay i bajin.

  • 2Haddaan Rabbigu inala jirin, Markii dadku inagu kacay,

  • 34Maxaa yeelay, dadka badan waan ka baqay, Oo quudhsiga qaraabaday ayaa i cabsiiyey, Oo saas aawadeed ayaan ku aamusay, oo dibadda uma bixin.

  • 3Sida xaqiiqada ah hadda waxay odhan doonaan, Annagu boqor ma lihin, waayo, Rabbiga kama cabsanno, haddaba bal maxaa boqor noo taraya?

  • 13Sida ay leedahay maahmaahdii dadkii hore, Kii shar ah waxaa ka soo baxda sharnimo, gacantayduse ku taaban mayso.

  • 9Waaba intaasoo intaan dhergo, aan adiga ku inkiraaye, oo aan idhaahdaa, Waa ayo Rabbigu? Amase waaba intaasoo aan miskiin noqdaa, oo intaan wax xado, Aan magaca Ilaahayga si been ah ugu hadal qaadaaye.

  • 5Iyagu halkaasay aad ugu cabsadeen meel aan cabsiyu jirin, Waayo, kii ku ag degay inuu kugu soo duulo Ilaah baa lafihiisii kala firdhiyey, Oo iyagaad ceebaysay, maxaa yeelay, Ilaah baa iyaga diiday.

  • 13Waayo, waxaan maqlay kuwo badan oo caytamaya, Iyo cabsi dhan kasta igaga wareegsan, Oo intay ii wada tashadeen, Ayay waxay ku arrinsadeen inay nafta iga qaadaan.

  • 29Oo boqortooyooyinkii dalalka oo dhan waxaa ku soo degtay Ilaah cabsidiis markay maqleen in Rabbigu la diriray cadaawayaashii dadkii Israa'iil.

  • 15In kastoo aan wax baray oo aan gacmahooda xoogeeyey, ayay weliba shar ii fikiraan.

  • 22Habase ahaatee gacantaydii waan ka soo celiyey, oo magacayga daraaddiis baan u shaqeeyey, si uusan ugu nijaasoobin quruumaha hortooda, waayo, iyagoo u jeeda ayaan soo bixiyey.

  • 2Bal maxay quruumuhu u odhanayaan, Haddaba Ilaahoodu meeh?

  • 11Cagta kuwa kibirsan yaanay ii iman, Oo kuwa sharka leh gacantooduna yaanay i eryin.

  • 37Oo wuxuu odhan doonaa, Bal meeye ilaahyadoodii, Iyo dhagaxii ay isku halleeyeen,

  • 11Sayidow, gaashaankayagiiyow, Iyaga ha layn, waaba intaasoo ay dadkaygu illoobaane, Laakiinse iyaga xooggaaga ku kala firdhi, oo hoos u soo deji.

  • 14si ay boqortooyadu u sii hoosayso, oo ayan marnaba kor isu qaadin, laakiinse ay u sii taagnaato axdigiisa oo ay dhawrto aawadiis.

  • 15Haddaan odhan lahaa, Sidaasaan ku hadli doonaa, Bal eeg, waan khiyaanayn lahaa farcanka carruurtaada.

  • 25Yaanay qalbigooda iska odhan, Ahaa, sidaasaannu doonaynaa, Yaanay odhan, Isagii waannu liqnay.

  • 22Waayo, anigu ma aan aqaan si loo bixiyo magacyo faanid ah, Haddii kalese Kii i sameeyey ayaa haddiiba i qaadi lahaa.

  • 9Waayo, dhammaantood waxay doonayeen inay na cabsiiyaan, oo waxay isyidhaahdeen, Shuqulkay ka daali doonaan, mana dhammayn doonaan. Laakiinse, Ilaahow, xoog ii yeel.

  • 21Wax aan Ilaah ahayn bay igaga hinaasiyeen, Oo waxay igaga cadhaysiiyeen waxyaalahoodii aan waxtarka lahayn, Oo anna waxaan iyaga kaga hinaasin doonaa kuwo aan dad ahayn, Oo waxaan kaga cadhaysiin doonaa quruun nacas ah.