Ayuub 13:21

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Gacantaada iga fogee, Oo waxyaalahaaga laga cabsadona yaanay i bajin.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Ayuub 9:34 : 34 Isagu ushiisa ha iga fogeeyo, Oo cabsidiisuna yaanay i bajin.
  • Ayuub 33:7 : 7 Bal eeg, nixintaydu kuma cabsiin doonto, Oo gacantayduna kuguma cuslaan doonto.
  • Sab 39:10 : 10 Haddaba belaayadaada iga durki, Maxaa yeelay, waxaa i baabbi'iyey weerarka gacantaada.
  • Sab 119:120 : 120 Jidhkaygu wuxuu la gariiraa cabsidaada, Oo waxaan ka baqaa xukummadaada.
  • Ayuub 10:20 : 20 War cimriga noloshaydu sow wax yar ma aha? Haddaba iska kay daa Oo i dhaaf, aan in yar nastee,
  • Ayuub 13:11 : 11 War sow sarraysnaantiisu idin cabsiin mayso? Oo sow baqdintiisu idinku dhici mayso?
  • Ayuub 22:15-17 : 15 War ma waxaad doonaysaa inaad sii haysatid jidkii hore Ee sharrowyadu ku socon jireen? 16 Iyaba waxaa la dhufsaday wakhtigoodii ka hor, Oo aasaaskoodiina daad baa baabbi'iyey. 17 Waxay Ilaah ku yidhaahdeen, War naga tag, Bal maxaa Ilaaha Qaadirka ahu nagu samayn karaa?

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 20Laba waxyaalood oo keliya ha igu samayn, Oo anna markaas nafsaddayda wejigaaga ka qarin maayo.

  • 83%

    34Isagu ushiisa ha iga fogeeyo, Oo cabsidiisuna yaanay i bajin.

    35Markaas waan hadli lahaa, oo isaga kama aanan baqeen; Waayo, anigu sidaas ma ahi.

  • 22Oo markaas ii yeedh, oo anna waan kuu jawaabi doonaa, Amase anigu aan hadlo oo adigu ii jawaab.

  • 10Haddaba belaayadaada iga durki, Maxaa yeelay, waxaa i baabbi'iyey weerarka gacantaada.

  • 7Bal eeg, nixintaydu kuma cabsiin doonto, Oo gacantayduna kuguma cuslaan doonto.

  • 76%

    15Sidaas daraaddeed ayaan hortiisa uga naxaa, Oo markaan ka fikiraba waan ka baqaa isaga.

    16Waayo, Ilaah ayaa qalbigayga itaal darreeyey, Oo Ilaaha Qaadirka ah ayaa iga nixiyey,

  • 21Rabbiyow, ha i dayrin, Ilaahayow, ha iga fogaan.

  • 11Bal maxaad gacantaada midig dib ugu celisaa? Laabtaada ka soo bixi oo iyaga baabbi'i.

  • 4Cabsida waad baabbi'isaa, Oo cibaadadana Ilaah hortiisa waad ka joojisaa.

  • 6Oo xataa markaan soo xusuusto waan welwelaa, Oo jidhkaygana waa hoog iyo ba'.

  • 5Baqdin iyo gariir ayaa igu soo degay, Oo naxdin baa i dabooshay.

  • 11Cagta kuwa kibirsan yaanay ii iman, Oo kuwa sharka leh gacantooduna yaanay i eryin.

  • 75%

    22Markaas garabkaygu ha kala fakado, Oo gacantayduna kalagooyska ha ka jabto.

    23Waayo, masiibo xag Ilaah ka timid ayaa i cabsiisay, Oo sarraysnaantiisa daraaddeedna anigu waxba ma aanan samayn karin.

  • 24Bal maxaad wejigaaga u qarinaysaa, Oo aad iigu haysataa sidii mid cadow kuu ah?

  • 11War sow sarraysnaantiisu idin cabsiin mayso? Oo sow baqdintiisu idinku dhici mayso?

  • 28Waxaan ka baqayaa caloolxumadayda oo dhan, Waayo, waan ogahay inaadan ii haysanayn sidii mid aan xaq qabin.

  • 57Maalintii aan ku baryay ayaad ii soo dhowaatay, oo waxaad igu tidhi, Ha cabsan.

  • 74%

    13Haddaba iska aamusa, oo iska kay daaya aan iska hadlee, Oo wixii dhici lahaaba ha igu dheceen.

    14Haddaba hilibkayga ayaan ilkahayga ku qaadayaa, Oo noloshaydana gacantaydaan ku ridayaa.

  • 21Calooladeeg baad igula soo jeesatay, Oo gacantaada itaalkeeda ayaad igu silcisaa.

  • 17Cabsi ha ii noqonin, waayo, maalinta masiibada waxaad tahay magangalkii aan magangalo.

  • 23Amase, Cadowga gacantiisa iga samatabbixi? Amase, Iga furo gacanta kan i dulma?

  • 120Jidhkaygu wuxuu la gariiraa cabsidaada, Oo waxaan ka baqaa xukummadaada.

  • 11Hortaada ha iga xoorin, Oo Ruuxaaga quduuska ah ha iga qaadin.

  • 9Ilaaha badbaadadaydow, wejigaaga ha iga qarin, Anoo addoonkaaga ah cadho ha igu eryin, Caawimaad baad ii ahayde, Ha i xoorin, hana i dayrin.

  • 25Waayo, hadba wixii aan ka cabsado ayaa igu soo dega, Oo wixii aan ka baqo ayaa ii yimaada.

  • 14Ayaa cabsi iyo gariiru igu dhacay, Oo lafahayga oo dhammuna way wada ruxruxmadeen.

  • 19Laakiinse, Rabbiyow, ha iga fogaan, Tageerehaygiiyow, dhaqso ii caawi.

  • 73%

    14Haddii xumaanu gacantaada ku jirto iska fogee, Oo xaqdarrona yaanay teendhooyinkaaga degin.

    15Hubaal markaasaad wejigaaga kor u qaadi doontaa isagoo aan ceeb lahayn; Oo waad adkaan doontaa, mana aad baqi doontid,

  • 14Ayaad riyooyin igu bajisaa, Oo waxaad igu cabsiisaa muuqashooyin.

  • 18Waxaa kuu wanaagsan inaad tan xagsatid, oo aadan gacantaadana dib uga ceshan, waayo, kii Ilaah ka cabsada waxan oo dhan ayuu ka soo bixi doonaa.

  • 4Waan qalbitakhtakhay, oo cabsi baa i argaggixisay. Fiidkii aan istareexa ka filanayay gariir buu iigu rogmaday.

  • 1Oo weliba taas aawadeed qalbigaygu wuu gariiraa, Oo meeshiisiina wuu ka dhaqaaqaa.

  • 1Rabbiyow, cadhadaada ha igu canaanan, Oo dhirifkaaga kululna ha igu edbin.

  • 73%

    12Rabbigu aniga iyo adiga ha ina kala xukumo, oo Rabbigu ha iiga kaa aar gudo, gacantayduse ku taaban mayso.

    13Sida ay leedahay maahmaahdii dadkii hore, Kii shar ah waxaa ka soo baxda sharnimo, gacantayduse ku taaban mayso.

  • 31Adigu waxaad igu dhex tuuri doontaa bohol, Oo xataa dharkaygu waa i nici doonaa.

  • 10Sidaas daraaddeed waxaa hareerahaaga ku wareegsan dabinno, Oo waxaa ku dhibaya cabsi kedis ah,

  • 7In kastoo aad ogtahay inaanan sharrow ahayn, Oo uusan jirin mid gacantaada iga samatabbixinaya?

  • 13Ii tudh, itaalkaygu mar ha igu soo noqdee, Intaanan meesha tegin oo aanan mar dambe ka soo noqonayn.

  • 16Cadhadaadii kululayd ayaa i kor martay, Oo waxaa i baabbi'iyey waxyaalihii aad igu cabsiisay.

  • 23oo haddana waan kaa qaadi doonaa gacantayda, oo waxaad arki doontaa dhabarkayga, laakiinse wejigayga la arki maayo.

  • 9Oo xataa Ilaah bal muu iska jeclaado inuu i burburiyo, Oo bal muu gacantiisa iga sii daayo oo i baabbi'iyo!

  • 19Bal ilaa goormaadan iga sii jeesanayn, Oo aadan iska kay daynayn intaan candhuuftayda liqayo?

  • 20War cimriga noloshaydu sow wax yar ma aha? Haddaba iska kay daa Oo i dhaaf, aan in yar nastee,

  • 11Oo bal yaad ka baqday oo aad ka cabsatay, oo aad saas darteed been u sheegtay oo aadan ii soo xusuusan, ama aadan innaba xaalkan qalbigaaga u gelin? Miyaanan wakhti dheer iska aamusin? Oo ma sidaas aawadeed baadan iiga cabsanayn?