Sabuurradii 74:11

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Bal maxaad gacantaada midig dib ugu celisaa? Laabtaada ka soo bixi oo iyaga baabbi'i.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bar 2:3 : 3 Wuxuu cadhadiisii kululayd ku gooyay geeskii dadka Israa'iil oo dhan. Oo gacantiisii midigna wuu ka soo ceshaday cadowga hortiisii, Dadka Yacquubna wuxuu u gubay sidii dab ololaya oo baabbi'iya waxaa hareerihiisa yaal oo dhan.
  • Sab 44:23 : 23 Toos, maxaad u huruddaa, Sayidow? Sara joogso, oo ha na xoorin weligaa.
  • Sab 78:65-66 : 65 Markaasaa Sayidku wuxuu u kacay sidii mid hurdo ka toosay, Sidii nin xoog badan oo la qaylinaya khamri daraaddiis. 66 Cadaawayaashiisiina wuu ku dhuftay oo dib buu u celiyey, Oo wuxuu saaray ceeb aan weligeed ka hadhayn.
  • Ish 64:12 : 12 Rabbiyow, waxyaalahaas aawadood ma isu celinaysaa? Ma iska aamusaysaa, oo ma aad baad noo sii dhibaysaa?

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 17Gacantaadu ha kor saarnaato ninka gacantaada midig jooga, Iyo binu-aadmigii aad nafsaddaada u xoogaysatay.

  • 10Ilaahow, ilaa goormaa cadowgu caytamayaa? Cadowgu miyuu magacaaga caayayaa weligiisba?

  • 10Haddaba belaayadaada iga durki, Maxaa yeelay, waxaa i baabbi'iyey weerarka gacantaada.

  • 13Adigu waxaad leedahay dhudhun itaal weyn, Gacantaaduna way xoog badan tahay, midigtaaduna way sarraysaa.

  • 21Gacantaada iga fogee, Oo waxyaalahaaga laga cabsadona yaanay i bajin.

  • 12Laakiinse Ilaah waa boqorkayga tan iyo waa hore, Isagoo badbaadin ka dhex samaynaya dhulka.

  • 7Bal muuji raxmaddaada yaabka leh, Adigoo kuwa isku kaa halleeya gacantaada midig kaga badbaadiya Kuwa ku kaca iyaga.

  • 12Adigu gacantaadii midig baad soo fidisay, Markaasaa dhulku liqay iyagii.

  • 6Si ay kuwaad jeceshahay u samatabbaxaan aawadeed, Gacantaada midig ku badbaadi, oo ii jawaab.

  • 5Sayidka midigtaada joogaa Wuxuu maalinta cadhadiisa dooxi doonaa boqorro.

  • 6Rabbiyow, gacantaada midig xoog bay ammaan ku leedahay, Rabbiyow, gacantaada midig cadowga bay burburisaa.

  • 5Si ay kuwaad jeceshahay u samatabbaxaan, Gacantaada midig ku badbaadi oo ii jawaab.

  • 16Gacanta midig oo Rabbiga waa la sarraysiiyey, Gacanta midig oo Rabbiguna wax xoog leh bay samaysaa.

  • Sab 144:7-8
    2 aayado
    73%

    7Gacantaada kor ka soo fidi, Oo i badbaadi, oo iga samatabbixi biyaha badan, Iyo gacanta shisheeyayaasha,

    8Kuwaasoo afkoodu wax bilaash ah ku hadlo, Gacantooda midigna tahay midig beeneed.

  • 1Rabbiyow, maxaad meesha fog u istaagtay? Oo maxaad u dhuumataa markii dhibaato jirto?

  • 15Oo ilaali wixii ay gacantaada midig beertay, Iyo laantii aad adkaysatay.

  • 11I badbaadi, oo iga samatabbixi gacanta shisheeyayaasha, Kuwaasoo afkoodu wax bilaash ah ku hadlo, Gacantooda midigna tahay midig beeneed.

  • 7Markaasuu ku yidhi, Bal gacanta laabta mar kale saar. Kolkaasuu mar kale gacantii laabta saaray, oo markii uu ka qaaday laabtii, bal eeg, waxay haddana u rogmatay oo u ekaatay sida jidhkiisii kale.

  • 4War waa adiga xanaaq daraaddiis isla jeexjeexayaye Dhulka ma daraaddaa baa looga tegayaa? Mase dhagaxa ayaa meeshiisa laga rujinayaa?

  • 1Ilaahow, bal maxaad weligaaba noo xoortay? Oo bal maxaa cadhadaadu ugu kululaataa idaha daaqsintaada?

  • 24Bal maxaad wejigaaga u qarinaysaa, Oo aad iigu haysataa sidii mid cadow kuu ah?

  • 5Ilaahna sidaas oo kaluu kuu halligi doonaa weligaaba, Oo isna kor buu kuu qaadi doonaa, oo wuxuu kaa bixin doonaa teendhadaada, Oo wuxuu kaa saari doonaa kuwa nool dalkooda. (Selaah)

  • 14Oo anna markaas waxaan kuu qiran doonaa In gacantaada midig ay ku badbaadin karto.

  • 46Rabbiyow, ilaa goormaad isqarin doontaa? Ma weligaa baa? Oo ilaa goormay cadhadaadu sida dab u ololi doontaa?

  • 23Habase yeeshee had iyo goorba waan kula joogaa, Oo waxaad i qabatay gacanta midig.

  • 13Rabbiyow, kac, Oo isaga ka hor tag, oo dhulka hoos ugu tuur, Oo naftaydana kan sharka leh seeftaada kaga samatabbixi,

  • 23Amase, Cadowga gacantiisa iga samatabbixi? Amase, Iga furo gacanta kan i dulma?

  • 2Waayo, waxaad tahay Ilaaha xoogga ii ah, bal maxaad ii xoortay? Dulmiga cadowga daraaddiis bal maxaan ula sii cabaadaa?

  • 13Oo aad ruuxaaga Ilaah ugu soo jeedisaa, Oo erayo caynkaas ah aad afkaaga uga soo daysaa?

  • 14Haddaba hilibkayga ayaan ilkahayga ku qaadayaa, Oo noloshaydana gacantaydaan ku ridayaa.

  • 7In kastoo aan ku dhex socdo dhibaato waad i soo noolayn doontaa, Oo waxaad gacantaada ku soo fidin doontaa cadhada cadaawayaashayda, Oo gacantaada midigna way i badbaadin doontaa.

  • 11¶ Rabbiyow, gacantaadu kor bay u taagan tahay, laakiinse iyagu ma ay arkaan illowse waxay arki doonaan dadaalkaaga aad dadka u dadaashid, wayna ceeboobi doonaan, oo cadaawayaashaadana dab baa baabbi'in doona.

  • 8Naftaydu adigay ku raacdaa, Oo gacantaada midigna way i tiirisaa. (Selaah)

  • 10Xataa halkaas gacantaada ayaa i hoggaamin doonta, Oo midigtaada ayaa i soo qaban doonta.

  • 15Bal samada wax ka soo fiiri, oo bal rugtaada quduusnimada iyo ammaanta leh wax ka soo arag. Meeyey qiiradaadii iyo xooggaagii? Jacaylkii iyo raxmaddii aad ii qabtay way iga joogsadeen.

  • 4Cabsida waad baabbi'isaa, Oo cibaadadana Ilaah hortiisa waad ka joojisaa.

  • 27Si ay u ogaadaan in tanu tahay shaqadii gacaantaada, Iyo inaad taas samaysay, Rabbiyow.

  • 8Gacantaada isaga kor saar, Markaas dagaalka xusuuso, oo mar dambe saas yeeli maysid!

  • 42Waxaad kor u qaadday midigtii kuwii dulmayay, Cadaawayaashiisii oo dhanna waad ka farxisay.

  • 2Quruumihii gacantaadaad ku eriday, oo meeshoodii awowayaashayo baad ku beertay, Dadyowgii waad dhibtay, oo dibaddaad ku kala firdhisay.

  • 11Ilaahow, sow nama aadan xoorin? Ilaahow, lama soo baxdid ciidammadayada.

  • 8Gacantaadu waxay heli doontaa cadaawayaashaada oo dhan, Oo midigtaaduna waxay heli doontaa kuwa ku neceb.

  • 9Adiguse ma waxaad leedahay Ilaah gacantiisa oo kale? Oo codkiisa oo kale miyaad ku onkodi kartaa?

  • 21Calooladeeg baad igula soo jeesatay, Oo gacantaada itaalkeeda ayaad igu silcisaa.

  • 14Rabbiyow, bal maxaad naftayda u xooraysaa? Oo bal maxaad wejigaaga iiga qarinaysaa?

  • 24Bal maxaad wejiga nooga qarsanaysaa, Oo aad u illoobaysaa dhibaatada iyo dulmiga aan ku dhex jirno?

  • 9Gacantiinnu ha ka sarrayso cadaawayaashiinna, oo colkiinna oo dhanna ha wada baabbo'o.

  • 5Adigu hor iyo dibba waad iga xidhay, Oo gacantaadaad i saartay.

  • 19Bal ilaa goormaadan iga sii jeesanayn, Oo aadan iska kay daynayn intaan candhuuftayda liqayo?