2 Taariikhdii 29:10

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Haddaba waxaa qalbigayga ku jirta inaan axdi la dhigto Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil, si ay cadhadiisa kululu inooga noqoto.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 2 Taar 23:16 : 16 ¶ Markaasaa Yehooyaadaac sameeyey axdi u dhexeeya isaga qudhiisa iyo dadka oo dhan iyo boqorkaba inay ahaadaan Rabbiga dadkiisa.
  • 2 Taar 34:30-32 : 30 Oo boqorkii wuxuu u kacay gurigii Rabbiga oo waxaa isagii la socday raggii dalka Yahuudah oo dhan, iyo dadkii Yeruusaalem degganaa, iyo wadaaddadii, iyo kuwii reer Laawi, iyo dadkii oo dhan yar iyo weynba, oo isna wuxuu hortooda ku akhriyey dhammaan erayadii kitaabkii axdiga oo guriga Rabbiga laga dhex helay. 31 Markaasaa boqorkii istaagay meeshiisii, oo wuxuu Rabbiga hortiisa axdi ugu maray inuu Rabbiga raaco oo uu qalbigiisa oo dhan iyo naftiisa oo dhan ku dhawro amarradiisa, iyo markhaatiyadiisa, iyo qaynuunnadiisa, iyo inuu sii adkeeyo erayadii axdiga oo kitaabkan ku qornaa. 32 Oo wuxuu ka dhigay in intii Yeruusaalem iyo dalka reer Benyaamiin laga helay oo dhanba ay axdiga aqbalaan oo u istaagaan. Oo dadkii Yeruusaalem degganaana waxay yeeleen si waafaqsan axdigii Ilaah, kaasoo ahaa Ilaahii awowayaashood.
  • Cesr 10:3 : 3 Haddaba sidaas daraaddeed aannu Ilaahayo axdi la dhiganno innaannu iska erinno naagahaas oo dhan, iyo intii ay dhaleenba, sidii ay tahay talada sayidkayga, iyo ta kuwa ka gariira amarka Ilaahayo, oo sidii sharciga waafaqsan ha loo sameeyo.
  • Nex 9:38-10:39 : 38 ¶ Oo weliba waxaas oo dhan aawadood waxaannu kula dhiganaynaa axdi daacad ah, waannuna qoraynaa, oo waxaa shaabad ku dhammaynaya amiirradayada, iyo kuwayaga reer Laawi, iyo wadaaddadayada. 1 ¶ Haddaba kuwii shaabad ku dhammeeyey waxay ahaayeen Nexemyaah oo ahaa taliyaha oo ahaa ina Xakalyaah, iyo Sidqiyaah, 2 iyo Seraayaah, iyo Casaryaah, iyo Yeremyaah, 3 iyo Fashxuur, iyo Amaryaah, iyo Malkiiyaah, 4 iyo Xatuush, iyo Shebanyaah, iyo Malluug, 5 iyo Haarim, iyo Mereemood, iyo Cobadyaah, 6 iyo Daanyeel, iyo Ginnetoon, iyo Baaruug, 7 iyo Meshullaam, iyo Abiiyaah, iyo Miyaamin, 8 iyo Macasyaah, iyo Bilgay, iyo Shemacyaah. Oo intaasu waxay ahaayeen wadaaddadii. 9 Oo kuwii reer Laawina waxay ahaayeen Yeeshuuca ina Asanyaah, iyo Binnuwii oo ahaa reer Xeenaadaad, iyo Qadmii'eel, 10 iyo walaalahood oo ahaa Shebanyaah, iyo Hoodiyaah, iyo Qeliitaa, iyo Felaayaah, iyo Xaanaan, 11 iyo Miikaa, iyo Rexob, iyo Xashabyaah, 12 iyo Sakuur, iyo Sheereebyaah, iyo Shebanyaah, 13 iyo Hoodiyaah, iyo Baanii, iyo Beniinuu. 14 Oo madaxdii dadkuna waxay ahaayeen: Farcosh, iyo Faxad Moo'aab, iyo Ceelaam, iyo Satuu, iyo Baanii, 15 iyo Bunnii, iyo Casgaad, iyo Beebay, 16 iyo Adoniiyaah, iyo Bigway, iyo Caadiin, 17 iyo Aateer, iyo Xisqiyaah, iyo Casuur, 18 iyo Hoodiyaah, iyo Xaashum, iyo Beesay, 19 iyo Xaariif, iyo Canaatood, iyo Noobay, 20 iyo Magfiicaash, iyo Meshullaam, iyo Xeesiir, 21 iyo Mesheysabeel, iyo Saadooq, iyo Yadduuca, 22 iyo Felatyaah, iyo Xaanaan, iyo Canaayaah, 23 iyo Hoosheeca, iyo Xananyaah, iyo Xashuub, 24 iyo Hallooxeesh, iyo Filxaa, iyo Shoobeeq, 25 iyo Rexuum, iyo Xashabnaah, iyo Macaseeyaah, 26 iyo Axiiyaah, iyo Xaanaan, iyo Caanaan, 27 iyo Malluug, iyo Haarim, iyo Bacanaah. 28 Oo dadka intiisii kale oo dhan oo ahaa wadaaddadii, iyo kuwii reer Laawi, iyo irid-dhawryadii, iyo kuwii gabayaaga ahaa, iyo reer Netiiniim, iyo kulli intii iska soocday dadyowgii dalka degganaa oo raacday sharcigii Ilaah, iyo naagahoodii, iyo wiilashoodii, iyo gabdhahoodii, iyo mid kasta oo lahaa aqoon iyo waxgarasho, 29 waxay raaceen walaalahoodii gobtoodii ahaa, oo waxay galeen dhaar habaar leh inay ku soconayaan sharciga Ilaah oo loo soo dhiibay Muuse oo ahaa addoonkii Ilaah, iyo inay dhawrayaan oo wada yeelayaan amarrada Rabbiga ah Sayidkeenna, iyo xukummadiisa iyo qaynuunnadiisa, 30 iyo inaynaan gabdhaheenna siinayn dadyowga dalka deggan, oo aynaan gabdhahoodana wiilasheenna u guurinayn; 31 iyo haddii dadyowga dalka degganu ay maalinta sabtida keenaan waxyaalo iib ah iyo cunto uun inaynaan iibsanayn maalintii sabtida iyo maalin quduus ah toona, iyo inaan sannadda toddobaad beeraha dayno oo qaan kasta saamaxno. 32 Oo weliba waxaynu samaysannay amarro inagu xukumaya inaynu sannad kasta sheqel saddexdaloolkiis u bixinayno adeegidda guriga Ilaaheenna, taas oo ah: 33 kibistii tusniinta, iyo qurbaanka hadhuudhka oo joogtada ah, iyo qurbaanka la gubo oo joogtada ah, iyo kan Sabtiyada, iyo kan bilaha cusub, iyo kan iidaha la amray, iyo kan waxyaalaha quduuska ah, iyo qurbaannada dembiga si kafaaraggud loogu sameeyo reer binu Israa'iil, iyo kulli waxa loo sameeyo guriga Ilaah oo dhan. 34 Oo innagoo ah wadaaddada iyo kuwii reer Laawi iyo dadkii kaleba saami baynu u ridannay qurbaanka qoryaha inaynu wakhtigii sannad kasta la amray qoryo gelinayno guriga Ilaaheenna sida qolooyinkeennu yihiin, si qoryaha loogu dul shido meesha allabariga ee Rabbiga Ilaaheenna ah, siday taasu sharciga ugu qoran tahay, 35 iyo inaynu sannad kasta guriga Rabbiga keenayno midhaha ugu horreeya dhulkeenna iyo midhaha ugu horreeya geedo cayn kasta ah, 36 iyo weliba curadka wiilasheenna iyo curadka xoolaheenna, siday taasu sharciga ugu qoran tahay, in curadka lo'deenna iyo idaheenna la keeno guriga Ilaaheenna oo loo dhiibo wadaaddada ka dhex adeega guriga Ilaaheenna; 37 iyo inaynu wadaaddada qolalka guriga Ilaaheenna ugu keenayno inta ugu horraysa cajiinkeenna, iyo qurbaannadeenna, iyo midhaha geedo cayn kasta ah, iyo khamriga, iyo saliidda, iyo inaynu waxa dhulkeenna ka baxa toban meelood meel ka siinayno kuwa reer Laawi, waayo, reer Laawi waxay meeltobnaadyada ka qaadan jireen beeraha magaalooyinkeenna oo dhan. 38 Oo wadaadka oo ah reer Haaruun wuxuu la joogi doonaa kuwa reer Laawi markay meeltobnaadyada qaadayaan; oo reer Laawina meeltobnaadyada ay toban meelood meel ka sii bixiyaan waxay keeni doonaan guriga Ilaaheenna ilaa qolalka ah guriga khasnadda. 39 Waayo, reer binu Israa'iil iyo reer Laawi waxay qurbaanka hadhuudhka, iyo kan khamriga, iyo kan saliidda keeni doonaan qolalka ah meesha ay yaalliin weelasha meesha quduuska ah, oo ay joogaan wadaaddada adeega, iyo irid-dhawryada, iyo kuwa gabayaaga ah. Oo innaguna guriga Ilaaheenna dayrin mayno.
  • Yer 34:15 : 15 Idinkuse haatan waad soo noqoteen, oo wax qumman ayaad hortayda ku samayseen markii ninkiin kastaaba uu deriskiisa xorriyad ugu dhawaaqay, oo axdi baad hortayda ku gasheen idinkoo gurigii laygu magacaabay jooga.
  • Yer 34:18 : 18 Oo nimankii axdigayga ku xadgudbay, oo aan oofin erayadii axdiga ee ay hortayda ku galeen markay weysha laba u kala gooyeen oo ay qaybaheedii kala dhex mareen,
  • Yer 50:5 : 5 Iyagu waxay haybin doonaan jidka Siyoon iyagoo wejigoodu halkan u soo jeedo, oo waxay odhan doonaan, Kaalaya, oo Rabbiga ugu dhowaada axdi weligiis ah oo aan la illoobi doonin.
  • 2 Kor 8:5 : 5 oo mana aha sidaan rajaynay, laakiin hortii way isa siiyeen Rabbiga iyo annagaba sidii Ilaah doonayay.
  • 2 Boq 23:3 : 3 Markaasaa boqorkii istaagay tiirka agtiisii, oo wuxuu Rabbiga hortiisa axdi ugu maray inuu Rabbiga raaco oo uu qalbigiisa oo dhan iyo naftiisa oo dhan ku dhawro amarradiisa, iyo markhaatiyadiisa, iyo qaynuunnadiisa, iyo inuu sii adkeeyo erayadii axdigan oo kitaabkan ku qornaa, oo dadkii oo dhammuna axdigii bay aqbaleen oo u istaageen.
  • 2 Boq 23:26 : 26 Laakiinse Rabbigu kama uu soo noqon cadhadiisii kululayd ee weynayd oo uu dadka Yahuudah ugu cadhooday xanaaqii uu Manaseh isaga ka xanaajiyey aawadiis.
  • 2 Taar 6:7-8 : 7 Haddaba aabbahay Daa'uud waxaa qalbigiisa ku jiray inuu guri u dhiso magaca Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil. 8 Laakiinse Rabbigu wuxuu aabbahay Daa'uud ku yidhi, Qalbigaaga waxaa ku jiray inaad guri u dhisto magacayga aawadiis, oo taasu hadday qalbigaaga ku jirtay waad ku hagaagsanayd.
  • 2 Taar 15:12-13 : 12 Oo waxay axdi ku galeen inay Rabbiga Ilaaha awowayaashooda ah ku doondoonaan qalbigooda oo dhan iyo naftooda oo dhan, 13 iyo in la dilo ku alla kii aan doondoonin Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil, hadduu yar yahay iyo hadduu weyn yahay, ama hadduu nin yahay iyo hadday naag tahayba.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 32Haddaba sidaas daraaddeed Ilaahayaga weyn, oo Qaadirka ah, oo laga cabsado, oo xajiya axdiga iyo naxariistow, dhibkan oo dhammu yuusan wax yar kula ekaan, kaasoo ku soo kor degay annaga, iyo boqorradayadii, iyo amiirradayadii, iyo wadaaddadayadii, iyo nebiyadayadii, iyo awowayaashayadii, iyo dadkaagii oo dhan, tan iyo wakhtigii boqorradii Ashuur iyo ilaa maantadan la joogo.

  • 9Waayo, bal eega, awowayaasheen seef bay ku le'deen, oo wiilasheennii iyo gabdhaheennii iyo dumarkeenniiba waxaa loo haystaa maxaabiis, waana taas daraaddeed.

  • Nex 1:5-6
    2 aayado
    76%

    5oo idhi, Rabbiyow, Ilaaha samadow, Ilaaha weyn oo laga cabsadow, oo axdiga xajiya, oo u naxariista kuwa isaga jecel oo amarradiisa xajiyow, waan ku baryayaaye,

    6Dhegahaagu ha maqleen, indhahaagana fur, inaad maqashid baryadayda anoo addoonkaaga ah. Wakhtigan habeen iyo maalinba waxaan kuu baryayaa reer binu Israa'iil oo addoommadaada ah, anigoo qiraya dembiyadii aan aniga iyo reer binu Israa'iil kugu dembaabnay; haah, aniga iyo reerka aabbahayba waannu dembaabnay.

  • 3Haddaba sidaas daraaddeed aannu Ilaahayo axdi la dhiganno innaannu iska erinno naagahaas oo dhan, iyo intii ay dhaleenba, sidii ay tahay talada sayidkayga, iyo ta kuwa ka gariira amarka Ilaahayo, oo sidii sharciga waafaqsan ha loo sameeyo.

  • 31Markaasaa boqorkii istaagay meeshiisii, oo wuxuu Rabbiga hortiisa axdi ugu maray inuu Rabbiga raaco oo uu qalbigiisa oo dhan iyo naftiisa oo dhan ku dhawro amarradiisa, iyo markhaatiyadiisa, iyo qaynuunnadiisa, iyo inuu sii adkeeyo erayadii axdiga oo kitaabkan ku qornaa.

  • 75%

    17Weliba waan ogahay, Ilaahayow, inaad qalbiga imtixaantid, oo aad qummanaanta ku faraxdid. Oo aniguna iyadoo qalbigaygu qumman yahay ayaan waxyaalahan oo dhan bixiyey anigoo raalli ah, oo haddana farxad baan ku arkay dadkaaga halkan jooga oo wax bixinaya iyagoo raalli ah.

    18Rabbiyow, awowayaashayo Ibraahim iyo Isxaaq iyo Israa'iil Ilaahoodiiyow, weligaaba saas ka yeel malayaasha fikirrada qalbiga dadkaaga, oo qalbigoodana xaggaaga u soo toosi.

  • Cesr 9:13-15
    3 aayado
    75%

    13Oo tanu waxay noogu soo degtay falimahayagii sharka ahaa aawadood, iyo xujadayadii weynayd aawadeed, maxaa yeelay, Ilaahayagiiyow, waxaad nagu taqsiirtay wax ka yar intii xumaatooyinkayagu mudnaayeen, oo weliba waxaad na siisay dad caynkan ah oo noo hadha,

    14haddaba waxaas oo dhan dabadeed ma mar kalaannu amarradaada jebinnaa, oo aannu la xididnaa dadyowga karaahiyadan sameeya? Sow noo cadhoon maysid jeeraad na wada baabbi'isid oo aadan innaba naga reebin dad hadha iyo mid naga baxsada toona?

    15Rabbiyow, Ilaaha reer binu Israa'iilow, xaq baad tahay, waayo, waxaannu nahay dad hadhay oo baxsaday, sida ay maantadan tahay; bal eeg, waxaannu kula hor joognaa xujadayada, waayo, taas aawadeed ninna hortaada ma istaagi karo.

  • 12Oo waxay axdi ku galeen inay Rabbiga Ilaaha awowayaashooda ah ku doondoonaan qalbigooda oo dhan iyo naftooda oo dhan,

  • 4Oo Rabbiga ah Ilaahayga ayaan baryay, oo wax baan u qirtay, oo aan idhi, Sayidow, waxaad tahay Ilaaha weyn oo laga cabsado, oo axdi xajiya, oo u naxariista kuwa isaga jecel oo amarradiisa dhawra;

  • 12inaad gashaan axdiga Rabbiga Ilaahiinna ah iyo dhaarta Rabbiga Ilaahiinna ahu uu maanta idinla dhiganayo,

  • 74%

    23iyo haddii aan meel allabari u dhisannay inaannu Rabbiga kaga leexanno, ama haddii aannu u dhisnay in lagu dul bixiyo qurbaan la gubo, ama qurbaan hadhuudh ah, ama in lagu dul bixiyo allabari ah qurbaanno nabaadiino, sidaas hadday tahay, Rabbiga qudhiisu ha na weyddiiyo;

    24oo haddii aannan taas u samaynin feejignaan iyo sabab aawadood, annagoo leh, Waa dambe carruurtiinnu waxay la hadli doonaan carruurtayada, oo waxay ku odhan doonaan, Maxaa idinka galay Rabbiga Ilaaha u ah reer binu Israa'iil?

  • 38¶ Oo weliba waxaas oo dhan aawadood waxaannu kula dhiganaynaa axdi daacad ah, waannuna qoraynaa, oo waxaa shaabad ku dhammaynaya amiirradayada, iyo kuwayaga reer Laawi, iyo wadaaddadayada.

  • 27¶ Waxaa ammaan leh Rabbiga ah Ilaaha awowayaashayo, oo boqorka qalbigiisa geliyey wax sidanoo kale ah, inuu ku qurxiyo guriga Rabbiga oo Yeruusaalem ku yaal,

  • 29Ilaah ha naga fogeeyo inaannu Rabbiga ku caasiyowno, oo aannu ka leexanno lasocodkii Rabbiga, oo aannu meel allabari u dhisno qurbaan la gubo, iyo qurbaan hadhuudh ah, ama allabari, taasoo aan ahayn meeshii allabariga Rabbiga Ilaaheen ah ee ku hor taal taambuuggiisa.

  • 3Markaasaa boqorkii istaagay tiirka agtiisii, oo wuxuu Rabbiga hortiisa axdi ugu maray inuu Rabbiga raaco oo uu qalbigiisa oo dhan iyo naftiisa oo dhan ku dhawro amarradiisa, iyo markhaatiyadiisa, iyo qaynuunnadiisa, iyo inuu sii adkeeyo erayadii axdigan oo kitaabkan ku qornaa, oo dadkii oo dhammuna axdigii bay aqbaleen oo u istaageen.

  • 27oo sidaas daraaddeed ayaa Rabbigu ugu xanaaqay dalkan, inuu ku soo dejiyo kulli inkaarta kitaabkan ku qoran oo dhan.

  • 58si uu qalbiyadeenna xaggiisa ugu jeediyo inaynu ku soconno jidadkiisa oo dhan, oo aynu xajinno amarradiisa iyo qaynuunnadiisa iyo xukummadiisa uu awowayaasheen ku amray.

  • 14Oo idinka keligiinna idinla dhigan maayo axdigan iyo dhaartan,

  • 10Haddaba Ilaahayagow, bal maxaan nidhaahnaa tan dabadeed? Waayo, waxaannu ka tagnay amarradaadii,

  • Daan 9:13-16
    4 aayado
    73%

    13Sida ku qoran sharciga Muuse, xumaantan oo dhammu annagay nagu dhacday, welise Rabbiga Ilaahayaga ah raallinimo kama aannu baryin, si aannu uga soo jeesanno dembiyadayada, oo aannu runtaada uga fikirno.

    14Haddaba sidaas daraaddeed baa Rabbigu xumaanta u fiiriyey, oo uu noogu soo dejiyey, waayo, Ilaaha Rabbigayaga ahu wax alla wuxuu sameeyo oo dhan waa ku xaq, oo annana ma aannu addeecin codkiisii.

    15Haddaba Ilaahayaga ahow, oo dadkiisa gacanta xoogga leh Masar kaga soo bixiyayow, oo maanta ammaan isu soo jiidayow, waannu dembaabnay, oo wax shar ah baannu falnay.

    16Sayidow, waan ku baryayaaye xaqnimadaada oo dhan aawadeed, Dhirifkaaga iyo cadhadaaduba ha ka leexdeen magaaladaada Yeruusaalem, oo ah buurtaada quduuska ah; waayo, dembiyadayada iyo xumaantii awowayaashayo aawadood ayaa Yeruusaalem iyo dadkaagiiba kuwo ceebaysan ugu noqdeen inta nagu wareegsan oo dhan.

  • 8Haddaba sidii awowayaashiin ahaan jireen, idinkuna ha noqonina dad madax adag, laakiinse idinku Rabbiga isu dhiiba, oo gala meeshiisa quduuska ah oo uu weligiisba quduus ka dhigay, oo u adeega Rabbiga Ilaahiinna ah, si cadhadiisa kululi ay idiinka noqoto.

  • 19Maxaa yeelay, waan ka cabsaday cadhadii iyo xanaaqii kululaa oo Rabbigu dhirfay oo uu damcay inuu idinku baabbi'iyo. Laakiinse Rabbigu markaasna wuu i maqlay.

  • 21War taga, oo aniga iyo kuwa dalka Israa'iil iyo dalka Yahuudah ku hadhayba Rabbiga wax inoo soo weyddiiya waxa ku saabsan erayada kitaabkii la helay, waayo, cadhada Rabbiga oo inagu soo degtay way weyn tahay, maxaa yeelay, awowayaasheen ma ay xajin inay wada yeelaan waxa kitaabkan ku qoran oo dhan.

  • 27laakiinse waxay noqon doontaa markhaati inoo dhexeeya annaga iyo idinka, iyo farcankeenna inaga dambeeya, si aannu Rabbiga hortiisa ugu adeegno annagoo wadna qurbaannadayada la gubo, iyo allabaryadayada, iyo qurbaannadayada nabaadiinada, inaan carruurtiinnu waa dambe ku odhan carruurtayada, Qayb kuma lihidin Rabbiga.

  • 7Waxaa suurtowda inay baryootankooda Rabbiga hor keenaan, oo midkood kastaaba uu jidkiisa sharka ah ka soo noqdo, waayo, cadhada iyo xanaaqa uu Rabbigu dadkan kaga hadlay way weyn yihiin.

  • 11Haddaba i maqla, oo celiya maxaabiistii aad walaalihiin ka soo kaxaysateen, maxaa yeelay, waxaa idin kor saaran Rabbiga cadhadiisa kulul.

  • 29waxay raaceen walaalahoodii gobtoodii ahaa, oo waxay galeen dhaar habaar leh inay ku soconayaan sharciga Ilaah oo loo soo dhiibay Muuse oo ahaa addoonkii Ilaah, iyo inay dhawrayaan oo wada yeelayaan amarrada Rabbiga ah Sayidkeenna, iyo xukummadiisa iyo qaynuunnadiisa,

  • 13Haddaba jidadkiinna iyo falimihiinnaba hagaajiya, oo codka Rabbiga Ilaahiinna ah addeeca, oo Rabbiguna wuu ka soo noqon doonaa masiibadii uu idinkaga hadlay.

  • 10Waxay dib ugu noqdeen xumaatooyinkii awowayaashoodii diiday inay erayadayda maqlaan, oo waxay daba galeen ilaahyo kale inay iyaga u adeegaan aawadeed. Dadka dalka Israa'iil iyo dadka Yahuudahba way jebiyeen axdigaygii aan awowayaashood la dhigtay.

  • 27Haddaanan ka cabsanin cadowga cadhadiisa, Waaba intaasoo ay cadaawayaashoodu si xun u macaamiloodaan, Oo ay yidhaahdaan, Gacantayadii waa sarraysaa, Oo waxyaalahan oo dhan Rabbigu ma uu samayn.

  • 22Waayo, waxaan ka xishooday inaan boqorka weyddiisto koox askar iyo fardooley ah inay naga caawiyaan cadowga jidka noo jooga, maxaa yeelay, boqorka baannu la hadallay oo ku nidhi, Gacanta Ilaahayagu waxay saaran tahay intii isaga doondoonta oo dhan, wayna u wanaagsan tahay; laakiinse xooggiisa iyo cadhadiisu waxay ka gees yihiin in alla intii isaga ka tagta oo dhan.

  • 9Sayidka Ilaahayaga ahu wuxuu leeyahay naxariis iyo dembidhaaf, waayo, waannu ku caasiyownay;

  • 10Markaasuu ku yidhi, Bal eeg, axdi baan dhigayaa; dadkaaga oo dhan hortiisa waxaan ku samayn doonaa cajaa'ibyo aan weligood lagu samayn dhulka oo dhan iyo quruunnaba; oo dadka aad dhex joogto oo dhammu waxay arki doonaan shuqulka Rabbiga, waayo, waxaan kugu samaynayaa waa wax cabsi badan.

  • 20Rabbiyow, annagu waannu aqoonsannaa sharnimadayada iyo xumaantii awowayaashayoba, waayo, waannu kugu dembaabnay.

  • 12¶ Haddaba haatan waxaa Rabbigu leeyahay, Qalbigiinna oo dhan iigu soo jeesta, idinkoo sooman, oo ooyaya, oo barooranaya.

  • 13Oo waxay iyagii ku yidhaahdeen, Idinku waa inaydnaan maxaabiista halkan soo gelin, waayo, waxaad ku talo jirtaan inaad ina kor saartaan xadgudub Rabbiga ka gees ah, oo waxaad inoo sii kordhinaysaan dembiyadeennii iyo xadgudubkeennii, maxaa yeelay, xadgudubkeennu aad buu u weyn yahay, oo dadka Israa'iilna aad baa loogu cadhooday.

  • 20Oo cadhadii Rabbigu aad bay ugu kululaatay reer binu Israa'iil, oo wuxuu yidhi, Quruuntanu way ku xadgudbeen axdigii aan ku amray awowayaashood, oo codkaygiina ma ay dhegaysan;

  • 29Waxaan jeclaan lahaa in qalbi sidaas ahu uu iyaga ku jiro si ay iiga cabsadaan oo ay had iyo goorba u dhawraan amarradayda inay iyaga iyo carruurtooduba weligood nabdoonaadaan!

  • 14si ay boqortooyadu u sii hoosayso, oo ayan marnaba kor isu qaadin, laakiinse ay u sii taagnaato axdigiisa oo ay dhawrto aawadiis.

  • 3Mindhaa waxaa suurtowda inay ku maqlaan oo mid kastaaba ka soo noqdo jidkiisa sharka ah, inaan anigu ka soo noqdo masiibadii aan u qasdiyey inaan iyaga ku sameeyo sharka falimahooda aawadiis.

  • 19Haddaba qalbigiinna iyo naftiinna u jeediya inaad Rabbiga Ilaahiinna ah doondoontaan, oo sidaas daraaddeed kaca oo dhisa meesha quduuska ah oo Rabbiga Ilaahiinna ah, in sanduuqii axdiga Rabbiga iyo weelashii Ilaah oo quduuska ahaa la soo geliyo guriga loo dhisayo magaca Rabbiga.

  • 14Haddaba amiirradayadu ururka oo dhan ha isu taageen oo kulli inta naagaha qalaad guursatay oo magaalooyinkayaga jooga oo dhammu wakhti la ballamay ha yimaadeen, oo iyaga ha soo raaceen magaalo kasta odayaasheeda iyo xaakinnadeedu, jeeray cadhada kulul oo Ilaahayo ee xaalkan ku saabsan naga rogmato.