2 Boqorradii 23:3

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Markaasaa boqorkii istaagay tiirka agtiisii, oo wuxuu Rabbiga hortiisa axdi ugu maray inuu Rabbiga raaco oo uu qalbigiisa oo dhan iyo naftiisa oo dhan ku dhawro amarradiisa, iyo markhaatiyadiisa, iyo qaynuunnadiisa, iyo inuu sii adkeeyo erayadii axdigan oo kitaabkan ku qornaa, oo dadkii oo dhammuna axdigii bay aqbaleen oo u istaageen.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 2 Boq 11:14 : 14 Oo bal eeg, boqorku wuxuu taagnaa tiirka agtiisa siday caadadu ahayd, oo saraakiishii iyo kuwii turumbada watayna boqorkay ag taagnaayeen; oo dadkii waddanka oo dhammuna way reyreeyeen oo turumbooyin afuufeen. Markaasaa Catalyaah dharkeedii iska jeexjeexday oo waxay ku qaylisay, Waa fallaagow, waa fallaagow!
  • 2 Boq 11:17 : 17 Markaasaa Yehooyaadaac sameeyey axdi u dhexeeya Rabbiga iyo boqorka iyo dadkaba inay iyagu ahaadaan Rabbiga dadkiisa, oo haddana wuxuu dhex dhigay boqorkii iyo dadkii.
  • Sharc 13:4 : 4 Waa inaad Rabbiga Ilaahiinna ah raacdaan oo ka cabsataan, oo waa inaad amarradiisa xajisaan oo codkiisa addeecdaan, waana inaad isaga u adeegtaan oo ku hadhaan.
  • Sharc 29:1 : 1 ¶ Kuwanu waa erayadii axdigii Rabbigu Muuse ku amray, oo uu reer binu Israa'iil kula dhigtay dalkii reer Moo'aab, oo aan ahayn axdigii uu iyaga kula dhigtay Buur Xoreeb.
  • Sharc 29:10-15 : 10 ¶ Maanta dhammaantiin waxaad hor taagan tihiin Rabbiga Ilaahiinna ah. Waxaa wada jooga madaxdiinnii, iyo qabiilooyinkiinnii, iyo odayaashiinnii, iyo saraakiishiinnii, iyo xataa nimankii reer binu Israa'iil oo dhan, 11 iyo dhallaankiinnii, iyo naagihiinnii, iyo qariibkiinnii xeryihiinna ku dhex jira, xataa kan geedaha idiin jara iyo kan biyaha idiin dhaansha, 12 inaad gashaan axdiga Rabbiga Ilaahiinna ah iyo dhaarta Rabbiga Ilaahiinna ahu uu maanta idinla dhiganayo, 13 inuu maanta dad idinka dhigto iyo inuu Ilaah idiin noqdo, siduu idiin sheegay oo uu ugu dhaartay awowayaashiin oo ahaa Ibraahim iyo Isxaaq iyo Yacquub. 14 Oo idinka keligiinna idinla dhigan maayo axdigan iyo dhaartan, 15 laakiinse waxaan la dhiganayaa ka maanta inala taagan halkan Rabbiga Ilaaheenna ah hortiisa, iyo ka aan maanta halkan inala taagnaynba,
  • Yash 24:24-25 : 24 Markaasaa dadkii waxay Yashuuca ku yidhaahdeen, Annagu waxaannu u adeegi doonnaa Rabbiga Ilaahayaga ah, oo weliba codkiisaannu maqli doonnaa. 25 Taas daraaddeed maalintaas ayaa Yashuuca dadkii axdi la dhigtay, oo Shekem buu ugu dejiyey qaynuun iyo amar.
  • Bax 24:3 : 3 Markaasaa Muuse dadkii u yimid, oo wuxuu u sheegay hadalladii Rabbiga oo dhan iyo amarradii oo dhan. Markaasaa dadkii oo dhammu isku cod ku jawaabeen, oo waxay yidhaahdeen, Ereyadii Rabbigu ku hadlay oo dhan waannu wada yeeli doonnaa.
  • Bax 24:7-8 : 7 Markaasuu wuxuu qaaday kitaabkii axdiga, oo wuuna akhriyey iyadoo ay dadkii maqlayaan, oo waxay yidhaahdeen, Kulli wixii Rabbigu ku hadlay waannu yeeli doonnaa oo waannu addeeci doonnaa. 8 Markaasaa Muuse wuxuu qaaday dhiiggii, oo dadkii ku rusheeyey, oo wuxuu ku yidhi, Bal eega dhiiggii axdiga oo Rabbigu idinla dhigtay oo ku saabsan hadalladan oo dhan.
  • Sharc 4:45 : 45 kuwanuna waa markhaatifurkii iyo qaynuunnadii iyo xukummadii uu Muuse kula hadlay reer binu Israa'iil markay dalkii Masar ka soo baxeen,
  • Sharc 5:1-3 : 1 ¶ Markaasaa Muuse u wada yeedhay dadkii reer binu Israa'iil oo dhan oo wuxuu ku yidhi, Reer binu Israa'iilow, maqla qaynuunnada iyo xukummada aan maanta dhegahiinna kula hadlayo inaad iyaga barataan oo aad dhawrtaan si aad u samaysaan. 2 Rabbiga Ilaaheenna ahu innagoo Xoreeb joogna ayuu axdi inala dhigtay. 3 Oo Rabbigu axdigaas lama uu dhigan awowayaasheen, laakiinse wuxuu la dhigtay innagoo ah inteenna maanta nool oo halkan wada joogta oo dhan.
  • Sharc 6:1 : 1 ¶ Haddaba waxanu waa amarkii, iyo qaynuunnadii, iyo xukummadii uu Rabbiga Ilaahiinna ahu amray inaan idin baro, inaad ku dhex samaysaan dalka aad ugu gudbaysaan inaad hantidaan,
  • Sharc 6:5 : 5 Waa inaad Rabbiga Ilaahaaga ah ka jeclaataa qalbigaaga oo dhan iyo naftaada oo dhan iyo xooggaaga oo dhan.
  • Sharc 8:19 : 19 Oo haddaad Rabbiga Ilaahiinna ah illowdaan oo aad ilaahyo kale raacdaan oo u adeegtaan oo caabuddaan, hubaal waxaan maanta idiin markhaati furayaa inaad baabba'aysaan.
  • Sharc 10:12 : 12 ¶ Hadda reer binu Israa'iilow, bal maxaa Rabbiga Ilaahiinna ahu idinka doonayaa, inaad Rabbiga Ilaahiinna ah ka cabsataan, oo aad jidadkiisa oo dhan ku socotaan, oo aad isaga jeclaataan, oo aad Rabbiga Ilaahiinna ah ugu adeegtaan qalbigiinna oo dhan iyo naftiinna oo dhan,
  • Sharc 11:13 : 13 ¶ Oo haddaad aad u dhegaysataan amarrada aan maanta idinku amrayo oo ah inaad Rabbiga Ilaahiinna ah jeclaataan oo aad isaga ugu adeegtaan qalbigiinna oo dhan iyo naftiinna oo dhan,
  • 2 Taar 15:12-14 : 12 Oo waxay axdi ku galeen inay Rabbiga Ilaaha awowayaashooda ah ku doondoonaan qalbigooda oo dhan iyo naftooda oo dhan, 13 iyo in la dilo ku alla kii aan doondoonin Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil, hadduu yar yahay iyo hadduu weyn yahay, ama hadduu nin yahay iyo hadday naag tahayba. 14 Oo waxay Rabbiga ugu dhaarteen cod weyn iyo qaylo iyo turumbooyin iyo buunan.
  • 2 Taar 23:13 : 13 Oo bal eeg, boqorku wuxuu ag taagnaa tiirkiisii iridda u dhowaa, oo saraakiishii iyo kuwii turumbada watayna boqorkay ag taagnaayeen, oo dadkii waddanka oo dhammuna way reyreeyeen oo turumbooyin afuufeen, oo kuwii gabayaaga ahaana waxay ka dhawaajiyeen alaabtii muusikada oo waxay hoggaamiyeen kuwii qaaday gabaygii ammaanta ahaa. Kolkaasaa Catalyaah dharkeedii iska jeexjeexday oo waxay tidhi, Waa fallaagow! Waa fallaagow!
  • 2 Taar 23:16 : 16 ¶ Markaasaa Yehooyaadaac sameeyey axdi u dhexeeya isaga qudhiisa iyo dadka oo dhan iyo boqorkaba inay ahaadaan Rabbiga dadkiisa.
  • 2 Taar 29:10 : 10 Haddaba waxaa qalbigayga ku jirta inaan axdi la dhigto Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil, si ay cadhadiisa kululu inooga noqoto.
  • 2 Taar 34:31-33 : 31 Markaasaa boqorkii istaagay meeshiisii, oo wuxuu Rabbiga hortiisa axdi ugu maray inuu Rabbiga raaco oo uu qalbigiisa oo dhan iyo naftiisa oo dhan ku dhawro amarradiisa, iyo markhaatiyadiisa, iyo qaynuunnadiisa, iyo inuu sii adkeeyo erayadii axdiga oo kitaabkan ku qornaa. 32 Oo wuxuu ka dhigay in intii Yeruusaalem iyo dalka reer Benyaamiin laga helay oo dhanba ay axdiga aqbalaan oo u istaagaan. Oo dadkii Yeruusaalem degganaana waxay yeeleen si waafaqsan axdigii Ilaah, kaasoo ahaa Ilaahii awowayaashood. 33 Markaasaa Yoosiyaah karaahiyadii oo dhan ka fogeeyey dalalka ay dadka Israa'iil lahaayeen oo dhan, oo dadkii dalka Israa'iil laga dhex helay oo dhanna wuxuu ka dhigay inay u adeegaan Rabbiga Ilaahooda ah. Oo intuu noolaa oo dhanna kama ay tegin lasocodka Rabbiga ah Ilaaha awowayaashood.
  • Cesr 10:3 : 3 Haddaba sidaas daraaddeed aannu Ilaahayo axdi la dhiganno innaannu iska erinno naagahaas oo dhan, iyo intii ay dhaleenba, sidii ay tahay talada sayidkayga, iyo ta kuwa ka gariira amarka Ilaahayo, oo sidii sharciga waafaqsan ha loo sameeyo.
  • Nex 9:38 : 38 ¶ Oo weliba waxaas oo dhan aawadood waxaannu kula dhiganaynaa axdi daacad ah, waannuna qoraynaa, oo waxaa shaabad ku dhammaynaya amiirradayada, iyo kuwayaga reer Laawi, iyo wadaaddadayada.
  • Nex 10:28-39 : 28 Oo dadka intiisii kale oo dhan oo ahaa wadaaddadii, iyo kuwii reer Laawi, iyo irid-dhawryadii, iyo kuwii gabayaaga ahaa, iyo reer Netiiniim, iyo kulli intii iska soocday dadyowgii dalka degganaa oo raacday sharcigii Ilaah, iyo naagahoodii, iyo wiilashoodii, iyo gabdhahoodii, iyo mid kasta oo lahaa aqoon iyo waxgarasho, 29 waxay raaceen walaalahoodii gobtoodii ahaa, oo waxay galeen dhaar habaar leh inay ku soconayaan sharciga Ilaah oo loo soo dhiibay Muuse oo ahaa addoonkii Ilaah, iyo inay dhawrayaan oo wada yeelayaan amarrada Rabbiga ah Sayidkeenna, iyo xukummadiisa iyo qaynuunnadiisa, 30 iyo inaynaan gabdhaheenna siinayn dadyowga dalka deggan, oo aynaan gabdhahoodana wiilasheenna u guurinayn; 31 iyo haddii dadyowga dalka degganu ay maalinta sabtida keenaan waxyaalo iib ah iyo cunto uun inaynaan iibsanayn maalintii sabtida iyo maalin quduus ah toona, iyo inaan sannadda toddobaad beeraha dayno oo qaan kasta saamaxno. 32 Oo weliba waxaynu samaysannay amarro inagu xukumaya inaynu sannad kasta sheqel saddexdaloolkiis u bixinayno adeegidda guriga Ilaaheenna, taas oo ah: 33 kibistii tusniinta, iyo qurbaanka hadhuudhka oo joogtada ah, iyo qurbaanka la gubo oo joogtada ah, iyo kan Sabtiyada, iyo kan bilaha cusub, iyo kan iidaha la amray, iyo kan waxyaalaha quduuska ah, iyo qurbaannada dembiga si kafaaraggud loogu sameeyo reer binu Israa'iil, iyo kulli waxa loo sameeyo guriga Ilaah oo dhan. 34 Oo innagoo ah wadaaddada iyo kuwii reer Laawi iyo dadkii kaleba saami baynu u ridannay qurbaanka qoryaha inaynu wakhtigii sannad kasta la amray qoryo gelinayno guriga Ilaaheenna sida qolooyinkeennu yihiin, si qoryaha loogu dul shido meesha allabariga ee Rabbiga Ilaaheenna ah, siday taasu sharciga ugu qoran tahay, 35 iyo inaynu sannad kasta guriga Rabbiga keenayno midhaha ugu horreeya dhulkeenna iyo midhaha ugu horreeya geedo cayn kasta ah, 36 iyo weliba curadka wiilasheenna iyo curadka xoolaheenna, siday taasu sharciga ugu qoran tahay, in curadka lo'deenna iyo idaheenna la keeno guriga Ilaaheenna oo loo dhiibo wadaaddada ka dhex adeega guriga Ilaaheenna; 37 iyo inaynu wadaaddada qolalka guriga Ilaaheenna ugu keenayno inta ugu horraysa cajiinkeenna, iyo qurbaannadeenna, iyo midhaha geedo cayn kasta ah, iyo khamriga, iyo saliidda, iyo inaynu waxa dhulkeenna ka baxa toban meelood meel ka siinayno kuwa reer Laawi, waayo, reer Laawi waxay meeltobnaadyada ka qaadan jireen beeraha magaalooyinkeenna oo dhan. 38 Oo wadaadka oo ah reer Haaruun wuxuu la joogi doonaa kuwa reer Laawi markay meeltobnaadyada qaadayaan; oo reer Laawina meeltobnaadyada ay toban meelood meel ka sii bixiyaan waxay keeni doonaan guriga Ilaaheenna ilaa qolalka ah guriga khasnadda. 39 Waayo, reer binu Israa'iil iyo reer Laawi waxay qurbaanka hadhuudhka, iyo kan khamriga, iyo kan saliidda keeni doonaan qolalka ah meesha ay yaalliin weelasha meesha quduuska ah, oo ay joogaan wadaaddada adeega, iyo irid-dhawryada, iyo kuwa gabayaaga ah. Oo innaguna guriga Ilaaheenna dayrin mayno.
  • Sab 19:7-9 : 7 Sharciga Rabbigu waa kaamil, oo nafta wuu soo celiyaa, Maragfurka Rabbigu waa aamin, oo garaadlaawaha ayuu u caqliyeeyaa. 8 Qaynuunnada Rabbigu waa hagaagsan yihiin, oo qalbiga ayay ka farxiyaan, Amarka Rabbigu waa daahir oo indhaha ayuu nuuriyaa. 9 Cabsida Rabbigu waa nadiif, weligeedna way raagtaa, Xukummada Rabbigu waa run, waana wada xaq dhammaantood.
  • Wacd 8:2 : 2 ¶ Waxaan kugula talinayaa inaad boqorka amarkiisa dhawrtid, dhaartii Ilaah ee aad ku dhaaratay aawadeed.
  • Yer 4:2 : 2 Oo haddaad si run iyo caddaalad iyo xaqnimo ah ugu dhaarataan, Rabbigu waa nool yahay, de markaas quruumuhu isagay ku ducaysan doonaan, oo isagay ku faani doonaan.
  • Yer 50:5 : 5 Iyagu waxay haybin doonaan jidka Siyoon iyagoo wejigoodu halkan u soo jeedo, oo waxay odhan doonaan, Kaalaya, oo Rabbiga ugu dhowaada axdi weligiis ah oo aan la illoobi doonin.
  • Mat 22:36-37 : 36 Macallimow, qaynuunkee baa sharciga uga weyn? 37 Kolkaasuu ku yidhi isaga, Waa inaad Rabbiga Ilaahaaga ah ka jeclaataa qalbigaaga oo dhan iyo naftaada oo dhan iyo caqligaaga oo dhan.
  • Cib 8:8-9 : 8 Wuxuu yidhi, isagoo iyaga eedaynaya, Bal eega, maalmihii waa imanayaan, ayaa Rabbigu leeyahay, Oo anigu axdi cusub baan la dhigan doonaa reer Israa'iil iyo reer Yahuudah; 9 Oo aan ahayn axdigii aan awowayaashood la dhigtay oo kale Maalintii aan iyaga gacanta qabtay inaan ka kaxeeyo dalka Masar, Waayo, iyagu kuma ay sii socon axdigaygii, Aniguna farahaan ka qaaday, ayaa Rabbigu leeyahay. 10 Waayo, kanu waa axdiga aan la dhigan doono reer Israa'iil Maalmahaas dabadood, ayaa Rabbigu leeyahay; Qaynuunnadayda waxaan gelin doonaa maankooda, Qalbigoodana waan ku qori doonaa, Oo Ilaah baan u ahaan doonaa, Iyaguna dad bay ii ahaan doonaan; 11 Oo iyagu ma bari doonaan mid walba deriskiisa Iyo mid walba walaalkiis, iyagoo leh, Rabbiga garo, Waayo, kulli way i garan doonaan, Kan ugu yar ilaa kan ugu weyn. 12 Waayo, iyagoo xaqdaran baan u naxariisan doonaa, Dembiyadoodana kol dambe ma xusuusan doono. 13 Kolkuu yidhi, Axdi cusub, ayuu kii hore duug ka dhigay. Laakiin kan duugoobayaa oo gaboobayaa wuxuu u dhow yahay inuu libdho.
  • Cib 12:24 : 24 iyo Ciise oo ah dhexdhexaadiyaha axdiga cusub, iyo dhiigga rushaynta oo u hadla si ka wanaagsan kii Haabiil.
  • Cib 13:20 : 20 ¶ Haddaba Ilaaha nabadda oo ka soo celiyey kuwii dhintay Rabbigeenna Ciise oo ah Adhijirka weyn ee idaha, oo ku soo celiyey dhiigga axdiga weligiis ah,

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 92%

    30Oo boqorkii wuxuu u kacay gurigii Rabbiga oo waxaa isagii la socday raggii dalka Yahuudah oo dhan, iyo dadkii Yeruusaalem degganaa, iyo wadaaddadii, iyo kuwii reer Laawi, iyo dadkii oo dhan yar iyo weynba, oo isna wuxuu hortooda ku akhriyey dhammaan erayadii kitaabkii axdiga oo guriga Rabbiga laga dhex helay.

    31Markaasaa boqorkii istaagay meeshiisii, oo wuxuu Rabbiga hortiisa axdi ugu maray inuu Rabbiga raaco oo uu qalbigiisa oo dhan iyo naftiisa oo dhan ku dhawro amarradiisa, iyo markhaatiyadiisa, iyo qaynuunnadiisa, iyo inuu sii adkeeyo erayadii axdiga oo kitaabkan ku qornaa.

    32Oo wuxuu ka dhigay in intii Yeruusaalem iyo dalka reer Benyaamiin laga helay oo dhanba ay axdiga aqbalaan oo u istaagaan. Oo dadkii Yeruusaalem degganaana waxay yeeleen si waafaqsan axdigii Ilaah, kaasoo ahaa Ilaahii awowayaashood.

    33Markaasaa Yoosiyaah karaahiyadii oo dhan ka fogeeyey dalalka ay dadka Israa'iil lahaayeen oo dhan, oo dadkii dalka Israa'iil laga dhex helay oo dhanna wuxuu ka dhigay inay u adeegaan Rabbiga Ilaahooda ah. Oo intuu noolaa oo dhanna kama ay tegin lasocodka Rabbiga ah Ilaaha awowayaashood.

  • 2 Boq 23:1-2
    2 aayado
    83%

    1¶ Markaasaa boqorkii cid diray, oo waxaa loo soo ururiyey odayaashii dalka Yahuudah iyo kuwii Yeruusaalem oo dhan.

    2Oo boqorkiina wuxuu u kacay gurigii Rabbiga, oo waxaa isagii la socday raggii dalka Yahuudah oo dhan, iyo dadkii Yeruusaalem degganaa oo dhan, iyo wadaaddadii, iyo nebiyadii, iyo dadkii oo dhan yar iyo weynba; oo isna wuxuu hortooda ku akhriyey dhammaan erayadii kitaabkii axdiga oo gurigii Rabbiga laga dhex helay.

  • 3Markaasaa shirkii oo dhammu axdi boqorkii kula dhigtay guriga Ilaah, oo wuxuu iyagii ku yidhi, Bal eega, boqorka wiilkiisu isagaa boqor noqon doonee, sidii Rabbigu uu kaga hadlay farcanka Daa'uud.

  • 16¶ Markaasaa Yehooyaadaac sameeyey axdi u dhexeeya isaga qudhiisa iyo dadka oo dhan iyo boqorkaba inay ahaadaan Rabbiga dadkiisa.

  • 17Markaasaa Yehooyaadaac sameeyey axdi u dhexeeya Rabbiga iyo boqorka iyo dadkaba inay iyagu ahaadaan Rabbiga dadkiisa, oo haddana wuxuu dhex dhigay boqorkii iyo dadkii.

  • 12Oo waxay axdi ku galeen inay Rabbiga Ilaaha awowayaashooda ah ku doondoonaan qalbigooda oo dhan iyo naftooda oo dhan,

  • 21¶ Markaasaa boqorkii dadkii oo dhan amray oo ku yidhi, Rabbiga Ilaahiinna ah u dhawra Iidda Kormaridda, siday ugu qoran tahay kitaabkan axdiga.

  • 10Haddaba waxaa qalbigayga ku jirta inaan axdi la dhigto Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil, si ay cadhadiisa kululu inooga noqoto.

  • 61Sidaas daraaddeed qalbigiinnu ha u qummanaado Rabbiga Ilaaheenna ah, inaad qaynuunnadiisa ku socotaan oo aad amarradiisa xajisaan sida maanta oo kale.

  • 29waxay raaceen walaalahoodii gobtoodii ahaa, oo waxay galeen dhaar habaar leh inay ku soconayaan sharciga Ilaah oo loo soo dhiibay Muuse oo ahaa addoonkii Ilaah, iyo inay dhawrayaan oo wada yeelayaan amarrada Rabbiga ah Sayidkeenna, iyo xukummadiisa iyo qaynuunnadiisa,

  • 7Markaasuu wuxuu qaaday kitaabkii axdiga, oo wuuna akhriyey iyadoo ay dadkii maqlayaan, oo waxay yidhaahdeen, Kulli wixii Rabbigu ku hadlay waannu yeeli doonnaa oo waannu addeeci doonnaa.

  • 12inaad gashaan axdiga Rabbiga Ilaahiinna ah iyo dhaarta Rabbiga Ilaahiinna ahu uu maanta idinla dhiganayo,

  • 17Oo adiguna haddaad sidii aabbahaa Daa'uud oo kale hortayda ugu socotid, si aad u yeeshid wax alla wixii aan kugu amray oo dhan, oo aad u xajisid qaynuunnadayda iyo xukummadayda,

  • 72%

    16¶ Maanta Rabbiga Ilaahiinna ahu wuxuu idinku amrayaa inaad qaynuunnadan iyo amarradan yeeshaan, haddaba sidaas daraaddeed waa inaad xajisaan oo aad qalbigiinna oo dhan iyo naftiinna oo dhan ka yeeshaan.

    17Oo maanta waxaad Rabbiga u ballanqaaddeen inuu isagu Ilaah idiin yahay, iyo inaad jidkiisa ku soconaysaan, oo aad qaynuunnadiisa iyo amarradiisa iyo xukummadiisa xajinaysaan, oo aad codkiisa dhegaysanaysaan.

  • 4Oo adiguna haddaad sidii aabbahaa Daa'uud oo kale hortayda ugu socotid qalbi daacad ah iyo qummanaan, si aad u yeeshid wax alla wixii aan kugu amray oo aad u xajisid qaynuunnadayda iyo xukummadayda,

  • 1¶ Haddaba sannaddii toddobaad ayaa Yehooyaadaac xoog isgeliyey oo wuxuu soo kaxaystay oo axdi la dhigtay boqol-u-taliyayaashii ahaa Casaryaah ina Yeroxaam, iyo Ismaaciil ina Yehooxaanaan, iyo Casaryaah ina Coobeed, iyo Macaseeyaah ina Cadaayaah, iyo Eliishaafaad ina Sikrii.

  • 3Markaasaa boqorkii soo jeestay, oo shirkii reer binu Israa'iil oo dhan u duceeyey, shirkii reer binu Israa'iilna way wada istaageen.

  • 3oo Rabbiga Ilaahaaga ahna amarkiisa xaji, si aad jidadkiisa ugu socoto, oo aad u dhawrto qaynuunnadiisa, iyo amarradiisa, iyo xukummadiisa, iyo markhaatifurkiisa, si waafaqsan waxa ku qoran sharciga Muuse inaad ku liibaantid waxa aad samaynaysid oo dhan, iyo meel kastoo aad u jeesatoba;

  • 3Sidaas aawadeed odayaashii reer binu Israa'iil oo dhammu waxay boqorkii ugu yimaadeen Xebroon; oo Boqor Daa'uudna wuxuu iyagii axdi kula dhigtay Xebroon Rabbiga hortiisa, oo iyana waxay Daa'uud u boqreen inuu ahaado boqor reer binu Israa'iil u taliya.

  • 23ayuu yidhi, Rabbiyow, Ilaaha reer binu Israa'iilow, Ilaah kula mid ahu kuma jiro samada sare ama dhulka hoose toona, adoo axdiga xajiyaa oo u naxariistaa addoommadaada hortaada ku socda oo kugu aamina qalbigooda oo dhan.

  • 3Sidaas aawadeed odayaashii reer binu Israa'iil oo dhammu waxay boqorkii ugu yimaadeen Xebroon, oo Daa'uudna wuxuu iyagii axdi kula dhigtay Xebroon Rabbiga hortiisa; oo iyana waxay Daa'uud u boqreen inuu ahaado boqor reer binu Israa'iil u taliya, siduu ahaa Eraygii Rabbiga oo uu u soo dhiibay Samuu'eel.

  • 9Haddaba erayada axdigan xajiya oo yeela inaad ku liibaantaan wax alla wixii aad samaysaan.

  • Yex 17:13-14
    2 aayado
    70%

    13Oo boqorka farcankiisiina wuu watay, oo axdi buu la dhigtay, oo dhaar buu isagii marsaday, oo weliba wuxuu kaloo kaxaystay dalka raggiisii xoogga badnaa,

    14si ay boqortooyadu u sii hoosayso, oo ayan marnaba kor isu qaadin, laakiinse ay u sii taagnaato axdigiisa oo ay dhawrto aawadiis.

  • 12Gurigan aad dhisayso waxaan kaa leeyahay, Haddaad qaynuunnadayda ku socotid, oo aad xukummadayda yeeshid, oo aad amarradayda oo dhan dhawrtid inaad ku socotid aawadeed, markaasaan kugu xoojin doonaa eraygaygii aan aabbahaa Daa'uud kula hadlay.

  • 10Oo dadkii oo dhanna wuxuu ka dhigay in nin waluba hubkiisa gacanta ku haysto oo ay istaagaan guriga dhankiisa midig ilaa dhankiisa bidix iyo tan iyo meesha allabariga agteeda iyo guriga agtiisa, oo boqorkii bayna isku wareejiyeen.

  • 9Rabbigu wuxuu idinka dhigan doonaa dad isaga qudhiisa quduus u ah, siduu idiinku dhaartay, haddaad amarrada Rabbiga Ilaahiinna ah xajisaan oo aad jidadkiisana ku socotaan.

  • 7Oo anigu boqortooyadiisaan xoogayn doonaa weligeed, hadduu ku sii adkaado inuu sameeyo amarradayda iyo xukummadayda, siday maantadan tahay.

  • 5oo meel saddexaadna waa inay guriga boqorka joogaan, meel saddexaadna ha joogeen iridda aasaaska agteeda, oo dadka oo dhammuna waa inay ku wada jiraan guriga Rabbiga barxadihiisa.

  • 6¶ Oo Rabbigu wuxuu igu yidhi, Erayadan oo dhan ka dhex naadi magaalooyinka dalka Yahuudah, iyo jidadka Yeruusaalemba, oo waxaad tidhaahdaa, Axdigan erayadiisa dhegaysta oo yeela.

  • 22Maxaa yeelay, haddaad aad u xajisaan kulli amarkan aan idinku amrayo oo dhan inaad yeeshaan, kaasoo ah inaad Rabbiga Ilaahiinna ah jeclaataan, oo aad jidadkiisa oo dhan ku socotaan, oo aad isaga ku hadhaan,

  • 38¶ Oo weliba waxaas oo dhan aawadood waxaannu kula dhiganaynaa axdi daacad ah, waannuna qoraynaa, oo waxaa shaabad ku dhammaynaya amiirradayada, iyo kuwayaga reer Laawi, iyo wadaaddadayada.

  • 18Oo markuu carshiga boqortooyadiisa ku fadhiisto waa inuu naqil ah sharcigan kitaab kaga qoro waxa wadaaddada reer Laawi hortooda yaal,

  • 20¶ Markaasaa Daa'uud wuxuu shirkii oo dhan ku yidhi, Haddaba Rabbiga Ilaahiinna ah ammaana. Kolkaasay shirkii oo dhammu ammaaneen Rabbiga ah Ilaaha awowayaashood, oo intay madaxa foororiyeen ayay u sujuudeen Rabbiga iyo boqorkaba.

  • 69%

    14Oo wuxuu yidhi, Rabbiyow Ilaaha reer binu Israa'iilow, samada iyo dhulka toona Ilaah kula mid ahu kuma jiro, adoo axdiga xajiya oo u naxariista addoommadaada hortaada ku socda oo kugu aamina qalbigooda oo dhan.

    15Waad xajisay wixii aad u ballanqaadday aabbahay Daa'uud oo addoonkaagii ahaa; run ahaan afkaagaad kaga hadashay oo gacantaadana waad ku oofisay, siday maantadan tahay.

    16Haddaba sidaas daraaddeed, Rabbiyow Ilaaha reer binu Israa'iilow, xaji wixii aad u ballanqaadday aabbahay Daa'uud oo addoonkaagii ahaa, adoo ku leh, Hortayda laga waayi maayo nin kaa dhasho oo carshiga reer binu Israa'iil ku fadhiista, hadday carruurtaadu isjiraan oo ay sharcigayga ugu socdaan sidaad hortayda ugu socotay oo kale.

  • 14Oo idinka keligiinna idinla dhigan maayo axdigan iyo dhaartan,

  • 21Oo halkaasna meel baan uga sameeyey sanduuqii uu ku jiray axdigii Rabbiga ee uu awowayaasheen la dhigtay markuu ka soo bixiyey dalkii Masar.

  • 4Markaasay boqorkii iyo dadkii oo dhammuba allabari Rabbiga hortiisa ku bixiyeen.

  • 14Markaasaa boqorkii soo jeestay, oo shirkii reer binu Israa'iil oo dhan u duceeyey, shirkii reer binu Israa'iilna way wada istaageen.

  • 3Markaasaa Muuse dadkii u yimid, oo wuxuu u sheegay hadalladii Rabbiga oo dhan iyo amarradii oo dhan. Markaasaa dadkii oo dhammu isku cod ku jawaabeen, oo waxay yidhaahdeen, Ereyadii Rabbigu ku hadlay oo dhan waannu wada yeeli doonnaa.

  • 35kuwaasoo uu Rabbigu axdi la dhigtay, oo uu ku amray, isagoo leh, Idinku ilaahyo kale ha ka cabsanina, hana u sujuudina, hana u adeegina, allabarina ha u bixinina;

  • 10haddaad addeecdaan codka Rabbiga Ilaahiinna ah oo aad xajisaan amarradiisa iyo qaynuunnadiisa ku qoran kitaabkan sharciga, iyo haddaad Rabbiga Ilaahiinna ah ugu soo noqotaan qalbiga oo dhan iyo nafta oo dhan.

  • 29Oo markay dhammeeyeen qurbaanka bixintiisii ayaa boqorkii iyo kuwii isaga la joogay oo dhammu wada foororsadeen oo Ilaah caabudeen.