1 Taariikhdii 29:20
¶ Markaasaa Daa'uud wuxuu shirkii oo dhan ku yidhi, Haddaba Rabbiga Ilaahiinna ah ammaana. Kolkaasay shirkii oo dhammu ammaaneen Rabbiga ah Ilaaha awowayaashood, oo intay madaxa foororiyeen ayay u sujuudeen Rabbiga iyo boqorkaba.
¶ Markaasaa Daa'uud wuxuu shirkii oo dhan ku yidhi, Haddaba Rabbiga Ilaahiinna ah ammaana. Kolkaasay shirkii oo dhammu ammaaneen Rabbiga ah Ilaaha awowayaashood, oo intay madaxa foororiyeen ayay u sujuudeen Rabbiga iyo boqorkaba.
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
9Markaasaa dadkii aad ugu farxay raallinimadii ay raalligooda wax ku bixiyeen aawadeed, maxaa yeelay, iyagu qalbi qumman ayay Rabbiga wax ugu bixiyeen iyagoo raalli ka ah, oo Boqor Daa'uudna farxad weyn buu farxay.
10¶ Haddaba sidaas daraaddeed ayaa Daa'uud Rabbiga ku ammaanay shirkii oo dhan hortiisa, oo yidhi, Rabbiyow, awowgayo Israa'iil Ilaahiisiiyow, weligaa iyo weligaaba ammaanu ha kuu ahaato.
11Rabbiyow, weynaanta, iyo xoogga, iyo ammaanta, iyo guusha, iyo haybaddaba adigaa iska leh, waayo, waxa samada ku jira oo dhan iyo waxa dhulka saaranba adigaa iska leh. Rabbiyow, boqortooyada adigaa iska leh, oo adiga waxaa laguu sarraysiiyaa sidii madax wax kasta ka sarreeya.
29Oo markay dhammeeyeen qurbaanka bixintiisii ayaa boqorkii iyo kuwii isaga la joogay oo dhammu wada foororsadeen oo Ilaah caabudeen.
30Oo weliba Boqor Xisqiyaah iyo amiirradii ayaa reer Laawi ku amreen inay Rabbiga ammaan ugu gabyaan erayadii Daa'uud iyo kuwii Aasaaf kii wax arkaha ahaa. Oo waxay ammaan ku gabyeen iyagoo faraxsan, oo intay madaxa foororiyeen ayay Ilaah caabudeen.
14Markaasaa boqorkii soo jeestay, oo shirkii reer binu Israa'iil oo dhan u duceeyey, shirkii reer binu Israa'iilna way wada istaageen.
15Markaasuu yidhi, Mahad waxaa leh Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil, oo afkiisa kula hadlay aabbahay Daa'uud, oo gacantiisa ku oofiyey isagoo leh,
3Markaasaa boqorkii soo jeestay, oo shirkii reer binu Israa'iil oo dhan u duceeyey, shirkii reer binu Israa'iilna way wada istaageen.
4Markaasaa Sulaymaan wuxuu yidhi, Mahad waxaa leh Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil oo afkiisa kula hadlay aabbahay Daa'uud oo gacmihiisa ku oofiyey isagoo leh,
47Oo weliba addoommadii boqorku waxay u yimaadeen inay u duceeyaan sayidkeenna Boqor Daa'uud, oo waxay yidhaahdeen, Ilaahaagu magaca Sulaymaan ha ka dhigo mid ka sii wanaagsan magacaaga, oo carshigiisana ha ka sii weyneeyo carshigaaga, oo boqorkiina wuxuu ku kor foororsaday sariirtiisii.
48Oo weliba boqorkii wuxuu yidhi, Waxaa mahad leh Rabbiga ah Ilaaha dadka Israa'iil, oo maanta siiyey mid carshigaygii ku fadhiista iyadoo ay indhahaygu arkaan.
2Oo Daa'uudna markuu dhammeeyey qurbaankii la gubayay iyo qurbaannadii nabaadiinada ee uu bixinayay ayuu dadkii ugu duceeyey magicii Rabbiga.
31Markaasaa Batshebac foororsatay oo wejigeedii dhulka saartay, oo waxay u sujuudday boqorkii oo tidhi, Boqor Daa'uudow, sayidkaygiiyow, weligaaba noolow.
32Oo Boqor Daa'uudna wuxuu yidhi, Iigu yeedha wadaadka Saadooq ah, iyo Nebi Naataan, iyo Benaayaah ina Yehooyaadaac. Oo iyana boqorkay hor yimaadeen.
18Oo Daa'uudna markuu dhammeeyey qurbaankii la gubayay iyo qurbaannadii nabaadiinada ee uu bixinayay ayuu dadkii ugu duceeyey magicii Rabbiga ciidammada.
3Markaasaa shirkii oo dhammu axdi boqorkii kula dhigtay guriga Ilaah, oo wuxuu iyagii ku yidhi, Bal eega, boqorka wiilkiisu isagaa boqor noqon doonee, sidii Rabbigu uu kaga hadlay farcanka Daa'uud.
18Markaasaa Yehooshaafaad madaxa foororshay oo wejiga dhulka saaray, oo dadkii Yahuudah iyo dadkii Yeruusaalem degganaa oo dhammuna Rabbiga hortiisay isku tuureen oo u sujuudeen.
1¶ Markaasaa Daa'uud yidhi, Kanu waa gurigii Rabbiga Ilaaha ah, oo tanuna waa meeshii qurbaanka la gubo oo reer binu Israa'iil.
20Oo Arawnaah ayaa arkay boqorkii iyo addoommadiisii oo xaggiisa u soo socda; markaasaa Arawnaah soo baxay, oo boqorka hortiisii ayuu ku sujuuday, wejigana dhulkuu saaray.
1¶ Markaasaa Boqor Daa'uud shirkii oo dhan ku yidhi, Wiilkayga Sulaymaan oo Ilaahu keligiis doortay, weli wuu yar yahay, waana tabar daranyahay, oo shuqulkuna waa weyn yahay, waayo, guriga nin loo dhisi maayo, laakiinse waxaa loo dhisayaa Rabbiga Ilaaha ah.
4Markaasay boqorkii iyo dadkii oo dhammuba allabari Rabbiga hortiisa ku bixiyeen.
1¶ Markaasaa Daa'uud wuxuu Yeruusaalem ku soo wada shiriyey amiirradii reer binu Israa'iil oo dhan, iyo amiirradii qabiilooyinka, iyo saraakiishii kooxihii boqorka mile milaha ugu adeegi jiray, iyo kuwii kun kun u talin jiray iyo kuwii boqol boqol u talin jiray, iyo taliyayaashii xukumi jiray maalka iyo hantidii boqorka iyo tii wiilashiisaba, iyo saraakiishii iyo raggii xoogga badnaa, xataa kulli raggii xoogga badnaa oo dhanba.
2Markaasaa Boqor Daa'uud cagaha isku taagay, oo wuxuu yidhi, Walaalahay iyo dadkaygiiyow, i maqla. Aniga waxaa qalbigayga ku jirtay inaan guri nasasho u dhiso sanduuqa axdiga Rabbiga iyo meel uu Ilaaheennu cago saaro, oo dhismihiina alaab baan u diyaariyey.
36Waxaa mahad leh Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil, Tan iyo weligiis iyo weligiisba. Markaasaa dadkii oo dhammu waxay yidhaahdeen, Aamiin, oo Rabbigay ammaaneen.
3Sidaas aawadeed odayaashii reer binu Israa'iil oo dhammu waxay boqorkii ugu yimaadeen Xebroon; oo Boqor Daa'uudna wuxuu iyagii axdi kula dhigtay Xebroon Rabbiga hortiisa, oo iyana waxay Daa'uud u boqreen inuu ahaado boqor reer binu Israa'iil u taliya.
16¶ Markaasaa Boqor Daa'uud gudaha galay oo Rabbiga hor fadhiistay, oo wuxuu yidhi, Rabbow Ilaahow, bal yaan ahay? Reerkayguna waa maxay oo aad halkan ii soo gaadhsiisay?
21Oo markii Daa'uud u yimid Aarnaan ayaa Aarnaan arkay Daa'uud, oo intuu meeshii ka baxay ayuu u sujuuday Daa'uud, wejigana dhulkuu saaray.
3Sidaas aawadeed odayaashii reer binu Israa'iil oo dhammu waxay boqorkii ugu yimaadeen Xebroon, oo Daa'uudna wuxuu iyagii axdi kula dhigtay Xebroon Rabbiga hortiisa; oo iyana waxay Daa'uud u boqreen inuu ahaado boqor reer binu Israa'iil u taliya, siduu ahaa Eraygii Rabbiga oo uu u soo dhiibay Samuu'eel.
23Markaasaa Sulaymaan carshigii Rabbiga ku fadhiistay isagoo jagadii aabbihiis Daa'uud boqor ka ah, wuuna barwaaqoobay, oo reer binu Israa'iil oo dhammuna isagay addeeceen.
24Oo amiirradii oo dhan iyo raggii xoogga badnaa iyo Boqor Daa'uud wiilashiisii kale oo dhammuba Boqor Sulaymaan ayay addeeceen oo ka wada dambeeyeen.
17Oo haddana Daa'uud wuxuu amiirradii reer binu Israa'iil oo dhan ku amray inay caawiyaan wiilkiisa Sulaymaan.
55Markaasuu istaagay oo shirkii reer binu Israa'iil oo dhan cod weyn ugu duceeyey, oo yidhi,
16Oo Batshebacna intay foororsatay ayay boqorkii u sujuudday. Markaasaa boqorkii wuxuu ku yidhi, Naa maxaad doonaysaa?
28¶ Oo isla markaasba Daa'uud markuu arkay in Rabbigu isaga uga jawaabay meeshii wax lagu tumi jiray oo uu lahaa Aarnaan oo ahaa reer Yebuus ayuu halkaas ku allabaryay.
26Markaasaa ninkii madaxa foororiyey oo Rabbiga caabuday.
23Boqorow, waxan oo dhan anoo Arawnaah ah ayaan ku siinayaa. Oo Arawnaah wuxuu boqorkii ku yidhi, Rabbiga Ilaahaaga ahu ha ku aqbalo.
19Oo wiilkayga Sulaymaanna waxaad siisaa qalbi qumman oo uu ku dhawro amarradaada iyo markhaatigaaga iyo qaynuunnadaada, inuu waxyaalahan oo dhan sameeyo, iyo inuu dhiso gurigii aan wax u sii diyaarshay.
9Haddaba Rabbiyow Ilaahow, ballankaagii aad aabbahay Daa'uud u ballanqaadday ha dhismo, waayo, waxaad boqor iiga dhigtay dad tiradiisu tahay sida ciidda dhulka.
62¶ Markaas boqorkii iyo reer binu Israa'iil oo dhammaantood la jira ayaa allabari Rabbiga hortiisa ku bixiyey.
6Kolkaasaa Cesraa ammaanay Rabbiga ah Ilaaha weyn, oo dadkii oo dhammuna intay gacmaha kor u qaadeen ayay ku jawaabeen, Aamiin, Aamiin; oo intay madaxa foororiyeen ayay Rabbiga u sujuudeen oo wejiga dhulka saareen.
13Haddaba sidaas daraaddeed, Ilaahayagiiyow, waannu kugu mahadnaqaynaa, oo magacaaga haybadda badanna waannu ammaanaynaa.
18¶ Markaasaa Boqor Daa'uud gudaha galay oo Rabbiga hor fadhiistay, oo wuxuu yidhi, Sayidow, Rabbow, bal yaan ahay? Reerkayguna waa maxay oo aad halkan ii soo gaadhsiisay?
20Markaasaa Daa'uud wuxuu wiilkiisii Sulaymaan ku yidhi, Xoog yeelo oo aad u dhiirranow, oo hawshan samee, oo ha cabsan, hana qalbi jabin, waayo, Rabbiga Ilaaha ah oo ah Ilaahayga ayaa kula jira, oo isagu kuma gabi doono, kumana dayrin doono, jeer la wada dhammeeyo kulli shuqulka adeegidda guriga Rabbiga oo dhan.
36Markaasaa Benaayaah ina Yehooyaadaac boqorkii ugu jawaabay, Aamiin, oo saas ha yidhaahdo Ilaahaagu, Boqorow, sayidkaygiiyow.
29Markaasaa boqorkii dhaartay oo yidhi, Waxaan ku dhaartay Rabbigii naftayda cidhiidhi oo dhan ka samatabbixiyey,
12Oo Daa'uudna wuxuu ogaaday in Rabbigu isaga u taagay inuu ahaado boqor u taliya reer binu Israa'iil, iyo inuu boqortooyadiisa u sarraysiiyey dadkiisa reer binu Israa'iil aawadood.
7Oo haddana Daa'uud wuxuu wiilkiisii Sulaymaan ku yidhi, Waxaa qalbigayga ku jiray inaan guri u dhiso magaca Rabbiga Ilaahayga ah.
43Markaasaa dadkii oo dhan qof waluba gurigiisii tegey, oo Daa'uudna wuxuu u noqday inuu reerkiisii u duceeyo aawadeed.
26Haddaba sidaas daraaddeed, Ilaaha reer binu Israa'iilow, waan ku baryayaaye eraygaagii aad kula hadashay aabbahay Daa'uud oo addoonkaagii ahaa ha rumoobo.
9Waxaa mahad leh Rabbiga Ilaahaaga ah oo kugu farxay inuu kugu fadhiisiyo carshiga reer binu Israa'iil. Rabbigu weligiisba wuu jeclaaday reer binu Israa'iil, oo sidaas aawadeed ayuu boqor kaaga dhigay inaad samaysid xukun iyo caddaalad.