1 Taariikhdii 29:21

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Oo subaxdii maalintaas ka dambaysay ayay Rabbiga u bixiyeen allabaryo iyo qurbaanno la gubo oo ah kun dibi, iyo kun wan, iyo kun baraar ah, iyo qurbaannadooda cabniinka ah, iyo allabaryo tiro badan oo reer binu Israa'iil oo dhan loo bixiyey.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 2 Taar 7:4-9 : 4 Markaasay boqorkii iyo dadkii oo dhammuba allabari Rabbiga hortiisa ku bixiyeen. 5 Oo Boqor Sulaymaan wuxuu allabari ahaan u bixiyey laba iyo labaatan kun oo dibi iyo boqol iyo labaatan kun oo ido ah. Sidaasay boqorkii iyo dadkii kale oo dhammuba gooni uga dhigeen gurigii Ilaah. 6 Markaasaa wadaaddadii waxay u istaageen sidii shuqulkoodu kala ahaa, kuwii reer Laawina way istaageen iyagoo haysta alaabtii muusikada ee Rabbiga, taasoo uu Boqor Daa'uud u sameeyey in Rabbiga lagu mahadnaqo markii Daa'uud Rabbiga ku ammaanay hawshooda, waayo, naxariistiisu weligeedba way raagtaa, oo wadaaddadiina hortooday turumbooyin kaga dhawaajiyeen, oo reer binu Israa'iil oo dhammuna way wada istaageen. 7 Oo weliba Sulaymaan wuxuu quduus ka dhigay barxaddii ka horraysay guriga Rabbiga dhexdeeda, waayo, halkaas wuxuu ku bixiyey qurbaannada la gubo, iyo baruurtii qurbaannada nabaadiinada, maxaa yeelay, meeshii allabariga oo naxaasta ahayd ee uu Sulaymaan sameeyey ma ay wada qaadi karin qurbaanka la gubo iyo qurbaanka hadhuudhka iyo baruurtaba. 8 Oo wakhtigaas Sulaymaan sidaasuu iiddii u sameeyey toddoba maalmood, iyadoo ay la joogaan reer binu Israa'iil oo dhammu, kuwaasoo ahaa shir aad u weyn, oo waxay ka yimaadeen meesha Xamaad laga soo galo iyo ilaa durdurka Masar. 9 Oo maalintii siddeedaadna waxay sameeyeen shir quduus ah, waayo, iyagu meesha allabariga gooni-ka-dhigiddeedii waxay ku jireen toddoba maalmood, toddoba maalmoodna waxay ku jireen iiddii.
  • Cesr 6:17 : 17 Oo markay gurigan Ilaah gaar uga dhigayeen waxay u bixiyeen boqol dibi, iyo laba boqol oo wan, iyo afar boqol oo baraar ah; oo qurbaan dembina waxay reer binu Israa'iil oo dhan ugu bixiyeen laba iyo toban orgi intii ay ahaayeen tirada qabiilooyinkii reer binu Israa'iil.
  • Laaw 23:13 : 13 Oo qurbaankiisa hadhuudhka ahuna waa inuu ahaadaa eefaah toban meelood loo dhigay labadiis meelood oo bur wanaagsan ah oo saliid lagu daray, kaasoo ah qurbaan dab lagu sameeyo oo Rabbiga caraf udgoon u ah, oo qurbaankiisa cabniinka ahuna waa inuu ahaadaa khamri, kaasoo ah hiin afar meelood loo dhigay meesheed.
  • Tir 15:5 : 5 oo khamri ah qurbaanka cabniinka hiin rubuceed waa inaad qurbaanka la gubo ama allabariga ula diyaarisaan wan kasta.
  • Tir 15:7 : 7 Oo qurbaanka cabniinkana waxaad u bixisaan hiin saddex meelood meel khamri ah oo Rabbiga u ah caraf udgoon.
  • Tir 15:10 : 10 Qurbaanka cabniinkana waa inaad u bixisaa hiin nuskeed khamri ah, kaas oo ah qurbaan dab lagu sameeyo oo caraf udgoon Rabbiga u ah.
  • 1 Boq 8:62-65 : 62 ¶ Markaas boqorkii iyo reer binu Israa'iil oo dhammaantood la jira ayaa allabari Rabbiga hortiisa ku bixiyey. 63 Oo Sulaymaan qurbaannada nabaadiinada ee uu Rabbiga u bixiyey waxay ahaayeen laba iyo labaatan kun oo dibi, iyo boqol iyo labaatan kun oo ido ah. Oo sidaasay boqorkii iyo reer binu Israa'iil oo dhammuba gooni uga dhigeen gurigii Rabbiga. 64 Oo isla maalintaasuu boqorku quduus ka dhigay barxaddii ka horraysay guriga Rabbiga dhexdeeda, waayo, halkaas wuxuu ku bixiyey qurbaanka la gubo, iyo qurbaanka hadhuudhka, iyo baruurtii qurbaannada nabaadiinada; maxaa yeelay, meeshii allabariga oo naxaasta ahayd ee Rabbiga hor tiil way ku yarayd oo ma wada qaadin qurbaanka la gubo iyo qurbaanka hadhuudhka iyo baruurtii qurbaannada nabaadiinada. 65 Oo wakhtigaas Sulaymaan sidaasuu iiddii u sameeyey iyadoo ay la joogaan reer binu Israa'iil oo dhammu kuwaasoo ahaa shir weyn, oo waxay ka yimaadeen meesha Xamaad laga soo galo iyo ilaa durdurka Masar, oo Rabbiga Ilaaheenna ah hortiisa waxay ku iidayeen toddoba maalmood iyo toddoba maalmood oo isku ah afar iyo toban beri.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 80%

    32Oo qurbaannadii la gubayay oo shirku keenayna tiradoodu waxay ahayd toddobaatan dibi, iyo boqol wan, iyo laba boqol oo baraar ah, oo intaasoo dhanna waxaa Rabbiga loogu keenay qurbaanno la gubo.

    33Oo xoolihii la daahiriyeyna waxay ahaayeen lix boqol oo dibi iyo saddex kun oo ido ah.

  • 80%

    21Oo waxay keeneen toddoba dibi, iyo toddoba wan, iyo toddoba baraar ah, iyo toddoba orgi, inay qurbaan dembi u ahaadaan boqortooyada aawadeed iyo meesha quduuska ah aawadeed iyo dadka Yahuudah aawadood. Oo wuxuu wadaaddadii reer Haaruun ku amray inay xoolahaas ku bixiyaan meesha Rabbiga lagu baryo.

    22Markaasay dibidii gowraceen oo intay wadaaddadii dhiiggii soo qaadeen ayay meesha allabariga ku rusheeyeen, oo haddana waxay gowraceen wanankii, oo dhiiggoodiina way ku rusheeyeen meesha allabariga, baraarkiina way gowraceen, oo dhiiggoodiina meesha allabariga ayay ku rusheeyeen.

  • 2 Taar 7:4-5
    2 aayado
    79%

    4Markaasay boqorkii iyo dadkii oo dhammuba allabari Rabbiga hortiisa ku bixiyeen.

    5Oo Boqor Sulaymaan wuxuu allabari ahaan u bixiyey laba iyo labaatan kun oo dibi iyo boqol iyo labaatan kun oo ido ah. Sidaasay boqorkii iyo dadkii kale oo dhammuba gooni uga dhigeen gurigii Ilaah.

  • Tir 29:20-24
    5 aayado
    79%

    20¶ Oo maalinta saddexaadna waxaad bixisaan kow iyo toban dibi, iyo laba wan oo waaweyn, iyo afar iyo toban wan oo yaryar oo wada gu jir ah oo aan iin lahayn.

    21Oo dibida iyo wananka waaweyn iyo wananka yaryarba qurbaankooda hadhuudhka ah iyo qurbaankooda cabniinka ahba waa inaad u bixisaan sida tiradoodu tahay oo qaynuunka waafaqsan.

    22Oo waa inaad orgi u bixisaan qurbaan dembi, oo ayan qurbaanka la gubo oo joogtada ah, iyo qurbaankiisa hadhuudhka ah, iyo qurbaankiisa cabniinka ahu ku jirin.

    23¶ Oo maalinta afraadna waxaad bixisaan toban dibi, iyo laba wan oo waaweyn, iyo afar iyo toban wan oo yaryar oo wada gu jir ah oo aan iin lahayn.

    24Oo dibida iyo wananka waaweyn iyo wananka yaryarba qurbaankooda hadhuudhka ah iyo qurbaankooda cabniinka ahba waa inaad u bixisaan sida tiradoodu tahay oo qaynuunka waafaqsan.

  • 79%

    62¶ Markaas boqorkii iyo reer binu Israa'iil oo dhammaantood la jira ayaa allabari Rabbiga hortiisa ku bixiyey.

    63Oo Sulaymaan qurbaannada nabaadiinada ee uu Rabbiga u bixiyey waxay ahaayeen laba iyo labaatan kun oo dibi, iyo boqol iyo labaatan kun oo ido ah. Oo sidaasay boqorkii iyo reer binu Israa'iil oo dhammuba gooni uga dhigeen gurigii Rabbiga.

  • 11Oo maalintaas waxay Rabbiga ugu allabaryeen toddoba boqol oo dibi iyo toddoba kun oo neef oo ido ah oo ka mid ah dhicii ay keeneen.

  • Tir 29:26-27
    2 aayado
    77%

    26¶ Oo maalinta shanaadna waxaad bixisaan sagaal dibi, iyo laba wan oo waaweyn, iyo afar iyo toban wan oo yaryar oo wada gu jir ah oo aan iin lahayn.

    27Oo dibida iyo wananka waaweyn iyo wananka yaryarba qurbaankooda hadhuudhka ah, iyo qurbaankooda cabniinka ahba waa inaad u bixisaan sida tiradoodu tahay oo qaynuunka waafaqsan.

  • Tir 29:29-30
    2 aayado
    77%

    29¶ Oo maalinta lixaadna waxaad bixisaan siddeed dibi, iyo laba wan oo waaweyn, iyo afar iyo toban wan oo yaryar oo wada gu jir ah oo aan iin lahayn.

    30Oo dibida iyo wananka waaweyn iyo wananka yaryarba qurbaankooda hadhuudhka ah iyo qurbaankooda cabniinka ahba waa inaad u bixisaan sida tiradoodu tahay oo qaynuunka waafaqsan.

  • Tir 29:17-18
    2 aayado
    77%

    17¶ Oo maalinta labaadna waxaad bixisaan laba iyo toban dibi oo yaryar, iyo laba wan oo waaweyn, iyo afar iyo toban wan oo yaryar oo wada gu jir ah oo aan iin lahayn.

    18Oo dibida iyo wananka waaweyn iyo wananka yaryarba qurbaankooda hadhuudhka ah iyo qurbaankooda cabniinka ahba waa inaad u bixisaan sida tiradoodu tahay oo qaynuunka waafaqsan.

  • Tir 29:32-33
    2 aayado
    77%

    32¶ Oo maalinta toddobaadna waxaad bixisaan toddoba dibi, iyo laba wan oo waaweyn, iyo afar iyo toban wan oo yaryar oo wada gu jir ah oo aan iin lahayn.

    33Oo dibida iyo wananka waaweyn iyo wananka yaryarba qurbaankooda hadhuudhka ah iyo qurbaankooda cabniinka ahba waa inaad u bixisaan sida tiradoodu tahay oo qaynuunka waafaqsan.

  • 2Oo waa inaad qurbaan la gubo oo caraf udgoon ah Rabbiga ugu bixisaan dibi yar iyo wan weyn iyo toddoba wan oo yaryar oo wada gu jir ah oo aan iin lahayn,

  • Tir 29:36-37
    2 aayado
    76%

    36laakiinse waxaad bixisaan qurbaan la gubo, kaasoo ah qurbaan dab lagu sameeyo oo Rabbiga u ah caraf udgoon, oo waa dibi iyo wan weyn iyo toddoba wan oo yaryar oo wada gu jir ah oo aan iin lahayn.

    37Oo dibiga iyo wanka weyn iyo wananka yaryarba qurbaankooda hadhuudhka ah iyo qurbaankooda cabniinka ahba waa inaad u bixisaan sida tiradoodu tahay oo qaynuunka waafaqsan.

  • 17Oo markay gurigan Ilaah gaar uga dhigayeen waxay u bixiyeen boqol dibi, iyo laba boqol oo wan, iyo afar boqol oo baraar ah; oo qurbaan dembina waxay reer binu Israa'iil oo dhan ugu bixiyeen laba iyo toban orgi intii ay ahaayeen tirada qabiilooyinkii reer binu Israa'iil.

  • 13Oo waa inaad bixisaan qurbaan la gubo oo ah qurbaan dab lagu sameeyo oo Rabbiga caraf udgoon u ah, oo ah saddex iyo toban dibi oo yaryar, iyo laba wan oo waaweyn, iyo afar iyo toban wan oo yaryar oo wada gu jir ah, oo waa inay ahaadaan kuwo aan iin lahayn,

  • 24Waayo, Xisqiyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah wuxuu shirkii u siiyey inay qurbaan ka dhigtaan kun dibi iyo toddoba kun oo ido ah, oo amiirradiina waxay shirkii siiyeen kun dibi iyo toban kun oo ido ah, oo wadaaddo tiro badanuna way isdaahiriyeen.

  • 6Oo Boqor Sulaymaan iyo shirkii reer binu Israa'iil oo isaga u soo ururay oo dhammu waxay wada joogeen sanduuqii hortiisa, iyagoo ku allabaryaya ido iyo dibi aan la sheegi karin ama aan farahooda la tirin karin.

  • 19laakiinse waa inaad bixisaan qurbaan dab lagu sameeyo, kaas oo ah qurbaan loo gubo Rabbiga, oo ah laba dibi oo yaryar, iyo wan weyn, iyo toddoba wan oo yaryar oo wada gu jir ah. Waa inay idiin ahaadaan kuwa aan iin lahayn.

  • 35Oo weliba qurbaannadii la gubayay iyo baruurtii qurbaannadii nabaadiinada, iyo qurbaannadii cabniinka oo la socday qurbaan kastoo la guboba aad bay u badnaayeen. Sidaasay hawshii guriga Rabbiga loo hagaajiyey.

  • 5Oo Boqor Sulaymaan iyo shirkii reer binu Israa'iil oo isaga u soo ururay oo dhammu waxay wada joogeen sanduuqii hortiisa, iyagoo ku allabaryaya ido iyo dibi aan la sheegi karin ama aan farahooda la tirin karin.

  • 24markaasaa wadaaddadii orgidii gowraceen oo waxay dhiiggoodii dembi qurbaankiis kaga dhigeen meesha allabariga korkeeda si ay dadka Israa'iil oo dhan kafaaraggud ugu sameeyaan aawadeed, waayo, boqorka ayaa amray in qurbaanka la gubo iyo qurbaanka dembigaba loo wada sameeyo dadka Israa'iil oo dhan.

  • 35Oo dadkii maxaabiista ahaan jiray ee masaafuriska ka soo noqday, waxay Ilaaha reer binu Israa'iil allabaryo la gubo ugu bixiyeen laba iyo toban dibi reer binu Israa'iil oo dhan aawadiis, iyo lix iyo sagaashan wan, iyo toddoba iyo toddobaatan baraar ah, iyo laba iyo toban orgi oo qurbaan dembi loo bixiyey; oo kulli intaas oo dhammu waxay ahaayeen allabaryo la gubo oo Rabbiga loo bixiyey.

  • 22Oo maalintaas iyagoo aad u faraxsan ayay Rabbiga hortiisa wax ku cuneen oo wax ku cabbeen. Oo Sulaymaan ina Daa'uud ayay mar labaad boqreen, oo isaga Rabbiga ugu subkeen inuu madax ahaado, Saadooqna inuu wadaad ahaado.

  • 8laakiinse waa inaad Rabbiga qurbaan la gubo oo caraf udgoon ah ugu bixisaan dibi yar iyo wan weyn iyo toddoba wan oo yaryar oo wada gu jir ah, oo waa inay idiin ahaadaan kuwa aan iin lahayn,

  • 11¶ Oo bilowga bilihiinnana waa inaad Rabbiga qurbaan la gubo ugu bixisaan laba dibi oo yaryar, iyo wan weyn, iyo toddoba wan oo yaryar oo wada gu jir ah oo aan iin lahayn,

  • 21Oo qurbaan la gubona wuxuu u keenay dibi yar, iyo wan weyn, iyo wan yar oo gu jir ah,

  • 6oo ayan ku jirin qurbaanka la gubo ee bisha cusub, iyo qurbaankiisa hadhuudhka ah, iyo qurbaanka la gubo oo joogtada ah, iyo qurbaankiisa hadhuudhka ah, iyo qurbaannadooda cabniinka ah, sidii qaynuunkoodu ahaa, kuwaasoo wada ah caraf udgoon ee ah qurbaan Rabbiga dab loogu sameeyo.

  • 27Laakiinse waa inaad qurbaan la gubo oo caraf udgoon ah Rabbiga ugu bixisaan laba dibi oo yaryar, iyo wan weyn, iyo toddoba wan oo yaryar oo wada gu jir ah,

  • 18Oo waxaad kibista la keentaan toddoba wan oo yaryar oo aan iin lahayn oo wada gu jira, iyo dibi yar, iyo laba wan oo waaweyn, oo waa inay Rabbiga u ahaadaan qurbaan la gubo, oo waxaad iyaga la keentaan qurbaankooda hadhuudhka ah iyo qurbaannadooda cabniinka ahba, kuwaasoo wada ah qurbaan dab lagu sameeyo oo Rabbiga u ah caraf udgoon.

  • 4Oo waxay noqotay maalintii dambe inay dadkii aroor hore kaceen oo ay halkaas ka dhiseen meel allabari, oo waxay bixiyeen qurbaanno la gubo iyo qurbaanno nabaadiino.

  • 4¶ Markaasaa boqorkii Gibecoon tegey inuu ku soo allabaryo; waayo, halkaasaa ahayd meesha sare ee weyn; oo meeshaas allabariga Sulaymaan wuxuu ku bixiyey kun qurbaan oo la gubo.

  • 6Markaasaa Sulaymaan kor ugu baxay meeshii allabariga ee naxaasta ahayd oo Rabbiga hor tiil, taasoo teendhadii shirka hor qotontay, oo wuxuu ku dul bixiyey kun qurbaan oo la gubo.

  • 81Oo qurbaan la gubona wuxuu u keenay dibi yar, iyo wan weyn, iyo wan yar oo gu jir ah,

  • 51Oo qurbaan la gubona wuxuu u keenay dibi yar, iyo wan weyn, iyo wan yar oo gu jir ah,

  • 5dabadeedna qurbaankii joogtada ahaa, iyo kuwii bilaha cusub, iyo iidihii Rabbiga oo quduuska ahaa, iyo kii qof waluba Rabbiga ikhtiyaarkiisa ugu bixiyey.

  • 39Oo qurbaan la gubona wuxuu u keenay dibi yar, iyo wan weyn, iyo wan yar oo gu jir ah,

  • 26Oo markii Ilaah caawiyey kuwii reer Laawi oo qaaday sanduuqii axdiga Rabbiga ayay toddoba dibi iyo toddoba wan ku allabaryeen.

  • 27Oo qurbaan la gubona wuxuu u keenay dibi yar, iyo wan weyn, iyo wan yar oo gu jir ah,