1 Taariikhdii 29:22
Oo maalintaas iyagoo aad u faraxsan ayay Rabbiga hortiisa wax ku cuneen oo wax ku cabbeen. Oo Sulaymaan ina Daa'uud ayay mar labaad boqreen, oo isaga Rabbiga ugu subkeen inuu madax ahaado, Saadooqna inuu wadaad ahaado.
Oo maalintaas iyagoo aad u faraxsan ayay Rabbiga hortiisa wax ku cuneen oo wax ku cabbeen. Oo Sulaymaan ina Daa'uud ayay mar labaad boqreen, oo isaga Rabbiga ugu subkeen inuu madax ahaado, Saadooqna inuu wadaad ahaado.
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
23Markaasaa Sulaymaan carshigii Rabbiga ku fadhiistay isagoo jagadii aabbihiis Daa'uud boqor ka ah, wuuna barwaaqoobay, oo reer binu Israa'iil oo dhammuna isagay addeeceen.
24Oo amiirradii oo dhan iyo raggii xoogga badnaa iyo Boqor Daa'uud wiilashiisii kale oo dhammuba Boqor Sulaymaan ayay addeeceen oo ka wada dambeeyeen.
25Oo Rabbiguna Sulaymaan aad iyo aad buu ugu weyneeyey reer binu Israa'iil oo dhan hortooda, oo wuxuu isaga siiyey boqortooyo haybad leh oo ayan lahaan jirin boqorradii reer binu Israa'iil oo isaga ka horreeyey oo dhammu.
37Oo sidii Rabbigu uu kuula jiray, Boqorow, sayidkaygiiyow, saas oo kale ha ula jiro Sulaymaanna, oo carshigiisana ha ka dhigo mid ka sii weyn carshigaagii, Boqor Daa'uudow, sayidkaygiiyow.
38Sidaas daraaddeed wadaadkii Saadooq ahaa, iyo Nebi Naataan, iyo Benaayaah ina Yehooyaadaac, iyo reer Kereetiim, iyo kuwii reer Feleetiiba way wada tageen, oo Sulaymaanna waxay fuushiiyeen baqalkii Boqor Daa'uud, oo waxay isagii geeyeen Giixoon.
39Markaasaa wadaadkii Saadooq ahaa wuxuu Teendhada kala soo baxay geeskii saliidda ahaa, oo wuxuu ugu subkay Sulaymaan. Kolkaasay buunkii afuufeen, oo dadkii oo dhammuna waxay yidhaahdeen, Boqor Sulaymaan ha noolaado.
40Oo dadkii oo dhammuna isagii bay soo raaceen, oo dadkii waxay ka dhawaajiyeen biibiilayaal, oo aad iyo aadna way u farxeen, sidaas daraaddeed dhulkii wuxuu la dillaacay dhawaaqoodii.
43Markaasaa Yoonaataan ugu jawaabay Adoniiyaah, Sida runta ah Sayidkeenna Boqor Daa'uud wuxuu boqor ka dhigay Sulaymaan.
44Oo boqorkiina wuxuu raaciyey isagii wadaadkii Saadooq ahaa iyo Nebi Naataan, iyo Benaayaah ina Yehooyaadaac, iyo kuwii reer Kereetiim, iyo kuwii reer Feleetii, oo iyana waxay isagii fuushiiyeen baqalkii boqorka!
45Markaasaa wadaadkii Saadooq ahaa iyo Nebi Naataan isagii u subkeen oo Giixoon ku boqreen, oo halkaasay ka yimaadeen iyagoo faraxsan, saas aawadeed ayay magaaladii haddana u buuqday. Oo qayladii aad maqasheen waa taas.
46Oo haddana Sulaymaan wuxuu ku fadhiistay carshigii boqortooyada.
47Oo weliba addoommadii boqorku waxay u yimaadeen inay u duceeyaan sayidkeenna Boqor Daa'uud, oo waxay yidhaahdeen, Ilaahaagu magaca Sulaymaan ha ka dhigo mid ka sii wanaagsan magacaaga, oo carshigiisana ha ka sii weyneeyo carshigaaga, oo boqorkiina wuxuu ku kor foororsaday sariirtiisii.
48Oo weliba boqorkii wuxuu yidhi, Waxaa mahad leh Rabbiga ah Ilaaha dadka Israa'iil, oo maanta siiyey mid carshigaygii ku fadhiista iyadoo ay indhahaygu arkaan.
25Waayo, isagu maantuu tegey, oo qalay dibi iyo neefaf shishilis, iyo ido badan, oo wuxuu u yeedhay ilma boqor oo dhan, iyo saraakiishii ciidanka, iyo wadaadka Aabyaataar ah, oo bal eeg, iyana hortiisay wax ku cunayaan, oo wax ku cabbayaan, oo waxay leeyihiin, Boqor Adoniiyaah ha noolaado.
26Laakiinse anigoo addoonkaaga ah, iyo wadaadka Saadooq ah, iyo Benaayaah ina Yehooyaadaac, iyo addoonkaaga Sulaymaan ah midna uma uu yeedhin.
27Ma adaa waxan sameeyey, boqorow, sayidkaygiiyow, adoo aan weli addoommadaada ogeysiin kii carshiga ku fadhiisan lahaa dabadaa, boqorow, sayidkaygiiyow?
32Oo Boqor Daa'uudna wuxuu yidhi, Iigu yeedha wadaadka Saadooq ah, iyo Nebi Naataan, iyo Benaayaah ina Yehooyaadaac. Oo iyana boqorkay hor yimaadeen.
33Markaasaa boqorkii wuxuu ku yidhi iyagii, Addoommadayda kaxaysta, oo wiilkayga Sulaymaanna waxaad fuushiisaan baqalkayga oo waxaad geeysaan Giixoon.
34Oo wadaadka Saadooq ah iyo Nebi Naataan isaga halkaas ha ku subkeen, oo ha ka dhigeen boqorkii dalka Israa'iil; oo markaas waxaad afuuftaan buunka oo waxaad tidhaahdaan, Boqor Sulaymaan ha noolaado.
35Dabadeedna waa inaad soo raacdaan isaga, oo isna waa inuu yimaado, oo carshigayga ku fadhiisto; waayo, meeshaydii isagaa boqor ka noqon doona, oo waxaan ka dhigay amiir u taliya dalka Israa'iil iyo dalka Yahuudah.
20¶ Markaasaa Daa'uud wuxuu shirkii oo dhan ku yidhi, Haddaba Rabbiga Ilaahiinna ah ammaana. Kolkaasay shirkii oo dhammu ammaaneen Rabbiga ah Ilaaha awowayaashood, oo intay madaxa foororiyeen ayay u sujuudeen Rabbiga iyo boqorkaba.
21¶ Oo subaxdii maalintaas ka dambaysay ayay Rabbiga u bixiyeen allabaryo iyo qurbaanno la gubo oo ah kun dibi, iyo kun wan, iyo kun baraar ah, iyo qurbaannadooda cabniinka ah, iyo allabaryo tiro badan oo reer binu Israa'iil oo dhan loo bixiyey.
19Oo isagu wuxuu qalay dibi iyo neefaf shishilis iyo ido badan, oo wuxuu u yeedhay ilmo boqor oo dhan, iyo wadaadka Aabyaataar ah, iyo Yoo'aab oo ah sirkaalkii ciidanka; laakiinse uma uu yeedhin addoonkaaga Sulaymaan.
20Oo adna, sayidow, boqorkaygiiyow, indhihii dadka dalka Israa'iil oo dhammu adigay ku soo fiirinayaan, inaad u sheegtid qofka ku fadhiisan doona carshigaaga dabadaa, boqorow, sayidkaygiiyow.
3Sidaas aawadeed odayaashii reer binu Israa'iil oo dhammu waxay boqorkii ugu yimaadeen Xebroon; oo Boqor Daa'uudna wuxuu iyagii axdi kula dhigtay Xebroon Rabbiga hortiisa, oo iyana waxay Daa'uud u boqreen inuu ahaado boqor reer binu Israa'iil u taliya.
3Sidaas aawadeed odayaashii reer binu Israa'iil oo dhammu waxay boqorkii ugu yimaadeen Xebroon, oo Daa'uudna wuxuu iyagii axdi kula dhigtay Xebroon Rabbiga hortiisa; oo iyana waxay Daa'uud u boqreen inuu ahaado boqor reer binu Israa'iil u taliya, siduu ahaa Eraygii Rabbiga oo uu u soo dhiibay Samuu'eel.
3Markaasaa shirkii oo dhammu axdi boqorkii kula dhigtay guriga Ilaah, oo wuxuu iyagii ku yidhi, Bal eega, boqorka wiilkiisu isagaa boqor noqon doonee, sidii Rabbigu uu kaga hadlay farcanka Daa'uud.
26Oo Yeruusaalem waxaa jirtay farxad weyn, waayo, taasoo kale kama ay dhicin Yeruusaalem tan iyo wakhtigii Sulaymaan ina Daa'uud uu boqor dalka Israa'iil ka ahaa.
10Oo bishii toddobaad maalinteedii saddex iyo labaatanaad ayuu dadkii u kala diray teendhooyinkoodii iyagoo faraxsan oo qalbiga kaga rayraynaya wanaaggii uu Rabbigu u sameeyey Daa'uud iyo Sulaymaan iyo dadkiisii reer binu Israa'iilba.
15Markaasaa Sulaymaan toosay, oo bal eeg waxay ahayd riyo; oo intuu Yeruusaalem yimid ayuu hor istaagay sanduuqii axdiga Rabbiga, oo wuxuu bixiyey qurbaanno la gubo iyo qurbaanno nabaadiino, oo addoommadiisii oo dhan ayuu diyaafad u sameeyey.
2Oo kuwanuna amiirradiisii bay ahaayeen, Casaryaah oo uu dhalay wadaadkii Saadooq ahaa,
62¶ Markaas boqorkii iyo reer binu Israa'iil oo dhammaantood la jira ayaa allabari Rabbiga hortiisa ku bixiyey.
64Oo isla maalintaasuu boqorku quduus ka dhigay barxaddii ka horraysay guriga Rabbiga dhexdeeda, waayo, halkaas wuxuu ku bixiyey qurbaanka la gubo, iyo qurbaanka hadhuudhka, iyo baruurtii qurbaannada nabaadiinada; maxaa yeelay, meeshii allabariga oo naxaasta ahayd ee Rabbiga hor tiil way ku yarayd oo ma wada qaadin qurbaanka la gubo iyo qurbaanka hadhuudhka iyo baruurtii qurbaannada nabaadiinada.
65Oo wakhtigaas Sulaymaan sidaasuu iiddii u sameeyey iyadoo ay la joogaan reer binu Israa'iil oo dhammu kuwaasoo ahaa shir weyn, oo waxay ka yimaadeen meesha Xamaad laga soo galo iyo ilaa durdurka Masar, oo Rabbiga Ilaaheenna ah hortiisa waxay ku iidayeen toddoba maalmood iyo toddoba maalmood oo isku ah afar iyo toban beri.
66Oo maalintii siddeedaad ayuu dadkii diray, oo iyana intay boqorkii u duceeyeen ayay teendhooyinkoodii tageen iyagoo faraxsan oo qalbigoodu kaga rayraynaya wanaaggii oo dhan oo uu Rabbigu u sameeyey addoonkiisii Daa'uud iyo dadkiisii reer binu Israa'iilba.
12¶ Oo Sulaymaanna wuxuu ku fadhiistay carshigii aabbihiis Daa'uud, oo boqortooyadiisiina way sii dhisnaatay.
1¶ Haddaba Daa'uud wuu gaboobay, wuuna da' weynaa, markaasuu reer binu Israa'iil boqor uga dhigay wiilkiisii Sulaymaan.
2Oo wuxuu soo wada ururiyey amiirradii reer binu Israa'iil oo dhan, iyo wadaaddadii iyo kuwii reer Laawiba.
1¶ Oo Sulaymaan ina Daa'uud boqortooyadiisuu ku xoogaystay, oo Rabbigii Ilaahiisa ahaa waa la jiray oo aad iyo aad buuna u weyneeyey.
2Oo Sulaymaan baa la hadlay reer binu Israa'iil oo dhan oo ahaa kuwii kun kun u talin jiray, iyo kuwii boqol boqol u talin jiray, iyo xaakinnadii, iyo amiir kasta oo dalka reer binu Israa'iil joogay kuwaasoo ahaa madaxdii reeraha.
9Waxaa mahad leh Rabbiga Ilaahaaga ah oo kugu farxay inuu kugu fadhiisiyo carshiga reer binu Israa'iil. Rabbigu weligiisba wuu jeclaaday reer binu Israa'iil, oo sidaas aawadeed ayuu boqor kaaga dhigay inaad samaysid xukun iyo caddaalad.
39Oo iyana halkaasay Daa'uud la joogeen intii saddex maalmood ah, iyagoo wax cunaya oo wax cabbaya, waayo, walaalahood baa sooryo u diyaariyey.
8Waxaa mahad leh Rabbiga Ilaahaaga ah oo kugu farxay inuu kugu fadhiisiyo carshigiisa inaad boqor ahaatid Rabbiga Ilaahaaga ah aawadiis. Ilaahaagu wuu jeclaaday reer binu Israa'iil inuu xoogeeyo weligood, oo sidaas aawadeed ayuu kaaga dhigay boqor iyaga u taliya inaad samaysid xukun iyo caddaalad.
4Markaasay boqorkii iyo dadkii oo dhammuba allabari Rabbiga hortiisa ku bixiyeen.
28Oo wuxuu dhintay isagoo oday ah oo ka dhergay cimri, iyo maal, iyo sharafba, oo waxaa meeshiisii boqor ka noqday wiilkiisii Sulaymaan.
9Markaasaa dadkii aad ugu farxay raallinimadii ay raalligooda wax ku bixiyeen aawadeed, maxaa yeelay, iyagu qalbi qumman ayay Rabbiga wax ugu bixiyeen iyagoo raalli ka ah, oo Boqor Daa'uudna farxad weyn buu farxay.
11Markaasay wiilka boqorka soo bixiyeen, oo waxay u saareen taajkii, markhaatifurkiina way siiyeen, oo waxay ka dhigeen boqor, oo Yehooyaadaac iyo wiilashiisiina intay isagii subkeen ayay yidhaahdeen, Boqorku ha noolaado.
2Oo raggii reer binu Israa'iil oo dhammu waxay u soo shireen Boqor Sulaymaan wakhtigii iidda ah bisha toddobaad ee Eetaaniim la yidhaahdo.
9Markaasaa Adoniiyaah wuxuu ido iyo dibi iyo neefaf shishilis ku qalay meel u dhow dhagaxa Soxeled oo ku dhinac yaal Ceyn Rogeel, oo wuxuu u wada yeedhay walaalihiis ilmo boqor, iyo raggii reer Yahuudah oo boqorka addoommadiisa ahaa oo dhan.
35Oo weliba qurbaannadii la gubayay iyo baruurtii qurbaannadii nabaadiinada, iyo qurbaannadii cabniinka oo la socday qurbaan kastoo la guboba aad bay u badnaayeen. Sidaasay hawshii guriga Rabbiga loo hagaajiyey.