1 Boqorradii 1:19

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo isagu wuxuu qalay dibi iyo neefaf shishilis iyo ido badan, oo wuxuu u yeedhay ilmo boqor oo dhan, iyo wadaadka Aabyaataar ah, iyo Yoo'aab oo ah sirkaalkii ciidanka; laakiinse uma uu yeedhin addoonkaaga Sulaymaan.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 1 Boq 1:7-9 : 7 Oo isna wuxuu la hadlay Yoo'aab oo ay Seruuyaah dhashay, iyo wadaadkii Aabyaataar; oo iyana intay Adoniiyaah raaceen ayay caawiyeen. 8 Laakiinse Saadooq oo ahaa wadaad, iyo Benaayaah ina Yehooyaadaac, iyo Nebi Naataan, iyo Shimcii iyo Reecii, iyo raggii xoogga badnaa oo Daa'uud lahaa midkoodna Adoniiyaah lama jirin. 9 Markaasaa Adoniiyaah wuxuu ido iyo dibi iyo neefaf shishilis ku qalay meel u dhow dhagaxa Soxeled oo ku dhinac yaal Ceyn Rogeel, oo wuxuu u wada yeedhay walaalihiis ilmo boqor, iyo raggii reer Yahuudah oo boqorka addoommadiisa ahaa oo dhan. 10 Laakiinse uma uu yeedhin Nebi Naataan, iyo Benaayaah, iyo raggii xoogga badnaa, iyo walaalkiis Sulaymaan.
  • 1 Boq 1:25 : 25 Waayo, isagu maantuu tegey, oo qalay dibi iyo neefaf shishilis, iyo ido badan, oo wuxuu u yeedhay ilma boqor oo dhan, iyo saraakiishii ciidanka, iyo wadaadka Aabyaataar ah, oo bal eeg, iyana hortiisay wax ku cunayaan, oo wax ku cabbayaan, oo waxay leeyihiin, Boqor Adoniiyaah ha noolaado.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 88%

    24Markaasaa Naataan wuxuu yidhi, Boqorow, sayidkaygiiyow, ma waxaad tidhi, Aniga dabaday waxaa boqor ahaan doona Adoniiyaah, carshigayguuna ku fadhiisan doonaa?

    25Waayo, isagu maantuu tegey, oo qalay dibi iyo neefaf shishilis, iyo ido badan, oo wuxuu u yeedhay ilma boqor oo dhan, iyo saraakiishii ciidanka, iyo wadaadka Aabyaataar ah, oo bal eeg, iyana hortiisay wax ku cunayaan, oo wax ku cabbayaan, oo waxay leeyihiin, Boqor Adoniiyaah ha noolaado.

    26Laakiinse anigoo addoonkaaga ah, iyo wadaadka Saadooq ah, iyo Benaayaah ina Yehooyaadaac, iyo addoonkaaga Sulaymaan ah midna uma uu yeedhin.

    27Ma adaa waxan sameeyey, boqorow, sayidkaygiiyow, adoo aan weli addoommadaada ogeysiin kii carshiga ku fadhiisan lahaa dabadaa, boqorow, sayidkaygiiyow?

  • 1 Boq 1:5-13
    9 aayado
    84%

    5¶ Markaasaa Adoniiyaah oo ay Haggiid dhashay isweyneeyey, oo yidhi, Anigaa boqor noqon doona; oo wuxuu diyaarsaday gaadhifardood iyo rag fardooley ah, iyo konton nin oo hortiisa orodda.

    6Oo aabbihiisna marna kama calool xumayn isagii oo kuma odhan, War maxaad saas u yeeshay? Wuxuuna ahaa nin qurux badan, oo Absaaloom dabadiis dhashay.

    7Oo isna wuxuu la hadlay Yoo'aab oo ay Seruuyaah dhashay, iyo wadaadkii Aabyaataar; oo iyana intay Adoniiyaah raaceen ayay caawiyeen.

    8Laakiinse Saadooq oo ahaa wadaad, iyo Benaayaah ina Yehooyaadaac, iyo Nebi Naataan, iyo Shimcii iyo Reecii, iyo raggii xoogga badnaa oo Daa'uud lahaa midkoodna Adoniiyaah lama jirin.

    9Markaasaa Adoniiyaah wuxuu ido iyo dibi iyo neefaf shishilis ku qalay meel u dhow dhagaxa Soxeled oo ku dhinac yaal Ceyn Rogeel, oo wuxuu u wada yeedhay walaalihiis ilmo boqor, iyo raggii reer Yahuudah oo boqorka addoommadiisa ahaa oo dhan.

    10Laakiinse uma uu yeedhin Nebi Naataan, iyo Benaayaah, iyo raggii xoogga badnaa, iyo walaalkiis Sulaymaan.

    11Markaasaa Naataan la hadlay Batshebac oo Sulaymaan hooyadiis ahayd, oo ku yidhi, Naa miyaadan maqlin inuu boqor noqday Adoniiyaah kii ay Haggiid dhashay, oo sayidkeenna Daa'uudna uusan taas ogayn?

    12Haddaba sidaas daraaddeed waan ku baryayaaye, Bal kaalay aan kula taliyee, si aad u badbaadiso naftaada iyo nafta wiilkaaga Sulaymaanba.

    13Haddaba tag oo u gal Boqor Daa'uud, oo waxaad ku tidhaahdaa, Boqorow, sayidkaygiiyow, miyaadan anoo addoontaada ah iigu dhaaran oo odhan, Hubaal dabaday waxaa boqor ahaan doona wiilkaaga Sulaymaan, carshigayguuna ku fadhiisan doonaa? Haddaba Adoniiyaah muxuu boqor u noqday?

  • 80%

    20Oo adna, sayidow, boqorkaygiiyow, indhihii dadka dalka Israa'iil oo dhammu adigay ku soo fiirinayaan, inaad u sheegtid qofka ku fadhiisan doona carshigaaga dabadaa, boqorow, sayidkaygiiyow.

    21Haddii kalese, boqorow, sayidkaygiiyow, markaad dhimatid oo aad awowayaashaa la seexatid, aniga iyo wiilkayga Sulaymaanba waxaa lagu tirin doonaa kuwa dembaabay.

  • 79%

    17Markaasay ku tidhi, Sayidow, anoo addoontaada ah waxaad iigu dhaaratay magaca Rabbiga Ilaahaaga ah, adoo leh, Hubaal dabaday waxaa boqor ahaan doona wiilkaaga Sulaymaan, carshigayguuna ku fadhiisan doonaa.

    18Oo haddaba bal eeg, waxaa boqor ah Adoniiyaah, oo adna, sayidow, boqorkaygiiyow, taas ma ogid!

  • 77%

    21Markaasay tidhi, Abiishag tan reer Shuuneem ha la siiyo walaalkaa Adoniiyaah ha guursadee.

    22Kolkaasaa Boqor Sulaymaan hooyadiis ugu jawaabay, Abiishag tan reer Shuuneem maxaad Adoniiyaah ugu doonaysaa? Haddaba boqortooyadana u doon, waayo, isagu waa walaalkay iga weyn, u doon isaga, iyo wadaadka Aabyaataar, iyo Yoo'aab oo ay Seruuyaah dhashay.

    23Markaasaa Boqor Sulaymaan Rabbiga ku dhaartay, oo yidhi, Hadalkan uu Adoniiyaah ku hadlay hadduusan naftiisa ka gees noqon, Ilaah ha igu sameeyo saas iyo si ka sii badanba.

    24Haddaba waxaan ku dhaartay nolosha Rabbigii xoogga ii yeelay, oo igu fadhiisiyey carshigii aabbahay Daa'uud, oo reerka iigu yeelay siduu iigu ballanqaaday, hubaal Adoniiyaah maanta waa la dilayaa.

    25Markaasaa Boqor Sulaymaan u diray Benaayaah ina Yehooyaadaac, oo isna wuu dilay, Adoniiyaahna waa dhintay.

  • 75%

    41Oo Adoniiyaah iyo martidiisii isaga la joogtay oo dhammuna taasay maqleen markay cunitaankii dhammeeyeen. Oo Yoo'aabna markuu maqlay dhawaaqii buunka ayuu yidhi, War waa maxay qaylada iyo buuqa magaaladii ka dhacay?

    42Oo intuu weli hadlayay ayaa waxaa yimid Yoonaataan wiilkii wadaadkii Aabyaataar ahaa. Kolkaasaa Adoniiyaah ku yidhi, Soo gal, waayo, nin ragaad tahay, oo war wanaagsan baad waddaaye.

    43Markaasaa Yoonaataan ugu jawaabay Adoniiyaah, Sida runta ah Sayidkeenna Boqor Daa'uud wuxuu boqor ka dhigay Sulaymaan.

    44Oo boqorkiina wuxuu raaciyey isagii wadaadkii Saadooq ahaa iyo Nebi Naataan, iyo Benaayaah ina Yehooyaadaac, iyo kuwii reer Kereetiim, iyo kuwii reer Feleetii, oo iyana waxay isagii fuushiiyeen baqalkii boqorka!

    45Markaasaa wadaadkii Saadooq ahaa iyo Nebi Naataan isagii u subkeen oo Giixoon ku boqreen, oo halkaasay ka yimaadeen iyagoo faraxsan, saas aawadeed ayay magaaladii haddana u buuqday. Oo qayladii aad maqasheen waa taas.

    46Oo haddana Sulaymaan wuxuu ku fadhiistay carshigii boqortooyada.

  • 74%

    32Oo Boqor Daa'uudna wuxuu yidhi, Iigu yeedha wadaadka Saadooq ah, iyo Nebi Naataan, iyo Benaayaah ina Yehooyaadaac. Oo iyana boqorkay hor yimaadeen.

    33Markaasaa boqorkii wuxuu ku yidhi iyagii, Addoommadayda kaxaysta, oo wiilkayga Sulaymaanna waxaad fuushiisaan baqalkayga oo waxaad geeysaan Giixoon.

    34Oo wadaadka Saadooq ah iyo Nebi Naataan isaga halkaas ha ku subkeen, oo ha ka dhigeen boqorkii dalka Israa'iil; oo markaas waxaad afuuftaan buunka oo waxaad tidhaahdaan, Boqor Sulaymaan ha noolaado.

    35Dabadeedna waa inaad soo raacdaan isaga, oo isna waa inuu yimaado, oo carshigayga ku fadhiisto; waayo, meeshaydii isagaa boqor ka noqon doona, oo waxaan ka dhigay amiir u taliya dalka Israa'iil iyo dalka Yahuudah.

  • 11Kolkaasaa boqorku u cid diray in loo yeedho wadaadkii Axiimeleg ee ahaa ina Axiituub, isagii iyo reerkii aabbihiis oo dhanba, kuwaas oo ahaa wadaaddadii Nob joogay; oo iyana kulligood boqorkii bay u yimaadeen.

  • 51Oo waxaa taas loo soo sheegay Sulaymaan oo lagu yidhi, Bal eeg, Adoniiyaah ayaa kaa cabsaday, Boqor Sulaymaanow, oo wuxuu qabsaday geesihii meeshii allabariga, oo yidhi, Boqor Sulaymaan maanta ha ii dhaarto inuusan anoo addoonkiisa ah seef igu dilayn.

  • 5Rabbigu wiilal badan buu i siiyey oo wuxuu wiilashaydii oo dhan ka doortay wiilkayga Sulaymaan inuu carshiga boqortooyada Rabbiga ku fadhiisto oo uu reer binu Israa'iil u taliyo.

  • 72%

    38Sidaas daraaddeed wadaadkii Saadooq ahaa, iyo Nebi Naataan, iyo Benaayaah ina Yehooyaadaac, iyo reer Kereetiim, iyo kuwii reer Feleetiiba way wada tageen, oo Sulaymaanna waxay fuushiiyeen baqalkii Boqor Daa'uud, oo waxay isagii geeyeen Giixoon.

    39Markaasaa wadaadkii Saadooq ahaa wuxuu Teendhada kala soo baxay geeskii saliidda ahaa, oo wuxuu ugu subkay Sulaymaan. Kolkaasay buunkii afuufeen, oo dadkii oo dhammuna waxay yidhaahdeen, Boqor Sulaymaan ha noolaado.

  • 2Oo Sulaymaan baa la hadlay reer binu Israa'iil oo dhan oo ahaa kuwii kun kun u talin jiray, iyo kuwii boqol boqol u talin jiray, iyo xaakinnadii, iyo amiir kasta oo dalka reer binu Israa'iil joogay kuwaasoo ahaa madaxdii reeraha.

  • 29Markaasaa taas loo soo sheegay Boqor Sulaymaan, oo lagu yidhi, Yoo'aab Teendhadii Rabbiga ayuu u cararay, oo wuxuu ag jooga meeshii allabariga. Dabadeedna Sulaymaan wuxuu diray Benaayaah ina Yehooyaadaac oo wuxuu ku yidhi, Tag oo soo dil.

  • 1¶ Markaasaa Boqor Daa'uud shirkii oo dhan ku yidhi, Wiilkayga Sulaymaan oo Ilaahu keligiis doortay, weli wuu yar yahay, waana tabar daranyahay, oo shuqulkuna waa weyn yahay, waayo, guriga nin loo dhisi maayo, laakiinse waxaa loo dhisayaa Rabbiga Ilaaha ah.

  • 24Oo Absaaloom boqorkii buu u yimid, oo ku yidhi, Bal eeg, idihii ayaan dhogorta ka xiiranayaa, haddaba waan ku baryayaaye, boqorow, adiga iyo addoommadaaduba i soo raaca anoo addoonkaaga ah.

  • 70%

    22Oo maalintaas iyagoo aad u faraxsan ayay Rabbiga hortiisa wax ku cuneen oo wax ku cabbeen. Oo Sulaymaan ina Daa'uud ayay mar labaad boqreen, oo isaga Rabbiga ugu subkeen inuu madax ahaado, Saadooqna inuu wadaad ahaado.

    23Markaasaa Sulaymaan carshigii Rabbiga ku fadhiistay isagoo jagadii aabbihiis Daa'uud boqor ka ah, wuuna barwaaqoobay, oo reer binu Israa'iil oo dhammuna isagay addeeceen.

  • 5Markaasaa Yoo'aab boqorkii ugu yimid gurigiisii, oo ku yidhi, Maanta waxaad ceebaysay wejiyadii addoommadaada oo dhan, kuwaasoo maanta naftaada badbaadshay, iyo nafta wiilashaada iyo gabdhahaaga, iyo nafta naagahaaga, iyo nafta naagahaaga addoommaha ah;

  • 15Markaasaa Sulaymaan toosay, oo bal eeg waxay ahayd riyo; oo intuu Yeruusaalem yimid ayuu hor istaagay sanduuqii axdiga Rabbiga, oo wuxuu bixiyey qurbaanno la gubo iyo qurbaanno nabaadiino, oo addoommadiisii oo dhan ayuu diyaafad u sameeyey.

  • 28Waayo, reerka aabbahay oo dhammu waxay ahaayeen sida dad dhintay oo kale xaggaaga boqorow, sayidkaygiiyow, laakiinse anoo addoonkaaga ah waxaad i dhex fadhiisisay kuwa wax ka cuna miiskaaga. Haddaba weli xaqee baan u leeyahay inaan mar dambe kuu qayshado, boqorow?

  • 27Sidaasuu Sulaymaan Aabyaataar uga eryay wadaadnimadii Rabbiga inuu oofiyo Eraygii Rabbiga ee uu kaga hadlay reerka Ceelii xagga Shiiloh.

  • 5Oo Boqor Sulaymaan iyo shirkii reer binu Israa'iil oo isaga u soo ururay oo dhammu waxay wada joogeen sanduuqii hortiisa, iyagoo ku allabaryaya ido iyo dibi aan la sheegi karin ama aan farahooda la tirin karin.

  • 8Markaasaa Sulaymaan Ilaah ku yidhi, Aabbahay Daa'uud si weyn baad ugu naxariisatay, anigana boqor baad igaga dhigtay meeshiisii.

  • 6Markaasaa Sulaymaan wuxuu yidhi, Addoonkaagii Daa'uud oo aabbahay ahaa aad baad ugu roonaatay, sidii uu hortaada ugu socday daacadnimo iyo xaqnimo, iyo qalbi kula qumman; oo roonaantan weyn ayaad u sii dhawrtay, waayo, waxaad isagii siisay wiil carshigiisii ku fadhiista, sida ay maanta tahay.