7Markaasaa Daa'uud isagii ku yidhi, Ha cabsan, waayo, xaqiiqa waxaan kuugu roonaan doonaa aabbahaa Yoonaataan aawadiis, oo weliba waxaan kuu celin doonaa dhulkii awowgaa Saa'uul oo dhan; oo miiskaygana had iyo goor wax baad ka cuni doontaa.
8Oo isna intuu u sujuuday ayuu ku yidhi, Bal maxaad igu aragtay anigoo u eg eey dhintay, anoo addoonkaaga ahna maxaan ahay?
9Markaasaa boqorkii wuxuu u yeedhay Siibaa, oo ahaa Saa'uul midiidinkiisii, oo wuxuu ku yidhi, Kulli wixii Saa'uul lahaa iyo wax alla wixii reerkiisu lahaa oo dhan waxaan siiyey wiilkii sayidkaaga.
10Haddaba waa inaad dhulka u fashaan isaga, adiga iyo wiilashaada iyo addoommadaaduba, oo midhahana waa inaad gudaha soo gelisaa si uu sayidkaaga wiilkiisu u helo wax uu cuno, laakiinse sayidkaaga wiilkiisa Mefiiboshed ahu mar kasta wax buu ka cuni doonaa miiskayga. Haddaba Siibaa wuxuu lahaa shan iyo toban wiil iyo labaatan addoon.
11Markaasaa Siibaa wuxuu boqorkii ku yidhi, Wax alla wixii adoo ah boqorka sayidkayga aad igu amarto anoo addoonkaaga ah, ayaan u yeelayaa. Oo boqorkiina wuxuu yidhi, Mefiiboshed wuxuu wax ka cuni doonaa miiskayga sidii mid boqorka wiilashiisa ka mid ah.