Tirintii 29:26

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Oo maalinta shanaadna waxaad bixisaan sagaal dibi, iyo laba wan oo waaweyn, iyo afar iyo toban wan oo yaryar oo wada gu jir ah oo aan iin lahayn.

Ilo Dheeraad ah

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Tir 29:27-33
    7 aayado
    95%

    27Oo dibida iyo wananka waaweyn iyo wananka yaryarba qurbaankooda hadhuudhka ah, iyo qurbaankooda cabniinka ahba waa inaad u bixisaan sida tiradoodu tahay oo qaynuunka waafaqsan.

    28Oo waa inaad orgi u bixisaan qurbaan dembi, oo ayan qurbaanka la gubo oo joogtada ah, iyo qurbaankiisa hadhuudhka ah, iyo qurbaankiisa cabniinka ahu ku jirin.

    29¶ Oo maalinta lixaadna waxaad bixisaan siddeed dibi, iyo laba wan oo waaweyn, iyo afar iyo toban wan oo yaryar oo wada gu jir ah oo aan iin lahayn.

    30Oo dibida iyo wananka waaweyn iyo wananka yaryarba qurbaankooda hadhuudhka ah iyo qurbaankooda cabniinka ahba waa inaad u bixisaan sida tiradoodu tahay oo qaynuunka waafaqsan.

    31Oo waa inaad orgi u bixisaan qurbaan dembi, oo ayan qurbaanka la gubo oo joogtada ah, iyo qurbaankiisa hadhuudhka ah, iyo qurbaankiisa cabniinka ahu ku jirin.

    32¶ Oo maalinta toddobaadna waxaad bixisaan toddoba dibi, iyo laba wan oo waaweyn, iyo afar iyo toban wan oo yaryar oo wada gu jir ah oo aan iin lahayn.

    33Oo dibida iyo wananka waaweyn iyo wananka yaryarba qurbaankooda hadhuudhka ah iyo qurbaankooda cabniinka ahba waa inaad u bixisaan sida tiradoodu tahay oo qaynuunka waafaqsan.

  • Tir 29:13-25
    13 aayado
    94%

    13Oo waa inaad bixisaan qurbaan la gubo oo ah qurbaan dab lagu sameeyo oo Rabbiga caraf udgoon u ah, oo ah saddex iyo toban dibi oo yaryar, iyo laba wan oo waaweyn, iyo afar iyo toban wan oo yaryar oo wada gu jir ah, oo waa inay ahaadaan kuwo aan iin lahayn,

    14oo waxaad la bixisaan qurbaankooda hadhuudhka ah oo ah bur saliid lagu daray, oo burkii tobankii meelood saddex meelood saddex iyo tobanka dibi midkiiba la bixi, oo labada wan oo waaweynna midkiiba laba meelood la bixi,

    15oo saddex iyo tobanka wan oo yaryarna mid kasta meel la bixi.

    16Oo weliba orgi waa inaad u bixisaan qurbaan dembi, oo ayan qurbaanka la gubo oo joogtada ah iyo qurbaankiisa hadhuudhka ah, iyo qurbaankiisa cabniinka ahu ku jirin.

    17¶ Oo maalinta labaadna waxaad bixisaan laba iyo toban dibi oo yaryar, iyo laba wan oo waaweyn, iyo afar iyo toban wan oo yaryar oo wada gu jir ah oo aan iin lahayn.

    18Oo dibida iyo wananka waaweyn iyo wananka yaryarba qurbaankooda hadhuudhka ah iyo qurbaankooda cabniinka ahba waa inaad u bixisaan sida tiradoodu tahay oo qaynuunka waafaqsan.

    19Oo waa inaad orgi u bixisaan qurbaan dembi, oo ayan qurbaanka la gubo oo joogtada ah, iyo qurbaankiisa hadhuudhka ah, iyo qurbaankiisa cabniinka ahu ku jirin.

    20¶ Oo maalinta saddexaadna waxaad bixisaan kow iyo toban dibi, iyo laba wan oo waaweyn, iyo afar iyo toban wan oo yaryar oo wada gu jir ah oo aan iin lahayn.

    21Oo dibida iyo wananka waaweyn iyo wananka yaryarba qurbaankooda hadhuudhka ah iyo qurbaankooda cabniinka ahba waa inaad u bixisaan sida tiradoodu tahay oo qaynuunka waafaqsan.

    22Oo waa inaad orgi u bixisaan qurbaan dembi, oo ayan qurbaanka la gubo oo joogtada ah, iyo qurbaankiisa hadhuudhka ah, iyo qurbaankiisa cabniinka ahu ku jirin.

    23¶ Oo maalinta afraadna waxaad bixisaan toban dibi, iyo laba wan oo waaweyn, iyo afar iyo toban wan oo yaryar oo wada gu jir ah oo aan iin lahayn.

    24Oo dibida iyo wananka waaweyn iyo wananka yaryarba qurbaankooda hadhuudhka ah iyo qurbaankooda cabniinka ahba waa inaad u bixisaan sida tiradoodu tahay oo qaynuunka waafaqsan.

    25Oo waa inaad orgi u bixisaan qurbaan dembi, oo ayan qurbaanka la gubo oo joogtada ah, iyo qurbaankiisa hadhuudhka ah iyo qurbaankiisa cabniinka ahu ku jirin.

  • 2Oo waa inaad qurbaan la gubo oo caraf udgoon ah Rabbiga ugu bixisaan dibi yar iyo wan weyn iyo toddoba wan oo yaryar oo wada gu jir ah oo aan iin lahayn,

  • 19laakiinse waa inaad bixisaan qurbaan dab lagu sameeyo, kaas oo ah qurbaan loo gubo Rabbiga, oo ah laba dibi oo yaryar, iyo wan weyn, iyo toddoba wan oo yaryar oo wada gu jir ah. Waa inay idiin ahaadaan kuwa aan iin lahayn.

  • Tir 29:36-37
    2 aayado
    84%

    36laakiinse waxaad bixisaan qurbaan la gubo, kaasoo ah qurbaan dab lagu sameeyo oo Rabbiga u ah caraf udgoon, oo waa dibi iyo wan weyn iyo toddoba wan oo yaryar oo wada gu jir ah oo aan iin lahayn.

    37Oo dibiga iyo wanka weyn iyo wananka yaryarba qurbaankooda hadhuudhka ah iyo qurbaankooda cabniinka ahba waa inaad u bixisaan sida tiradoodu tahay oo qaynuunka waafaqsan.

  • 8laakiinse waa inaad Rabbiga qurbaan la gubo oo caraf udgoon ah ugu bixisaan dibi yar iyo wan weyn iyo toddoba wan oo yaryar oo wada gu jir ah, oo waa inay idiin ahaadaan kuwa aan iin lahayn,

  • 11¶ Oo bilowga bilihiinnana waa inaad Rabbiga qurbaan la gubo ugu bixisaan laba dibi oo yaryar, iyo wan weyn, iyo toddoba wan oo yaryar oo wada gu jir ah oo aan iin lahayn,

  • 25Oo intii toddoba maalmood ah waa inaad maalin kasta orgi qurbaan dembi ah diyaarisaa, oo weliba waa in dibi yar iyo wan aan iin lahayn la diyaariyaa.

  • 6Oo maalinta bishu dhalatona waa in la bixiyaa dibi yar oo aan iin lahayn, iyo lix wan oo yaryar iyo wan weyn, oo waa inay kulligood wada ahaadaan kuwo aan iin lahayn.

  • 27Laakiinse waa inaad qurbaan la gubo oo caraf udgoon ah Rabbiga ugu bixisaan laba dibi oo yaryar, iyo wan weyn, iyo toddoba wan oo yaryar oo wada gu jir ah,

  • 14oo waa inuu qurbaankiisa Rabbiga u bixiyaa. Wan yar oo gu jir ah oo aan iin lahayn waa inuu qurbaan la gubo u bixiyaa, oo uu sabeen gu jir ah oo aan iin lahaynna qurbaan dembi u bixiyaa, oo wan weyn oo aan iin lahaynna qurbaanno nabaadiino u bixiyaa,

  • 27Oo qurbaan la gubona wuxuu u keenay dibi yar, iyo wan weyn, iyo wan yar oo gu jir ah,

  • 9¶ Oo maalinta sabtidana waxaad bixisaa laba wan oo wada gu jir ah oo aan iin lahayn, iyo eefaah bur ah oo toban meelood loo dhigay labadiis meelood ee qurbaan hadhuudh ah oo saliid lagu daray iyo qurbaankiisii cabniinka.

  • 39Oo qurbaan la gubona wuxuu u keenay dibi yar, iyo wan weyn, iyo wan yar oo gu jir ah,

  • 15Oo qurbaan la gubona wuxuu u keenay dibi yar, iyo wan weyn, iyo wan yar oo gu jir ah,

  • 21Oo qurbaan la gubona wuxuu u keenay dibi yar, iyo wan weyn, iyo wan yar oo gu jir ah,

  • 1¶ Oo waxyaalahan waa waxa aad ku samayso iyaga inaad quduus ka dhigtid inay iiga adeegaan hawsha wadaadnimada; waxaad wadataa dibi yar iyo laba wan oo aan iin lahayn,

  • 51Oo qurbaan la gubona wuxuu u keenay dibi yar, iyo wan weyn, iyo wan yar oo gu jir ah,

  • 18Oo waxaad kibista la keentaan toddoba wan oo yaryar oo aan iin lahayn oo wada gu jira, iyo dibi yar, iyo laba wan oo waaweyn, oo waa inay Rabbiga u ahaadaan qurbaan la gubo, oo waxaad iyaga la keentaan qurbaankooda hadhuudhka ah iyo qurbaannadooda cabniinka ahba, kuwaasoo wada ah qurbaan dab lagu sameeyo oo Rabbiga u ah caraf udgoon.

  • 45Oo qurbaan la gubona wuxuu u keenay dibi yar, iyo wan weyn, iyo wan yar oo gu jir ah,

  • 81Oo qurbaan la gubona wuxuu u keenay dibi yar, iyo wan weyn, iyo wan yar oo gu jir ah,

  • 57Oo qurbaan la gubona wuxuu u keenay dibi yar, iyo wan weyn, iyo wan yar oo gu jir ah,

  • 33Oo qurbaan la gubona wuxuu u keenay dibi yar, iyo wan weyn, iyo wan yar oo gu jir ah,

  • 11Oo waa inaad orgi qurbaan dembi u bixisaan, oo ayan qurbaanka dembiga oo kafaaraggudka ah, iyo qurbaanka la gubo oo joogtada ah, iyo qurbaankiisii hadhuudhka ah iyo qurbaannadooda cabniinka ahu ku jirin.

  • 23Oo markaad nadiifinteeda dhammaysid waa inaad bixisaa dibi yar oo aan iin lahayn iyo wan aan iin lahayn.

  • 75Oo qurbaan la gubona wuxuu u keenay dibi yar, iyo wan weyn, iyo wan yar oo gu jir ah,

  • 69Oo qurbaan la gubona wuxuu u keenay dibi yar, iyo wan weyn, iyo wan yar oo gu jir ah,

  • 5Wankiinnu waa inuu ahaadaa mid aan iin lahayn, waana inuu ahaadaa mid lab oo sannad jiray, waana inaad wananka ama orgiyada ka bixisaan,

  • 87Oo dibidii qurbaanka la gubo loo bixiyey oo dhammu waxay ahaayeen laba iyo toban dibi, wanankuna waxay ahaayeen laba iyo toban wan oo waaweyn, iyo laba iyo toban wan oo yaryar oo wada gu jir ah, waxaana la keenay qurbaankoodii hadhuudhka ahaa. Oo qurbaankii dembigana orgidii loo bixiyey waxay ahaayeen laba iyo toban,

  • 3Oo reer binu Israa'iilna la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Waxaad keentaan orgi ah qurbaan dembi, iyo weyl iyo wan oo labadooduba gu jiraan oo aan innaba iin lahayn oo qurbaan la gubo ah.

  • 4oo toddobada wan oo yaryarna wankiiba meel la bixi.