2 Taariikhdii 1:9

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Haddaba Rabbiyow Ilaahow, ballankaagii aad aabbahay Daa'uud u ballanqaadday ha dhismo, waayo, waxaad boqor iiga dhigtay dad tiradiisu tahay sida ciidda dhulka.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 2 Sam 7:12-16 : 12 Oo markii cimrigaagu dhammaado, oo aad la seexato awowayaashaa, farcankaaga kaa dambeeya oo kaa soo bixi doona ayaan sara kicin doonaa, oo boqortooyadiisana waan dhisi doonaa. 13 Oo isna guri buu magacayga u dhisi doonaa, oo xoog baan u yeeli doonaa carshiga boqortooyadiisa weligiis. 14 Oo anigu aabbaan u ahaan doonaa, isna wiil buu ii ahaan doonaa, oo hadduu dembi galona, waxaan ku edbin doonaa usha dadka iyo garaacidda binu-aadmiga, 15 laakiinse naxariistaydu ka dhammaan mayso isaga, sidii aan Saa'uul uga dhammeeyey oo kale, kaasoo ahaa kii aan hortaa fogeeyey. 16 Oo reerkaaga iyo boqortooyadaadaba waxaa laga dhigi doonaa kuwo weligood hortaada ku raaga, oo carshigaaguna weligiis wuu dhisnaan doonaa.
  • Bil 13:16 : 16 Farcankaagana waxaan ka dhigi doonaa sida ciidda dhulka; haddii nin ciidda dhulka tirin karo, farcankaagana waa la tirin doonaa.
  • Bil 22:17 : 17 inaan barako ku barakayn doono, oo aan farcankaaga u tarmin doono sida xiddigaha cirka, iyo sida cammuudda taal badda xeebteeda; oo uu farcankaaguna hantiyi doono cadaawayaashiisa iriddooda;
  • Sab 89:35-37 : 35 Mar baan waxaan ku dhaartay quduusnimadayda, Oo Daa'uud been uma sheegi doono, 36 Farcankiisu weligiisuu waari doonaa, Carshigiisuna wuxuu u waari doonaa sida qorraxda hortayda ka ifaysa. 37 Oo wuxuu weligiisba u sii jiri doonaa sida dayaxa, Iyo sida markhaatiga daacadda ah oo cirka jooga. (Selaah)
  • Sab 132:11-12 : 11 Rabbigu run buu Daa'uud ugu dhaartay, Oo dhaartiisiina ka soo noqon maayo, Midhaha jidhkaaga midkood ayaan carshigaaga ku fadhiisin doonaa. 12 Carruurtaadu hadday xajiyaan axdigayga Iyo markhaatifurkayga aan iyaga bari doono, De markaas carruurtooduna weligood bay ku fadhiisan doonaan carshigaaga.
  • Tir 23:10 : 10 Bal yaa qiyaasi kara reer Yacquub oo sida boodhka ah? Amase yaa tirin kara reer binu Israa'iil rubuciis? Anigu aan u dhinto sida kuwa xaqa ahu u dhintaan, Oo ugu dambaystayduna ha ahaato sida tooda oo kale.
  • 2 Sam 7:25-29 : 25 Haddaba, Rabbow Ilaahow, eraygii aad ku hadashay oo igu saabsanaa anoo addoonkaaga ah oo ku saabsanaa reerkayga weligaa adkee oo sidaad ugu hadashay yeel. 26 Oo magacaaguna ha weynaado weligiis, hana la yidhaahdo, Rabbiga ciidammadu waa Ilaaha u taliya reer binu Israa'iil, oo anoo addoonkaaga Daa'uud ah reerkayguna wuu ku dhismi doonaa hortaada. 27 Waayo, Rabbiga ciidammadow, Ilaaha reer binu Israa'iilow, anoo addoonkaaga ah wax baad ii muujisay, oo waxaad igu tidhi, Reer baan kuu dhisi doonaa, sidaas daraaddeed waan ku dhiirranahay inaan baryadan ku baryo. 28 Haddaba, Sayidow, Rabbow, waxaad tahay Ilaah, oo erayadaaduna waa run, oo waxan wanaagsanna waad ii ballanqaadday anoo addoonkaaga ah. 29 Haddaba, Sayidow, Rabbow, waan ku baryayaaye, anoo addoonkaaga ah, barakee reerkayga inuu weligiisba hortaada ku sii raago, waayo, adigaa taas ku hadlay, oo reerkayguna weligiis ha barakaysnaado.
  • 1 Boq 3:7-8 : 7 Haddaba Rabbigayow, Ilaahow, anoo addoonkaaga ah, boqor baad iiga dhigtay meeshii aabbahay Daa'uud; laakiinse waxaan ahay wiil yar, oo garan maayo si loo baxo iyo si loo soo galo toona. 8 Oo anoo addoonkaaga ahuna waxaan dhex joogaa dadkaagii aad dooratay, oo ah dad badan oo aan la tirin karin, lana xisaabi karin faro badnaantooda.
  • 1 Taar 17:11-14 : 11 Oo markii cimrigaagu dhammaado, oo aad awowayaashaa la jiri doonto sida waajibka ah, ayaan sara kicin doonaa farcankaaga kaa dambeeya oo wiilashaada midkood ahaan doona, oo boqortooyadiisana waan dhisi doonaa. 12 Oo isna guri buu ii dhisi doonaa, oo xoog baan u yeeli doonaa carshigiisa weligiis. 13 Oo anigu aabbaan u ahaan doonaa, isna wiil buu ii ahaan doonaa, oo anna naxariistayda kama fogayn doono, sidii aan uga fogeeyey kii kaa horreeyey, 14 laakiinse waxaan isaga dhex taagi doonaa weligiisba gurigayga iyo boqortooyadayda, oo carshigiisuna weligiis wuu dhisnaan doonaa.
  • 1 Taar 17:23-27 : 23 Haddaba Rabbow, eraygii aad ku hadashay oo igu saabsanaa anoo addoonkaaga ah, oo ku saabsanaa reerkayga, weligaa adkee oo sidaad ku hadashay yeel. 24 Oo magacaaguna ha xoogaysto oo ha weynaado weligiis, hana la yidhaahdo, Rabbiga ciidammadu waa Ilaaha reer binu Israa'iil, isagu wuxuu Ilaah u yahay reer binu Israa'iil, oo anoo addoonkaaga Daa'uud ah reerkaygu hortaaduu ku dhisan yahay. 25 Waayo, Ilaahayow, anoo addoonkaaga ah wax baad ii muujisay, oo waxaad igu tidhi, Reer baan kuu dhisi doonaa, sidaas daraaddeed waan ku dhiirranahay inaan baryadan hortaada kugu baryo. 26 Haddaba Rabbiyow, adigu waxaad tahay Ilaah, oo waxan wanaagsan baad ii ballanqaadday, anoo addoonkaaga ah, 27 oo waxaad ku faraxday inaad barakaysid reerkayga anoo addoonkaaga ah, inuu weligiisba hortaada ku sii raago, waayo, Rabbiyow, adigu waad barakaysay, oo wuu barakaysan yahay weligiis.
  • 1 Taar 28:6-7 : 6 Oo wuxuu igu yidhi, Wiilkaaga Sulaymaan ayaa dhisi doona gurigayga iyo barxadahaygaba, waayo, waxaan isaga u doortay inuu ahaado wiilkaygii, oo anna waxaan isaga u ahaan doonaa aabbihiis. 7 Oo anigu boqortooyadiisaan xoogayn doonaa weligeed, hadduu ku sii adkaado inuu sameeyo amarradayda iyo xukummadayda, siday maantadan tahay.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 8Markaasaa Sulaymaan Ilaah ku yidhi, Aabbahay Daa'uud si weyn baad ugu naxariisatay, anigana boqor baad igaga dhigtay meeshiisii.

  • 1 Boq 3:6-8
    3 aayado
    80%

    6Markaasaa Sulaymaan wuxuu yidhi, Addoonkaagii Daa'uud oo aabbahay ahaa aad baad ugu roonaatay, sidii uu hortaada ugu socday daacadnimo iyo xaqnimo, iyo qalbi kula qumman; oo roonaantan weyn ayaad u sii dhawrtay, waayo, waxaad isagii siisay wiil carshigiisii ku fadhiista, sida ay maanta tahay.

    7Haddaba Rabbigayow, Ilaahow, anoo addoonkaaga ah, boqor baad iiga dhigtay meeshii aabbahay Daa'uud; laakiinse waxaan ahay wiil yar, oo garan maayo si loo baxo iyo si loo soo galo toona.

    8Oo anoo addoonkaaga ahuna waxaan dhex joogaa dadkaagii aad dooratay, oo ah dad badan oo aan la tirin karin, lana xisaabi karin faro badnaantooda.

  • 8Waxaa mahad leh Rabbiga Ilaahaaga ah oo kugu farxay inuu kugu fadhiisiyo carshigiisa inaad boqor ahaatid Rabbiga Ilaahaaga ah aawadiis. Ilaahaagu wuu jeclaaday reer binu Israa'iil inuu xoogeeyo weligood, oo sidaas aawadeed ayuu kaaga dhigay boqor iyaga u taliya inaad samaysid xukun iyo caddaalad.

  • 9Waxaa mahad leh Rabbiga Ilaahaaga ah oo kugu farxay inuu kugu fadhiisiyo carshiga reer binu Israa'iil. Rabbigu weligiisba wuu jeclaaday reer binu Israa'iil, oo sidaas aawadeed ayuu boqor kaaga dhigay inaad samaysid xukun iyo caddaalad.

  • 78%

    10Haddaba waxaad i siisaa xigmad iyo aqoon si aan dadkan hortooda ugu baxo oo ugu soo galo, waayo, dadkaagan tirada badan bal yaa xukumi kara?

    11Markaasaa Ilaah wuxuu Sulaymaan ku yidhi, Waxyaalaha qalbigaaga ku jiray aawadood oo ah adigoo aan i weyddiisan maal, iyo hodan, amase sharaf, amase kuwa adiga ku neceb noloshooda, ama aadan i weyddiisan cimri dheer, laakiinse aad i weyddiisatay xigmad iyo aqoon aad ku xukuntid dadkayga aan boqorka kaaga dhigay,

    12ayaa xigmad iyo aqoonba lagu siiyey, oo anna waxaan ku siinayaa maal, iyo hodan, iyo sharaf ayan lahaan jirin boqorradii kaa horreeyey oo dhammu, oo ayan kuwa kaa dambeeya oo dhammuna taasoo kale lahaan doonin.

  • 78%

    23ayuu yidhi, Rabbiyow, Ilaaha reer binu Israa'iilow, Ilaah kula mid ahu kuma jiro samada sare ama dhulka hoose toona, adoo axdiga xajiyaa oo u naxariistaa addoommadaada hortaada ku socda oo kugu aamina qalbigooda oo dhan.

    24Waad xajisay wixii aad u ballanqaadday aabbahay Daa'uud oo addoonkaagii ahaa; run ahaan afkaagaad kaga hadashay oo gacantaadana waad ku oofisay siday maantadan tahay.

    25Haddaba sidaas daraaddeed, Rabbiyow, Ilaaha reer binu Israa'iilow, xaji wixii aad u ballanqaadday aabbahay Daa'uud oo addoonkaagii ahaa, adoo ku leh, Hortayda laga waayi maayo nin carshiga reer binu Israa'iil ku fadhiista, hadday carruurtaadu isjiraan, oo ay hortayda ugu socdaan sidaad hortayda ugu socotay oo kale.

    26Haddaba sidaas daraaddeed, Ilaaha reer binu Israa'iilow, waan ku baryayaaye eraygaagii aad kula hadashay aabbahay Daa'uud oo addoonkaagii ahaa ha rumoobo.

  • 37Oo sidii Rabbigu uu kuula jiray, Boqorow, sayidkaygiiyow, saas oo kale ha ula jiro Sulaymaanna, oo carshigiisana ha ka dhigo mid ka sii weyn carshigaagii, Boqor Daa'uudow, sayidkaygiiyow.

  • 35Dabadeedna waa inaad soo raacdaan isaga, oo isna waa inuu yimaado, oo carshigayga ku fadhiisto; waayo, meeshaydii isagaa boqor ka noqon doona, oo waxaan ka dhigay amiir u taliya dalka Israa'iil iyo dalka Yahuudah.

  • 2 Taar 1:1-2
    2 aayado
    77%

    1¶ Oo Sulaymaan ina Daa'uud boqortooyadiisuu ku xoogaystay, oo Rabbigii Ilaahiisa ahaa waa la jiray oo aad iyo aad buuna u weyneeyey.

    2Oo Sulaymaan baa la hadlay reer binu Israa'iil oo dhan oo ahaa kuwii kun kun u talin jiray, iyo kuwii boqol boqol u talin jiray, iyo xaakinnadii, iyo amiir kasta oo dalka reer binu Israa'iil joogay kuwaasoo ahaa madaxdii reeraha.

  • 20Oo adna, sayidow, boqorkaygiiyow, indhihii dadka dalka Israa'iil oo dhammu adigay ku soo fiirinayaan, inaad u sheegtid qofka ku fadhiisan doona carshigaaga dabadaa, boqorow, sayidkaygiiyow.

  • 76%

    46Oo haddana Sulaymaan wuxuu ku fadhiistay carshigii boqortooyada.

    47Oo weliba addoommadii boqorku waxay u yimaadeen inay u duceeyaan sayidkeenna Boqor Daa'uud, oo waxay yidhaahdeen, Ilaahaagu magaca Sulaymaan ha ka dhigo mid ka sii wanaagsan magacaaga, oo carshigiisana ha ka sii weyneeyo carshigaaga, oo boqorkiina wuxuu ku kor foororsaday sariirtiisii.

    48Oo weliba boqorkii wuxuu yidhi, Waxaa mahad leh Rabbiga ah Ilaaha dadka Israa'iil, oo maanta siiyey mid carshigaygii ku fadhiista iyadoo ay indhahaygu arkaan.

  • 30oo sida runta ah waxaan kuugu dhaartay Rabbiga ah Ilaaha dadka dalka Israa'iil, oo aan kugu idhi, Hubaal aniga dabaday waxaa boqor ahaan doona wiilkaaga Sulaymaan, carshigayguuna ku fadhiisan doonaa dabaday, haddaba sida runta ah taas maantaan samaynayaa.

  • 76%

    15Waad xajisay wixii aad u ballanqaadday aabbahay Daa'uud oo addoonkaagii ahaa; run ahaan afkaagaad kaga hadashay oo gacantaadana waad ku oofisay, siday maantadan tahay.

    16Haddaba sidaas daraaddeed, Rabbiyow Ilaaha reer binu Israa'iilow, xaji wixii aad u ballanqaadday aabbahay Daa'uud oo addoonkaagii ahaa, adoo ku leh, Hortayda laga waayi maayo nin kaa dhasho oo carshiga reer binu Israa'iil ku fadhiista, hadday carruurtaadu isjiraan oo ay sharcigayga ugu socdaan sidaad hortayda ugu socotay oo kale.

    17Haddaba sidaas daraaddeed, Rabbiyow Ilaaha reer binu Israa'iilow, eraygaagii aad addoonkaagii Daa'uud kula hadashay ha rumoobo.

  • 25Haddaba, Rabbow Ilaahow, eraygii aad ku hadashay oo igu saabsanaa anoo addoonkaaga ah oo ku saabsanaa reerkayga weligaa adkee oo sidaad ugu hadashay yeel.

  • 23Markaasaa Sulaymaan carshigii Rabbiga ku fadhiistay isagoo jagadii aabbihiis Daa'uud boqor ka ah, wuuna barwaaqoobay, oo reer binu Israa'iil oo dhammuna isagay addeeceen.

  • 5de markaasaan dhisi doonaa oo aan weligiis waarin doonaa carshiga boqortooyadaada ee reer binu Israa'iil u taliya sidaan ugu ballanqaaday aabbahaa Daa'uud, markaan ku idhi, Nin carshiga dalka Israa'iil ku fadhiista lagaa waayi maayo.

  • 4Markaasaa Sulaymaan wuxuu yidhi, Mahad waxaa leh Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil oo afkiisa kula hadlay aabbahay Daa'uud oo gacmihiisa ku oofiyey isagoo leh,

  • 12¶ Oo Sulaymaanna wuxuu ku fadhiistay carshigii aabbihiis Daa'uud, oo boqortooyadiisiina way sii dhisnaatay.

  • 75%

    37Oo waan ku qaadan doonaa, oo waxaad boqor u ahaan doontaa siday naftaadu doonayso, oo dalka Israa'iilna boqor baad ka noqon doontaa.

    38Oo haddaad maqasho waxa aan kugu amro oo dhan, oo aad jidadkaygana ku socotid, oo aad samaysid waxa hortayda ku qumman, oo aad dhawrtid qaynuunnadayda iyo amarradayda, sidii addoonkaygii Daa'uud yeeli jiray oo kale, ayaan kula jiri doonaa, oo waxaan kuu dhisi doonaa reer ammaan ah, sidii aan Daa'uud ugu dhisay oo kale, oo weliba dalka Israa'iilna adigaan ku siinayaa.

  • 25Oo Rabbiguna Sulaymaan aad iyo aad buu ugu weyneeyey reer binu Israa'iil oo dhan hortooda, oo wuxuu isaga siiyey boqortooyo haybad leh oo ayan lahaan jirin boqorradii reer binu Israa'iil oo isaga ka horreeyey oo dhammu.

  • 27Ma adaa waxan sameeyey, boqorow, sayidkaygiiyow, adoo aan weli addoommadaada ogeysiin kii carshiga ku fadhiisan lahaa dabadaa, boqorow, sayidkaygiiyow?

  • 75%

    4Habase yeeshee Rabbiga Ilaaha reer binu Israa'iil ahu wuxuu iga doortay reerkii aabbahay oo dhan inaan weligay ahaado boqor reer binu Israa'iil u taliya, waayo, isagu wuxuu Yahuudah u doortay inuu amiir ahaado, oo reer Yahuudahna wuxuu ka doortay reerkii aabbahay, oo wiilashii aabbahayna aniguu igala dhex baxay oo igu farxay inuu iga dhigo boqor u taliya reer binu Israa'iil oo dhan.

    5Rabbigu wiilal badan buu i siiyey oo wuxuu wiilashaydii oo dhan ka doortay wiilkayga Sulaymaan inuu carshiga boqortooyada Rabbiga ku fadhiisto oo uu reer binu Israa'iil u taliyo.

  • 15Markaasuu yidhi, Mahad waxaa leh Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil, oo afkiisa kula hadlay aabbahay Daa'uud, oo gacantiisa ku oofiyey isagoo leh,

  • 45Laakiinse anoo Boqor Sulaymaan ahu waan barakaysnaan doonaa, oo carshiga Daa'uudna weligiis wuu ku sii dhisnaan doonaa Rabbiga hortiisa.

  • 1¶ Markaasaa Boqor Daa'uud shirkii oo dhan ku yidhi, Wiilkayga Sulaymaan oo Ilaahu keligiis doortay, weli wuu yar yahay, waana tabar daranyahay, oo shuqulkuna waa weyn yahay, waayo, guriga nin loo dhisi maayo, laakiinse waxaa loo dhisayaa Rabbiga Ilaaha ah.

  • 13Oo weliba wixii aadan i weyddiisanna waan ku siiyey oo ah maal iyo derejoba, sidaas daraaddeed boqor kula mid ahu ma jiri doono cimrigaaga oo dhan.

  • 74%

    10Oo guri buu magacayga u dhisi doonaa, oo wuxuu ahaan doonaa wiilkaygii, oo anna waxaan u ahaan doonaa aabbihiis, oo waxaan carshiga boqortooyadiisa u xoogayn doonaa inuu weligiis u taliyo reer binu Israa'iil.

    11Haddaba wiilkaygiiyow, Rabbigu ha kula jiro, oo u barwaaqow, oo gurigii Rabbiga Ilaahaaga ah u dhis siduu kaaga hadlay.

  • 7Haddaba waxaad addoonkayga Daa'uud ku tidhaahdaa, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Anaa kaa soo kaxeeyey xeradii idaha iyo idihii aad raacaysay, inaad ahaatid amiir u taliya dadkayga reer binu Israa'iil,

  • 20Oo Rabbigu wuu adkeeyey eraygiisii uu ku hadlay; waayo, meeshii aabbahay Daa'uud anigaa fuulay, oo waxaan ku fadhiistay carshigii reer binu Israa'iil, sidii Rabbigu ballanqaaday; oo gurigii baan u dhisay Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil magiciisa.

  • 10Haddaba Rabbigu wuu oofiyey eraygiisii uu ku hadlay, waayo, meeshii aabbahay Daa'uud anigaa fuulay, oo waxaan ku fadhiistay carshigii reer binu Israa'iil, sidii Rabbigu ballanqaaday, oo gurigii baan u dhisay Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil magiciisa.

  • 23Haddaba Rabbow, eraygii aad ku hadashay oo igu saabsanaa anoo addoonkaaga ah, oo ku saabsanaa reerkayga, weligaa adkee oo sidaad ku hadashay yeel.

  • 2Oo Daa'uud wuxuu ogaaday in Rabbigu isaga u taagay inuu ahaado boqor u taliya reer binu Israa'iil, waayo, boqortooyadiisii waa la sarraysiiyey dadkiisa reer binu Israa'iil aawadood.

  • 12Oo Daa'uudna wuxuu ogaaday in Rabbigu isaga u taagay inuu ahaado boqor u taliya reer binu Israa'iil, iyo inuu boqortooyadiisa u sarraysiiyey dadkiisa reer binu Israa'iil aawadood.

  • 12Gurigan aad dhisayso waxaan kaa leeyahay, Haddaad qaynuunnadayda ku socotid, oo aad xukummadayda yeeshid, oo aad amarradayda oo dhan dhawrtid inaad ku socotid aawadeed, markaasaan kugu xoojin doonaa eraygaygii aan aabbahaa Daa'uud kula hadlay.

  • 17Markaasay ku tidhi, Sayidow, anoo addoontaada ah waxaad iigu dhaaratay magaca Rabbiga Ilaahaaga ah, adoo leh, Hubaal dabaday waxaa boqor ahaan doona wiilkaaga Sulaymaan, carshigayguuna ku fadhiisan doonaa.