Sabuurradii 31:9

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Rabbiyow, ii naxariiso, waayo, cidhiidhi baan ku jiraa, Oo murug baan la il go'aa, oo naftayda iyo jidhkayguba way taag darnaadaan.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sab 6:7 : 7 Ishaydu waxay la gudhaysaa tiiraanyo, Oo cadaawayaashayda daraaddood ayay la gabowdaa.
  • Sab 88:9 : 9 Indhahaygu waxay la gudheen dhibaatada daraaddeed, Rabbiyow, maalin kasta waan kuu yeedhay, Oo gacmahaygana adigaan kuu hoorsaday.
  • Sab 102:3-5 : 3 Waayo, maalmahaygu waxay u dhammaadaan sida qiiq oo kale, Oo lafahayguna waxay u gubtaan sida qori ololaya oo kale. 4 Wadnahayga wax baa lagu dhuftay, sida caws oo kalena wuu engegay, Waayo, waan iska illoobaa inaan kibistayda cuno. 5 Codkii taahiddayda daraaddiis Ayaa lafahaygu jidhkayga ku dhegaan.
  • Sab 107:10 : 10 Kuwii dhex fadhiyey gudcurkii iyo hooskii dhimashada, Oo ku xidhnaa dhibaatada iyo birta,
  • Bar 4:17 : 17 Intaannu waxtarla'aan caawimaad u fiirinaynay ayaa indhihii na daaleen. Quruuntii aannu fiirinaynay waxay ahayd quruun aan na badbaadin karin.
  • Bar 5:17 : 17 Taas darteed qalbigayagu wuu itaal darnaaday. Oo waxyaalahaas aawadoodna indhahayagii way arag darnaayeen.
  • Ayuub 17:7 : 7 Indhahaygii murug bay la arag daranyihiin, Oo xubnahaygii oo dhammuna waxay noqdeen sidii hoos oo kale.
  • Ayuub 33:19-22 : 19 Oo weliba waxaa sariirtiisa lagu kor edbiyaa xanuun, Iyo dagaal joogto ah oo lafihiisa ku dhex jira. 20 Sidaas daraaddeed nafsaddiisu kibista way karahsataa, Naftiisuna cuntada macaan way nacdaa. 21 Hilibkiisu waa ka mudhuxsan yahay, oo mar dambe lama arki karo; Oo lafihiisii aan la arki jirinuna way soo baxaan. 22 Hubaal naftiisu waxay ku dhow dahay yamayska, Oo noloshiisuna waxay ku dhow dahay kuwii baabbi'in lahaa.
  • Sab 6:1-2 : 1 Rabbiyow, cadhadaada ha igu canaanan, Oo dhirifkaaga kululna ha igu edbin. 2 Rabbiyow, ii naxariiso, waayo, anigu waan taagdaranahay, Rabbiyow, i bogsii, waayo, lafahaygu way dhib qabaan.
  • Sab 22:14-15 : 14 Waxaan u shubmay sidii biyo oo kale, Oo lafahaygii oo dhammuna xubnihii way ka kala bexeen, Oo qalbigaygii wuxuu noqday sidii shamac oo kale, Oo wuxuu ku dhex dhalaalay xiidmahayga. 15 Xooggaygii wuxuu u engegay sidii dheri burburkiisa oo kale, Oo carrabkaygiina daamankayguu ku dhegay, Oo waxaad i gelisay ciiddii dhimashada.
  • Sab 38:1-9 : 1 Rabbiyow, cadhadaada ha igu canaanan, Oo dhirifkaaga kululna ha igu edbin. 2 Waayo, fallaadhahaagii aad bay ii mudeen, Oo gacantaaduna way igu soo degtay. 3 Jidhkaygu fayoobaan ma leh, waana xanaaqaaga daraaddiis, Oo lafahayguna caafimaad ma leh, waana dembigayga daraaddiis. 4 Waayo, xumaatooyinkaygii waxay ka sare mareen madaxayga, Sida rar culus ayay igu culus yihiin aad iyo aad. 5 Nabrahaygu way urayaan, wayna qudhmuun yihiin, Waana nacasnimadayda daraaddeed. 6 Waan xanuunsanayaa, oo aad baan hoos ugu gotay, Oo maalinta oo dhanna oohin baan la wareegaa. 7 Waayo, dhexdayda waxaa ka buuxa olol, Oo jidhkayguna fayoobaan ma leh. 8 Waan itaal daranahay, oo aad baan u burbursanahay, Oo waxaan la cabaaday buuqa qalbigayga ku jira. 9 Sayidow, waxaan jeclahay oo dhammu waxay yaalliin hortaada, Oo taahiddayduna kaama qarsoona. 10 Wadnahaa i fig leh, oo xooggaygiina waa i gabay, Oo weliba iftiinkii indhahayguna waa iga tegey.
  • Sab 44:25 : 25 Waayo, naftayadu ciidday ku foororsatay, Oo calooshayaduna dhulkay ku dhegtaa.
  • Sab 66:14 : 14 Bushimahaygu ay ku hadleen, Oo afkaygu sheegay markii aan dhibaataysnaa.
  • Sab 73:14 : 14 Waayo, maalintii oo dhan waa lay dhibayay, Oo subax kastana waa lay edbinayay.
  • Sab 73:26 : 26 Jiidhkayga iyo qalbigayguba waa itaal darnaadeen, Laakiinse Ilaah wuxuu weligiis ii yahay xooggii qalbigayga iyo qaybtayda.
  • Sab 88:3-5 : 3 Waayo, naftayda waxaa ka buuxa dhibaatooyin, Oo noloshayduna waxay ku dhowaanaysaa She'ool. 4 Waxaa laygu tiiriyey kuwa hoos ugu dhaadhaca yamayska, Oo waxaan ahay sida nin aan xoog lahayn, 5 Oo meydadka lagu dhex tuuray, Sida kuwa la laayay oo xabaalaha yaal, Oo aanad mar dambe soo xusuusnayn, Kuwaas oo ah kuwa gacantaada ka go'ay.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 10Waayo, noloshaydu waxay ku dhammaatay caloolxumo, cimrigayguna taahid, Oo dembigayga daraaddiis ayaa xooggaygii ii gabay, lafahaygiina way wada kharribmeen.

  • 7Ishaydu waxay la gudhaysaa tiiraanyo, Oo cadaawayaashayda daraaddood ayay la gabowdaa.

  • 20Rabbiyow, bal i eeg, waayo, cidhiidhi baan ku jiraa. Uurkaa i gubanaya, Qalbigayguna wuu igu dhex rogman yahay, waayo, aad baan u caasiyoobay. Dibadda seef baa igu gablamisa, gurigana geeri baa ii joogta.

  • Sab 25:16-17
    2 aayado
    81%

    16Bal xaggayga u soo jeeso, oo ii naxariiso, Waayo, waan cidloobay, oo dhib baa i haysa.

    17Dhibaatooyinka qalbigaygu way sii ballaadheen, Cidhiidhigayga iga bixi.

  • Sab 6:2-4
    3 aayado
    80%

    2Rabbiyow, ii naxariiso, waayo, anigu waan taagdaranahay, Rabbiyow, i bogsii, waayo, lafahaygu way dhib qabaan.

    3Oo weliba naftayduna aad iyo aad bay u dhibaataysan tahay, Adiguse, Rabbiyow, ilaa goormaad sugaysaa?

    4Rabbiyow, soo noqo oo naftayda samatabbixi, Oo igu badbaadi raxmaddaada daraaddeed.

  • 7Naxariistaada waan ku farxi doonaa, waanan ku rayrayn doonaa, Waayo, dhibaatadii igu dhacday waad aragtay, Waanad ogayd qaxarka naftaydu ku jirtay,

  • 13Rabbiyow, ii naxariiso, Bal eeg dhibaatada ay kuwa i necebu igu hayaan. Waxaad kor iiga qaaddaa irdaha dhimashada,

  • 7Indhahaygii murug bay la arag daranyihiin, Oo xubnahaygii oo dhammuna waxay noqdeen sidii hoos oo kale.

  • Sab 38:8-10
    3 aayado
    78%

    8Waan itaal daranahay, oo aad baan u burbursanahay, Oo waxaan la cabaaday buuqa qalbigayga ku jira.

    9Sayidow, waxaan jeclahay oo dhammu waxay yaalliin hortaada, Oo taahiddayduna kaama qarsoona.

    10Wadnahaa i fig leh, oo xooggaygiina waa i gabay, Oo weliba iftiinkii indhahayguna waa iga tegey.

  • 22Waayo, anigu waxaan ahay miskiin iyo mid baahan, Oo qalbigayguna wuu igu dhex dhaawacmay.

  • 16Haddaba naftaydaa igu dhex daadatay, Oo waxaan la kulmay wakhti dhibaato badan.

  • 4Anigu waxaan idhi, Rabbiyow, ii naxariiso, Oo naftayda bogsii, waayo, waan kugu dembaabay.

  • 9Indhahaygu waxay la gudheen dhibaatada daraaddeed, Rabbiyow, maalin kasta waan kuu yeedhay, Oo gacmahaygana adigaan kuu hoorsaday.

  • 82Sidii aan u lahaa, Goormaad i qalbi qaboojinaysaa? Ayaa indhahaygu u gudheen eraygaaga aawadiis.

  • Sab 143:3-4
    2 aayado
    77%

    3Waayo, cadowgaa naftayda silciyey, Noloshaydiina dhulkuu ku tuuray, Oo wuxuu iga dhigay inaan meelo gudcur ah dego, sidii kuwii waagii hore dhintay.

    4Sidaas daraaddeed ayaa ruuxaygu iigu dhex itaal darnaadaa, Qalbigayguna gudahayguu ku cidloobay.

  • 3Waxaan ku daalay qayladaydii, oo hungurigaygu waa qallalay, Oo intii aan Ilaahay sugayo ayay indhahaygu dem yidhaahdaan.

  • 8Waayo, Ilaahow Sayidow, indhahaygu xaggaagay ku soo jeedaan, Oo adigaan isku kaa halleeyaa, haddaba naftayda ha dayrin.

  • 16Wejigaygii oohin buu la beddelmay, Oo indhaha daboolkoodana waxaa ii jooga hooskii dhimashada,

  • 22Xumaantooda oo dhammu hortaada ha timaado, Oo iyaga ku samee wixii aad xadgudubyadayda aawadood iigu samaysay oo dhan, Waayo, taahaygu waa badan yahay, oo qalbigaygiina wuu itaal darnaaday.

  • 10Rabbiyow, i maqal oo ii naxariiso, Rabbiyow, kaalmeeyahayga ahow.

  • 21Waayo, qalbigaygu wuu murugooday, Oo waxaa layga muday kelyaha,

  • 22Laakiinse anigu waxaan degdeg ku idhi, Indhahaaga hortooda waan ka go'ay, Habase yeeshee, codkii baryootankayga waad maqashay markii aan kuu qayshaday.

  • 123Indhahaygii waxay u gudheen jacaylkay badbaadintaada u qabaan, Iyo eraygaaga xaqa ah daraaddiis.

  • 26Rabbiyow, Ilaahayow, i caawi, Oo igu badbaadi si naxariistaada waafaqsan,

  • 3Waayo, naftayda waxaa ka buuxa dhibaatooyin, Oo noloshayduna waxay ku dhowaanaysaa She'ool.

  • 16Waxyaalahan daraaddood ayaan la ooyayaa, oo indhahayga ilmaa ka daadanaysa, Maxaa yeelay, kii i qalbi qaboojin lahaa oo naftayda u raaxayn lahaa waa iga fog yahay. Carruurtaydii way cidloobeen, maxaa yeelay, cadowgii baa iga adkaaday.

  • 11Dadkeeda oo dhammu way taahaan, oo kibis bay doondoonaan. Waxyaalahoodii wanaagsanaa cuntay siisteen si ay nafta ugu ceshadaan. Rabbiyow, bal eeg oo ka fiirso, waayo, waxaan noqday wax la nacay.

  • 1Ii naxariiso, Ilaahow, ii naxariiso, Waayo, naftaydu adigay ku magan gashaa, Haah, waxaan magangeli doonaa hooska baalashaada, Ilaa ay belaayooyinkanu gudbayaan.

  • 11Rabbiyow, ii soo noolee magacaaga daraaddiis, Oo xaqnimadaada naftayda kaga soo bixi dhibaato.

  • 3Rabbiyow Ilaahayow, waxaas u fiirso, oo ii jawaab, Indhahayga iftiimi, yaanan hurdadii geerida seexanine,

  • 3Xadhkihii dhimashada ayaa i hareereeyey, Xanuunkii She'oolna waa i qabsaday. Oo waxaan la kulmay dhib iyo murug.

  • 28Naftaydu waxay la dhacdaa murug, Haddaba ii xoogee si eraygaaga waafaqsan.

  • 17Waayo, waxaan ku dhowahay inaan dhaco, Oo tiiraanyadayduna had iyo goorba way i hor taalaa.

  • 12Waayo, xumaatooyin aan la tirin karin ayaa i hareereeyey, Oo dembiyadaydii ayaa i qabsaday, sidaas daraaddeed kor ma fiirin karo, Iyagu way ka badan yihiin timaha madaxayga, oo qalbigaygiina waa i gabay.

  • 51Indhahaygu way ii murugeeyaan gabdhaha magaaladayda oo dhan daraaddood.

  • 6Waan xanuunsanayaa, oo aad baan hoos ugu gotay, Oo maalinta oo dhanna oohin baan la wareegaa.

  • 4Wadnuhu aad buu ii xanuunayaa, Oo waxaa igu dhacday cabsida dhimashada.

  • 10Haddaba belaayadaada iga durki, Maxaa yeelay, waxaa i baabbi'iyey weerarka gacantaada.

  • 3Rabbiyow, noo naxariiso, annaga noo naxariiso, Waayo, waxaa aad nooga buuxda quudhsasho.

  • 7Rabbiyow, dhaqso iigu soo jawaab, waayo, naftaydu way itaal darnaataa. Wejigaaga ha iga qarin, Waaba intaasoo aan noqdaa sida kuwa godka ku dhaca oo kale.

  • 14Waxaan u shubmay sidii biyo oo kale, Oo lafahaygii oo dhammuna xubnihii way ka kala bexeen, Oo qalbigaygii wuxuu noqday sidii shamac oo kale, Oo wuxuu ku dhex dhalaalay xiidmahayga.

  • 13Ii tudh, itaalkaygu mar ha igu soo noqdee, Intaanan meesha tegin oo aanan mar dambe ka soo noqonayn.

  • 19Anigaa iska hoogay nabarkayga aawadiis! Dhaawacaygu aad buu u xun yahay, laakiinse waxaan is-idhi, Sida runta ah kanu waa xanuundaran, waase inaan u adkaystaa.

  • 18¶ Murugtaydu waa mid aan la fududayn karin, oo qalbigaygiina waa igu dhex taag darnaaday.