Sabuurradii 69:3

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Waxaan ku daalay qayladaydii, oo hungurigaygu waa qallalay, Oo intii aan Ilaahay sugayo ayay indhahaygu dem yidhaahdaan.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sab 6:6 : 6 Waxaan la daalay jibaadkayga, Habeen kasta sariirtayda oohin baan ku qoyaa. Gogoshaydana waxaan ku qoyaa ilmadayda.
  • Ish 38:14 : 14 Sidii dabafallaadh iyo saratoosiye oo kale ayaan u dhawaaqay. Oo waxaan u baroortay sidii qoolley oo kale, oo indhahaygu daal bay la gudheen sidaan kor u fiirinayay, Rabbiyow, waa lay dulmay, ee i caawi.
  • Sab 119:82 : 82 Sidii aan u lahaa, Goormaad i qalbi qaboojinaysaa? Ayaa indhahaygu u gudheen eraygaaga aawadiis.
  • Sab 119:123 : 123 Indhahaygii waxay u gudheen jacaylkay badbaadintaada u qabaan, Iyo eraygaaga xaqa ah daraaddiis.
  • Sharc 28:32 : 32 Wiilashiinna iyo gabdhihiinna waxaa la siin doonaa dad kale, oo indhihiinnuna way eegi doonaan, oo maalinta oo dhan waxaad la taag darnaan doontaan xiiso aad iyaga u qabtaan, oo gacantiinnuna xoog ma yeelan doonto innaba.
  • Sab 22:15 : 15 Xooggaygii wuxuu u engegay sidii dheri burburkiisa oo kale, Oo carrabkaygiina daamankayguu ku dhegay, Oo waxaad i gelisay ciiddii dhimashada.
  • Sab 25:21 : 21 Daacadnimo iyo qummanaanu ha i dhawreen, Waayo, adaan ku sugaa.
  • Sab 39:7 : 7 Haddaba Sayidow, bal maxaan sugaa? Waayo, rajadaydu adigay kugu xidhan tahay.
  • Sab 69:21 : 21 Oo weliba waxay cunto ahaan ii siiyeen xammeeti, Oo markaan harraadsanaana waxay i cabsiiyeen khal.
  • Ayuub 11:20 : 20 Laakiinse kuwa sharka ahu way indhabbeeli doonaan. Mana ay heli doonaan jid ay ku cararaan, Rajadooduna waxay ahaan doontaa nafta oo ka dhacda.
  • Ayuub 16:16 : 16 Wejigaygii oohin buu la beddelmay, Oo indhaha daboolkoodana waxaa ii jooga hooskii dhimashada,
  • Sab 13:1-3 : 1 Rabbiyow, ilaa goormaad i illoobaysaa? Ma weligaa baa? Oo ilaa goormaad wejigaaga iga qarinaysaa? 2 Ilaa goormaan naftayda la tashanayaa, Anigoo maalinta oo dhan calool xun? Ilaa goormuu cadowgaygu iga sarraynayaa? 3 Rabbiyow Ilaahayow, waxaas u fiirso, oo ii jawaab, Indhahayga iftiimi, yaanan hurdadii geerida seexanine,
  • Sab 22:2 : 2 Ilaahayow, maalintii waan kuu qayshadaa, adiguse iima jawaabtid, Oo habeennimadana waan qayliyaa oo ma nasto.
  • Bar 2:11 : 11 Indhahaygii ilmay la gudheen, uurkuna waa i gubanayaa, Oo aad baan u caloolxumahay, waayo, waxaa la baabbi'iyey dadkaygii, Maxaa yeelay, carruurtii iyo naasonuugyadiiba jidadka magaalada bay ku itaal darnaadaan.
  • Yoox 19:28 : 28 ¶ Markaas dabadeed Ciise isagoo garanaya wax kasta inay dhammaadeen, in Qorniinku ahaado, ayuu yidhi, Waan harraadsanahay.
  • Cib 5:7 : 7 Masiixu maalmihii jidhkiisa wuxuu tukasho iyo baryooyin qaylo dheer iyo ilmo ugu bixiyey kan kara inuu isaga dhimasho ka badbaadiyo, waana loo maqlay cibaadadiisa.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Sab 69:1-2
    2 aayado
    79%

    1Ilaahow, i badbaadi, Waayo, biyaa naftii ii keenay.

    2Waxaan ku dhex liimbadaa dhoobo mool dheer oo aan lahayn meel laysku taago, Waxaan ku dhacay biyo mool dheer, oo daad baa halkaas igu qarqinaya.

  • Sab 42:1-3
    3 aayado
    78%

    1Sida deeradu biyaha durdurka ugu harraaddo, Ayay naftaydu kuugu harraaddaa, Ilaahayow.

    2Naftaydu waxay u oomman tahay Ilaah, kaasoo ah Ilaaha nool. Goormaan u tegi doonaa oo aan Ilaah hortiisa ka muuqan doonaa?

    3Habeen iyo maalinba waxaa cunto ii noqday ilmadaydii, Intay had iyo goorba i leeyihiin, Ilaahaagu meeh?

  • 82Sidii aan u lahaa, Goormaad i qalbi qaboojinaysaa? Ayaa indhahaygu u gudheen eraygaaga aawadiis.

  • Sab 6:6-7
    2 aayado
    77%

    6Waxaan la daalay jibaadkayga, Habeen kasta sariirtayda oohin baan ku qoyaa. Gogoshaydana waxaan ku qoyaa ilmadayda.

    7Ishaydu waxay la gudhaysaa tiiraanyo, Oo cadaawayaashayda daraaddood ayay la gabowdaa.

  • Sab 31:9-10
    2 aayado
    77%

    9Rabbiyow, ii naxariiso, waayo, cidhiidhi baan ku jiraa, Oo murug baan la il go'aa, oo naftayda iyo jidhkayguba way taag darnaadaan.

    10Waayo, noloshaydu waxay ku dhammaatay caloolxumo, cimrigayguna taahid, Oo dembigayga daraaddiis ayaa xooggaygii ii gabay, lafahaygiina way wada kharribmeen.

  • 24Waayo, intaanan wax cunin ayaan taahaa, Oo cabaadkayguna wuxuu u shubmaa sida biyo oo kale.

  • 6Gacmahaygaan kuu hoorsadaa, Oo naftaydu adigay kuu harraaddaa sida dhul oommane ah. (Selaah)

  • Sab 38:8-10
    3 aayado
    76%

    8Waan itaal daranahay, oo aad baan u burbursanahay, Oo waxaan la cabaaday buuqa qalbigayga ku jira.

    9Sayidow, waxaan jeclahay oo dhammu waxay yaalliin hortaada, Oo taahiddayduna kaama qarsoona.

    10Wadnahaa i fig leh, oo xooggaygiina waa i gabay, Oo weliba iftiinkii indhahayguna waa iga tegey.

  • 20Cay baa i qalbi jebisay, waanan quusanayaa, Oo waxaan doondoonay mid ii jixinjixa, laakiinse waan waayay, Oo waxaan doondoonay kuwo i qalbi qaboojiya, laakiinse ma aanan helin.

  • 1Ilaahow, waxaad tahay Ilaahay, oo anna goor hore ayaan ku doondooni doonaa, Naftaydu adigay kuu oomman tahay, jidhkayguna aduu kuu xiisoodaa, Anoo jooga dhul engegan oo daal miidhan ah oo aan biyo lahayn.

  • Sab 22:14-15
    2 aayado
    75%

    14Waxaan u shubmay sidii biyo oo kale, Oo lafahaygii oo dhammuna xubnihii way ka kala bexeen, Oo qalbigaygii wuxuu noqday sidii shamac oo kale, Oo wuxuu ku dhex dhalaalay xiidmahayga.

    15Xooggaygii wuxuu u engegay sidii dheri burburkiisa oo kale, Oo carrabkaygiina daamankayguu ku dhegay, Oo waxaad i gelisay ciiddii dhimashada.

  • 9Waxaan Ilaaha dhagaxayga weyn ah ku odhan doonaa, Bal maxaad ii illowday? Dulmiga cadowga daraaddiis bal maxaan ula sii cabaadaa?

  • Sab 22:1-2
    2 aayado
    74%

    1Ilaahayow, Ilaahayow, maxaad ii dayrisay? Oo aad uga fogaatay caawimaaddayda iyo hadalka hinraaggayga?

    2Ilaahayow, maalintii waan kuu qayshadaa, adiguse iima jawaabtid, Oo habeennimadana waan qayliyaa oo ma nasto.

  • 20Saaxiibbaday way igu qoslaan, Laakiinse indhahaygu ilmo bay u daadiyaan xag Ilaah.

  • Sab 77:1-2
    2 aayado
    74%

    1Anigu codkaygaan Ilaah ugu qayshan doonaa, Xataa Ilaah ayaan codkayga ugu qayshan doonaa, oo isaguna wuu i dhegaysan doonaa.

    2Maalintii aan dhibaataysnaa waxaan doondoonay Sayidka, Gacantaydu way fidsanayd habeennimadii, mana ay nasan, Oo naftaydiina way diidday in la qaboojiyo.

  • 9Indhahaygu waxay la gudheen dhibaatada daraaddeed, Rabbiyow, maalin kasta waan kuu yeedhay, Oo gacmahaygana adigaan kuu hoorsaday.

  • 4Kuwa sababla'aanta ii nebcaadaa way ka sii badan yihiin timaha madaxayga, Kuwa doonaya inay i baabbi'iyaan iyagoo cadaawayaashayda gardarro igu ah waa xoog badan yihiin, Markaasaan magdhabay wax aanan qaadan.

  • 16Wejigaygii oohin buu la beddelmay, Oo indhaha daboolkoodana waxaa ii jooga hooskii dhimashada,

  • 1Ilaahow, qayladayda maqal, Oo baryadaydana dhegta u dhig.

  • 7Haddaba Sayidow, bal maxaan sugaa? Waayo, rajadaydu adigay kugu xidhan tahay.

  • 22Waayo, anigu waxaan ahay miskiin iyo mid baahan, Oo qalbigayguna wuu igu dhex dhaawacmay.

  • 123Indhahaygii waxay u gudheen jacaylkay badbaadintaada u qabaan, Iyo eraygaaga xaqa ah daraaddiis.

  • 1Anigu Rabbiga samir baan ku sugay, Oo isna wuu i soo jalleecay, qayladaydiina wuu maqlay,

  • 1Rabbiyow, adigaan kuu qayshaday, haddaba ii soo dhaqso, Oo markaan kuu qayshado, codkayga dhegta u dhig.

  • 5Codkii taahiddayda daraaddiis Ayaa lafahaygu jidhkayga ku dhegaan.

  • 12Rabbiyow, baryadayda maqal, oo qayladaydana dhegta u dhig, Oo ilmadaydana ha iskaga aamusin, Waayo, waxaan ahay qariib kula jooga Oo masaafir ah, sidii awowayaashay oo dhammu ay ahaan jireen.

  • 6Qayladayda dhegayso, waayo, aad baa hoos laygu dejiyey, Kuwa i silciya iga samatabbixi, waayo, iyagu way iga xoog badan yihiin.

  • 4Sidaas daraaddeed ayaa ruuxaygu iigu dhex itaal darnaadaa, Qalbigayguna gudahayguu ku cidloobay.

  • Sab 130:5-6
    2 aayado
    73%

    5Waxaan sugaa Rabbiga, Naftayduna way sugtaa, oo eraygiisa ayaan rajo ku qabaa.

    6Naftaydu waxay Sayidka u dhawrtaa In ka sii badan sida waardiyuhu u dhawro waaga berigiisa, Haah, in ka sii badan sida waardiyuhu u dhawro waaga berigiisa.

  • 14Sidii dabafallaadh iyo saratoosiye oo kale ayaan u dhawaaqay. Oo waxaan u baroortay sidii qoolley oo kale, oo indhahaygu daal bay la gudheen sidaan kor u fiirinayay, Rabbiyow, waa lay dulmay, ee i caawi.

  • 29Laakiinse anigu miskiin baan ahay, waanan murug badnahay, Ilaahow, badbaadintaadu meel sare ha i saarto.

  • 16Waxyaalahan daraaddood ayaan la ooyayaa, oo indhahayga ilmaa ka daadanaysa, Maxaa yeelay, kii i qalbi qaboojin lahaa oo naftayda u raaxayn lahaa waa iga fog yahay. Carruurtaydii way cidloobeen, maxaa yeelay, cadowgii baa iga adkaaday.

  • 17Waayo, waxaan ku dhowahay inaan dhaco, Oo tiiraanyadayduna had iyo goorba way i hor taalaa.

  • 13Laakiinse adigaan ku baryayaa wakhti la aqbali karo, Rabbiyow, Ilaahow, naxariistaada badan Iyo runta badbaadintaada iigu jawaab.

  • 49Indhahaygu had iyo goorba way qubtaan oo innaba ma joogsadaan

  • 12Waayo, xumaatooyin aan la tirin karin ayaa i hareereeyey, Oo dembiyadaydii ayaa i qabsaday, sidaas daraaddeed kor ma fiirin karo, Iyagu way ka badan yihiin timaha madaxayga, oo qalbigaygiina waa i gabay.

  • 19Bal ilaa goormaadan iga sii jeesanayn, Oo aadan iska kay daynayn intaan candhuuftayda liqayo?

  • 1Anigu codkaygaan Rabbiga ugu qayshadaa, Oo codkaygaan Rabbiga ku baryaa.

  • 22Xumaantooda oo dhammu hortaada ha timaado, Oo iyaga ku samee wixii aad xadgudubyadayda aawadood iigu samaysay oo dhan, Waayo, taahaygu waa badan yahay, oo qalbigaygiina wuu itaal darnaaday.