Sabuurradii 123:3

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Rabbiyow, noo naxariiso, annaga noo naxariiso, Waayo, waxaa aad nooga buuxda quudhsasho.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Luuk 18:11-13 : 11 Farrisigii intuu istaagay ayuu waxyaalahan isugu tukaday, Ilaahow, waxaan kuugu mahadnaqayaa inaanan ahayn sida nimanka kale oo wax dulma, iyo kuwa xaqa daran, iyo dhillayaasha, ama xataa sida cashuurqaadahan. 12 Toddobaadkiiba laba kol ayaan soomaa, waxaan haysta oo dhanna toban meelood ayaan meel ka bixiyaa. 13 Laakiin cashuurqaadihii meel fog ayuu ka istaagay, ma uuna doonaynin inuu indhihiisa cirka u qaado, laakiin laabtiisa ayuu garaacay isagoo leh, Ilaahow, ii naxariiso anigoo dembi leh.
  • Luuk 23:35 : 35 Dadkuna way taagnaayeen iyagoo daawanaya. Taliyayaashuna way ku qosleen iyagoo leh, Kuwa kale ayuu badbaadiyey, kanu ha isbadbaadiyo, hadduu yahay Masiixa Ilaah, kan uu doortay.
  • Nex 4:2-4 : 2 Markaasuu ka hor hadlay walaalihiis iyo ciidankii Samaariya, oo wuxuu yidhi, War Yuhuuddan itaalka daranu waxay samaynayaan waa maxay? Iyaga ma la daynayaa? Oo miyey allabaryayaan? Oo ma maalin bay hawshaas ku dhammaynayaan? Oo dhagxantii miyey ka soo noolaynayaan tuulmooyinkii waxyaalaha baabba'ay oo gubtay? 3 Oo haddana Toobiyaah oo ahaa reer Cammoon oo agtiisa taagnaa wuxuu yidhi, Waxa ay dhisayaan oo dhan xataa haddii dawaco fuusho way kala burburinaysaa derbigooda dhagaxa ah. 4 Ilaahayagow, bal maqal, waayo, waa nala quudhsadaye; caydooda dib ugu celi madaxooda, oo iyaga u gacangeli dal dhaca oo maxaabiis ahaan u kaxaysta.
  • Sab 4:1 : 1 Ilaaha xaqnimadaydow, markii aan ku baryo i maqal, Markii aan cidhiidhi ku jirayba meel baad ii bannaysay, Ii naxariiso oo baryadayda maqal.
  • Sab 44:13-16 : 13 Deriskayaga waxaad nooga dhigtaa cay, Oo kuwa hareerahayaga ku wareegsanna waxaad nooga dhigtaa quudhsasho iyo qosol. 14 Quruumaha dhexdooda waxaad nooga dhigtaa halqabsi, Dadyowga dhexdoodana waxaad nooga dhigtaa kuwa madaxa laga lulo. 15 Maalinta oo dhan sharafdarradaydu way i hor taal, Oo waxaa iga muuqatay ceebtii wejigayga, 16 Waayo, sababtu waxaa weeye codka kan i caaya oo i af xumeeya, Iyo cadowga iyo kan iga aarguta daraaddood.
  • Sab 56:1-2 : 1 Ilaahow, ii naxariiso, waayo dad baa waxay doonayaan inay i liqaan; Maalinta oo dhan isagoo diriraya ayuu i dulmaa. 2 Cadaawayaashaydu maalinta oo dhan waxay doonayaan inay i liqaan, Waayo, kuwa kibirka igula diriraa waa tiro badan yihiin.
  • Sab 57:1 : 1 Ii naxariiso, Ilaahow, ii naxariiso, Waayo, naftaydu adigay ku magan gashaa, Haah, waxaan magangeli doonaa hooska baalashaada, Ilaa ay belaayooyinkanu gudbayaan.
  • Sab 69:13-16 : 13 Laakiinse adigaan ku baryayaa wakhti la aqbali karo, Rabbiyow, Ilaahow, naxariistaada badan Iyo runta badbaadintaada iigu jawaab. 14 Dhoobada iga samatabbixi, oo yaanan ku liimban, Oo ha layga samatabbixiyo kuwa i neceb, iyo biyaha moolka dheer. 15 Biyaha daadka ahuna yaanay i qarqin, Oo yaan moolku i liqin, Oo yamayskuna yaanu afkiisa igu qabsan. 16 Rabbiyow, ii jawaab, waayo, raxmaddaadu waa wanaagsan tahay, Naxariistaada badnaanteeda aawadeed iigu soo jeeso.
  • Sab 89:50-51 : 50 Sayidow, bal soo xusuuso cayda addoommadaada, Iyo sida aan laabta ugu sido cayda dadka badan oo dhan, 51 Rabbiyow, waana tii ay cadaawayaashaadu igu caayeen, Oo waa tii ay ku caayeen tallaabooyinka kaaga subkan.
  • Ish 53:3 : 3 Isaga waa la quudhsaday, waana la diiday, oo wuxuu ahaa nin murugeed, oo xanuun bartay, waana la quudhsaday sida mid dadku wejiga ka qarsado, mana aynaan xurmayn.
  • Luuk 16:14 : 14 ¶ Farrisiintii lacagta jeclayd ayaa waxaas oo dhan maqashay, wayna ku qosleen.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 4Naftayadii waxaa aad uga batay Qosolka kuwa istareexsan Iyo quudhsashadii kuwa kibirsan.

  • Sab 123:1-2
    2 aayado
    79%

    1Kaaga samooyinka dhex fadhiyow, Adigaan indhahayga kor kuugu taagaa.

    2Bal eeg, sida ay indhaha addoommadu u fiiriyaan gacanta sayidkooda, Iyo sida ay gabadh indhaheedu u fiiriyaan gacanta sayidaddeeda Ayay indhahayagu u fiiriyaan Rabbiga Ilaahayaga ah, Ilaa uu noo naxariisto.

  • 1Rabbiyow, bal xusuuso wixii nagu soo degay. Ka fiirso oo bal eeg caydii nalagu caayay.

  • 45Waxaad dadyowga dhexdooda naga dhigtay uskag iyo wax la nacay.

  • 22Rabbiyow, naxariistaadu ha noogu soo degto, Sidii aannu kaa rajaynay.

  • Yer 14:20-21
    2 aayado
    75%

    20Rabbiyow, annagu waannu aqoonsannaa sharnimadayada iyo xumaantii awowayaashayoba, waayo, waannu kugu dembaabnay.

    21Magacaaga aawadiis waan ku baryayaaye, Ha na karaahsan oo arshigii sharaftaadana ha sharafjebin, bal na soo xusuuso, oo ha nagu axdi furin.

  • 8Ha noo xusuusnaan dembiyadii awowayaashayo, Naxariistaadu dhaqsiyo ha noogu timaado, Waayo, aad baa lanoo dhibay.

  • 2Rabbiyow, noo roonow, waayo, waannu ku sugaynay, subax kasta gacan noo ahow, oo wakhtiga dhibaatadana badbaado noo noqo.

  • 9Rabbiyow, ii naxariiso, waayo, cidhiidhi baan ku jiraa, Oo murug baan la il go'aa, oo naftayda iyo jidhkayguba way taag darnaadaan.

  • 3War bal maxaa sida xayawaan naloogu tiriyaa? Oo bal maxaannu hortiinna ugu nijaasownay?

  • 4Waxaannu cay u noqonnay derisyadayadii, Kuwa nagu wareegsanna wax la quudhsado oo lagu qoslo.

  • 16Bal xaggayga u soo jeeso, oo ii naxariiso, Waayo, waan cidloobay, oo dhib baa i haysa.

  • Daan 9:7-9
    3 aayado
    74%

    7Sayidow, xaqnimada adigaa iska leh, laakiinse annagu waxaannu leennahay qasnaan iyo ceeb sida maanta annagoo ah dadka reer Yahuudah, iyo kuwa ku dhaqma Yeruusaalem, iyo reer binu Israa'iil oo dhan, iyo kuwa dhow iyo kuwa fog oo aad dalalka kale u kaxaysay xadgudubkii ay kugu xadgudbeen aawadiis.

    8Sayidow, waxaannu leennahay qasnaan iyo ceeb, annaga iyo boqorradayada iyo amiirradayada, iyo awowayaashayaba, maxaa yeelay, waannu kugu dembaabnay.

    9Sayidka Ilaahayaga ahu wuxuu leeyahay naxariis iyo dembidhaaf, waayo, waannu ku caasiyownay;

  • 22Rabbiga naxariistiisa aawadeed ayaan laynoo baabbi'in, maxaa yeelay, raxmaddiisu ma dhammaato.

  • Daan 9:13-16
    4 aayado
    74%

    13Sida ku qoran sharciga Muuse, xumaantan oo dhammu annagay nagu dhacday, welise Rabbiga Ilaahayaga ah raallinimo kama aannu baryin, si aannu uga soo jeesanno dembiyadayada, oo aannu runtaada uga fikirno.

    14Haddaba sidaas daraaddeed baa Rabbigu xumaanta u fiiriyey, oo uu noogu soo dejiyey, waayo, Ilaaha Rabbigayaga ahu wax alla wuxuu sameeyo oo dhan waa ku xaq, oo annana ma aannu addeecin codkiisii.

    15Haddaba Ilaahayaga ahow, oo dadkiisa gacanta xoogga leh Masar kaga soo bixiyayow, oo maanta ammaan isu soo jiidayow, waannu dembaabnay, oo wax shar ah baannu falnay.

    16Sayidow, waan ku baryayaaye xaqnimadaada oo dhan aawadeed, Dhirifkaaga iyo cadhadaaduba ha ka leexdeen magaaladaada Yeruusaalem, oo ah buurtaada quduuska ah; waayo, dembiyadayada iyo xumaantii awowayaashayo aawadood ayaa Yeruusaalem iyo dadkaagiiba kuwo ceebaysan ugu noqdeen inta nagu wareegsan oo dhan.

  • 7Rabbiyow, naxariistaada na tus, Oo badbaadadaada na sii.

  • 13Rabbiyow, ii naxariiso, Bal eeg dhibaatada ay kuwa i necebu igu hayaan. Waxaad kor iiga qaaddaa irdaha dhimashada,

  • 25Waayo, naftayadu ciidday ku foororsatay, Oo calooshayaduna dhulkay ku dhegtaa.

  • 22Cay iyo ceeb iga fogee, Waayo, markhaatifurkaaga waan xajiyey,

  • Bar 3:42-43
    2 aayado
    73%

    42Annagu waannu xadgudubnay oo waannu caasiyownay, oo adiguna nama aad saamixin.

    43Cadho baad isku dabooshay, waanad na eryatay, waad na dishay, oo noomana aadan tudhin.

  • 32Haddaba sidaas daraaddeed Ilaahayaga weyn, oo Qaadirka ah, oo laga cabsado, oo xajiya axdiga iyo naxariistow, dhibkan oo dhammu yuusan wax yar kula ekaan, kaasoo ku soo kor degay annaga, iyo boqorradayadii, iyo amiirradayadii, iyo wadaaddadayadii, iyo nebiyadayadii, iyo awowayaashayadii, iyo dadkaagii oo dhan, tan iyo wakhtigii boqorradii Ashuur iyo ilaa maantadan la joogo.

  • Sab 90:13-14
    2 aayado
    72%

    13Rabbiyow, soo noqo, ilaa goormaad soo noqonaysaa? Oo raalli ka ahow addoommadaada.

    14Aroorta naxariistaada naga dhergi, Si aannu u rayrayno oo aannu u faraxsanaano maalmaha cimrigayaga oo dhan.

  • 5Rabbigu waa nimco miidhan, waana xaq, Haah, oo Ilaaheennu waa naxariis badan yahay.

  • 5Oo kolkaasay biyaha kibirsanu nafteenna dul mari lahaayeen.

  • 1Ilaahow, iigu naxariiso sida raxmaddaadu tahay, Oo xadgudubyadaydana igaga tirtir sida naxariistaada badnaanteedu tahay.

  • 23Kan ina soo xusuustay markaan gunta ahayn, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.

  • 7Tan iyo waagii awowayaashayo iyo ilaa maantadan xujo badan baannu lahayn, oo xumaatooyinkayagii aawadood ayaa annaga iyo boqorradayadii iyo wadaaddadayadiiba loogu gacangeliyey boqorradii dalalka degganaa inay seef nala dhacaan, oo ay maxaabiis naga dhigtaan, oo ay na dhacaan, iyo inay na wareeriyaan, siday maantadan tahay.

  • 13Oo tanu waxay noogu soo degtay falimahayagii sharka ahaa aawadood, iyo xujadayadii weynayd aawadeed, maxaa yeelay, Ilaahayagiiyow, waxaad nagu taqsiirtay wax ka yar intii xumaatooyinkayagu mudnaayeen, oo weliba waxaad na siisay dad caynkan ah oo noo hadha,

  • 9Rabbiyow, aad ha u cadhoon, oo xumaantana ilaa weligaa ha sii xusuusan. Bal eeg, oo na fiiri, waan ku baryaynaaye, waayo, kulligayo dadkaaga baannu nahay.

  • 11Oo haatan waxay cidhiidhiyeen tallaabooyinkayagii, Oo waxay noogu dhaygageen inay dhulka nagu tuuraan aawadeed.

  • 11Dadkeeda oo dhammu way taahaan, oo kibis bay doondoonaan. Waxyaalahoodii wanaagsanaa cuntay siisteen si ay nafta ugu ceshadaan. Rabbiyow, bal eeg oo ka fiirso, waayo, waxaan noqday wax la nacay.

  • 2Rabbiyow, ii naxariiso, waayo, anigu waan taagdaranahay, Rabbiyow, i bogsii, waayo, lafahaygu way dhib qabaan.

  • 18Ilaahayow, dhegahaaga soo jeedi oo i maqal; oo indhahaaga kala qaad, oo bal arag baabba'ayaga, iyo magaaladii magacaaga loogu yeedhayba, waayo, annagu kugu baryi mayno xaqnimo aannu leennahay, laakiinse naxariistaada ayaannu kugu baryaynaa.

  • 12¶ Waayo, Rabbiyow, xadgudubyadayadii hortaaday ku bateen, oo waxaa nagu marag fura dembiyadayada, waayo, xadgudubyadayadu way nala jiraan, oo xumaatooyinkayagana waannu og nahay.

  • 3Kolkaasay innagoo noolnool ina wada liqliqi lahaayeen, Markay aad inoogu cadhoodeen,

  • 4Ilaahayagow, bal maqal, waayo, waa nala quudhsadaye; caydooda dib ugu celi madaxooda, oo iyaga u gacangeli dal dhaca oo maxaabiis ahaan u kaxaysta.

  • 22Laakiinse dhammaantayoba waad na diidday. Oo aad baad noogu cadhootay.

  • 26Rabbiyow, Ilaahayow, i caawi, Oo igu badbaadi si naxariistaada waafaqsan,

  • Nex 9:36-37
    2 aayado
    72%

    36Bal eeg, annagu maanta waxaannu nahay addoommo, oo dalkii aad awowayaashayo u siisay inay midhihiisa iyo wanaaggiisa cunaan, bal eeg, annagu dhexdiisaannu addoommo ku nahaye.

    37Oo bal eeg, wuxuu midho badan u dhalaa boqorradii aad korkayaga ka yeeshay dembigayaga aawadiis; oo weliba waxay ugu taliyaan jidhkayaga iyo xoolahayagaba siday doonayaan, oo annana cidhiidhi weyn baannu ku jirnaa.

  • 7Naxariistaada waan ku farxi doonaa, waanan ku rayrayn doonaa, Waayo, dhibaatadii igu dhacday waad aragtay, Waanad ogayd qaxarka naftaydu ku jirtay,