Ishacyaah 33:2
Rabbiyow, noo roonow, waayo, waannu ku sugaynay, subax kasta gacan noo ahow, oo wakhtiga dhibaatadana badbaado noo noqo.
Rabbiyow, noo roonow, waayo, waannu ku sugaynay, subax kasta gacan noo ahow, oo wakhtiga dhibaatadana badbaado noo noqo.
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
20Nafteennu waxay sugtay Rabbiga, Waayo, isagu wuxuu inoo yahay caawimaad iyo gaashaan.
21Haddaba qalbigeennu isaguu ku rayrayn doonaa, Maxaa yeelay, innagu waxaynu isku halleeynay magiciisa quduuska ah.
22Rabbiyow, naxariistaadu ha noogu soo degto, Sidii aannu kaa rajaynay.
18Oo sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu sugayaa inuu idiin roonaado, oo wuxuu u sarreeyaa inuu idiin naxariisto, waayo, Rabbigu waa Ilaah caddaalad badan, oo waxaa barakaysan kuwa isaga sugaya oo dhan.
9¶ Oo waxaa maalintaas la odhan doonaa, Bal eega, waa kan Ilaahayagu. Isagaannu sugaynay, wuuna na badbaadin doonaa. Kanu waa Rabbiga, isagaannu sugaynay, oo waxaannu ku farxi oo ku rayrayn doonnaa badbaadintiisa.
23Toos, maxaad u huruddaa, Sayidow? Sara joogso, oo ha na xoorin weligaa.
24Bal maxaad wejiga nooga qarsanaysaa, Oo aad u illoobaysaa dhibaatada iyo dulmiga aan ku dhex jirno?
1¶ Adaa iska hoogay, kaaga wax dhaca oo aan adiga wax lagaa dhicin oo wax khiyaaneeya oo aan adiga lagu khiyaanayn. Markaad waxdhicidda joojisid ayaa adiga wax lagaa dhici doonaa, oo markaad waxkhiyaanaynta joojisid ayaa adiga lagu khiyaanayn doonaa.
2Bal eeg, sida ay indhaha addoommadu u fiiriyaan gacanta sayidkooda, Iyo sida ay gabadh indhaheedu u fiiriyaan gacanta sayidaddeeda Ayay indhahayagu u fiiriyaan Rabbiga Ilaahayaga ah, Ilaa uu noo naxariisto.
3Rabbiyow, noo naxariiso, annaga noo naxariiso, Waayo, waxaa aad nooga buuxda quudhsasho.
7Rabbiyow, naxariistaada na tus, Oo badbaadadaada na sii.
3Buuqa gurdanka ayaa dadyowgii ka carareen, oo sarajoogsigaaga ayay quruumihii la kala firdheen.
8Rajadii reer binu Israa'iilow, Badbaadiyahoodii wakhtiga ay dhibaataysan yihiinow, bal maxaad dalka dhexdiisa ugu noqonaysaa qariib iyo sidii nin socdaal ah oo u soo leexda inuu habeen ku hoydo?
9Bal maxaad u noqonaysaa sidii nin amankaagay, iyo sidii nin xoog badan oo aan waxba badbaadin karin? Laakiinse Rabbiyow, adigu waad na dhex joogtaa, oo annana magacaagaa naloogu yeedhaa, haddaba ha naga tegin.
14Bal eega, makhribkii cabsi baa jirta, oo aroortii ka horna ma jiraan. Taasu waa waxa ku dhaca kuwa na booba iyo qaybtii kuwa na dhaca.
17Intaannu waxtarla'aan caawimaad u fiirinaynay ayaa indhihii na daaleen. Quruuntii aannu fiirinaynay waxay ahayd quruun aan na badbaadin karin.
14Aroorta naxariistaada naga dhergi, Si aannu u rayrayno oo aannu u faraxsanaano maalmaha cimrigayaga oo dhan.
13Rabbiyow, waan ku baryayaaye, i samatabbixi, Rabbiyow, u soo dhaqso inaad i caawiso.
39Kuwa xaqa ahse badbaadadoodu waa xagga Rabbiga, Oo wakhtiga dhibaatada isagu waa qalcaddooda.
22Waayo, Rabbigu waa xaakinkeenna, oo Rabbigu waa taliyaheenna, oo Rabbigu waa boqorkeenna wuuna ina badbaadin doonaa.
15Rabbiyow, Ilaaha reer binu Israa'iilow, xaq baad tahay, waayo, waxaannu nahay dad hadhay oo baxsaday, sida ay maantadan tahay; bal eeg, waxaannu kula hor joognaa xujadayada, waayo, taas aawadeed ninna hortaada ma istaagi karo.
6Naftaydu waxay Sayidka u dhawrtaa In ka sii badan sida waardiyuhu u dhawro waaga berigiisa, Haah, in ka sii badan sida waardiyuhu u dhawro waaga berigiisa.
7Reer binu Israa'iilow, Rabbiga rajo ku qaba, Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay naxariis Iyo weliba furasho aad iyo aad u badan.
16Laakiinse anigu waxaan ka gabyi doonaa xooggaaga, Haah, oo aroortii ayaan naxariistaada aad uga gabyi doonaa, Waayo, waxaad ahayd qalcaddaydii, Oo maalintii aan dhibaataysnaana magangal baad ii ahayd.
8¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Wakhti la aqbalay ayaan kuu jawaabay, oo maalintii badbaadintana waan ku caawiyey, waanan ku ilaalin doonaa, oo axdi ahaan baan dadka kuu siin doonaa inaad dhulka hagaajisid oo aad ka yeeshid in ay dhaxlaan meelihii hantida ahaa ee baabba'ay,
32Haddaba sidaas daraaddeed Ilaahayaga weyn, oo Qaadirka ah, oo laga cabsado, oo xajiya axdiga iyo naxariistow, dhibkan oo dhammu yuusan wax yar kula ekaan, kaasoo ku soo kor degay annaga, iyo boqorradayadii, iyo amiirradayadii, iyo wadaaddadayadii, iyo nebiyadayadii, iyo awowayaashayadii, iyo dadkaagii oo dhan, tan iyo wakhtigii boqorradii Ashuur iyo ilaa maantadan la joogo.
26Caawimaaddayada daraaddeed u sara joogso, Oo raxmaddaada daraaddeed noo furo.
7Haddaba Sayidow, bal maxaan sugaa? Waayo, rajadaydu adigay kugu xidhan tahay.
25Rabbigu waa u roon yahay kuwa isaga rajo ku suga iyo naftii isaga doondoontaba.
35Oo waxaad tidhaahdaan, Ilaaha badbaadadayadow, Na badbaadi, Oo na soo wada ururi oo quruumahana naga samatabbixi, Si aannu magacaaga quduuska ah ugu mahadnaqno, Oo aannu ammaantaada ugu guulaysanno.
5Rabbiyow, Ilaaha ciidammadow, Ilaaha reer binu Israa'iilow, Sara joogso oo quruumaha oo dhan soo booqo, Oo innaba ha u naxariisan xadgudbayaasha. (Selaah)
5Xaqnimadaydii way soo dhowdahay, badbaadintaydiina way soo baxday, oo gacmahayguna dadyowgay u garsoori doonaan, gasiiraduhuna anigay i sugi doonaan, oo gacantayday isku hallayn doonaan.
21Rabbiyow, xaggaaga noo soo celi, oo waannu soo noqon doonnaa. Maalmahayagana sida kuwii hore oo kale nooga dhig.
25Rabbiyow, waan ku baryaynaaye, haatan na badbaadi, Oo waan ku baryaynaaye, Rabbiyow, haatan barwaaqo noo soo dir.
7Bal muuji raxmaddaada yaabka leh, Adigoo kuwa isku kaa halleeya gacantaada midig kaga badbaadiya Kuwa ku kaca iyaga.
19Rabbiyow, xooggaygii, iyo qalcaddaydii, iyo magangalkaygii aan maalinta dhibaatada magangalow, quruumuhu way kaaga iman doonaan dhulka darafyadiisa ugu shisheeya, oo waxay odhan doonaan, Sida xaqiiqada ah awowayaashayo waxba ma dhaxlin been, iyo wax aan waxtar lahayn, iyo waxyaalo aan innaba faa'iido lahayn mooyaane.
3Ilaahow, mar kale na soo celi, Oo wejigaaga noo iftiimi, oo waannu badbaadi doonnaa.
4Rabbiyow Ilaaha ciidammadow, Ilaa goormaad u cadhaysnaan doontaa baryootanka dadkaaga?
8Ha noo xusuusnaan dembiyadii awowayaashayo, Naxariistaadu dhaqsiyo ha noogu timaado, Waayo, aad baa lanoo dhibay.
9Ilaaha badbaadadayadow, magacaaga ammaantiisa daraaddeed noo caawi, Oo magacaaga daraaddiis noo samatabbixi, oo dembiyadayada naga nadiifi.
1Ilaah waa magangalkeenna iyo xooggeenna, Oo waa caawimaad inoo diyaar ah wakhtiga dhibaatada.
26Rabbiyow, Ilaahayow, i caawi, Oo igu badbaadi si naxariistaada waafaqsan,
9Oo weliba Rabbigu wuxuu kuwa la dulmay u noqon doonaa magangal. Oo kolkii ay dhibaataysan yihiinna magangal buu u ahaan doonaa,
6Haddaba sidaas daraaddeed Ilaahaaga u soo jeeso, oo naxariista iyo garsooridda xaji, oo had iyo goorna Ilaahaaga sug.
5Rabbigu waa nimco miidhan, waana xaq, Haah, oo Ilaaheennu waa naxariis badan yahay.
15Haddaba Ilaahayaga ahow, oo dadkiisa gacanta xoogga leh Masar kaga soo bixiyayow, oo maanta ammaan isu soo jiidayow, waannu dembaabnay, oo wax shar ah baannu falnay.
8Rabbiyow, annagu waxaannu kugu sugaynay jidka xukummadaada. Oo naftayaduna waxay xiiso u qabtaa magacaaga iyo xusuustaada.
15Innagu nabad baynu sugaynay, laakiinse wanaag inooma iman, oo waxaynu sugaynay wakhti caafimaad leh, oo bal eega naxdin baa inoo timid!