Sabuurradii 118:25

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Rabbiyow, waan ku baryaynaaye, haatan na badbaadi, Oo waan ku baryaynaaye, Rabbiyow, haatan barwaaqo noo soo dir.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sab 20:9 : 9 Rabbiyow, ina badbaadi, Oo Boqorku ha inoo jawaabo markii aynu u qayshanno.
  • Sab 90:17 : 17 Oo Rabbiga Ilaahayaga ah nicmadiisu ha na dul joogto, Oo korkayaga ku adkee shuqulka gacmahayaga, Haah, shuqulka gacmahayaga adkee.
  • Sab 22:21 : 21 Iga badbaadi libaaxa afkiisa, Haah, xataa geesihii gisiyada waad iiga jawaabtay.
  • Sab 69:1 : 1 Ilaahow, i badbaadi, Waayo, biyaa naftii ii keenay.
  • Sab 69:13 : 13 Laakiinse adigaan ku baryayaa wakhti la aqbali karo, Rabbiyow, Ilaahow, naxariistaada badan Iyo runta badbaadintaada iigu jawaab.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 26Rabbiyow, Ilaahayow, i caawi, Oo igu badbaadi si naxariistaada waafaqsan,

  • 26Waxaa barakaysan kan Rabbiga magiciisa ku imanaya, Waxaannu idinka ammaannay guriga Rabbiga.

  • 9Rabbiyow, ina badbaadi, Oo Boqorku ha inoo jawaabo markii aynu u qayshanno.

  • 7Rabbiyow, naxariistaada na tus, Oo badbaadadaada na sii.

  • 13Rabbiyow, waan ku baryayaaye, i samatabbixi, Rabbiyow, u soo dhaqso inaad i caawiso.

  • Sab 116:4-5
    2 aayado
    74%

    4Markaasaan ku baryootamay magaca Rabbiga, Anigoo leh, Rabbiyow, naftayda samatabbixi.

    5Rabbigu waa nimco miidhan, waana xaq, Haah, oo Ilaaheennu waa naxariis badan yahay.

  • 35Oo waxaad tidhaahdaan, Ilaaha badbaadadayadow, Na badbaadi, Oo na soo wada ururi oo quruumahana naga samatabbixi, Si aannu magacaaga quduuska ah ugu mahadnaqno, Oo aannu ammaantaada ugu guulaysanno.

  • 4Rabbiyow, soo noqo oo naftayda samatabbixi, Oo igu badbaadi raxmaddaada daraaddeed.

  • 10Rabbiyow, i maqal oo ii naxariiso, Rabbiyow, kaalmeeyahayga ahow.

  • 22Soo dhaqso oo i caawi, Sayidow, badbaadadaydow.

  • 41Rabbiyow, naxariistaada iyo weliba badbaadintaadu Ha iigu yimaadeen si eraygaaga waafaqsan.

  • 1Rabbiyow, adigaan kuu qayshaday, haddaba ii soo dhaqso, Oo markaan kuu qayshado, codkayga dhegta u dhig.

  • 24Tanu waa maalinta Rabbigu sameeyey, Waannu rayrayn doonnaa oo waannu farxi doonnaa.

  • 16Wejigaaga anoo addoonkaaga ah igu iftiimi, Oo igu badbaadi raxmaddaada.

  • 6Mahad waxaa leh Rabbiga, Maxaa yeelay, codkii baryootankayguu maqlay.

  • 2Rabbiyow, noo roonow, waayo, waannu ku sugaynay, subax kasta gacan noo ahow, oo wakhtiga dhibaatadana badbaado noo noqo.

  • Yer 17:14-15
    2 aayado
    72%

    14Rabbiyow, i bogsii, oo anna waan bogsan doonaa, i badbaadi, oo anna waan badbaadi doonaa, waayo, adigu waxaad tahay ammaantaydii.

    15Bal eeg, iyagu waxay igu yidhaahdaan, Eraygii Rabbigu meeh? Haddaba haatan ha yimaado!

  • 11Rabbiyow, ii soo noolee magacaaga daraaddiis, Oo xaqnimadaada naftayda kaga soo bixi dhibaato.

  • 2Xaqnimadaada igu samatabbixi oo i nabad geli, Dhegta ii dhig, oo i badbaadi.

  • 5Laakiinse miskiin iyo mid baahan baan ahay, Ilaahow, ii soo dhaqso, Waxaad tahay caawimaaddayda iyo samatabbixiyahayga. Rabbiyow, ha iga raagin.

  • 6Waxaan Rabbiga ku idhi, Waxaad tahay Ilaahayga, Haddaba, Rabbiyow, bal dhegta u dhig codka baryootankayga.

  • 1Ilaahow, soo dhaqso oo i samatabbixi, Rabbiyow, soo dhaqso oo i caawi.

  • 8Rabbiyow, adigaan kuu soo qayshaday, Oo baryootankaygii waxaan gaadhsiiyey Rabbiga.

  • 16Bal xaggayga u soo jeeso, oo ii naxariiso, Waayo, waan cidloobay, oo dhib baa i haysa.

  • 21Waan kugu mahadnaqi doonaa, waayo, waad ii jawaabtay, Oo waxaad ii noqotay badbaadadayda.

  • 41Haddaba sidaas daraaddeed Rabbiyow, Ilaahow, sara joogso oo gal meeshaada nasashada, adiga iyo sanduuqa xooggaaguba. Rabbiyow, Ilaahow, wadaaddadaadu badbaado ha huwaadeen, oo quduusiintaaduna wanaag ha ku farxeen.

  • 47Rabbiyow Ilaahayagow, na badbaadi, Oo quruumaha naga soo dhex ururi, Si aannu magacaaga quduuska ah ugu mahadnaqno, Oo aannu ammaantaada ugu guulaysanno.

  • 1Rabbiyow, Ilaaha badbaadadaydow, Habeen iyo maalinba hortaadaan ka qayliyey,

  • 2Dhegtaada ii soo dhig, oo dhaqso ii samatabbixi, Dhagax weyn oo xoog leh ii ahow, iyo guri laysku daafaco si aad ii badbaadisid.

  • 16Laakiinse anigu Ilaah baan baryi doonaa, Oo Rabbigaa i badbaadin doona.

  • 8Badbaado waxaa leh Rabbiga, Barakadaadu dadkaaga ha ku soo degto. (Selaah)

  • 71%

    26Haddaba Rabbiyow, adigu waxaad tahay Ilaah, oo waxan wanaagsan baad ii ballanqaadday, anoo addoonkaaga ah,

    27oo waxaad ku faraxday inaad barakaysid reerkayga anoo addoonkaaga ah, inuu weligiisba hortaada ku sii raago, waayo, Rabbiyow, adigu waad barakaysay, oo wuu barakaysan yahay weligiis.

  • 19Iyo guriga Rabbiga barxadihiisa, Iyo dhexdaada, Yeruusaalemay. Rabbiga ammaana.

  • 5Si ay kuwaad jeceshahay u samatabbaxaan, Gacantaada midig ku badbaadi oo ii jawaab.

  • 1Waxaa barakaysan kii ka fikira miskiinka, Maalinta shar jiro Rabbigu waa samatabbixin doonaa isaga.

  • 1Rabbiyow, dhegtaada ii soo dhig, oo ii jawaab, Waayo, waxaan ahay miskiin iyo mid baahane.

  • 1Ilaahow, i dhawr, waayo, adigaan isku kaa halleeyaa.

  • 19Irdaha xaqnimada iga fura, Oo anna waan geli doonaa, oo Rabbigaan ku mahadnaqi doonaa.

  • 21Laakiinse Ilaahow, Sayidow, magacaaga daraaddiis wax iigu yeel, Naxariistaadu waa wanaagsan tahay, ee sidaas daraaddeed ii samatabbixi,

  • 5Innagu waxaynu ku guulaysanaynaa badbaadintaada, Oo calammadeennana waxaynu ku sudhaynaa magaca Ilaaheenna, Rabbigu ha ku siiyo waxaad weyddiisato oo dhan.

  • 19Haddaba sidaas daraaddeed Rabbiyow Ilaahayagow, waan ku baryayaaye gacantiisa naga badbaadi, in boqortooyooyinka dunida oo dhammu ay ogaadaan inaad adiga keliyahu tahay Rabbiga Ilaaha ah.

  • 29Laakiinse anigu miskiin baan ahay, waanan murug badnahay, Ilaahow, badbaadintaadu meel sare ha i saarto.

  • 4Rabbiyow, igu soo xusuuso naxariista aad dadkaaga u qabto, Oo igu soo booqo badbaadintaada,

  • 1Rabbiyow, boqorku wuxuu ku farxi doonaa xooggaaga, Oo badbaadintaadana aad buu ugu rayrayn doonaa.

  • 19Laakiinse, Rabbiyow, ha iga fogaan, Tageerehaygiiyow, dhaqso ii caawi.

  • 23¶ Markaasaan Rabbiga baryay oo waxaan idhi,

  • 146Waan kuu qayshaday ee i badbaadi, Oo markhaatifurkaaga waan dhawri doonaa.