Sharciga Kunoqoshadiisa 3:23

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Markaasaan Rabbiga baryay oo waxaan idhi,

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 2 Kor 12:8-9 : 8 Waxaas aawadiis saddex goor ayaan Rabbiga ka baryay in waxaasi iga fogaado. 9 Oo isagu wuxuu igu yidhi, Nimcadaydu way kugu filan tahay; maxaa yeelay, xooggaygu wuu ku dhan yahay itaaldarrada. Sidaa aawadeed anigoo faraxsan ayaan ku faanayaa itaaldarrooyinkayga in xoogga Masiixu igu soo dego.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 79%

    24Sayidow, Ilaahow, waxaad bilowday inaad anoo addoonkaaga ah i tusto weynaantaada iyo gacantaada xoogga badan, waayo, waa kee ilaaha ku jiraa samada amase dhulka oo samayn kara shuqulladaada oo kale iyo falimahaaga waaweyn oo kale?

    25Haddaba waan ku baryayaaye, aan u gudbo oo aan arko dalka wanaagsan oo ka shisheeya Webi Urdun, kaasoo ah buurtaas wanaagsan iyo Lubnaan.

    26Laakiinse Rabbigu idinka daraaddiin buu igu cadhooday, imana uu maqlin. Markaasaa Rabbigu wuxuu igu yidhi, Intaasu ha kugu filnaato, oo mar dambe xaalkaas ha igala hadlin.

  • 17Haddaba waan ku baryayaaye, Sayidow, xooggaagu wax weyn ha ahaado, sidaad u hadashay oo aad tidhi,

  • 5oo idhi, Rabbiyow, Ilaaha samadow, Ilaaha weyn oo laga cabsadow, oo axdiga xajiya, oo u naxariista kuwa isaga jecel oo amarradiisa xajiyow, waan ku baryayaaye,

  • 15Oo Xisqiyaah wuxuu baryay Rabbiga, oo yidhi,

  • 8Rabbiyow, adigaan kuu soo qayshaday, Oo baryootankaygii waxaan gaadhsiiyey Rabbiga.

  • 75%

    25Oo sidaas daraaddeed ayaan Rabbiga hortiisa ku dhacay, oo afartan maalmood iyo afartan habeen ayaan hortiisa joogay, maxaa yeelay, Rabbigaa yidhi, Iyagaan baabbi'inayaa.

    26Markaasaan Rabbiga baryay oo waxaan ku idhi, Sayidow, Ilaahow, ha baabbi'in dadka dhaxalkaaga ah oo aad weynaantaada ku soo furatay, oo aad gacantaada xoogga badan dalkii Masar kaga soo bixisay.

  • 19Maxaa yeelay, waan ka cabsaday cadhadii iyo xanaaqii kululaa oo Rabbigu dhirfay oo uu damcay inuu idinku baabbi'iyo. Laakiinse Rabbigu markaasna wuu i maqlay.

  • 6Waxaan Rabbiga ku idhi, Waxaad tahay Ilaahayga, Haddaba, Rabbiyow, bal dhegta u dhig codka baryootankayga.

  • 73%

    21¶ Oo waagaas ayaan Yashuuca amray oo waxaan ku idhi, Indhahaagu way arkeen kulli wixii Rabbiga Ilaahaaga ahu uu ku sameeyey labadan boqor. Oo boqortooyooyinka aad u gudbaysid oo dhan Rabbigu saasuu u gelayaa.

    22Haddaba ha ka cabsanina, waayo, waxaa idiin dagaallamaya Rabbiga Ilaahiinna ah.

  • 59Oo erayadaydan aan Rabbiga hortiisa ku baryay, habeen iyo maalinba ha gaadheen Rabbiga Ilaaheenna ah, si uu u yeelo dacwaddayda anoo addoonkiisa ah iyo dacwadda dadkiisa reer binu Israa'iil, sida maalin walba laga doonayo,

  • 3oo idinkuna waad aragteen kulli wixii Rabbigu quruumahan oo dhan ku sameeyey idinka aawadiin; waayo, kan idiin diriray waa Rabbiga Ilaahiinna ah.

  • 9oo wuxuu iyagii ku yidhi, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil oo aad iigu dirteen inaan baryootankiinna hortiisa geeyo wuxuu leeyahay,

  • 17ayuu Rabbigu ila hadlay oo igu yidhi,

  • 4Oo Rabbiga ah Ilaahayga ayaan baryay, oo wax baan u qirtay, oo aan idhi, Sayidow, waxaad tahay Ilaaha weyn oo laga cabsado, oo axdi xajiya, oo u naxariista kuwa isaga jecel oo amarradiisa dhawra;

  • 23Sidaas daraaddeed waannu soonnay, oo waxaannu ka barinnay Ilaahayo wax taas ku saabsan, wuuna naga aqbalay.

  • 2 Boq 20:2-3
    2 aayado
    72%

    2Oo isna markaasuu wejigiisii derbiga ku sii jeediyey, oo Rabbiga baryay, oo yidhi,

    3Rabbiyow, waan ku baryayaaye, bal haatan xusuuso sidaan hortaada ugu socday runta iyo qalbi qumman, iyo sidaan u sameeyey waxa hortaada ku wanaagsan. Xisqiyaahna aad buu u ooyay.

  • 3Rabbiyow, waan ku baryayaaye, bal haatan xusuuso sidaan hortaada ugu socday runta iyo qalbi qumman, iyo sidaan u sameeyey waxa hortaada ku wanaagsan. Xisqiyaahna aad buu u ooyay.

  • 3Noo ducee si Rabbiga Ilaahaaga ahu uu noo tuso jidkii aannu ku socon lahayn iyo wixii aannu samayn lahayn.

  • 9¶ Oo anna markaas waan idinla hadlay oo waxaan idhi, Anigu idinma aan qaadi karo keli ahaantay.

  • 23ayuu yidhi, Rabbiyow, Ilaaha reer binu Israa'iilow, Ilaah kula mid ahu kuma jiro samada sare ama dhulka hoose toona, adoo axdiga xajiyaa oo u naxariistaa addoommadaada hortaada ku socda oo kugu aamina qalbigooda oo dhan.

  • 4Markaasaa boqorkii wuxuu igu yidhi, Hadda maxaad iga baryaysaa? Kolkaasaan Ilaaha samada baryay.

  • 22Laakiinse anigu waxaan degdeg ku idhi, Indhahaaga hortooda waan ka go'ay, Habase yeeshee, codkii baryootankayga waad maqashay markii aan kuu qayshaday.

  • 18Markaasuu yidhi, Waan ku baryayaaye, ammaantaada i tus.

  • 28Oo weliba Rabbiyow, Ilaahayow, aqbal tukashadayda iyo baryootankayga anoo addoonkaaga ah, oo maqal qaylada iyo tukashada anoo addoonkaaga ahu aan maanta hortaada ku tukanayo,

  • 2Rabbiyow, Ilaahayow, Waan kuu qayshaday oo adna waad i bogsiisay.

  • 57Maalintii aan ku baryay ayaad ii soo dhowaatay, oo waxaad igu tidhi, Ha cabsan.

  • 19Oo weliba Rabbiyow Ilaahayow, aqbal tukashadayda iyo baryootankayga, anoo addoonkaaga ah, oo maqal qaylada iyo tukashada anoo addoonkaaga ahu aan hortaada ku tukanayo,

  • 27Waxaan ka baryay wiilkan, oo Rabbigu waa i siiyey baryadaydii aan weyddiistay isaga,

  • 26Haddaba Rabbiyow, adigu waxaad tahay Ilaah, oo waxan wanaagsan baad ii ballanqaadday, anoo addoonkaaga ah,

  • 8Markaad tidhi, Wejigayga doondoona, ayaa qalbigaygu wuxuu kugu yidhi, Rabbiyow, wejigaaga waan doondoonayaa.

  • 12Oo intuu dhibaataysnaa ayuu baryay Rabbigii Ilaahiisa ahaa, oo si weyn buu isugu hor hoosaysiiyey Ilaahii awowayaashiis.

  • 1Anigu codkaygaan Rabbiga ugu qayshadaa, Oo codkaygaan Rabbiga ku baryaa.

  • 3Markaan cabsado, Waan isku kaa hallaynayaa.

  • 29Oo markaasaan idinku idhi, Ha cabsanina, hana ka baqina.

  • 11Markaasaa Muuse baryay Rabbiga Ilaahiis ah oo wuxuu ku yidhi, Rabbiyow, maxaad aad ugu cadhoonaysaa dadkaaga aad dalkii Masar kaga soo bixisay itaal weyn iyo gacan xoog leh?

  • 25Rabbiyow, waan ku baryaynaaye, haatan na badbaadi, Oo waan ku baryaynaaye, Rabbiyow, haatan barwaaqo noo soo dir.

  • 20¶ Oo intii aan hadlayay, oo aan tukanayay, oo aan dembigayga iyo dembigii dadkayga reer binu Israa'iil qiranayay, oo aan Rabbiga Ilaahayga ah u baryayay buurta quduuska ah oo Ilaahay,

  • 8Waxaas aawadiis saddex goor ayaan Rabbiga ka baryay in waxaasi iga fogaado.

  • 19Haddaba sidaas daraaddeed Rabbiyow Ilaahayagow, waan ku baryayaaye gacantiisa naga badbaadi, in boqortooyooyinka dunida oo dhammu ay ogaadaan inaad adiga keliyahu tahay Rabbiga Ilaaha ah.

  • 40Haddaba Ilaahayow waan ku baryayaaye indhahaagu ha furmeen oo dhegahaaguna ha maqleen baryootanka meeshan lagu baryootamo.

  • 23Oo haddana aniga xaggayga, Ilaah ha iga fogeeyo inaan Rabbiga ku dembaabo, taasoo ah anoo joojinaya inaan idiin duceeyo; laakiinse waxaan idin barayaa jidka wanaagsan oo qumman.

  • 15Markaasaa Muuse Rabbiga la hadlay, oo wuxuu ku yidhi,

  • 14Oo wuxuu yidhi, Rabbiyow Ilaaha reer binu Israa'iilow, samada iyo dhulka toona Ilaah kula mid ahu kuma jiro, adoo axdiga xajiya oo u naxariista addoommadaada hortaada ku socda oo kugu aamina qalbigooda oo dhan.

  • 21¶ Markaasaa Ishacyaah ina Aamoos u soo cid diray Xisqiyaah, oo wuxuu ku yidhi, Rabbiga Ilaaha reer binu Israa'iil ahu wuxuu leeyahay, Seenxeeriib oo ah boqorka Ashuur waad iga bariday,