Sharciga Kunoqoshadiisa 3:21

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Oo waagaas ayaan Yashuuca amray oo waxaan ku idhi, Indhahaagu way arkeen kulli wixii Rabbiga Ilaahaaga ahu uu ku sameeyey labadan boqor. Oo boqortooyooyinka aad u gudbaysid oo dhan Rabbigu saasuu u gelayaa.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Tir 27:18-23 : 18 Markaasaa Rabbigu Muuse ku yidhi, Waxaad soo waddaa Yashuuca ina Nuun oo ah nin Ruuxu ku jiro, oo gacanta dul saar isaga. 19 Oo waxaad isaga soo hor taagtaa wadaadka Elecaasaar ah iyo shirka oo dhan, oo hortooda amar ku sii. 20 Oo waxaad isaga dul saartaa sharaftaadii, si shirka reer binu Israa'iil oo dhammu ay isaga u addeecaan. 21 Oo isagu waa inuu is-hor taagaa wadaadka Elecaasaar ah oo isaga wax ugu weyddiin doona xukunka Uuriimka Rabbiga hortiisa. Iyagu eraygiisay dibadda ugu bixi doonaan, oo eraygiisay gudaha ku soo geli doonaan, isaga iyo reer binu Israa'iilka isaga la jiraaba, kuwaas oo ah shirka oo dhan. 22 Markaasaa Muuse yeelay sidii Rabbigu ku amray, oo wuxuu soo waday Yashuuca, kolkaasuu soo hor taagay wadaadkii Elecaasaar ahaa iyo shirkii oo dhan. 23 Oo gacmuhuu dul saaray, oo amar buu siiyey, sidii Rabbigu Muuse kula hadlay.
  • Yash 10:25 : 25 Markaasaa Yashuuca wuxuu iyagii ku yidhi, Ha cabsanina, hana qalbi jabina; xoog yeesha oo aad u dhiirranaada; waayo, Rabbigu sidaasuu u geli doonaa cadaawayaashiinna aad la diriraysaan oo dhan.
  • 1 Sam 17:36-37 : 36 Anoo addoonkaaga ah libaaxii iyo orsadiiba waan dilay; oo midkan reer Falastiin oo buuryoqabka ahuna iyagoo kaluu noqon doonaa, waayo, wuxuu careeyey ciidammadii Ilaaha nool. 37 Oo Daa'uud wuxuu haddana yidhi, Rabbiga iga samatabbixiyey ciddiyihii libaaxa iyo ciddiyihii orsada ayaa haddana iga samatabbixin doona gacanta midkan reer Falastiin. Markaasaa Saa'uul wuxuu Daa'uud ku yidhi, Tag, Rabbigu ha kula jiree.
  • Sab 9:10 : 10 Oo kuwa magacaaga yaqaanna way isku kaa hallayn doonaan, Waayo, adigu Rabbiyow, ma aad dayrisid kuwa ku doondoona.
  • 2 Kor 1:10 : 10 Isagaa naga samatabbixiyey dhimasho saas u weyn, wuuna na samatabbixin doonaa, kan aannu rajaynayno inuu weliba na samatabbixin doono;
  • 2 Kor 12:10 : 10 Sidaa aawadeed waxaan ku farxaa itaaldarrooyin iyo hadallo cay ah iyo baahiyo iyo silecyo iyo dhibaatooyin Masiix aawadiis, waayo, markaan itaal daranahay, ayaan xoog badnahay.
  • Ef 3:20 : 20 ¶ Haddaba kan awooda inuu inoo sameeyo wax aad iyo aad uga sii badan waxa aynu weyddiisanno ama ku fikirno oo dhan sida u yahay xoogga inaga dhex shaqeeya,
  • 2 Tim 4:17-18 : 17 Laakiinse Rabbiga ayaa iskay garab taagay, oo xoog i siiyey, inaan farriinta dadka oo dhan wada gaadhsiiyo oo ay dadka aan Yuhuudda ahayn wada maqlaan; oo waxaa layga samatabbixiyey afkii libaaxa. 18 Oo Rabbiguna wuu iga samatabbixin doonaa shuqul kasta oo shar ah, oo wuxuu igu nabad gelin doonaa boqortooyadiisa jannada ah. Isaga ammaanu ha u ahaato weligiis iyo weligiis. Aamiin.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 3oo idinkuna waad aragteen kulli wixii Rabbigu quruumahan oo dhan ku sameeyey idinka aawadiin; waayo, kan idiin diriray waa Rabbiga Ilaahiinna ah.

  • Sharc 31:3-5
    3 aayado
    80%

    3Haddaba waxaa idin hor gudbaya Rabbiga Ilaahiinna ah, oo hortiinna buu ka baabbi'in doonaa quruumahaas, oo idinna iyaga waad hantiyi doontaan, oo sidii Rabbigu yidhi, waxaa idin hor kici doona Yashuuca.

    4Oo Rabbigu wuxuu quruumahaas ku samayn doonaa siduu ugu sameeyey Siixon iyo Coog iyo dalkoodiiba, kuwaas oo ahaa boqorradii reer Amor ee uu baabbi'iyey.

    5Oo Rabbigu iyaga gacantiinna buu soo gelin doonaa, oo waa inaad ku samaysaan siduu yahay amarkii aan idinku amray oo dhan.

  • 18¶ Oo waagaas waxaan idinku amray oo idinku idhi, Rabbiga Ilaahiinna ahu dalkan buu idiin siiyey inaad hantidaan. Raggiinna dagaalyahanka ah oo dhammu idinkoo hub wata walaalihiinna reer binu Israa'iil hor mara oo gudba.

  • 18Oo waagaas waxaan idinku amray wixii aad samayn lahaydeen oo dhan.

  • 78%

    27Haddaba u kac Buur Fisgaah dusheeda, oo indhaha ku taag xagga galbeed iyo xagga woqooyi iyo xagga koonfureed iyo xagga bari, maxaa yeelay, adigu ka gudbi maysid Webigan Urdun.

    28Laakiinse Yashuuca amar, oo dhiirrigeli, oo xoogee, waayo, isagu wuu gudbi doonaa oo dadkan hor kici doonaa, oo wuxuu dhaxalsiin doonaa dalka aad arki doontid.

  • Yash 1:9-13
    5 aayado
    78%

    9Miyaanan kugu amrin? Xoog yeelo, oo aad u dhiirranow. Ha cabsan, hana qalbi jabin, waayo, Rabbiga Ilaahaaga ahu wuu kula jiraa meel kastoo aad tagtidba.

    10¶ Markaasaa Yashuuca wuxuu amray saraakiishii dadka, oo ku yidhi,

    11Bal xerada dhex mara, oo waxaad dadka ku amartaan, oo ku tidhaahdaan, Saadkiinna diyaarsada, waayo, saddex maalmood waa inaad kaga gudubtaan webigan Urdun inaad gashaan oo hantidaan dalkii Rabbiga Ilaahiinna ahu hanti ahaan idiin siinayo.

    12¶ Oo Yashuuca wuxuu la hadlay reer Ruubeen, iyo reer Gaad, iyo qabiilka reer Manaseh badhkiis, oo wuxuu ku yidhi,

    13Bal xusuusta eraygii addoonkii Rabbiga oo Muuse ahaa idinku amray isagoo leh, Rabbiga Ilaahiinna ahu waa idin nasinayaa, oo wuxuu idin siin doonaa dalkan.

  • 7Markaasaa Muuse Yashuuca u yeedhay, oo wuxuu reer binu Israa'iil oo dhan hortooda ku yidhi, Xoog yeelo oo aad u dhiirranow, waayo, waxaad dadkan ula gudbaysaa dalkii Rabbigu awowayaashood ugu dhaartay inuu iyaga siinayo, oo dalkaas ayaad dhaxalsiin doontaa.

  • 22Haddaba ha ka cabsanina, waayo, waxaa idiin dagaallamaya Rabbiga Ilaahiinna ah.

  • 23¶ Oo Rabbigaa Yashuuca ina Nuun amar siiyey oo ku yidhi, Xoog yeelo oo aad u dhiirranow, waayo, reer binu Israa'iil ayaad geeyn doontaa dalkii aan iyaga ugu dhaartay, oo anna waan kula jiri doonaa.

  • 2oo wuxuu ku yidhi, Waad xajiseen kulli wixii uu addoonkii Rabbiga oo Muuse ahaa idinku amray, oo codkaygana waad dhegaysateen oo waad yeesheen kulli wixii aan idinku amray.

  • 25Markaasaa Yashuuca wuxuu iyagii ku yidhi, Ha cabsanina, hana qalbi jabina; xoog yeesha oo aad u dhiirranaada; waayo, Rabbigu sidaasuu u geli doonaa cadaawayaashiinna aad la diriraysaan oo dhan.

  • 20ilaa uu Rabbigu nasiyo walaalihiin siduu idiin nasiyey oo kale, oo iyana ay hantiyaan dalka Rabbiga Ilaahiinna ahu uu iyaga ka siinayo Webi Urdun shishadiisa, markaas ninkiin waluba ha ku soo noqdo hantidiisa aan siiyey.

  • Yash 1:15-16
    2 aayado
    76%

    15ilaa Rabbigu walaalihiin nasiyo, siduu idinkaba idiin nasiyey, oo ay iyana hantiyaan dalkii Rabbiga Ilaahiinna ahu iyaga siinayo; oo markaasaad ku soo noqon doontaan dalkii hantidiinna, oo waad hantiyi doontaan dalkii addoonkii Rabbiga oo Muuse ahaa idinka siiyey Webi Urdun shishadiisa oo ah xagga qorrax ka soo baxa.

    16Markaasay Yashuuca ugu jawaabeen, Kulli wixii aad nagu amartay oo dhan waannu yeeli doonnaa, oo meel alla meeshii aad noo dirtoba waannu tegi doonnaa.

  • 11Bal eega, Rabbiga dhulka oo dhan sanduuqiisii axdiga ayaa idin hor maraya xagga Webi Urdun dhexdiisa.

  • Yash 3:7-9
    3 aayado
    76%

    7Markaasaa Rabbigu Yashuuca ku yidhi, Maantaan bilaabayaa inaan kugu weyneeyo reer binu Israa'iil hortooda, inay ogaadaan in sidii aan Muuse ula jiray, aan adigana kuula jiri doono.

    8Oo waa inaad amartaa wadaaddada sanduuqa axdiga sida, oo waxaad ku tidhaahdaa, Markii aad gaadhaan biyaha Webi Urdun qarkooda waa inaad Webi Urdun isdhex taagtaan.

    9¶ Markaasaa Yashuuca wuxuu reer binu Israa'iil ku yidhi, Kaalaya halkan, oo maqla erayada Rabbiga Ilaahiinna ah.

  • Sharc 11:7-8
    2 aayado
    75%

    7laakiinse idinka indhihiinnu way arkeen shuqulkii weynaa oo Rabbigu sameeyey oo dhan.

    8Haddaba sidaas daraaddeed waa inaad xajisaan amarkan aan maanta idinku amrayo oo dhan si aad u xoogaysataan oo aad u gashaan oo u hantidaan dalka aad ugu gudbaysaan inaad hantidaan,

  • 1¶ Oo markii quruuntii oo dhammu ay ka wada gudubtay Webi Urdun, ayaa Rabbigu Yashuuca la hadlay, oo ku yidhi,

  • 15¶ Markaasaa Rabbigu Yashuuca la hadlay, oo ku yidhi,

  • 31Waayo, waxaad ka gudubtaan Webi Urdun inaad gashaan oo hantidaan dalkii Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idin siinayo, waadna hantiyi doontaan oo dhex degi doontaan.

  • 15Wixii Rabbigu addoonkiisii Muuse ahaa ku amray ayuu Muusena Yashuuca ku amray, oo Yashuucana sidaasuu yeelay, oo kulli wixii Rabbigu Muuse ku amray wax aanu samayn ma jirin.

  • 2Markaasaa Rabbigu wuxuu Yashuuca ku yidhi, Bal eeg, adigaan gacanta kuu geliyey Yerixoo, iyo boqorkeeda, iyo ragga xoogga leh.

  • 19Xusuusta jirrabyadii waaweynaa oo aad aragteen, iyo calaamooyinkii, iyo yaababkii, iyo gacantii xoogga badnayd, iyo cududdii fidsanayd ee uu Rabbiga Ilaahiinna ahu idinku soo bixiyey, oo sidaasoo kalaa Rabbiga Ilaahiinna ahu ku wada samayn doonaa dadyowga aad ka cabsanaysaan oo dhan.

  • 8Bal eega, dalka waan idin hor dhigay, haddaba gala oo hantiya dalkii Rabbigu ugu dhaartay awowayaashiin oo ahaa Ibraahim iyo Isxaaq iyo Yacquub inuu siinayo iyaga iyo farcankooda ka dambeeyaba

  • 14Bal eega, maanta waxaan mari doonaa jidka dadka dhulka jooga oo dhan; idinkuna waad ku og tihiin qalbigiinna oo dhan iyo naftiinna oo dhan, inaan wax keliyuhu ka baaqan kulli wixii wanaagsanaa oo Rabbiga Ilaahiinna ahu xaggiinna kaga hadlay; laakiinse kulligood way idiin wada ahaadeen oo mid keliyuhu kama baaqan.

  • 6Haddaba xoog yeelo, oo aad u dhiirranow, waayo, dadkan waxaad dhaxalsiisaa dalkii aan ugu dhaartay awowayaashood inaan iyaga siiyo.

  • 21oo aad raggiinna hubka leh oo dhammu Webi Urdun ku dhaafaysaan Rabbiga hortiisa ilamaa uu isagu cadaawayaashiisa ka wada eryo hortiisa,

  • 38Yashuuca ina Nuun oo hortaada taagan ayaa halkaas geli doona. Isaga dhiirrigeli, waayo, reer binu Israa'iil ayuu dalkaas dhaxalsiin doonaa.

  • 10Waayo, waxaannu maqalnay sidii Rabbigu hortiinna uga engejiyey biyihii Badda Cas, markii aad Masar ka soo baxdeen, iyo wixii aad ku samayseen labadii boqor oo Siixon iyo Coog oo ahaa reer Amor, ee joogay Webi Urdun shishadiisa, oo aad wada baabbi'iseen.

  • 1¶ Markaasaa Rabbigu Yashuuca la hadlay, oo ku yidhi,

  • 1¶ Yashuuca waa da' weynaa, gaboowna wuu la dhacay, oo kolkaasaa Rabbigu wuxuu isagii ku yidhi, Adigu waad da' weyn tahay oo gaboowna waad la dhacday, laakiinse weliba waxaa hadhay dal badan in la hantiyo.

  • 1¶ Markaasaa Rabbigu wuxuu Yashuuca ku yidhi, Ha cabsan, hana qalbi jabin. Ragga dagaalyahannada ah oo dhan kaxayso, oo kac oo waxaad tagtaa xagga Aacii, oo bal eeg, adigaan gacanta ku geliyey boqorka Aacii, iyo dadkiisa, iyo magaaladiisa, iyo dalkiisaba;

  • 5Bal eega, qaynuunno iyo xukummo ayaan idiin baray sidii Rabbiga Ilaahayga ahu igu amray, inaad saas ku dhex samaysaan dalka aad u gelaysaan inaad hantidaan.

  • 30Waayo, waxaa idiin dagaallami doona Rabbiga Ilaahiinna ah ee idin hor socda, si waafaqsan kulli wixii uu indhihiinna hortooda idiinku sameeyey dalkii Masar,

  • 8Oo markaasaa Rabbigu wuxuu Yashuuca ku yidhi, Iyaga ha ka cabsan, waayo, iyaga gacmahaagaan kuu soo geliyey. Midkoodna isma kaa hor taagi doono.

  • 1¶ Oo amarka aan maanta idinku amrayo oo dhan waa inaad wada samaysaan si aad u noolaataan oo u tarantaan oo aad u gashaan oo u hantidaan dalkii Rabbigu ugu dhaartay awowayaashiin.

  • 8Oo markii aad magaalada qabsataan, waa inaad dab qabadsiisaan magaalada, oo waxaad yeeshaan si waafaqsan ereyga Rabbiga; bal eega, sidaasaan idinku amraye.