Yashuuca 13:1

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Yashuuca waa da' weynaa, gaboowna wuu la dhacay, oo kolkaasaa Rabbigu wuxuu isagii ku yidhi, Adigu waad da' weyn tahay oo gaboowna waad la dhacday, laakiinse weliba waxaa hadhay dal badan in la hantiyo.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Yash 14:10 : 10 Oo haddaba bal eeg, Rabbigu waa i soo gaadhsiiyey ilaa haatan, anoo nool, siduu ku hadlay, oo shan iyo afartankan sannadood baa ka dambaysay markii Rabbigu Muuse eraygan kula hadlay, oo waxay ahayd intii ay reer binu Israa'iil cidlada dhex socdeen; oo haatanna maanta waxaan jiraa shan iyo siddeetan sannadood.
  • Sharc 31:3 : 3 Haddaba waxaa idin hor gudbaya Rabbiga Ilaahiinna ah, oo hortiinna buu ka baabbi'in doonaa quruumahaas, oo idinna iyaga waad hantiyi doontaan, oo sidii Rabbigu yidhi, waxaa idin hor kici doona Yashuuca.
  • Bil 18:11 : 11 Haddaba Ibraahim iyo Saarah way da' weynaayeen; gabow bayna la dhaceen; caadadii naaguhuna Saarah way ka joogsatay.
  • Yash 23:1-2 : 1 ¶ Maalmo badan dabadood, markii Rabbigu reer binu Israa'iil ka nasiyey cadaawayaashoodii ku wareegsanaa, Yashuucana da' weynaa, gabowna la dhacay, 2 ayaa Yashuuca u yeedhay reer binu Israa'iil oo dhan, iyo waayeelladoodii, iyo madaxdoodii, iyo xaakinnadoodii, iyo saraakiishoodii, oo wuxuu ku yidhi, Anigu waan da' weynahay oo gabow baan la dhacay;
  • Yash 24:29 : 29 Oo taas dabadeed addoonkii Rabbiga oo ahaa Yashuuca ina Nuun ayaa dhintay, isagoo jira boqol iyo toban sannadood.
  • 1 Boq 1:1 : 1 ¶ Haddaba Boqor Daa'uud wuu gaboobay, da' buuna la dhacay, oo waxay huwiyeen dhar, laakiinse kulayl ma uu helin.
  • Luuk 1:7 : 7 Ilmo ma ay lahayn, waayo, Elisabed madhalays bay ahayd, oo labadooduba way da'weynaayeen.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Yash 23:1-2
    2 aayado
    84%

    1¶ Maalmo badan dabadood, markii Rabbigu reer binu Israa'iil ka nasiyey cadaawayaashoodii ku wareegsanaa, Yashuucana da' weynaa, gabowna la dhacay,

    2ayaa Yashuuca u yeedhay reer binu Israa'iil oo dhan, iyo waayeelladoodii, iyo madaxdoodii, iyo xaakinnadoodii, iyo saraakiishoodii, oo wuxuu ku yidhi, Anigu waan da' weynahay oo gabow baan la dhacay;

  • 2Oo dalka weli hadhay waxa weeye kan: gobollada reer Falastiin oo dhan iyo reer Geshuur oo dhan,

  • Yash 18:2-3
    2 aayado
    79%

    2Oo reer binu Israa'iil dhexdooda waxaa ku hadhay toddoba qabiil oo aan weli helin qaybtii ay dhaxalka u lahaayeen.

    3Markaasaa Yashuuca wuxuu reer binu Israa'iil ku yidhi, Dalkii uu Rabbiga ah Ilaaha awowayaashiin idin siiyey ilaa goormaad ka raagaysaan inaad gashaan si aad dalka u hantidaan?

  • Yash 1:11-13
    3 aayado
    77%

    11Bal xerada dhex mara, oo waxaad dadka ku amartaan, oo ku tidhaahdaan, Saadkiinna diyaarsada, waayo, saddex maalmood waa inaad kaga gudubtaan webigan Urdun inaad gashaan oo hantidaan dalkii Rabbiga Ilaahiinna ahu hanti ahaan idiin siinayo.

    12¶ Oo Yashuuca wuxuu la hadlay reer Ruubeen, iyo reer Gaad, iyo qabiilka reer Manaseh badhkiis, oo wuxuu ku yidhi,

    13Bal xusuusta eraygii addoonkii Rabbiga oo Muuse ahaa idinku amray isagoo leh, Rabbiga Ilaahiinna ahu waa idin nasinayaa, oo wuxuu idin siin doonaa dalkan.

  • 28Laakiinse Yashuuca amar, oo dhiirrigeli, oo xoogee, waayo, isagu wuu gudbi doonaa oo dadkan hor kici doonaa, oo wuxuu dhaxalsiin doonaa dalka aad arki doontid.

  • 7Markaasaa Muuse Yashuuca u yeedhay, oo wuxuu reer binu Israa'iil oo dhan hortooda ku yidhi, Xoog yeelo oo aad u dhiirranow, waayo, waxaad dadkan ula gudbaysaa dalkii Rabbigu awowayaashood ugu dhaartay inuu iyaga siinayo, oo dalkaas ayaad dhaxalsiin doontaa.

  • Sharc 31:2-3
    2 aayado
    76%

    2Oo wuxuu iyagii ku yidhi, Maanta waxaan jiraa boqol iyo labaatan sannadood, oo mar dambe ma bixi karo, mana soo geli karo, oo Rabbiguna wuxuu igu yidhi, Webigan Urdun ka gudbi maysid.

    3Haddaba waxaa idin hor gudbaya Rabbiga Ilaahiinna ah, oo hortiinna buu ka baabbi'in doonaa quruumahaas, oo idinna iyaga waad hantiyi doontaan, oo sidii Rabbigu yidhi, waxaa idin hor kici doona Yashuuca.

  • 76%

    38Yashuuca ina Nuun oo hortaada taagan ayaa halkaas geli doona. Isaga dhiirrigeli, waayo, reer binu Israa'iil ayuu dalkaas dhaxalsiin doonaa.

    39Oo weliba yaryarkiinna, oo aad tidhaahdeen, Waa la dhacayaa, iyo carruurtiinna maanta aan khayr iyo shar kala aqoon, iyagu dalkaas way geli doonaan, oo iyagaan siin doonaa, iyana way hantiyi doonaan.

  • Yash 1:1-2
    2 aayado
    76%

    1¶ Addoonkii Rabbiga oo Muuse ahaa markuu dhintay dabadeed, Rabbigu wuxuu la hadlay Yashuuca ina Nuun, oo Muuse midiidin u ahaa, oo wuxuu ku yidhi,

    2Addoonkaygii Muuse ahaa waa dhintay, haddaba kac, oo webigan Urdun ka tallaaba, adiga iyo dadkan oo dhammuba, oo waxaad u gudubtaan dalka aan siinayo iyaga, kuwaasoo ah reer binu Israa'iil.

  • 23Sidaasuu Yashuuca u wada qabsaday dalkii oo dhan, oo wuxuu wada yeelay sidii Rabbigu kula hadlay Muuse; oo Yashuuca wuxuu dalkii dhaxal u siiyey reer binu Israa'iil, oo wuxuu ugu qaybiyey sidii qabiilooyinkoodu ahaayeen. Oo dalkiina dagaal wuu ka nastay.

  • Xaak 2:7-8
    2 aayado
    75%

    7Oo dadkuna Rabbigay u adeegeen wakhtigii Yashuuca noolaa oo dhan, iyo wakhtigii odayaashii Yashuuca ka nolol dambeeyey oo dhan, kuwaasoo wada arkay kulli shuqulkii weynaa oo Rabbigu u sameeyey reer binu Israa'iil.

    8Yashuuca oo ahaa ina Nuun oo addoonkii Rabbiga ahaa wuxuu dhintay isagoo boqol iyo toban sannadood jira.

  • 15ilaa Rabbigu walaalihiin nasiyo, siduu idinkaba idiin nasiyey, oo ay iyana hantiyaan dalkii Rabbiga Ilaahiinna ahu iyaga siinayo; oo markaasaad ku soo noqon doontaan dalkii hantidiinna, oo waad hantiyi doontaan dalkii addoonkii Rabbiga oo Muuse ahaa idinka siiyey Webi Urdun shishadiisa oo ah xagga qorrax ka soo baxa.

  • 23¶ Oo Rabbigaa Yashuuca ina Nuun amar siiyey oo ku yidhi, Xoog yeelo oo aad u dhiirranow, waayo, reer binu Israa'iil ayaad geeyn doontaa dalkii aan iyaga ugu dhaartay, oo anna waan kula jiri doonaa.

  • 15¶ Markaasaa Rabbigu Yashuuca la hadlay, oo ku yidhi,

  • 31Waayo, waxaad ka gudubtaan Webi Urdun inaad gashaan oo hantidaan dalkii Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idin siinayo, waadna hantiyi doontaan oo dhex degi doontaan.

  • 1¶ Oo markii quruuntii oo dhammu ay ka wada gudubtay Webi Urdun, ayaa Rabbigu Yashuuca la hadlay, oo ku yidhi,

  • 22laakiinse anigu waa inaan dalkan ku dhintaa, oo waa inaanan Webi Urdun ka gudbayn, laakiinse idinku waad gudbi doontaan, waanad hantiyi doontaan dalkaas wanaagsan.

  • 6Haddaba xoog yeelo, oo aad u dhiirranow, waayo, dadkan waxaad dhaxalsiisaa dalkii aan ugu dhaartay awowayaashood inaan iyaga siiyo.

  • 1¶ Kuwanu waa dhaxalkii ay reer binu Israa'iil ka qaateen dalkii reer Kancaan, oo wadaadkii Elecaasaar ahaa, iyo Yashuuca ina Nuun, iyo madaxdii qabiilooyinkii reer binu Israa'iil ay u qaybiyeen.

  • 1¶ Markaasaa Rabbigu Yashuuca la hadlay, oo ku yidhi,

  • 21¶ Oo waagaas ayaan Yashuuca amray oo waxaan ku idhi, Indhahaagu way arkeen kulli wixii Rabbiga Ilaahaaga ahu uu ku sameeyey labadan boqor. Oo boqortooyooyinka aad u gudbaysid oo dhan Rabbigu saasuu u gelayaa.

  • 29Oo taas dabadeed addoonkii Rabbiga oo ahaa Yashuuca ina Nuun ayaa dhintay, isagoo jira boqol iyo toban sannadood.

  • 14¶ Markaasaa Rabbigu Muuse ku yidhi, Bal eeg, wakhtigii aad dhiman lahayd waa soo dhow yahay, haddaba Yashuuca u yeedh oo isdhex taaga teendhada shirka, aan isaga amar siiyee. Markaasaa Muuse iyo Yashuuca tageen oo teendhadii shirka isdhex taageen.

  • 1¶ Reer binu Israa'iilow, maqla, maanta waa inaad Webi Urdun ka gudubtaan inaad gashaan oo hantidaan quruumo idinka waaweyn oo idinka sii xoog badan iyo magaalooyin waaweyn oo deyrkoodu samada ku tolan yahay,

  • 73%

    15Wixii Rabbigu addoonkiisii Muuse ahaa ku amray ayuu Muusena Yashuuca ku amray, oo Yashuucana sidaasuu yeelay, oo kulli wixii Rabbigu Muuse ku amray wax aanu samayn ma jirin.

    16¶ Oo Yashuuca wuxuu qabsaday dalkaas oo dhan, kaas oo ahaa dalkii buuraha lahaa, iyo Koonfur oo dhan, iyo dalkii Goshen oo dhan, iyo dalkii dooxada ahaa, iyo bankii Caraabaah, iyo dalkii reer binu Israa'iil oo buuraha lahaa, iyo intiisii dooxada ahayd,

  • 49¶ Sidaasay ku dhammeeyeen qaybintii dhulkii ay dhaxalka u qaybsanayeen siday soohdimihiisu ahaayeen, oo reer binu Israa'iil dhaxal bay Yashuuca ina Nuun dhexdooda ka siiyeen,

  • 8Haddaba sidaas daraaddeed waa inaad xajisaan amarkan aan maanta idinku amrayo oo dhan si aad u xoogaysataan oo aad u gashaan oo u hantidaan dalka aad ugu gudbaysaan inaad hantidaan,

  • 8Bal eega, dalka waan idin hor dhigay, haddaba gala oo hantiya dalkii Rabbigu ugu dhaartay awowayaashiin oo ahaa Ibraahim iyo Isxaaq iyo Yacquub inuu siinayo iyaga iyo farcankooda ka dambeeyaba

  • 2Markaasaa Rabbigu wuxuu Yashuuca ku yidhi, Bal eeg, adigaan gacanta kuu geliyey Yerixoo, iyo boqorkeeda, iyo ragga xoogga leh.

  • 51Reer binu Israa'iil la hadal, oo waxaad ku tidhaahdaa, Markaad Webi Urdun gudubtaan oo aad dalka Kancaan gashaan,

  • 18¶ Oo waagaas waxaan idinku amray oo idinku idhi, Rabbiga Ilaahiinna ahu dalkan buu idiin siiyey inaad hantidaan. Raggiinna dagaalyahanka ah oo dhammu idinkoo hub wata walaalihiinna reer binu Israa'iil hor mara oo gudba.