Yashuuca 12:24

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

iyo boqorkii Tirsaah. Oo boqorradii oo dhammuna waxay ahaayeen kow iyo soddon.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sharc 7:24 : 24 Oo boqorradooda wuxuu soo gelin doonaa gacantiinna, oo magacooda waa inaad ka baabbi'isaan inta samada ka hoosaysa, oo ninnaba ma awoodi doono inuu hortiinna istaago jeeraad iyaga wada baabbi'isaan.
  • 1 Boq 16:23 : 23 Oo Aasaa oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah sannaddiisii kow iyo soddonaad ayaa Coomrii dalka Israa'iil boqor ka noqday, oo wuxuu boqor ahaa laba iyo toban sannadood oo Tirsaah wuxuu boqor ka ahaa lix sannadood.
  • 2 Boq 15:14 : 14 Markaasaa Menaxeem ina Gaadii ayaa ka kacay Tirsaah, oo wuxuu tegey Samaariya, markaasuu Shalluum ina Yaabeesh ku dilay Samaariya oo meeshiisii boqor ka noqday.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Yash 12:9-23
    15 aayado
    86%

    9Oo waa kuwan boqorradii, boqorkii Yerixoo, iyo boqorkii Aacii tii u dhowayd Beytel,

    10iyo boqorkii Yeruusaalem, iyo boqorkii Xebroon,

    11iyo boqorkii Yarmuud, iyo boqorkii Laakiish,

    12iyo boqorkii Cegloon, iyo boqorkii Geser,

    13iyo boqorkii Debiir, iyo boqorkii Geder,

    14iyo boqorkii Xormaah, iyo boqorkii Caraad,

    15iyo boqorkii Libnaah, iyo boqorkii Cadullaam,

    16iyo boqorkii Maqeedaah, iyo boqorkii Beytel,

    17iyo boqorkii Tafuu'ax iyo boqorkii Heefer,

    18iyo boqorkii Afeeq, iyo boqorkii Lashaaroon,

    19iyo boqorkii Maadoon, iyo boqorkii Xaasoor,

    20iyo boqorkii Shimroon Meroon, iyo boqorkii Akshaaf,

    21iyo boqorkii Tacanaag, iyo boqorkii Megiddoo,

    22iyo boqorkii Qedesh, iyo boqorkii Yoqnecaam oo Karmel tiil,

    23iyo boqorkii Door oo ku tiil meesha ugu dheer Door, iyo boqorkii quruumaha degganaa Gilgaal,

  • 22iyo boqorrada Turos oo dhan, iyo boqorrada Siidoon oo dhan, iyo boqorrada gasiiradaha badda ka shisheeya,

  • 23Oo Aasaa oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah sannaddiisii kow iyo soddonaad ayaa Coomrii dalka Israa'iil boqor ka noqday, oo wuxuu boqor ahaa laba iyo toban sannadood oo Tirsaah wuxuu boqor ka ahaa lix sannadood.

  • 17Oo Coomrii wuxuu ka kacay Gibbetoon isagoo ay dadkii Israa'iil oo dhammu la socdaan, markaasay Tirsaah hareereeyeen.

  • 15¶ Oo Aasaa oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah sannaddiisii toddoba iyo labaatanaad ayaa Simrii intii toddoba maalmood ah boqor ku ahaa Tirsaah. Haddaba dadkii waxay iyagoo ka gees ah ag degeen Gibbetoon oo ay reer Falastiin lahaayeen.

  • 68%

    30Kii saddex iyo labaatanaadna wuxuu u soo baxay Maxasii'ood, iyo wiilashiisii iyo walaalihiisba oo ahaa laba iyo toban.

    31Kii afar iyo labaatanaadna wuxuu u soo baxay Romamtii Ceser, iyo wiilashiisii iyo walaalihiisba oo ahaa laba iyo toban.

  • 12Oo weliba dadka Yahuudahna waxaa la jirtay Rabbiga gacantiisii inay isku qalbi ahaadaan oo ay sameeyaan amarkii boqorka iyo kii amiirradiisa oo ahaa Eraygii Rabbiga.

  • 39iyo Uuriyaah oo ahaa reer Xeed; oo kulligoodna waxay ahaayeen toddoba iyo soddon.

  • 34Oo reer Naftaalina waxaa ka joogay kun sirkaal oo ay la socdaan toddoba iyo soddon kun oo nin oo waran iyo gaashaan wada sita.

  • 25iyo boqorrada Simrii oo dhan, iyo boqorrada Ceelaam oo dhan, iyo boqorrada reer Maaday oo dhan,

  • Yash 11:1-2
    2 aayado
    67%

    1¶ Oo markuu boqorkii Xaasoor oo ahaa Yaabiin waxaas maqlay ayuu u cid diray boqorkii Maadoon oo ahaa Yoobaab, iyo boqorkii Akshaaf,

    2iyo boqorradii jiray xagga woqooyi, kaas oo ahaa dalka buuraha leh, iyo kuwii joogay xagga ban Caraabaah oo koonfur ka xigta Kinnered, iyo xagga dooxooyinka, iyo dalka sare oo Door ee xagga galbeed jira,

  • 33¶ Oo boqorkii dalka Yahuudah oo Aasaa ahaa sannaddiisii saddexaad ayaa Bacshaa ina Axiiyaah boqor dalka Israa'iil ugu noqday Tirsaah, oo wuxuu boqor ahaa afar iyo labaatan sannadood.

  • 11Siixon oo ahaa boqorkii reer Amor, Iyo Coog oo ahaa boqorkii Baashaan, Iyo boqortooyooyinkii reer Kancaan oo dhan,

  • 24Waayo, isagaa xukumay Webiga dhankiisan oo dhan, marka laga bilaabo Tifsax iyo ilaa Gaasa, iyo kulli boqorradii webiga dhankiisan joogay oo dhan; oo hareerihiisa oo dhanna nabad buu la ahaa.

  • 14Oo waxay isagii ku dareen toban amiir, oo amiirba wuxuu ka socday qabiilooyinka reer binu Israa'iil midkood, oo mid waluba wuxuu ahaa kii madaxda u ahaa reerahooda ku jira kumanyaalka reer binu Israa'iil.

  • 1¶ Yoosiyaah markuu boqor noqday wuxuu jiray siddeed sannadood, oo Yeruusaalemna boqor buu ku ahaa kow iyo soddon sannadood.

  • 33iyo laba iyo toddobaatan kun oo lo' ah,

  • 32iyo Lebaa'ood, iyo Shilxiim, iyo Cayn, iyo Rimmon, oo magaalooyinka oo dhan iyo tuulooyinkooduba waa sagaal iyo labaatan.

  • 44¶ Kuwaasu waa kuwii la tiriyey, oo ay tiriyeen Muuse iyo Haaruun iyo amiirradii reer binu Israa'iil oo laba iyo toban nin ahaa oo midkood kastaba loo soocay reerkii aabbihiis.

  • 29¶ Markaasaa boqorkii cid diray oo waxaa loo soo ururiyey odayaashii dalka Yahuudah iyo kuwii Yeruusaalem oo dhan.

  • 24Oo waxaad yeeshaa, boqorrada nin walba meeshiisii ka saar, oo meeshoodii waxaad gelisaa taliyayaal.

  • 1¶ Markaasaa boqorkii cid diray, oo waxaa loo soo ururiyey odayaashii dalka Yahuudah iyo kuwii Yeruusaalem oo dhan.

  • 10Haddaba magaalooyinkiinna oo dhan ha idinku badbaadiyee meeh boqorkiinnii? Oo meeye xaakinnadiinnii aad ka tidhaahdeen, Na sii boqor iyo amiirro?

  • 20Oo markii dadkii Israa'iil maqleen in Yaaraabcaam soo noqday ayay u cid direen oo shirkii ugu yeedheen, oo waxay ka dhigteen boqor u taliya dadkii Israa'iil oo dhan; oo reerkii Daa'uudna nin qudha ma raacin, qabiilkii reer Yahuudah mooyaane.

  • 2 Sam 24:7-8
    2 aayado
    65%

    7oo waxay yimaadeen dhufayskii Turos, iyo magaalooyinkii reer Xiwi iyo reer Kancaan oo dhan; oo waxay tageen xagga koonfureed oo dalka Yahuudah ilaa Bi'ir Shebac.

    8Haddaba markay dalkii oo dhan horay iyo dib u dhex mareen ayay Yeruusaalem ku soo noqdeen sagaal bilood iyo labaatan maalmood dabadood.

  • 65%

    17kii kow iyo labaatanaadna Yaakiin, kii laba iyo labaatanaadna Gaamuul,

    18kii saddex iyo labaatanaadna Dalaayaah, kii afar iyo labaatanaadna Macasyaah.

  • 39Oo dameerraduna waxay ahaayeen soddon kun iyo shan boqol, oo Rabbiga canshuurtiisii ka go'dayna waxay ahayd kow iyo lixdan neef.

  • 31Haddaba boqorkii dalka Suuriya wuxuu amray laba iyo soddonkii sirkaal oo u taliyey gaadhifardoodkiisa, oo ku yidhi, Mid weyn iyo mid yar toona ha la diririna boqorka dalka Israa'iil oo keliya mooyaane.

  • 30Oo waxaa halkaas ku qoran kulli wakhtiyadii ay soo mareen boqortooyadiisii iyo xooggiisii, iyo wakhtiyadii ay isaga iyo reer binu Israa'iil, iyo boqortooyooyinkii waddammada oo dhammuba soo mareen.

  • 12kii kow iyo tobnaadna Eliyaashiib, kii laba iyo tobnaadna Yaaqiim,

  • 44iyo lix iyo soddon kun oo lo' ah,