2 Samuu'eel 23:39
iyo Uuriyaah oo ahaa reer Xeed; oo kulligoodna waxay ahaayeen toddoba iyo soddon.
iyo Uuriyaah oo ahaa reer Xeed; oo kulligoodna waxay ahaayeen toddoba iyo soddon.
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
39iyo Seleq oo ahaa reer Cammoon, iyo Naxaray oo ahaa reer Beerod, oo ahaa kii gaashaanka u qaadi jiray Yoo'aab oo ay Seruuyaah dhashay,
40iyo Ciiraa oo ahaa reer Yeter, iyo Gaareeb oo ahaa reer Yeter,
41iyo Uuriyaah oo ahaa reer Xeed, iyo Soobaad oo ahaa ina Axlay,
6Daa'uudna cid buu u diray Yoo'aab, oo ku yidhi, Ii soo dir Uuriyaah kii reer Xeed. Markaasaa Yoo'aab Uuriyaah u soo diray Daa'uud.
7Oo markii Uuriyaah u yimid ayaa Daa'uud weyddiiyey Yoo'aab siduu ahaa, iyo sidii dadku u nabdoonaa, iyo dagaalkii sida loogu guulaystay.
8Daa'uudna wuxuu Uuriyaah ku yidhi, Bal orod gurigaaga tag oo cagomaydho. Markaasaa Uuriyaah gurigii boqorka ka baxay oo waxaana lala daba galay cunto ka tagtay xagga boqorka.
9Laakiinse Uuriyaah guriga boqorka iriddiisa ayuu la seexday addoommadii sayidkiisa oo dhan, oo gurigiisiina ma uu tegin.
10Daa'uudna waa loo soo sheegay oo lagu yidhi, Uuriyaah gurigiisii ma tegin. Markaasaa Daa'uud wuxuu Uuriyaah ku yidhi, War miyaadan sodcaal ka iman? Maxaadse gurigaaga u tegi weyday?
11Markaasaa Uuriyaah wuxuu Daa'uud ku yidhi, Sanduuqa Ilaah, iyo reer binu Israa'iil, iyo reer Yahuudahba waxay ku jiraan waabab; oo sayidkaygii Yoo'aab iyo addoommadii sayidkayguba waxay ku hoydaan berrin bannaan; haddaba miyaan u galaa gurigayga inaan wax cuno, oo wax cabbo, oo naagtayda la seexdo? Haddaba waxaan ku dhaartay noloshaada iyo naftaada inaanan waxan samaynayn.
12Markaasaa Daa'uud Uuriyaah ku yidhi, Haddaba bal maantana iska joog oo berrina waan ku dirayaa. Saas aawadeed Uuriyaah maalintaas iyo maalintii dambeba Yeruusaalem buu joogay.
13Markii Daa'uud u yeedhay ayuu hortiisa wax ku cunay oo wax ku cabbay; markaasuu sakhraamiyey, oo fiidkii buu tegey inuu sariirtiisii jiifsado isagoo la socda addoommadii sayidkiisa, laakiinse gurigiisii ma uu tegin.
14Oo subaxdii dambe Daa'uud warqad buu Yoo'aab u qoray, wuxuuna ugu sii dhiibay Uuriyaah.
15Oo wuxuu warqaddiisii ku qoray oo yidhi, Uuriyaah waxaad ugu hor marisaan dagaalka ugu kulul, oo idinkuna dib uga noqda, si loo dilo, uuna u dhinto.
16Oo markuu Yoo'aab magaaladii arkay ayuu Uuriyaah ku hagaajiyey meeshii uu ku ogaa inay nimankii xoogga badnaa joogaan.
17Oo raggii magaaladuna way soo baxeen, oo Yoo'aab la dirireen, oo dadkiina qaar baa ka dhintay, kuwaas oo ahaa addoommadii Daa'uud; Uuriyaah kii reer Xeedna wuu dhintay.
18Markaasaa Yoo'aab Daa'uud cid u diray, oo wixii dagaalkii ku saabsanaa oo dhan ayuu uga warramay,
36iyo Yigaal ina Naataan oo ahaa reer Soobaah, iyo Baanii oo ahaa reer Gaad;
37iyo Seleq oo ahaa reer Cammoon, iyo Naxaray oo ahaa reer Bi'irod, iyo kuwii gaashaanka u qaadi jiray Yoo'aab oo ay Seruuyaah dhashay;
38iyo Ciiraa oo ahaa reer Yeter, iyo Gaareeb oo ahaa reer Yeter,
23Oo wargeeyihii wuxuu Daa'uud ku yidhi, Nimankii way naga xoog badnaadeen, markaasay dibadda noogu soo baxeen, oo annana waxaannu eryannay iyagii ilaa ay iriddii magaalada galeen.
24Markaasay kuwii wax toogan jiray addoommadaadii derbiga ka soo toogteen, oo boqorow, addoommadaadiina qaar baa dhintay, oo addoonkaagii Uuriyaah ahaa ee reer Xeed isna wuu dhintay.
25Markaasaa Daa'uud wuxuu wargeeyihii ku yidhi, Waxaad Yoo'aab ku tidhaahdaa, Waxanu yay kula xumaan, waayo, seeftu mar mid bay baabbi'isaa, marna midka kale, haddaba magaalada dagaalka aad ugu sii adkee, oo afgembi; oo adna isaga dhiirrigeli.
26Oo Uuriyaah bilcaantiisiina markay maqashay in ninkeedii Uuriyaah dhintay, way u barooratay ninkeedii.
28raggii reer Beytasmaawedna laba iyo afartan,
29raggii reer Qiryad Yecaariim, iyo reer Kefiiraah, iyo reer Bi'iroodna toddoba boqol iyo saddex iyo afartan,
9Haddaba erayga Rabbiga maxaad u quudhsatay, oo aad u samaysay waxa hortiisa ku xun? Seef baad ku dishay Uuriyaah kii reer Xeed, oo naagtiisiina waad u kaxaysatay inay naag kuu noqoto, oo isagiina waxaad ku dishay seeftii reer Cammoon.
10Sidaas daraaddeed seeftu reerkaaga ka tegi mayso; maxaa yeelay, waad i quudhsatay, oo waxaad kaxaysatay naagtii Uuriyaah kii reer Xeed inay naag kuu noqoto.
23Oo iyana dalkii Masar ayay Uuriyaah ka soo bixiyeen, oo waxay u keeneen Boqor Yehooyaaqiim, oo isna seef buu isagii ku dilay, oo meydkiisiina wuu ku dhex tuuray qabuuraha dadka.
3Markaasaa Daa'uud cid naagtii soo haybsata diray. Oo waxaa la yidhi, War sow tanu ma aha Batshebac ina Eliicaam, oo uu Uuriyaah kii reer Xeed qabo?
24reer Casmaawedna laba iyo afartan,
25reer Qiryad Caariim, iyo reer Kefiiraah, iyo reer Bi'irodna toddoba boqol iyo saddex iyo afartan,
27Oo wakhtigii uu reer binu Israa'iil boqor u ahaana wuxuu ahaa afartan sannadood; toddoba sannadood ayuu Xebroon boqor ka ahaa, saddex iyo soddon sannadoodna wuxuu boqor ka ahaa Yeruusaalem.
24iyo boqorkii Tirsaah. Oo boqorradii oo dhammuna waxay ahaayeen kow iyo soddon.
29iyo Xeeleb ina Bacanaah oo ahaa reer Netofaah, iyo Itay ina Riibay oo ahaa reer Gibecaah oo qoladiisu ahayd reer Benyaamiin;
30iyo Benaayaah oo ahaa reer Fircaatoon, iyo Xidday oo ka yimid durdurradii Gacash;
31iyo Abiicalboon oo ahaa reer Caraabaah, iyo Casmaawed oo ahaa reer Barxum;
23Oo ciidankiisii kuwii laga tiriyey waxay ahaayeen shan iyo soddon kun iyo afar boqol.
32raggii reer Beytel iyo reer Aaciina boqol iyo saddex iyo labaatan,
33raggii reer Nebona laba iyo konton,
23Oo weliba isagu wuu ka ciso badnaa soddonka, laakiinse ma uu gaadhin saddexdii hore. Oo Daa'uudna wuxuu isaga madax uga dhigay lataliyayaashiisii.
34Oo Axiitofelna waxaa ku xigay Yehooyaadaac ina Benaayaah, iyo Aabyaataar, oo boqorka ciidankiisana waxaa sirkaal u ahaa Yoo'aab.
7Wiilashii Belacna waxay ahaayeen Esboon, iyo Cusii, iyo Cusii'eel, iyo Yeriimood, iyo Ciirii, oo ahaa shan, oo reerahoodana madax bay u ahaayeen, rag xoog badan bayna ahaayeen, oo abtiriskoodana waa la tiriyey, oo waxay ahaayeen laba iyo labaatan kun iyo afar iyo soddon nin.
36reer Yerixoona saddex boqol iyo shan iyo afartan,
3Markaasaa la tiriyey reer Laawi intoodii soddon sannadood jirtay ama ka sii weynayd, oo markii nin nin loo tiriyey, dhammaantood tiradoodii waxay noqotay siddeed iyo soddon kun oo nin.
5maxaa yeelay, Daa'uud wuxuu sameeyey wixii Rabbiga hortiisa ku qummanaa, oo cimrigiisii oo dhanna kama uu leexan wax kasta oo uu ku amray, xaalkii Uuriyaah kii reer Xeed oo keliya mooyaane.
17iyo Aateer, iyo Xisqiyaah, iyo Casuur,
43Kuwii reer Laawina waxay ahaayeen reer Yeeshuuca kii reer Qadmii'eel oo ahaa reer Xoodawyaah afar iyo toddobaatan.
11Oo Daa'uudna wuxuu reer binu Israa'iil boqor u ahaa afartan sannadood; toddoba sannadood ayuu Xebroon ka taliyey, saddex iyo soddon sannadoodna ayuu Yeruusaalem ka taliyey.
8iyo Eliishaamaac, iyo Elyaadaac, iyo Eliifeled, oo iyana waxay ahaayeen sagaal.
60Oo reer Netiiniim oo dhan iyo ilmihii addoommadii Sulaymaan waxay isku ahaayeen saddex boqol iyo laba iyo sagaashan.