Yashuuca 1:15

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

ilaa Rabbigu walaalihiin nasiyo, siduu idinkaba idiin nasiyey, oo ay iyana hantiyaan dalkii Rabbiga Ilaahiinna ahu iyaga siinayo; oo markaasaad ku soo noqon doontaan dalkii hantidiinna, oo waad hantiyi doontaan dalkii addoonkii Rabbiga oo Muuse ahaa idinka siiyey Webi Urdun shishadiisa oo ah xagga qorrax ka soo baxa.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Tir 32:17-22 : 17 laakiinse annaga qudhayadu diyaar baannu ahaanaynaa annagoo hub leh, oo reer binu Israa'iil baannu hor kacaynaa ilamaa aannu iyaga geeyno meeshoodii, oo kuwa dhulka deggan aawadood dhallaankayagu waxay deganaanayaan magaalooyinka deyrarka leh. 18 Oo annagu guryahayaga ku soo noqon mayno ilamaa reer binu Israa'iil nin waluba dhaxalkiisa dhaxlo. 19 Waayo, annagu iyaga la dhaxli mayno Webi Urdun dhankiisa kale iyo xaggaas hore toona, maxaa yeelay, dhaxalkayagii wuxuu noogu dhacay Webi Urdun dhankiisan bari. 20 Kolkaasaa Muuse wuxuu iyagii ku yidhi, Haddaad waxan samaynaysaan, oo aad Rabbiga hortiisa hub ugu qaadanaysaan dagaalka, 21 oo aad raggiinna hubka leh oo dhammu Webi Urdun ku dhaafaysaan Rabbiga hortiisa ilamaa uu isagu cadaawayaashiisa ka wada eryo hortiisa, 22 oo dalkana Rabbiga hortiisa lagaga adkaado, markaas dabadeed idinku waad soo noqonaysaan, oo xagga Rabbiga iyo reer binu Israa'iilba waad ka eedla'aanaysaan, oo dalkanuna Rabbiga hortiisa hanti buu idiinku ahaan doonaa.
  • Yash 22:4-9 : 4 Oo haatan Rabbiga Ilaahiinna ahu walaalihiin buu nasiyey, siduu markii hore kula hadlay; haddaba noqda, oo taga teendhooyinkiinnii, iyo dalkii hantida idiin ahaa, oo addoonkii Rabbiga oo Muuse ahaa idinka siiyey Webi Urdun shishadiisa. 5 Laakiinse aad iyo aad u dadaala inaad yeeshaan amarkii iyo sharcigii uu addoonkii Rabbiga ee Muuse ahaa idinku amray, kuwaasoo ah inaad Rabbiga Ilaahiinna ah jeclaataan, oo aad ku socotaan jidadkiisa oo dhan, oo aad amarradiisa xajisaan, oo aad isaga aad u sii xajisataan, oo aad qalbigiinna oo dhan iyo naftiinna oo dhan ugu adeegtaan. 6 Markaasuu Yashuuca u duceeyey oo iska diray, oo iyana waxay tageen teendhooyinkoodii. 7 ¶ Oo reer Manaseh badhkiis Muuse wuxuu dhaxal ka siiyey Baashaan dhexdeeda; laakiinse badhkii kale Yashuuca ayaa dal ka siiyey walaalahood dhexdooda meel Webi Urdun ka shishaysa oo xagga galbeed ka xigta. Oo weliba Yashuuca markuu iyagii iska diray, oo ay teendhooyinkoodii tageen, ayuu u duceeyey iyaga, 8 oo intuu la hadlay ayuu ku yidhi, Teendhooyinkiinnii kula noqda maal badan, iyo lo' aad u tiro badan, iyo lacag, iyo dahab, iyo naxaas, iyo bir, iyo dhar aad u badan; oo boolidii cadaawayaashiinna laga helay walaalihiin la qaybsada. 9 ¶ Markaasaa reer Ruubeen, iyo reer Gaad, iyo reer Manaseh badhkiis ayaa noqday, oo ka tegey reer binu Israa'iil oo joogay Shiiloh taasoo ku taal dalkii Kancaan, inay u kacaan dalkii Gilecaad, kaasoo ahaa dalkii hantidooda ahaa, ee ay ku hantiyeen amarkii Rabbigu Muuse u soo dhiibay.
  • 1 Kor 12:26 : 26 Haddii xubin qudha xanuunsato, xubnaha oo dhammu way la xanuunsadaan. Haddii xubin la maamuuso, xubnaha oo dhammu way la farxaan.
  • 1 Kor 13:5 : 5 wax aan u ekayn ma falo, nafsaddiisana wax uma doondoono, mana xanaaqo, sharna kuma fikiro,
  • Gal 5:13 : 13 ¶ Waayo, walaalayaalow, waxaa laydiinku yeedhay xorriyad, laakiin xorriyaddiinna jidhka marmarsiinyo ha uga dhigina, laakiin midkiinba midka kale kalgacayl ha ugu adeego.
  • Gal 6:2 : 2 Midba midka kale culaabta ha u qaado, oo sidaas ku oofiya sharciga Masiixa.
  • Fil 1:21-26 : 21 ¶ Waayo, aniga waxaa nolosha ii ah Masiixa, oo dhimashaduna waa ii faa'iido. 22 Laakiinse inaan jidhka ku sii noolaado, hadday taasu tahay midhaha hawshayda, waxaan doorto garan maayo. 23 Laakiinse anigu labada dhexdoodaan ku dhibtoonayaa, oo waxaan jeclahay inaan tago oo Masiixa la joogo, waayo, taasu aad bay iigu roon tahay, 24 laakiinse inaan jidhka ku sii jiro aad baa loogu sii baahan yahay idinka aawadiin. 25 Waan aaminsanahay oo waan ogahay inaan sii joogi doono, oo aan kulligiin idinla sii joogi doono horumarkiinna iyo farxadda rumaysadkiinna aawadood, 26 in faankiinnu Ciise Masiix ku bato xaggayga, joogistayda aan mar kale idinla joogo aawadeed.
  • Fil 2:4 : 4 Midkiin waluba yuusan fiiro u lahaan waxyaalihiisa, laakiinse midkiin waluba fiiro ha u lahaado waxyaalaha kuwa kale.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 92%

    18¶ Oo waagaas waxaan idinku amray oo idinku idhi, Rabbiga Ilaahiinna ahu dalkan buu idiin siiyey inaad hantidaan. Raggiinna dagaalyahanka ah oo dhammu idinkoo hub wata walaalihiinna reer binu Israa'iil hor mara oo gudba.

    19Laakiinse afooyinkiinna iyo yaryarkiinna iyo xoolihiinnu ha iska joogeen magaalooyinkiinna aan idin siiyey, (waayo, waan ogahay inaad xoolo badan leedihiin,)

    20ilaa uu Rabbigu nasiyo walaalihiin siduu idiin nasiyey oo kale, oo iyana ay hantiyaan dalka Rabbiga Ilaahiinna ahu uu iyaga ka siinayo Webi Urdun shishadiisa, markaas ninkiin waluba ha ku soo noqdo hantidiisa aan siiyey.

    21¶ Oo waagaas ayaan Yashuuca amray oo waxaan ku idhi, Indhahaagu way arkeen kulli wixii Rabbiga Ilaahaaga ahu uu ku sameeyey labadan boqor. Oo boqortooyooyinka aad u gudbaysid oo dhan Rabbigu saasuu u gelayaa.

  • Yash 22:3-4
    2 aayado
    89%

    3Oo waagaas ilaa maantadan la joogo walaalihiin kama aydnaan tegin, laakiinse waad xajiseen amarkii Rabbiga Ilaahiinna ah.

    4Oo haatan Rabbiga Ilaahiinna ahu walaalihiin buu nasiyey, siduu markii hore kula hadlay; haddaba noqda, oo taga teendhooyinkiinnii, iyo dalkii hantida idiin ahaa, oo addoonkii Rabbiga oo Muuse ahaa idinka siiyey Webi Urdun shishadiisa.

  • Yash 1:11-14
    4 aayado
    87%

    11Bal xerada dhex mara, oo waxaad dadka ku amartaan, oo ku tidhaahdaan, Saadkiinna diyaarsada, waayo, saddex maalmood waa inaad kaga gudubtaan webigan Urdun inaad gashaan oo hantidaan dalkii Rabbiga Ilaahiinna ahu hanti ahaan idiin siinayo.

    12¶ Oo Yashuuca wuxuu la hadlay reer Ruubeen, iyo reer Gaad, iyo qabiilka reer Manaseh badhkiis, oo wuxuu ku yidhi,

    13Bal xusuusta eraygii addoonkii Rabbiga oo Muuse ahaa idinku amray isagoo leh, Rabbiga Ilaahiinna ahu waa idin nasinayaa, oo wuxuu idin siin doonaa dalkan.

    14Dumarkiinna, iyo dhallaankiinna, iyo xoolihiinnuba waxay joogi doonaan dalkii Muuse idinka siiyey Webi Urdun shishadiisa, laakiinse raggiinna xoogga leh oo hubka sita oo dhammu waa inay walaalahood ka hor gudbaan, oo ay caawiyaan iyaga,

  • 31Waayo, waxaad ka gudubtaan Webi Urdun inaad gashaan oo hantidaan dalkii Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idin siinayo, waadna hantiyi doontaan oo dhex degi doontaan.

  • 81%

    9waayo, idinku weli ma aydaan gaadhin nasashada iyo dhaxalka uu Rabbiga Ilaahiinna ahu idin siinayo.

    10Laakiinse markaad Webi Urdun ka gudubtaan oo aad degtaan dalka Rabbiga Ilaahiinna ahu idin dhaxalsiinayo, oo uu idinka nasiyo cadaawayaashiinna idinku wareegsan oo dhan, si aad ammaan ugu degganaataan,

  • Tir 32:21-22
    2 aayado
    80%

    21oo aad raggiinna hubka leh oo dhammu Webi Urdun ku dhaafaysaan Rabbiga hortiisa ilamaa uu isagu cadaawayaashiisa ka wada eryo hortiisa,

    22oo dalkana Rabbiga hortiisa lagaga adkaado, markaas dabadeed idinku waad soo noqonaysaan, oo xagga Rabbiga iyo reer binu Israa'iilba waad ka eedla'aanaysaan, oo dalkanuna Rabbiga hortiisa hanti buu idiinku ahaan doonaa.

  • Sharc 1:7-8
    2 aayado
    79%

    7haddaba noqda oo guura oo waxaad tagtaan dalka buuraha leh oo reer Amor, iyo meelaha halkaas u dhow oo dhan oo ah Caraabaah, iyo dalka buuraha leh, iyo dooxooyinka, iyo xagga koonfureed, iyo badda xeebteeda, kuwaasoo ah dalka reer Kancaan, iyo Lubnaan, iyo tan iyo webiga weyn oo Yufraad.

    8Bal eega, dalka waan idin hor dhigay, haddaba gala oo hantiya dalkii Rabbigu ugu dhaartay awowayaashiin oo ahaa Ibraahim iyo Isxaaq iyo Yacquub inuu siinayo iyaga iyo farcankooda ka dambeeyaba

  • Yash 22:7-8
    2 aayado
    78%

    7¶ Oo reer Manaseh badhkiis Muuse wuxuu dhaxal ka siiyey Baashaan dhexdeeda; laakiinse badhkii kale Yashuuca ayaa dal ka siiyey walaalahood dhexdooda meel Webi Urdun ka shishaysa oo xagga galbeed ka xigta. Oo weliba Yashuuca markuu iyagii iska diray, oo ay teendhooyinkoodii tageen, ayuu u duceeyey iyaga,

    8oo intuu la hadlay ayuu ku yidhi, Teendhooyinkiinnii kula noqda maal badan, iyo lo' aad u tiro badan, iyo lacag, iyo dahab, iyo naxaas, iyo bir, iyo dhar aad u badan; oo boolidii cadaawayaashiinna laga helay walaalihiin la qaybsada.

  • 23Sidaasuu Yashuuca u wada qabsaday dalkii oo dhan, oo wuxuu wada yeelay sidii Rabbigu kula hadlay Muuse; oo Yashuuca wuxuu dalkii dhaxal u siiyey reer binu Israa'iil, oo wuxuu ugu qaybiyey sidii qabiilooyinkoodu ahaayeen. Oo dalkiina dagaal wuu ka nastay.

  • 77%

    38Yashuuca ina Nuun oo hortaada taagan ayaa halkaas geli doona. Isaga dhiirrigeli, waayo, reer binu Israa'iil ayuu dalkaas dhaxalsiin doonaa.

    39Oo weliba yaryarkiinna, oo aad tidhaahdeen, Waa la dhacayaa, iyo carruurtiinna maanta aan khayr iyo shar kala aqoon, iyagu dalkaas way geli doonaan, oo iyagaan siin doonaa, iyana way hantiyi doonaan.

  • Yash 1:2-4
    3 aayado
    77%

    2Addoonkaygii Muuse ahaa waa dhintay, haddaba kac, oo webigan Urdun ka tallaaba, adiga iyo dadkan oo dhammuba, oo waxaad u gudubtaan dalka aan siinayo iyaga, kuwaasoo ah reer binu Israa'iil.

    3Meel kasta oo aad cagta dhigtaanba waan idin siiyey, sidaan Muuse ugu sheegay.

    4Oo soohdintiinnu waxay noqon doontaa marka laga bilaabo cidlada, iyo Lubnaantan, iyo xataa tan iyo webiga weyn oo ah Webi Yufraad, iyo dalka reer Xeed oo dhan, iyo tan iyo badda weyn ee xagga qorraxdu u dhacdo.

  • Tir 34:15-16
    2 aayado
    77%

    15Labadaas qabiil iyo qabiilka badhkiis waxay dhaxalkoodii u heleen Webi Urdun shishadiisa, ee Yerixoo barigeeda ah, xagga qorrax ka soo baxa.

    16¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, oo wuxuu ku yidhi,

  • 3Markaasaa Yashuuca wuxuu reer binu Israa'iil ku yidhi, Dalkii uu Rabbiga ah Ilaaha awowayaashiin idin siiyey ilaa goormaad ka raagaysaan inaad gashaan si aad dalka u hantidaan?

  • 5Oo weliba waxay yidhaahdeen, Haddaad raalli naga tihiin, annagoo addoommadaada ah dalkan inaannu hantinno noo sii, oo Webi Urdun ha naga gudbin.

  • 9iyo in cimrigiinnu ku dheeraado dalkii Rabbigu ugu dhaartay awowayaashiin inuu siinayo iyaga iyo farcankooda, kaasoo ah dal caano iyo malab la barwaaqaysan.

  • 53Markaas waa inaad dalka hanti ahaan u qaadataan oo aad iska dhex degtaan; waayo, dalka idinkaan idin siiyey inaad lahaataan.

  • 32Annagoo hub leh ayaannu gudbaynaa oo Rabbiga hortiisa waxaannu galaynaa dalka reer Kancaan, oo hantidii aan dhaxalka u helnayna waxay noogu hadhaysaa Webi Urdun dhinacan.

  • Tir 32:29-30
    2 aayado
    76%

    29Oo Muuse wuxuu iyagii ku yidhi, Haddii reer Gaad iyo reer Ruubeen Webi Urdun idinla gudbaan, intooda Rabbiga hortiisa dagaalka hub u leh oo dhammu, oo dalka lagaga adkaado hortiinna, markaas waa inaad iyaga hanti u siisaan dalka Gilecaad.

    30Laakiinse haddayan idinla gudbin iyagoo hub leh, waxay hanti ku yeelan doonaan dhexdiinna dalka reer Kancaan.

  • 8¶ Kuwaasoo ay reer Ruubeen iyo reer Gaadba la heleen dhaxalkoodii uu Muuse ka siiyey xagga bari oo Webi Urdun ka shishaysa, xataa sidii addoonkii Rabbiga oo Muuse ahaa uu u siiyey iyaga,

  • 3Haddaba waxaa idin hor gudbaya Rabbiga Ilaahiinna ah, oo hortiinna buu ka baabbi'in doonaa quruumahaas, oo idinna iyaga waad hantiyi doontaan, oo sidii Rabbigu yidhi, waxaa idin hor kici doona Yashuuca.

  • 5Oo sidii Rabbigu Muuse ku amray ayay reer binu Israa'iil yeeleen, oo dalkiina way qaybsadeen.

  • 19Waayo, annagu iyaga la dhaxli mayno Webi Urdun dhankiisa kale iyo xaggaas hore toona, maxaa yeelay, dhaxalkayagii wuxuu noogu dhacay Webi Urdun dhankiisan bari.

  • 21Bal eega, Rabbiga Ilaahiinna ahu dalkii buu idin hor dhigay. Haddaba u kaca, oo hanti u qaata sidii Rabbiga ah Ilaaha awowayaashiin uu idiin sheegay, oo ha cabsanina, hana qalbi jabina.

  • 6Haddaba xoog yeelo, oo aad u dhiirranow, waayo, dadkan waxaad dhaxalsiisaa dalkii aan ugu dhaartay awowayaashood inaan iyaga siiyo.

  • 5Oo Rabbiga Ilaahiinna ahu iyaga hortiinnuu ka tuuri doonaa, oo idinka hor eryi doonaa, oo markaasaad dalkooda hantiyi doontaan, sidii Rabbiga Ilaahiinna ahu idinkula hadlay.

  • 1¶ Yashuuca waa da' weynaa, gaboowna wuu la dhacay, oo kolkaasaa Rabbigu wuxuu isagii ku yidhi, Adigu waad da' weyn tahay oo gaboowna waad la dhacday, laakiinse weliba waxaa hadhay dal badan in la hantiyo.

  • 1¶ Oo markaad gashid dalkii Rabbiga Ilaahaaga ahu uu dhaxalka kuu siinayo, oo aad hantido ee aad dhex degto,

  • 1¶ Kuwanu waa dhaxalkii ay reer binu Israa'iil ka qaateen dalkii reer Kancaan, oo wadaadkii Elecaasaar ahaa, iyo Yashuuca ina Nuun, iyo madaxdii qabiilooyinkii reer binu Israa'iil ay u qaybiyeen.

  • 51Reer binu Israa'iil la hadal, oo waxaad ku tidhaahdaa, Markaad Webi Urdun gudubtaan oo aad dalka Kancaan gashaan,

  • 2Reer binu Israa'iil waxaad ku amartaa oo ku tidhaahdaa, Markaad gashaan dalka Kancaan, (kaas oo ah dalka dhaxal idiinku dhici doona oo ah dalka Kancaan siday soohdimihiisu yihiin,)

  • 6Addoonkii Rabbiga oo Muuse ahaa iyo reer binu Israa'iil baa laayay iyagii, oo addoonkii Rabbiga oo Muuse ahaa ayaa reer Ruubeen iyo reer Gaad, iyo reer Manaseh badhkood hanti ahaan u siiyey.

  • 7Markaasaa Muuse Yashuuca u yeedhay, oo wuxuu reer binu Israa'iil oo dhan hortooda ku yidhi, Xoog yeelo oo aad u dhiirranow, waayo, waxaad dadkan ula gudbaysaa dalkii Rabbigu awowayaashood ugu dhaartay inuu iyaga siinayo, oo dalkaas ayaad dhaxalsiin doontaa.

  • 24Oo meel kasta oo aad cagta dhigtaanba idinkaa iska yeelan doona, tan iyo cidlada iyo ilaa Lubnaan iyo ilaa webiga, kaasoo ah Webi Yufraad, iyo xataa ilaa badda galbeed.