Tirintii 34:2

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Reer binu Israa'iil waxaad ku amartaa oo ku tidhaahdaa, Markaad gashaan dalka Kancaan, (kaas oo ah dalka dhaxal idiinku dhici doona oo ah dalka Kancaan siday soohdimihiisu yihiin,)

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bil 17:8 : 8 Oo waxaan ku siin doonaa, adiga iyo farcankaaga kaa dambeeyaba, dhulkii aad sodcaalka ku ahayd, kaas oo ah dalka Kancaan oo dhan inuu idiin ahaado hanti aad weligiin lahaataan; aniguna waxaan ahaan doonaa Ilaahood.
  • Sab 105:11 : 11 Oo wuxuu ku yidhi, Dalka Kancaan waxaan kuu siinayaa Inuu ahaado qaybtii dhaxalkiinna,
  • Sharc 1:7-8 : 7 haddaba noqda oo guura oo waxaad tagtaan dalka buuraha leh oo reer Amor, iyo meelaha halkaas u dhow oo dhan oo ah Caraabaah, iyo dalka buuraha leh, iyo dooxooyinka, iyo xagga koonfureed, iyo badda xeebteeda, kuwaasoo ah dalka reer Kancaan, iyo Lubnaan, iyo tan iyo webiga weyn oo Yufraad. 8 Bal eega, dalka waan idin hor dhigay, haddaba gala oo hantiya dalkii Rabbigu ugu dhaartay awowayaashiin oo ahaa Ibraahim iyo Isxaaq iyo Yacquub inuu siinayo iyaga iyo farcankooda ka dambeeyaba
  • Sab 16:5-6 : 5 Rabbigu waxaa weeye qaybtii dhaxalkayga iyo koobkayga, Adigu qaybtayda waad xannaanaysaa. 6 Dhulqaybsigii meelo wacan baan ku helay, Haah, oo waxaan leeyahay dhaxal wanaagsan.
  • Sab 78:54-55 : 54 Oo wuxuu iyagii keenay xuduudkii meeshiisa quduuska ah, Iyo ilaa buurtan ay midigtiisu iibsatay. 55 Oo weliba hortoodana wuxuu ka eryay quruumaha, Oo dhaxal ahaan buu ugu qaybiyey. Oo qabiilooyinkii reer binu Israa'iilna wuxuu dejiyey teendhooyinkoodii.
  • Tir 33:51-53 : 51 Reer binu Israa'iil la hadal, oo waxaad ku tidhaahdaa, Markaad Webi Urdun gudubtaan oo aad dalka Kancaan gashaan, 52 waa inaad dadka dalka deggan oo dhan hortiinna ka eridaan, oo aad dhagaxyadooda sawirrada ah oo dhan wada baabbi'isaan, oo aad sanamyadooda la shubay oo dhan wada burburisaan, oo aad meelahooda sarsare oo dhan wada dumisaan. 53 Markaas waa inaad dalka hanti ahaan u qaadataan oo aad iska dhex degtaan; waayo, dalka idinkaan idin siiyey inaad lahaataan.
  • Bil 12:6-7 : 6 Aabraamna dalkii buu dhex maray ilaa meeshii la odhan jiray Shekem iyo tan iyo geedkii Moreh. Wakhtigaasna reer Kancaan dalkay joogeen. 7 Oo Ilaah baa Aabraam u muuqday, oo ku yidhi, Dalkan farcankaagaan siin doonaa. Kolkaasuu meeshaas meel allabari uga dhisay Rabbigii u muuqday.
  • Bil 13:15-17 : 15 waayo, dhulka aad aragto oo dhan waxaan siin doonaa adiga iyo farcankaaga weligiin. 16 Farcankaagana waxaan ka dhigi doonaa sida ciidda dhulka; haddii nin ciidda dhulka tirin karo, farcankaagana waa la tirin doonaa. 17 Bal kac oo ku dhex soco dhulka dhererkiisa iyo ballaadhkiisa; waayo, adigaan ku siin doonaa.
  • Bil 15:16-21 : 16 Oo iyagu qarniga afraad halkan bay ku soo noqon doonaan: waayo, dembigii reer Amor weli ma dhamma. 17 Oo waxay noqotay, markii qorraxdii dhacday oo ay ahayd gudcur, in girgire qiiqaya iyo dab ololaya ay dhex mareen cadadkii. 18 Maalintaas Rabbigu Aabraam buu axdi la dhigtay, isagoo leh, Farcankaagaan siiyey dhulkan, oo laga bilaabo webiga Masar ilaa webiga weyn, oo ah webi Yufraad: 19 reer Qeyn, iyo reer Qenas, iyo reer Qadmon, 20 iyo reer Xeed, iyo reer Feris, iyo reer Refaa'iim, 21 iyo reer Amor, iyo reer Kancaan, iyo reer Girgaash, iyo reer Yebuus.
  • Yer 3:19 : 19 Waxaan idhi, Sidee baan wiilasha kuu dhex geeyaa, oo aan dal wacan kuu siiyaa, kaasoo ah dhaxalka ugu wanaagsan ee quruumaha? Oo haddana waxaan idhi, Waxaad igu yeedhi doontaan, Aabbahayow, oo igama aad jeesan doontaan.
  • Yex 47:14 : 14 Oo waa inaad dhaxashaan, oo intii midkiin helo waa in kan kalena uu intaas oo kale helaa, waayo, gacantaydaan kor ugu qaaday oo ku dhaartay inaan awowayaashiin siinayo, oo dalkaasu dhaxal buu idiin ahaan doonaa.
  • Fal 17:26 : 26 oo quruun kasta oo bini-aadmi ah ayuu isaga mid dhigay inay dunida dusheeda oo dhan degganaadaan isagoo gooyay xilliyaduu hore u diyaarshay iyo xadadka degmooyinkooda;
  • Fal 26:18 : 18 inaad indhahooda furtid si ay gudcur uga soo jeestaan oo ay iftiinka ugu soo jeestaan, iyo inay ka soo leexdaan xoogga Shayddaanka oo ay Ilaah u yimaadaan, inay helaan dembidhaaf oo ay dhaxal la helaan kuwa quduus lagaga dhigay rumaysadka ay igu leeyihiin.
  • Ef 1:14 : 14 oo ah carbuuntii dhaxalkeenna xagga furashada hantida Ilaah in la ammaano cisadiisa.
  • Ef 1:18 : 18 Oo waxaan Ilaah baryayaa in indhaha qalbigiinna la nuuriyo, si aad u ogaataan waxa ay tahay rajada yeedhistiisu, iyo waxa ay tahay hodantinimada ammaanta dhaxalkiisa ee ku jirta quduusiinta,
  • 1 But 1:3-4 : 3 ¶ Ammaanu ha u ahaato Ilaaha ah Aabbaha Rabbigeenna Ciise Masiix. Naxariistiisa badan aawadeed ayuu mar kale ina dhalay inaynu rajo nool ku helno sarakiciddii Ciise Masiix ka soo sara kacay kuwii dhintay, 4 oo aynu helno dhaxal aan dhammaanayn, oo aan nijaasoobayn, oo aan baabba'ayn, oo jannada laydiinku kaydiyey.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Tir 34:12-13
    2 aayado
    83%

    12Oo soohdintu waxay hoos ugu dhaadhici doontaa Webi Urdun oo dhammaadkeeduna wuxuu ahaan doonaa Badda Cusbada leh. Intaasu waxay ahaan doontaa dalkiinna siday soohdimihiisu u wareegsan yihiin.

    13Markaasaa Muuse amray reer binu Israa'iil, oo wuxuu ku yidhi, Waa kan dalka aad saamiga ku dhaxli doontaan oo Rabbigu amray in la siiyo sagaalka qabiil iyo qabiilka badhkiis,

  • 1¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, oo wuxuu ku yidhi,

  • 2Reer binu Israa'iil la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Markaad gaadhaan dalka rugtiinna ah oo aan idin siinayo,

  • Tir 35:9-10
    2 aayado
    81%

    9¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, oo wuxuu ku yidhi,

    10Reer binu Israa'iil la hadal, oo waxaad ku tidhaahdaa, Markaad Webi Urdun dhaaftaan oo aad gashaan dalka Kancaan,

  • 51Reer binu Israa'iil la hadal, oo waxaad ku tidhaahdaa, Markaad Webi Urdun gudubtaan oo aad dalka Kancaan gashaan,

  • 29Kuwaasu waa inta Rabbigu ku amray inay reer binu Israa'iil dhaxalka ugu qaybiyaan dalka Kancaan.

  • Tir 35:1-2
    2 aayado
    79%

    1¶ Markaasaa Rabbigu Muuse kula hadlay bannaankii Moo'aab oo Webi Urdun u dhowaa ee Yerixoo ka soo hor jeeday, oo wuxuu ku yidhi,

    2Waxaad reer binu Israa'iil ku amartaa inay dhaxalkooda hantida ah reer Laawi ka siiyaan magaalooyin ay degaan, oo magaalooyinkaas agagaarkooda ku wareegsanna reer Laawi siiya.

  • Yex 47:21-22
    2 aayado
    78%

    21Sidaas waa inaad dalkaas u qaybsataan siday qabiilooyinka reer binu Israa'iil yihiin.

    22Oo waa inaad dhaxal ahaan saami ugu qaybsataan idinka iyo shisheeyayaasha idin dhex deggan oo dhexdiinna carruurta ku dhalay, oo waxay idiin ahaan doonaan sida kuwa dalka ku dhex dhashay oo reer binu Israa'iil oo kale, oo iyaguna waa inay dhaxal idinkula qaataan qabiilooyinka reer binu Israa'iil dhexdooda.

  • 4Oo soohdintiinnu waxay noqon doontaa marka laga bilaabo cidlada, iyo Lubnaantan, iyo xataa tan iyo webiga weyn oo ah Webi Yufraad, iyo dalka reer Xeed oo dhan, iyo tan iyo badda weyn ee xagga qorraxdu u dhacdo.

  • Tir 34:16-17
    2 aayado
    78%

    16¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, oo wuxuu ku yidhi,

    17Nimanka dalka dhaxal idiinku qaybin doonaa magacyadoodii waa kuwan: wadaadka Elecaasaar ah iyo Yashuuca ina Nuun.

  • 11Oo wuxuu ku yidhi, Dalka Kancaan waxaan kuu siinayaa Inuu ahaado qaybtii dhaxalkiinna,

  • 2Reer binu Israa'iil la hadal, oo waxaad ku tidhaahdaa, Markaad gashaan dalka aan idin siinayo, waa in dalku sabti Rabbiga u dhawraa.

  • 18Oo wuxuu ku yidhi, Dalka Kancaan waxaan kuu siinayaa Inuu ahaado qaybtii dhaxalkiinna,

  • Sharc 1:7-8
    2 aayado
    77%

    7haddaba noqda oo guura oo waxaad tagtaan dalka buuraha leh oo reer Amor, iyo meelaha halkaas u dhow oo dhan oo ah Caraabaah, iyo dalka buuraha leh, iyo dooxooyinka, iyo xagga koonfureed, iyo badda xeebteeda, kuwaasoo ah dalka reer Kancaan, iyo Lubnaan, iyo tan iyo webiga weyn oo Yufraad.

    8Bal eega, dalka waan idin hor dhigay, haddaba gala oo hantiya dalkii Rabbigu ugu dhaartay awowayaashiin oo ahaa Ibraahim iyo Isxaaq iyo Yacquub inuu siinayo iyaga iyo farcankooda ka dambeeyaba

  • 18Reer binu Israa'iil la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Dalka aan idin geeynayo markaad gaadhaan,

  • 49Waxaad fuushaa buurtan Cabaariim, oo ah Buur Nebo oo ku dhex taal dalka reer Moo'aab, oo ka soo hor jeeda Yerixoo, oo bal waxaad fiirisaa dalka reer Kancaan oo aan reer binu Israa'iil hantida u siinayo,

  • Yex 47:13-14
    2 aayado
    77%

    13¶ Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Tanu waa inay ahaataa soohdinta aad dalka dhaxal ahaan ugu qaybsan doontaan siday laba iyo tobanka qabiil oo reer binu Israa'iil yihiin. Reer Yuusuf waa inuu laba qaybood helaa.

    14Oo waa inaad dhaxashaan, oo intii midkiin helo waa in kan kalena uu intaas oo kale helaa, waayo, gacantaydaan kor ugu qaaday oo ku dhaartay inaan awowayaashiin siinayo, oo dalkaasu dhaxal buu idiin ahaan doonaa.

  • 32¶ Kuwanu waa dhaxalkii Muuse ku qaybiyey banaankii Moo'aab, oo ka shisheeya Webi Urdun, meel u dhow Yerixoo, oo xagga bari ka xigta.

  • 2iyo dalkii reer Naftaali oo dhan, iyo dalkii reer Efrayim iyo reer Manaseh, iyo dalkii reer Yahuudah oo dhan, tan iyo badda galbeed,

  • 4Bal eega waan idiin qaybiyey quruumahan hadhay inay qabiilooyinkiinna dhaxal u ahaadaan, tan iyo Webi Urdun iyo kulli quruumihii aan gooyay, iyo xataa tan iyo xagga gabbalku u dhaco ee badda weyn.

  • Yash 14:1-2
    2 aayado
    77%

    1¶ Kuwanu waa dhaxalkii ay reer binu Israa'iil ka qaateen dalkii reer Kancaan, oo wadaadkii Elecaasaar ahaa, iyo Yashuuca ina Nuun, iyo madaxdii qabiilooyinkii reer binu Israa'iil ay u qaybiyeen.

    2Oo sidii Rabbigu ku amray Muuse sagaal qabiil iyo qabiil badhkiis saami bay ku heleen dhaxalkoodii.

  • 11¶ Oo markii Rabbigu ku geeyo dalka reer Kancaan siduu ugu dhaartay adiga iyo awowayaashaaba, oo uu ku siiyo,

  • 3waaxdiinna koonfureed waxay ahaan doontaa cidlada Sin iyo tan iyo dhinaca Edom, oo soohdintiinna koonfureedna waxay ka bilaaban doontaa Badda Cusbada leh darafkeeda bari,

  • Tir 33:53-54
    2 aayado
    76%

    53Markaas waa inaad dalka hanti ahaan u qaadataan oo aad iska dhex degtaan; waayo, dalka idinkaan idin siiyey inaad lahaataan.

    54Oo dalka waa inaad qabiil qabiil saami ugu dhaxashaan. Inta badan waxaad siisaan dhaxalka badan, oo inta yarna waxaad siisaan dhaxalka yar. Oo meel alla meeshii nin saami ugu dhaco halkaas isagaa iska lahaanaya, oo sida qabiilooyinkii awowayaashiin yihiin waa inaad u dhaxashaan.

  • 29Kaasu waa dalka aad qabiilooyinka reer binu Israa'iil dhaxal ahaan saami ugu qaybin doontaan, oo intaasuna waa qaybahooda, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.

  • 1¶ Oo markaad gashid dalkii Rabbiga Ilaahaaga ahu uu dhaxalka kuu siinayo, oo aad hantido ee aad dhex degto,

  • 31Waayo, waxaad ka gudubtaan Webi Urdun inaad gashaan oo hantidaan dalkii Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idin siinayo, waadna hantiyi doontaan oo dhex degi doontaan.

  • 17Oo isagaa saamiga u tuuray, oo gacantiisaa xadhig qiyaaseed ugu qaybisay, oo iyana weligoodba way iska hantiyi doonaan, oo tan iyo ab ka abna way dhex degganaan doonaan.

  • 6Oo soohdinta galbeedna waxaad yeelan doontaan badda weyn iyo soohdinteedaba. Intaasu waxay ahaan doontaa soohdintiinna galbeed.

  • 15ilaa Rabbigu walaalihiin nasiyo, siduu idinkaba idiin nasiyey, oo ay iyana hantiyaan dalkii Rabbiga Ilaahiinna ahu iyaga siinayo; oo markaasaad ku soo noqon doontaan dalkii hantidiinna, oo waad hantiyi doontaan dalkii addoonkii Rabbiga oo Muuse ahaa idinka siiyey Webi Urdun shishadiisa oo ah xagga qorrax ka soo baxa.

  • 5Oo sidii Rabbigu Muuse ku amray ayay reer binu Israa'iil yeeleen, oo dalkiina way qaybsadeen.

  • 2Wayna kula hadleen, iyagoo jooga Shiiloh oo ku taal dalkii reer Kancaan, oo waxay ku yidhaahdeen, Rabbigu wuxuu noogu amray Muuse in nala siiyo magaalooyin aan degno iyo agagaarkoodii ay xoolahayagu daaqaan.

  • 24Oo meel kasta oo aad cagta dhigtaanba idinkaa iska yeelan doona, tan iyo cidlada iyo ilaa Lubnaan iyo ilaa webiga, kaasoo ah Webi Yufraad, iyo xataa ilaa badda galbeed.

  • 12¶ Kolkaasaa Rabbigu Muuse ku yidhi, Buurtan Cabaariim soo fuul, oo bal fiiri dalka aan reer binu Israa'iil siiyey.

  • 22oo dalkana Rabbiga hortiisa lagaga adkaado, markaas dabadeed idinku waad soo noqonaysaan, oo xagga Rabbiga iyo reer binu Israa'iilba waad ka eedla'aanaysaan, oo dalkanuna Rabbiga hortiisa hanti buu idiinku ahaan doonaa.

  • 19Waayo, annagu iyaga la dhaxli mayno Webi Urdun dhankiisa kale iyo xaggaas hore toona, maxaa yeelay, dhaxalkayagii wuxuu noogu dhacay Webi Urdun dhankiisan bari.

  • 5Oo waa inay dalka u kala qaybiyaan toddoba meelood. Reer Yahuudah waa inay degganaadaan soohdintooda ah xagga koonfureed, oo reer Yuusufna waa inay degganaadaan soohdintooda ah xagga woqooyi.

  • 24Laakiinse waxaan idinku idhi, Idinka ayaa dalkoodii dhaxli doona, oo hanti ahaan ayaan idiin siinayaa, kaasoo ah dal caano iyo malab la barwaaqaysan, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah oo idinka soocay dadyowga.

  • 39Oo weliba yaryarkiinna, oo aad tidhaahdeen, Waa la dhacayaa, iyo carruurtiinna maanta aan khayr iyo shar kala aqoon, iyagu dalkaas way geli doonaan, oo iyagaan siin doonaa, iyana way hantiyi doonaan.

  • 4Oo Rabbigu wuxuu isagii ku yidhi, Waa kaas dalkii aan ugu dhaartay Ibraahim iyo Isxaaq iyo Yacquub oo aan midkood kasta ku idhi, Dalkaas waxaan siinayaa farcankaaga. Haddaba waxaan ka dhigay inaad indhahaaga ku aragto, laakiinse xaggaas u gudbi maysid.

  • 32Annagoo hub leh ayaannu gudbaynaa oo Rabbiga hortiisa waxaannu galaynaa dalka reer Kancaan, oo hantidii aan dhaxalka u helnayna waxay noogu hadhaysaa Webi Urdun dhinacan.