Yashuuca 2:10

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Waayo, waxaannu maqalnay sidii Rabbigu hortiinna uga engejiyey biyihii Badda Cas, markii aad Masar ka soo baxdeen, iyo wixii aad ku samayseen labadii boqor oo Siixon iyo Coog oo ahaa reer Amor, ee joogay Webi Urdun shishadiisa, oo aad wada baabbi'iseen.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Tir 21:21-35 : 21 ¶ Markaasay reer binu Israa'iil wargeeyayaal u direen Siixon oo ahaa boqorkii reer Amor, oo waxay ku yidhaahdeen, 22 Na daa aan dalkaaga dhex marnee. Annagu gees ugu leexan mayno berrin ama beercanab, oo ceelashana biyo ka cabbi mayno. Waxaannu iska maraynaa boqorka waddadiisa jeeraannu soohdintaada ka baxno. 23 Siixonse uma uu oggolaan in reer binu Israa'iil soohdintiisa soo dhex maraan; laakiinse Siixon dadkiisii oo dhan ayuu soo urursaday oo ku soo baxay reer binu Israa'iil oo cidlada jooga, oo wuxuu yimid Yahas, oo uu reer binu Israa'iil la diriray. 24 Markaasay reer binu Israa'iil seef ku dileen, oo waxay qabsadeen dalkiisii tan iyo Arnoon iyo ilaa Yabboq, iyo xataa tan iyo reer Cammoon, waayo, soohdintii reer Cammoon wuu xoog badnaa. 25 Oo reer binu Israa'iil magaalooyinkan oo dhan ayay qabsadeen, oo reer binu Israa'iil waxay degeen magaalooyinkii reer Amor oo dhan, xataa Xeshboon iyo magaalooyinkeedii oo dhan. 26 Waayo, Xeshboon waxay ahayd magaaladii Siixon oo ahaa boqorkii reer Amor, oo la diriray boqorkii hore oo reer Moo'aab, oo dalkiisii oo dhan ka qabsaday, xataa tan iyo Arnoon. 27 Oo sidaas daraaddeed kuwa maahmaahyo ku hadlaa waxay yidhaahdaan, War Xeshboon kaalaya, Magaaladii Siixon ha la dhiso oo ha la xoojiyo, 28 Waayo, dab baa ka soo baxay Xeshboon, Taasoo ah magaaladii Siixon oo olol ka soo baxay. Wuxuu baabbi'iyey Caartii reer Moo'aab, Iyo sayidyadii meelaha sare oo Arnoon. 29 Moo'aabay, waa kuu hoog! Waad baabba'day, dadka reer Khemooshow. Wiilashiisii wuxuu u sii daayay sida laajiyo, Gabdhihiisiina wuxuu maxaabiis ahaan ugu sii daayay Boqorka reer Amor oo Siixon ahaa. 30 Iyaga waannu toogannay; oo Xeshboon waa baabba'day tan iyo Diibon, Oo annagu waxaannu baabbi'innay tan iyo Nofax, Taasoo gaadha tan iyo Meedebaa. 31 Oo sidaasay reer binu Israa'iil u degeen dalkii reer Amor. 32 Markaasaa Muuse diray rag soo basaasa Yacser, oo iyana way qabsadeen magaalooyinkeedii, oo reer Amorkii halkaas degganaana way ka eryeen. 33 Oo intay leexdeen ayay waxay tageen xagga jidka Baashaan loo maro. Markaasaa waxaa ku soo baxay Coog oo ahaa boqorkii Baashaan, isagii iyo dadkiisii oo dhanba, inay kula diriraan Edrecii. 34 Markaasaa Rabbigu Muuse ku yidhi, Ha ka cabsan, waayo, gacantaadaan geliyey isaga iyo dadkiisa oo dhan iyo dalkiisa, oo waxaad isaga ku samayn doontaa sidii aad ku samaysay Siixon oo ahaa boqorkii reer Amor oo Xeshboon degganaa. 35 Oo iyana waxay dileen isagii, iyo wiilashiisii, iyo dadkiisii oo dhan ilaa ayan isagii waxba u hadhin, oo dalkiisiina way qabsadeen.
  • Tir 23:22 : 22 Ilaah baa iyaga Masar ka soo bixiyey, Iyagu waxay leeyihiin xoog gisiyeed oo kale,
  • Sharc 2:30-3:8 : 30 Laakiinse Siixon oo ahaa boqorkii Xeshboon inooma dayn inaan dalkiisa marno, waayo, Rabbiga Ilaahaaga ah ayaa ruuxiisa qallafiyey oo qalbigiisana wuxuu ka dhigay wax adag, si uu isaga u soo geliyo gacantaada siday maanta tahay. 31 Markaasaa Rabbigu wuxuu igu yidhi, Bal eeg, waxaan bilaabay inaan Siixon iyo dalkiisaba gacantaada soo geliyo, haddaba waxaad bilowdaa inaad hantidid aad dalkiisa dhaxashide. 32 Markaasaa Siixon iyo dadkiisii oo dhammu inagu soo kaceen oo waxay inagula dirireen Yahas. 33 Oo Rabbiga Ilaaheenna ahu isaguu soo geliyey gacanteenna, oo innana waynu dilnay isagii iyo wiilashiisii iyo dadkiisii oo dhanba. 34 Oo waagaasaynu wada qabsannay magaalooyinkiisii oo dhan, oo magaalooyinkii la degganaa oo dhanna waynu wada baabbi'innay, iyo dumarkii iyo dhallaankiiba, cidna kama aynu reebin. 35 Laakiin waxaynu booli ahaan u qaadannay xoolihii iyo alaabtii magaalooyinka aynu qabsannay. 36 Oo magaalo inagu adag laguma arag tan iyo Carooceer oo ku taal dooxada Arnoon qarkeeda, iyo tan iyo magaalada dooxada ku dhex taal iyo tan iyo Gilecaad, maxaa yeelay, Rabbiga Ilaaheenna ah ayaa kulligood gacanta inoo geliyey. 37 Laakiinse waxaa keliyahoo aadan u soo dhowaan dalkii reer Cammoon, iyo Webi Yabboq dhinaciisa oo dhan, iyo magaalooyinka dalka buuraha leh, iyo meel alla meeshii uu Rabbiga Ilaaheenna ahu inoo diiday. 1 ¶ Markaasaynu leexannay oo waxaynu fuulnay jidka Baashaan u baxa, kolkaasaa waxaa inagu soo baxay Coog oo ahaa boqorkii Baashaan iyo dadkiisii oo dhan inay inagula diriraan Edrecii. 2 Markaasuu Rabbigu igu yidhi, Isaga ha ka cabsan, waayo, gacantaan kuu geliyey isaga iyo dadkiisa oo dhan iyo dalkiisaba, oo waxaad isaga ku samaysaa wixii aad ku samaysay Siixon oo ahaa boqorkii reer Amor oo Xeshboon degganaa. 3 Oo sidaasuu Rabbiga Ilaaheenna ahu Coogna oo ahaa boqorkii Baashaan iyo dadkiisii oo dhanba gacanteenna u soo geliyey, oo waynu wada laynay ilaa aan isagii midna u hadhin. 4 Oo waagaasaynu magaalooyinkiisii oo dhan wada qabsannay, oo magaalo aynaan isaga ka qabsan lama arag, oo waxaynu qabsannay lixdan magaalo oo ahayd gobolkii Argob oo dhan, kaasoo ahaa boqortooyadii Coog ee Baashaan ku tiil. 5 Oo intaas oo dhammu waxay ahaayeen magaalooyin ay ku wada deyran yihiin derbiyo dhaadheer iyo irdo iyo qataarro, oo aanay ku jirin magaalooyin faro badan oo aan deyrnayn. 6 Oo dhammaantood waynu wada duminnay, oo waxaynu ku samaynay sidii aynu Siixon oo boqorkii Xeshboon ahaa ku samaynay oo kale, waynu wada baabbi'innay magaalo kasta oo la degganaa, iyo dumarkii iyo dhallaankiiba. 7 Laakiinse waxaynu booli ahaan u qaadannay xoolihii iyo alaabtii magaalooyinka. 8 Oo waagaas ayaynu dalka kala baxnay farihii labadii boqor oo reer Amor oo degganaa Webi Urdun shishadiisa tan iyo dooxada Arnoon iyo ilaa Buur Xermoon.
  • Yash 4:24 : 24 si ay dadka dhulka jooga oo dhammu u ogaadaan gacanta Rabbigu inay xoog badan tahay; oo ay weligood uga cabsadaan Rabbiga Ilaahiinna ah.
  • Bax 14:21-31 : 21 Markaasaa Muuse gacantii baddii ku kor fidiyey, oo habeenkii oo dhan Rabbigu wuxuu baddii dib ugu celiyey dabayl xoog badan oo bari ka timid, oo wuxuu baddii ka dhigay dhul engegan, oo biyihiina way kala go'een. 22 Markaasaa reer binu Israa'iil baddii dhex mareen, oo waxay ku socdeen dhul engegan, oo biyihiina waxay iyagii u ahaayeen derbi xagga midigta iyo xagga bidixdaba. 23 Markaasaa Masriyiintiina soo eryadeen, oo intay soo daba galeen ayay waxay mareen badda dhexdeeda, oo waxayna ahaayeen Fircoon fardihiisii iyo gaadhifardoodkiisii, iyo fardooleydiisii oo dhan. 24 Oo markii waagii beryay waxaa dhacday in Rabbigu ciidankii Masriyiinta ka dhex fiiriyey tiirkii dabka ahaa iyo kii daruurta ahaa, kolkaasuu kadeeday ciidankii Masriyiinta. 25 Kolkaasuu giringirihii gaadhifardoodkooda xidhay, inay si dhib leh u kexeeyaan; markaasay Masriyiintii waxay yidhaahdeen, Reer binu Israa'iil hortooda aynu ka cararno; waayo, Rabbigu waa u dirirayaa iyaga oo uga hiilinayaa Masriyiinta. 26 ¶ Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Badda gacanta ku kor fidi, inay biyuhu ku soo noqdaan Masriyiinta, iyo gaadhifardoodkooda, iyo fardooleydooda. 27 Markaasaa Muuse gacantii badda ku kor fidiyey, oo markii waagii beryay ayaa baddii xooggeedii hore ku soo noqotay, markaasaa Masriyiintiina ka carareen; kolkaasaa Rabbigu wuxuu Masriyiintii ku tuuray badda dhexdeedii. 28 Markaasaa biyihii isku soo noqdeen, oo waxay qariyeen gaadhifardoodkii, iyo fardooleydii, iyo xataa ciidankii Fircoon oo dhan oo badda dhexdeeda reer binu Israa'iil ku eryaday, oo xataa midna kama hadhin. 29 Laakiinse reer binu Israa'iil waxay ku socdeen dhul engegan oo badda dhexdeeda ah, biyihiina waxay iyagii u ahaayeen derbi xagga midigta iyo xagga bidixdaba. 30 Oo sidaasaa Rabbigu reer binu Israa'iil uga badbaadiyey gacantii Masriyiinta; oo reer binu Israa'iilna waxay arkeen Masriyiintii oo dhimatay oo badda xeebteeda taal. 31 Markaasaa reer binu Israa'iil waxay arkeen shuqulkii weynaa oo Rabbigu ku sameeyey Masriyiintii, kolkaasay dadkii Rabbiga ka cabsadeen, oo waxay rumaysteen Rabbiga iyo addoonkiisii Muuse.
  • Bax 15:14-16 : 14 Oo dadyowgii baa maqlay, wayna gariireen. Kuwii Falastiin degganaana waxay noqdeen sidii dumar fool qabatay. 15 Markaasay ugaasyadii reer Edom yaabeen; Raggii xoogga weynaa oo Moo'aabna gariir baa qabtay. Dadkii Kancaan degganaa oo dhammuna way dhalaaleen. 16 Oo cabsi iyo naxdin baa ku dhacay iyagii. Oo gacantaada weynaanteeda aawadeed ayay sidii dhagax oo kale u aamuseen, Ilaa ay dadkaagu gudbeen, Rabbiyow, Ilaa ay dadkii aad soo iibsatay gudbeen.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 9oo waxay nimankii ku tidhi, Anigu waan ogahay in Rabbigu dalka idin siiyey, oo cabsidiinnii baa nagu dhacday, iyo in kuwa dalka deggan oo dhammu ay hortiinna ku dhalaaleen.

  • 1¶ Oo boqorradii reer Amor oo dhan oo joogay Webi Urdun xaggiisa shishe oo galbeed, iyo boqorradii reer Kancaan oo dhan oo badda dhinaceeda degganaa, markay maqleen sida Rabbigu biyihii Webi Urdun u engejiyey reer binu Israa'iil hortooda ilaa aannu soo wada gudubnay, ayay wada dhalaaleen, oo xoog dambena kuma jirin, reer binu Israa'iil aawadood.

  • Yash 9:9-11
    3 aayado
    82%

    9Kolkaasay waxay isagii ku yidhaahdeen, Magaca Rabbiga Ilaahaaga ah aawadiis ayaannu annagoo addoommadaada ah waddan aad u fog uga nimid, waayo, waxaannu maqalnay warkiisii, iyo kulli wixii uu Masar ku dhex sameeyey oo dhan,

    10iyo kulli wixii uu ku sameeyey labadii boqor oo reer Amor oo ka shisheeyey Webi Urdun, kuwaas oo ahaa Siixon oo boqor ka ahaa Xeshboon, iyo Coog oo boqor ka ahaa Baashaan, oo degganaa Cashtarod.

    11Oo odayaashayadii iyo dadkii waddankayaga degganaa oo dhammu waxay nagu soo yidhaahdeen, Sodcaalka aawadiis sahay u qaata, oo taga si aad ula kulantaan iyaga, oo waxaad ku tidhaahdaan, Annagu waxaannu nahay addoommadiinna, ee haddaba axdi nala dhigta.

  • 11Oo isla markii aannu maqalnay ayaannu dhalaalnay, oo idinka daraaddiin ninna xoog kuma hadhin; maxaa yeelay, Rabbiga Ilaahiinna ahu waa Ilaaha samada sare iyo dhulka hooseba jooga.

  • Yash 4:22-23
    2 aayado
    81%

    22Waxaad carruurtiinna ogeysiisaan, oo ku tidhaahdaan, Reer binu Israa'iil Webigan Urdun waxay kaga soo gudbeen dhul engegan.

    23Waayo, Rabbiga Ilaahiinna ah baa hortiinna ka engejiyey biyihii Webi Urdun, ilaa aad ka soo gudubteen, sidii Rabbiga Ilaahiinna ahu u galay Badda Cas oo kale, tii uu hortayada ka engejiyey ilaa aannu ka gudubnay,

  • 7Oo markaad meeshan timaadeen waxaa inagu soo baxay Siixon oo ahaa boqorkii Xeshboon iyo Coog oo ahaa boqorkii Baashaan, oo innana waynu laynay.

  • Sharc 11:4-5
    2 aayado
    80%

    4iyo wixii uu ku sameeyey ciidankii Masar, iyo fardahoodii, iyo gaadhifardoodkoodii, iyo siduu iyaga ugu qarqiyey biyihii Badda Cas markay idin eryadeen, iyo siduu Rabbigu iyagii u baabbi'iyey ilamaa maantadan la joogo,

    5iyo wixii uu idinku sameeyey, markaad cidladii joogtay jeeraad meeshan timaadeen,

  • 4Oo Rabbigu wuxuu quruumahaas ku samayn doonaa siduu ugu sameeyey Siixon iyo Coog iyo dalkoodiiba, kuwaas oo ahaa boqorradii reer Amor ee uu baabbi'iyey.

  • 8Oo markaasaan idin keenay dalkii reer Amor, kuwaasoo degganaa Webi Urdun shishadiisa, oo iyana way idinla dirireen; kolkaasaan gacanta idiin geliyey, oo dalkoodiina waad hantideen, iyagiina hortiinna waan ka baabbi'iyey.

  • 78%

    29oo ii yeel siday ii yeeleen reer Ceesaw oo deggan Buur Seciir iyo reer Moo'aab oo deggan Caar, ilamaa aan Webi Urdun uga gudbo dalkii Rabbiga Ilaahayaga ahu na siinayo.

    30Laakiinse Siixon oo ahaa boqorkii Xeshboon inooma dayn inaan dalkiisa marno, waayo, Rabbiga Ilaahaaga ah ayaa ruuxiisa qallafiyey oo qalbigiisana wuxuu ka dhigay wax adag, si uu isaga u soo geliyo gacantaada siday maanta tahay.

    31Markaasaa Rabbigu wuxuu igu yidhi, Bal eeg, waxaan bilaabay inaan Siixon iyo dalkiisaba gacantaada soo geliyo, haddaba waxaad bilowdaa inaad hantidid aad dalkiisa dhaxashide.

    32Markaasaa Siixon iyo dadkiisii oo dhammu inagu soo kaceen oo waxay inagula dirireen Yahas.

    33Oo Rabbiga Ilaaheenna ahu isaguu soo geliyey gacanteenna, oo innana waynu dilnay isagii iyo wiilashiisii iyo dadkiisii oo dhanba.

  • 36Oo magaalo inagu adag laguma arag tan iyo Carooceer oo ku taal dooxada Arnoon qarkeeda, iyo tan iyo magaalada dooxada ku dhex taal iyo tan iyo Gilecaad, maxaa yeelay, Rabbiga Ilaaheenna ah ayaa kulligood gacanta inoo geliyey.

  • 78%

    19¶ Markaasaynu ka soo guurnay Xoreeb oo waxaynu dhex marnay cidladaas weyn oo aad looga cabsado ee aad soo aragteen ee ku taal jidka loo maro dalka buuraha leh oo reer Amor, siduu inagu amray Rabbiga Ilaaheenna ahu, oo waxaynu nimid Qaadeesh Barneeca.

    20Oo anna markaas waxaan idinku idhi, War waxaad timaadeen dalka buuraha leh oo reer Amor ee Rabbiga Ilaaheenna ahu ina siinayo.

  • Sharc 3:1-3
    3 aayado
    78%

    1¶ Markaasaynu leexannay oo waxaynu fuulnay jidka Baashaan u baxa, kolkaasaa waxaa inagu soo baxay Coog oo ahaa boqorkii Baashaan iyo dadkiisii oo dhan inay inagula diriraan Edrecii.

    2Markaasuu Rabbigu igu yidhi, Isaga ha ka cabsan, waayo, gacantaan kuu geliyey isaga iyo dadkiisa oo dhan iyo dalkiisaba, oo waxaad isaga ku samaysaa wixii aad ku samaysay Siixon oo ahaa boqorkii reer Amor oo Xeshboon degganaa.

    3Oo sidaasuu Rabbiga Ilaaheenna ahu Coogna oo ahaa boqorkii Baashaan iyo dadkiisii oo dhanba gacanteenna u soo geliyey, oo waynu wada laynay ilaa aan isagii midna u hadhin.

  • 78%

    10Wuxuuna laayay quruumo badan, Oo wuxuu dilay boqorro xoog badan, kuwaas oo ahaa

    11Siixon oo ahaa boqorkii reer Amor, Iyo Coog oo ahaa boqorkii Baashaan, Iyo boqortooyooyinkii reer Kancaan oo dhan,

  • 78%

    11Oo idinku waxaad ka soo gudubteen Webi Urdun oo aad timaadeen Yerixoo, oo dadkii reer Yerixoo way idinla dagaallameen, kuwaasu waxay ahaayeen reer Amor, iyo reer Feris, iyo reer Kancaan, iyo reer Xeed, iyo reer Girgaash, iyo reer Xiwi, iyo reer Yebuus, oo anna dhammaantood gacantaan idiin geliyey.

    12Oo waxaan idinka hor mariyey xoonkii hortiinna ka eryay iyagii oo ahaa xataa labadii boqor oo reer Amor, oo kuwaas kuma aadan eryin seeftaada iyo qaansadaada toona.

  • 4Taasuna waa ka dambaysay diliddii uu dilay Siixon oo ahaa boqorkii reer Amor oo degganaa Xeshboon, iyo Coog oo ahaa boqorkii reer Baashaan oo degganaa Cashtarod ee Edrecii ku taal.

  • 24Oo waxay Yashuuca ugu jawaabeen, Maxaa yeelay, hubaal waxaa annagoo addoommadaada ah lanoo sheegay sida Rabbiga Ilaahaaga ahu addoonkiisii Muuse ahaa ugu amray inuu idin siiyo dalka oo dhan, iyo in dadka dalka deggan oo dhan hortiinna laga baabbi'iyo; oo sidaas aawadeed naftayada aad baannu ugu cabsannay idinka daraaddiin, oo waxanna sidaas baannu u yeelnay.

  • 46iyagoo jooga dooxada Webi Urdun ka shishaysa oo ka soo hor jeedda Beytfecoor oo ku taal dalkii boqorkii reer Amor oo Siixon ahaa oo Xeshboon degganaa oo Muuse iyo reer binu Israa'iil ay dileen waagii ay dalka Masar ka soo baxeen.

  • 34Markaasaa Rabbigu Muuse ku yidhi, Ha ka cabsan, waayo, gacantaadaan geliyey isaga iyo dadkiisa oo dhan iyo dalkiisa, oo waxaad isaga ku samayn doontaa sidii aad ku samaysay Siixon oo ahaa boqorkii reer Amor oo Xeshboon degganaa.

  • 18Oo Rabbigu wuxuu horteenna ka eryay dadkii oo dhan, iyo xataa reer Amor oo dalka degganaa; oo sidaas daraaddeed annaguna waxaannu u adeegi doonnaa Rabbiga, maxaa yeelay, isagu waa Ilaahayo.

  • 24Oo waxay Yashuuca ku yidhaahdeen, Sida runta Rabbigu dalka oo dhan gacmaheennuu geliyey, oo weliba, kuwa dalka deggan oo dhammu horteenay ku dhalaalayaan kulligood.

  • 75%

    24¶ Haddaba kaca oo guura, oo waxaad ka gudubtaan dooxada Arnoon. Bal eeg, waxaan gacantaada soo geliyey boqorka Xeshboon oo Siixon ah oo reer Amor iyo dalkiisaba. Haddaba waxaad bilowdaa inaad dalka hantidid oo aad isaga la dagaallantaa.

    25Maanta waxaan bilaabayaa inaan cabsidaada iyo baqdintaada ku soo dejiyo dadyowga samada ka hooseeya oo dhan, oo waxay maqli doonaan warkaaga, kolkaasay gariiri doonaan oo kaa nixi doonaan.

  • 3oo idinkuna waad aragteen kulli wixii Rabbigu quruumahan oo dhan ku sameeyey idinka aawadiin; waayo, kan idiin diriray waa Rabbiga Ilaahiinna ah.

  • 19Xusuusta jirrabyadii waaweynaa oo aad aragteen, iyo calaamooyinkii, iyo yaababkii, iyo gacantii xoogga badnayd, iyo cududdii fidsanayd ee uu Rabbiga Ilaahiinna ahu idinku soo bixiyey, oo sidaasoo kalaa Rabbiga Ilaahiinna ahu ku wada samayn doonaa dadyowga aad ka cabsanaysaan oo dhan.

  • 8Oo waagaas ayaynu dalka kala baxnay farihii labadii boqor oo reer Amor oo degganaa Webi Urdun shishadiisa tan iyo dooxada Arnoon iyo ilaa Buur Xermoon.

  • 14Haddaba kitaabkii dagaalladii Rabbiga waxaa ku qoran, Waaheeb oo Suufaah ku taal, Iyo dooxooyinka Arnoon,

  • 16(waayo, waad ogtihiin sidaan Masar ku dhex degganaan jirnay iyo sidaan u soo dhex marnay quruumihii aad ka soo dhex gudubteen,

  • 2oo dadkoodu yihiin dad waaweyn oo dhaadheer oo ah reer Canaaq, oo aad taqaanaan oo aad maqasheen in la yidhi, Bal yaa reer Canaaq hor istaagi kara?

  • 27Oo teendhooyinkiinna ayaad ku dhex gunuunacdeen, oo waxaad tidhaahdeen, Rabbigu nacaybka uu inoo qabo aawadiis ayuu dalkii Masar inooga soo bixiyey inuu ina geliyo gacanta reer Amor oo ay ina baabbi'iyaan.

  • 10Oo weliba dalkii Masar waan idinka soo bixiyey, oo afartan sannadood ayaan cidladii idinku hor kacayay, si aad u hantidaan dalkii reer Amor.

  • 9waanan idinka soo samatabbixiyey gacantii Masriyiinta, iyo gacantii kuwii idin dulmi jiray oo dhan, oo kulligood intaan hortiinna ka eryay ayaan dalkoodii idin siiyey;

  • 21¶ Oo waagaas ayaan Yashuuca amray oo waxaan ku idhi, Indhahaagu way arkeen kulli wixii Rabbiga Ilaahaaga ahu uu ku sameeyey labadan boqor. Oo boqortooyooyinka aad u gudbaysid oo dhan Rabbigu saasuu u gelayaa.

  • 21Markaasuu Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil Siixon iyo dadkiisii oo dhanba ku riday gacantii reer binu Israa'iil oo iyana way laayeen iyagii; oo sidaasay reer binu Israa'iil ku hantiyeen dalkii reer Amor oo dhan iyo dadkii waddankaasba.

  • 1¶ Oo Webi Urdun shishadiisa, iyo dhulka buuraha, iyo dhulka dooxada ah, iyo badda weyn xeebteeda oo ka horraysa Lubnaan boqorradii degganaa oo dhammu markay maqleen, waxaa dhacday inay reer Xeed, iyo reer Amor, iyo reer Kancaan, iyo reer Feris, iyo reer Xiwi, iyo reer Yebuusba

  • 7haddaba noqda oo guura oo waxaad tagtaan dalka buuraha leh oo reer Amor, iyo meelaha halkaas u dhow oo dhan oo ah Caraabaah, iyo dalka buuraha leh, iyo dooxooyinka, iyo xagga koonfureed, iyo badda xeebteeda, kuwaasoo ah dalka reer Kancaan, iyo Lubnaan, iyo tan iyo webiga weyn oo Yufraad.