Sabuurradii 6:4

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Rabbiyow, soo noqo oo naftayda samatabbixi, Oo igu badbaadi raxmaddaada daraaddeed.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sab 17:13 : 13 Rabbiyow, kac, Oo isaga ka hor tag, oo dhulka hoos ugu tuur, Oo naftaydana kan sharka leh seeftaada kaga samatabbixi,
  • Sab 22:20 : 20 Naftayda ka samatabbixi seefta, Noloshaydana ka samatabbixi xoogga eeyga.
  • Sab 80:14 : 14 Ilaaha ciidammadow, waannu ku baryaynaaye noo soo noqo, Samada hoos nooga soo fiiri oo intaad soo eegtid, geedkan canabka ah soo booqo,
  • Sab 90:13 : 13 Rabbiyow, soo noqo, ilaa goormaad soo noqonaysaa? Oo raalli ka ahow addoommadaada.
  • Sab 116:4 : 4 Markaasaan ku baryootamay magaca Rabbiga, Anigoo leh, Rabbiyow, naftayda samatabbixi.
  • Sab 116:8 : 8 Waayo, naftayda waxaad ka samatabbixisay dhimasho, Indhahaygana ilmo, Cagahaygana kufid.
  • Sab 120:2 : 2 Rabbiyow, naftayda ka samatabbixi bushimo been sheega, Iyo carrab khiyaano badan.
  • Sab 121:7 : 7 Rabbiga ayaa kaa dhawri doona shar kasta, Isagu wuxuu dhawri doonaa naftaada.
  • Ish 38:17 : 17 Bal eeg, nabadgelyadayda aawadeed ayaan qadhaadh weyn u qabay, Laakiinse naftayda waad jeclaatay, oo sidaas daraaddeed yamayskii qudhunka waad ka samatabbixisay, Waayo, dembiyadaydii oo dhan waxaad ku tuurtay gadaashaada.
  • Daan 9:18 : 18 Ilaahayow, dhegahaaga soo jeedi oo i maqal; oo indhahaaga kala qaad, oo bal arag baabba'ayaga, iyo magaaladii magacaaga loogu yeedhayba, waayo, annagu kugu baryi mayno xaqnimo aannu leennahay, laakiinse naxariistaada ayaannu kugu baryaynaa.
  • Mal 3:7 : 7 ¶ Tan iyo wakhtigii awowayaashiin ayaad amarradaydii gees uga leexanayseen, oo ma aydaan dhawraynin iyagii. Haddaba Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Xaggayga u soo noqda, oo anna waan idiin soo noqon doonaa. Laakiinse idinku waxaad tidhaahdaan, Sidee baannu u noqonaynaa?
  • Ef 1:6 : 6 in la ammaano cisada nimcadiisa ee uu inagu siiyey kan uu jecel yahay.
  • Ef 2:7-8 : 7 si uu wakhtiyada imanaya hodantinimada weyn oo nimcadiisa ugu muujiyo roonaanta uu inoogu qabo xagga Ciise Masiix. 8 Waayo, idinku waxaad ku badbaaddeen nimco xagga rumaysadka, mana aha wax xaggiinna ka yimid,
  • Sab 86:13 : 13 Waayo, naxariistaadu xaggayga way ku weyn tahay, Naftaydana waxaad ka soo samatabbixisay She'oolka ugu hooseeya.
  • Sab 25:7 : 7 Ha xusuusan dembiyadii dhallinyaranimadayda iyo xadgudubyadaydii, Laakiinse ii xusuuso sida raxmaddaadu tahay, Iyo wanaaggaaga aawadiis, Rabbiyow.
  • Sab 69:13 : 13 Laakiinse adigaan ku baryayaa wakhti la aqbali karo, Rabbiyow, Ilaahow, naxariistaada badan Iyo runta badbaadintaada iigu jawaab.
  • Sab 79:8-9 : 8 Ha noo xusuusnaan dembiyadii awowayaashayo, Naxariistaadu dhaqsiyo ha noogu timaado, Waayo, aad baa lanoo dhibay. 9 Ilaaha badbaadadayadow, magacaaga ammaantiisa daraaddeed noo caawi, Oo magacaaga daraaddiis noo samatabbixi, oo dembiyadayada naga nadiifi.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Sab 116:4-5
    2 aayado
    83%

    4Markaasaan ku baryootamay magaca Rabbiga, Anigoo leh, Rabbiyow, naftayda samatabbixi.

    5Rabbigu waa nimco miidhan, waana xaq, Haah, oo Ilaaheennu waa naxariis badan yahay.

  • 11Rabbiyow, ii soo noolee magacaaga daraaddiis, Oo xaqnimadaada naftayda kaga soo bixi dhibaato.

  • Sab 6:2-3
    2 aayado
    80%

    2Rabbiyow, ii naxariiso, waayo, anigu waan taagdaranahay, Rabbiyow, i bogsii, waayo, lafahaygu way dhib qabaan.

    3Oo weliba naftayduna aad iyo aad bay u dhibaataysan tahay, Adiguse, Rabbiyow, ilaa goormaad sugaysaa?

  • 26Rabbiyow, Ilaahayow, i caawi, Oo igu badbaadi si naxariistaada waafaqsan,

  • 13Waayo, naxariistaadu xaggayga way ku weyn tahay, Naftaydana waxaad ka soo samatabbixisay She'oolka ugu hooseeya.

  • 16Wejigaaga anoo addoonkaaga ah igu iftiimi, Oo igu badbaadi raxmaddaada.

  • Sab 116:7-8
    2 aayado
    79%

    7Naftaydoy, nasashadaadii ku noqo, Waayo, Rabbigu wax badan oo wanaagsan buu kuu sameeyey.

    8Waayo, naftayda waxaad ka samatabbixisay dhimasho, Indhahaygana ilmo, Cagahaygana kufid.

  • 16Rabbiyow, ii jawaab, waayo, raxmaddaadu waa wanaagsan tahay, Naxariistaada badnaanteeda aawadeed iigu soo jeeso.

  • 10Rabbiyow, i maqal oo ii naxariiso, Rabbiyow, kaalmeeyahayga ahow.

  • 13Rabbiyow, ii naxariiso, Bal eeg dhibaatada ay kuwa i necebu igu hayaan. Waxaad kor iiga qaaddaa irdaha dhimashada,

  • 21Laakiinse Ilaahow, Sayidow, magacaaga daraaddiis wax iigu yeel, Naxariistaadu waa wanaagsan tahay, ee sidaas daraaddeed ii samatabbixi,

  • 4Anigu waxaan idhi, Rabbiyow, ii naxariiso, Oo naftayda bogsii, waayo, waan kugu dembaabay.

  • 13Rabbiyow, waan ku baryayaaye, i samatabbixi, Rabbiyow, u soo dhaqso inaad i caawiso.

  • 58Sayidow, naftayda dacwooyinkeeda waad ii qaadday, waadna i madaxfuratay.

  • 18Naftayda u soo dhowow, oo furo, Oo cadaawayaashayda daraaddood ii samatabbixi.

  • 7Rabbiyow, naxariistaada na tus, Oo badbaadadaada na sii.

  • 16Bal xaggayga u soo jeeso, oo ii naxariiso, Waayo, waan cidloobay, oo dhib baa i haysa.

  • 41Rabbiyow, naxariistaada iyo weliba badbaadintaadu Ha iigu yimaadeen si eraygaaga waafaqsan.

  • 9Rabbiyow, ii naxariiso, waayo, cidhiidhi baan ku jiraa, Oo murug baan la il go'aa, oo naftayda iyo jidhkayguba way taag darnaadaan.

  • 13Rabbiyow, soo noqo, ilaa goormaad soo noqonaysaa? Oo raalli ka ahow addoommadaada.

  • 1Ilaahow, i badbaadi, Waayo, biyaa naftii ii keenay.

  • Sab 86:2-4
    3 aayado
    75%

    2Naftayda dhawr, waayo, waxaan ahay mid cibaado leh, Ilaahayow, i badbaadi anigoo ah addoonkaaga isku kaa halleeya.

    3Sayidow, ii naxariiso, Waayo, maalinta oo dhan adaan kuu qayshadaa.

    4Sayidow, addoonkaaga naftiisa ka farxi, Waayo, naftayda adigaan kor kuugu soo qaadaa.

  • 1Rabbiyow, naftayda xaggaagaan kor ugu qaadaa.

  • 26Caawimaaddayada daraaddeed u sara joogso, Oo raxmaddaada daraaddeed noo furo.

  • 1Ii naxariiso, Ilaahow, ii naxariiso, Waayo, naftaydu adigay ku magan gashaa, Haah, waxaan magangeli doonaa hooska baalashaada, Ilaa ay belaayooyinkanu gudbayaan.

  • 5Waayo, geeridu ma leh xusuus adiga lagugu xusuusto, Bal yaase She'ool kaaga mahadnaqi doona?

  • 2Xaqnimadaada igu samatabbixi oo i nabad geli, Dhegta ii dhig, oo i badbaadi.

  • 3Rabbiyow, waxaad naftaydii kor uga qaadday She'ool, Oo waad i sii noolaysay si aanan yamayska ugu dhicin.

  • 16Ii soo jeeso, oo ii naxariiso, Oo anoo addoonkaaga ah xoog i sii, Oo i badbaadi anoo wiilka addoontaada ah.

  • 25Rabbiyow, waan ku baryaynaaye, haatan na badbaadi, Oo waan ku baryaynaaye, Rabbiyow, haatan barwaaqo noo soo dir.

  • 22Soo dhaqso oo i caawi, Sayidow, badbaadadaydow.

  • 1Ilaahow, soo dhaqso oo i samatabbixi, Rabbiyow, soo dhaqso oo i caawi.

  • 1Rabbiga ammaana. Naftaydoy, Rabbiga ammaan.

  • 2Rabbiyow, naftayda ka samatabbixi bushimo been sheega, Iyo carrab khiyaano badan.

  • 14Rabbiyow, i bogsii, oo anna waan bogsan doonaa, i badbaadi, oo anna waan badbaadi doonaa, waayo, adigu waxaad tahay ammaantaydii.

  • 35Oo waxaad tidhaahdaan, Ilaaha badbaadadayadow, Na badbaadi, Oo na soo wada ururi oo quruumahana naga samatabbixi, Si aannu magacaaga quduuska ah ugu mahadnaqno, Oo aannu ammaantaada ugu guulaysanno.

  • 6Rabbiyow, xusuuso naxariistaada iyo raxmaddaada, Waayo, weligoodba way jireen.

  • 4Rabbiyow, igu soo xusuuso naxariista aad dadkaaga u qabto, Oo igu soo booqo badbaadintaada,

  • 3Waran la soo bax, oo kuwa i eryanaya jidka ka goo, Oo naftayda waxaad ku tidhaahdaa, Anigu waxaan ahay badbaadadaada.

  • 2Waxaan Rabbiga ku idhi, Sayidkayga baad tahay, Oo innaba wanaag ma haysto la'aantaa.

  • 13Ii tudh, itaalkaygu mar ha igu soo noqdee, Intaanan meesha tegin oo aanan mar dambe ka soo noqonayn.

  • 16Laakiinse anigu Ilaah baan baryi doonaa, Oo Rabbigaa i badbaadin doona.

  • 154Dacwadayda ii muddac, oo i soo furo, Igu soo noolee si eraygaaga waafaqsan.

  • 7Rabbiyow, dhaqso iigu soo jawaab, waayo, naftaydu way itaal darnaataa. Wejigaaga ha iga qarin, Waaba intaasoo aan noqdaa sida kuwa godka ku dhaca oo kale.

  • 17Sayidow, ilaa goormaad sii fiirinaysaa? Naftayda halligaaddooda ka badbaadi, Noloshaydana libaaxyada ka badbaadi.