Sabuurradii 119:146

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Waan kuu qayshaday ee i badbaadi, Oo markhaatifurkaaga waan dhawri doonaa.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Xaak 10:15-16 : 15 Markaasaa reer binu Israa'iil waxay Rabbiga ku yidhaahdeen, Waannu dembaabnay; haddaba nagu samee wax alla wixii kula wanaagsan; laakiinse waannu ku baryaynaaye, bal maanta na samatabbixi. 16 Markaasay iska wada fogeeyeen ilaahyadii qalaad oo dhexdooda yiil, oo waxay u adeegeen Rabbiga; oo naftiisuna way ka xumaatay hooggii haystay reer binu Israa'iil.
  • Sab 119:134 : 134 Dadka dulmigiisa iga bixi, Oo anna waxaan dhawri doonaa amarradaada.
  • Mat 1:21 : 21 Oo waxay umuli doontaa wiil, magiciisana waxaad u bixin doontaa Ciise, waayo, dadkiisa ayuu dembiyadooda ka badbaadin doonaa.
  • Titus 2:14 : 14 Isagu nafsaddiisuu u bixiyey aawadeen, inuu dembi oo dhan inaga furto oo uu inaga dhigto dad daahirsan oo uu isagu leeyahay oo ku dadaalaya shuqullo wanaagsan.
  • Titus 3:4-8 : 4 Laakiinse markii raxmaddii Ilaaha Badbaadiyeheenna ah iyo jacaylkii uu dadka u qabay muuqdeen, 5 ayuu ina badbaadiyey. Inaguma uu badbaadin shuqullada xaqnimada oo aynu samaynay, laakiinse naxariistiisa aawadeed wuxuu inagu badbaadiyey nadiifinta dhalashadii labaad iyo cusboonaysiinta Ruuxa Quduuska ah, 6 oo uu aad inoogu shubay oo uu inoogu soo dhiibay Badbaadiyeheenna ah Ciise Masiix; 7 inaynu, innagoo quduus laynagaga dhigay nimcadiisa, rajada ku noqonno kuwo nolol weligeed ah dhaxla. 8 Hadalkanu waa run, oo xagga waxyaalahan waxaan doonayaa inaad ku adkaysatid in kuwa Ilaah rumaysanu ay digtoonaadaan inay shuqullo wanaagsan ku dadaalaan. Waxyaalahanu way wanaagsan yihiin, dadkana wax bay u taraan.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 85%

    144Markhaatifurkaagu weligiisba waa xaq, Haddaba waxgarasho i sii, oo anna waan sii noolaan doonaa.

    145Waxaan ku qayshaday qalbigayga oo dhan, haddaba Rabbiyow, ii jawaab, Oo anna waxaan xajin doonaa qaynuunnadaada.

  • 81%

    94Anigu waxaan ahay kaaga, haddaba i badbaadi, Waayo, waxaan doondoonay amarradaada.

    95Kuwa sharka lahu way ii sugeen inay i baabbi'iyaan, Aniguse waxaan ka fiirsan doonaa markhaatifurkaaga.

  • 147Waan ka soo hor maray waaga berigiisii, oo waan qayliyey, Oo waxaan rajo ku qabay erayadaada.

  • 1Anigu codkaygaan Rabbiga ugu qayshadaa, Oo codkaygaan Rabbiga ku baryaa.

  • 78%

    166Rabbiyow, badbaadintaada waan u xiisooday, Oo amarradaadiina waan oofiyey.

    167Naftaydu waxay dhawrtay markhaatifurkaaga, Oo anna aad iyo aad baan u jeclahay.

    168Waxaan dhawray amarradaada iyo markhaatifurkaaga, Waayo, jidadkayga oo dhammu hortaaday wada yaalliin.

    169Rabbiyow, qayladaydu ha ku soo dhowaato hortaada, Oo waxgarasho ii sii si eraygaaga waafaqsan.

    170Baryootankaygu hortaada ha yimaado, Oo ii samatabbixi si eraygaaga waafaqsan.

  • 1Anigoo cidhiidhi ku jira ayaan Rabbiga u qayshaday, Oo isna wuu ii jawaabay.

  • 26Rabbiyow, Ilaahayow, i caawi, Oo igu badbaadi si naxariistaada waafaqsan,

  • 77%

    116Rabbiyow, ii tiiri si eraygaaga waafaqsan si aan u noolaado, Oo yaanan rajadayda ku ceeboobin.

    117Kor ii hay, oo waan badbaadi doonaa, Oo had iyo goorba waxaan u fiirsan doonaa qaynuunnadaada.

  • 1Rabbiyow, adigaan kuu qayshaday, haddaba ii soo dhaqso, Oo markaan kuu qayshado, codkayga dhegta u dhig.

  • 8Rabbiyow, adigaan kuu soo qayshaday, Oo baryootankaygii waxaan gaadhsiiyey Rabbiga.

  • 154Dacwadayda ii muddac, oo i soo furo, Igu soo noolee si eraygaaga waafaqsan.

  • 26Waxaan kuu sheegay jidadkaygii, oo adna waad ii jawaabtay, Bal qaynuunnadaada i bar.

  • 88Raxmaddaada igu soo noolee, Oo anna waxaan dhawri doonaa markhaatifurka afkaaga.

  • 149Codkayga u maqal si raxmaddaada waafaqsan, Rabbiyow, igu soo noolee si xukummadaada waafaqsan.

  • 16Laakiinse anigu Ilaah baan baryi doonaa, Oo Rabbigaa i badbaadin doona.

  • 31Markhaatifurkaaga waan xajiyaa, Rabbiyow, ha i ceebayn.

  • 4Markaasaan ku baryootamay magaca Rabbiga, Anigoo leh, Rabbiyow, naftayda samatabbixi.

  • 8Waxaan dhawri doonaa qaynuunnadaada, Rabbow, ha i dayrin weligay.

  • 75%

    40Bal eeg, waxaan u xiisooday amarradaada, Haddaba xaqnimadaada igu soo noolee.

    41Rabbiyow, naxariistaada iyo weliba badbaadintaadu Ha iigu yimaadeen si eraygaaga waafaqsan.

  • Sab 142:5-6
    2 aayado
    74%

    5Rabbiyow, adigaan kuu qayshaday, Oo waxaan idhi, Waxaad tahay magangalkayga, Iyo qaybta aan dalka kuwa nool ku leeyahay.

    6Qayladayda dhegayso, waayo, aad baa hoos laygu dejiyey, Kuwa i silciya iga samatabbixi, waayo, iyagu way iga xoog badan yihiin.

  • 6Ilaahow, waan ku baryay, waayo, waad ii jawaabi doontaa, Bal dhegta ii dhig, oo hadalkayga maqal.

  • 125Waxaan ahay addoonkaaga, haddaba waxgarasho i sii, Si aan markhaatifurkaaga u ogaado.

  • 22Cay iyo ceeb iga fogee, Waayo, markhaatifurkaaga waan xajiyey,

  • 159Bal ka fiirso sida aan amarradaada u jeclahay, Rabbiyow, igu soo noolee si raxmaddaada waafaqsan.

  • 1Ilaahow, i dhawr, waayo, adigaan isku kaa halleeyaa.

  • 134Dadka dulmigiisa iga bixi, Oo anna waxaan dhawri doonaa amarradaada.

  • 58Qalbigayga oo dhan ayaan kugu baryay inaad raalli iga ahaato, Si eraygaaga waafaqsan iigu naxariiso.

  • 129Markhaatifurkaagu waa yaab badan yahay, Oo sidaas daraaddeed ayay naftaydu u xajisaa.

  • 66Haddaba i bar kaladoorasho wanaagsan iyo aqoon, Waayo, waxaan rumaystay amarradaada.

  • 6Waxaan Rabbiga ku idhi, Waxaad tahay Ilaahayga, Haddaba, Rabbiyow, bal dhegta u dhig codka baryootankayga.

  • 2Xaqnimadaada igu samatabbixi oo i nabad geli, Dhegta ii dhig, oo i badbaadi.

  • 1Rabbiyow, waxaan kaaga qayshaday moolalka.

  • 10Waxaan kugu doondoonay qalbigayga oo dhan, Yaanan amarradaada ka leexan.

  • 74%

    106Waxaan ku dhaartay oo aan weliba xaqiijiyey Inaan dhawrayo xukummadaada xaqa ah.

    107Aad iyo aad baan u dhibaataysnahay, Haddaba Rabbiyow, igu soo noolee si eraygaaga waafaqsan.

  • 1Rabbiyow, Ilaaha badbaadadaydow, Habeen iyo maalinba hortaadaan ka qayliyey,

  • 174Rabbiyow, badbaadintaada, waan u xiisooday, Oo sharcigaaguna waa waxa iga farxiya.

  • 73%

    33Rabbiyow, jidka qaynuunnadaada i bar, Waanan xajin doonaa tan iyo ugu dambaysta.

    34Waxgarasho i sii, oo anna sharcigaaga waan xajin doonaa, Haah, oo waxaan ku dhawri doonaa qalbigayga oo dhan.

  • 123Indhahaygii waxay u gudheen jacaylkay badbaadintaada u qabaan, Iyo eraygaaga xaqa ah daraaddiis.

  • 2Rabbiyow, Ilaahayow, Waan kuu qayshaday oo adna waad i bogsiisay.