Sabuurradii 59:16

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Laakiinse anigu waxaan ka gabyi doonaa xooggaaga, Haah, oo aroortii ayaan naxariistaada aad uga gabyi doonaa, Waayo, waxaad ahayd qalcaddaydii, Oo maalintii aan dhibaataysnaana magangal baad ii ahayd.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sab 21:13 : 13 Rabbiyow, adigu xooggaaga ku sarree, Markaasaannu gabyi doonnaa, oo waxaannu ammaani doonnaa itaalkaaga.
  • Sab 101:1 : 1 Waxaan ka gabyi doonaa naxariis iyo garsoorid, Rabbiyow, waxaan kuugu gabyi doonaa ammaan.
  • Room 15:9 : 9 iyo in quruumuhu Ilaah u ammaanaan naxariistiisa, sida qoran, Sidaas daraaddeed waxaan kugu ammaani doonaa quruumaha dhexdooda, Oo magacaaga waan u gabyi doonaa.
  • Sab 143:8 : 8 Aroorta naxariistaada i maqashii, Waayo, adigaan isku kaa halleeyaa, I garansii sidii aan u socon lahaa, Waayo, naftaydaan kor kuugu qaadaa.
  • Sab 5:3 : 3 Rabbiyow, codkayga aroorta baad maqli doontaa, Oo aroorta ayaan tukashadayda kugu soo hagaajin doonaa, oo waan soo jeedi doonaa.
  • Sab 145:11 : 11 Waxay ka hadli doonaan sharafta boqortooyadaada, Oo waxay ka sheekaysan doonaan xooggaaga,
  • Yer 30:7 : 7 Hoogay wakhtigaasu waa wakhti weyn, oo ma jiro mid isaga la mid ahu, waana wakhtigii dhibkii dadka Yacquub, laakiinse waa laga badbaadin doonaa dhibkaas.
  • 2 Kor 1:10 : 10 Isagaa naga samatabbixiyey dhimasho saas u weyn, wuuna na samatabbixin doonaa, kan aannu rajaynayno inuu weliba na samatabbixin doono;
  • Ef 1:6-7 : 6 in la ammaano cisada nimcadiisa ee uu inagu siiyey kan uu jecel yahay. 7 Isaga, sida ay hodantinimada nimcadiisu tahay, waxaynu dhiiggiisa ku leennahay madaxfurasho ah dembidhaafkeenna.
  • Ef 3:20 : 20 ¶ Haddaba kan awooda inuu inoo sameeyo wax aad iyo aad uga sii badan waxa aynu weyddiisanno ama ku fikirno oo dhan sida u yahay xoogga inaga dhex shaqeeya,
  • Cib 5:7 : 7 Masiixu maalmihii jidhkiisa wuxuu tukasho iyo baryooyin qaylo dheer iyo ilmo ugu bixiyey kan kara inuu isaga dhimasho ka badbaadiyo, waana loo maqlay cibaadadiisa.
  • Sab 106:8 : 8 Habase yeeshee wuxuu iyagii u badbaadiyey magiciisa daraaddiis, Inuu xooggiisa weyn ka dhigo mid la yaqaan.
  • Sab 116:1-5 : 1 Rabbiga waan jeclahay, maxaa yeelay, wuxuu maqlay Codkaygii iyo baryootankaygii. 2 Dhegtuu ii dhigay, Sidaas daraaddeed isagaan baryi doonaa intaan noolahay oo dhan. 3 Xadhkihii dhimashada ayaa i hareereeyey, Xanuunkii She'oolna waa i qabsaday. Oo waxaan la kulmay dhib iyo murug. 4 Markaasaan ku baryootamay magaca Rabbiga, Anigoo leh, Rabbiyow, naftayda samatabbixi. 5 Rabbigu waa nimco miidhan, waana xaq, Haah, oo Ilaaheennu waa naxariis badan yahay.
  • Sab 138:7 : 7 In kastoo aan ku dhex socdo dhibaato waad i soo noolayn doontaa, Oo waxaad gacantaada ku soo fidin doontaa cadhada cadaawayaashayda, Oo gacantaada midigna way i badbaadin doontaa.
  • Bax 15:6 : 6 Rabbiyow, gacantaada midig xoog bay ammaan ku leedahay, Rabbiyow, gacantaada midig cadowga bay burburisaa.
  • 1 Sam 17:37 : 37 Oo Daa'uud wuxuu haddana yidhi, Rabbiga iga samatabbixiyey ciddiyihii libaaxa iyo ciddiyihii orsada ayaa haddana iga samatabbixin doona gacanta midkan reer Falastiin. Markaasaa Saa'uul wuxuu Daa'uud ku yidhi, Tag, Rabbigu ha kula jiree.
  • 1 Sam 19:11-12 : 11 Markaasaa Saa'uul rag u diray Daa'uud gurigiisii, oo wuxuu ku yidhi, Dhawra oo subaxdii isaga dila. Markaasaa Miikaal oo Daa'uud naagtiisii ahayd ayaa warkii u sheegtay, oo ku tidhi, Haddaadan caawa naftaada la baxsan, berri waa lagu dilayaa. 12 Haddaba Miikaal waxay Daa'uud ka dejisay daaqaddii; oo isna intuu tegey ayuu cararay, waana baxsaday.
  • 2 Sam 22:3 : 3 Iyo Ilaaha ah gabbaadkayga, isagaan isku hallayn doonaa; Isagu waa gaashaankayga, iyo geeska badbaadadayda, iyo munaaraddayda dheer, iyo magangalkayga, Iyo badbaadshahayga, waxaad iga badbaadisaa dulmiga.
  • Ayuub 37:23 : 23 Annagu ma heli karno Ilaaha Qaadirka ah, waayo, isagu wuu xoog badan yahay; Oo isagoo garsoorid iyo caddaalad ka buuxa ninna ma uu dhibi doono.
  • Sab 4:1 : 1 Ilaaha xaqnimadaydow, markii aan ku baryo i maqal, Markii aan cidhiidhi ku jirayba meel baad ii bannaysay, Ii naxariiso oo baryadayda maqal.
  • Sab 30:5 : 5 Waayo, cadhadiisu waa daqiiqad keliya, Laakiinse raallinimadiisu waa cimriga, Habeenka waxaa jirta oohin, Laakiinse aroorta farxad baa timaada.
  • Sab 31:7 : 7 Naxariistaada waan ku farxi doonaa, waanan ku rayrayn doonaa, Waayo, dhibaatadii igu dhacday waad aragtay, Waanad ogayd qaxarka naftaydu ku jirtay,
  • Sab 36:5 : 5 Rabbiyow, raxmaddaadu samooyinkay ku jirtaa, Aaminnimadaaduna daruurahay gaadhaa.
  • Sab 46:1 : 1 Ilaah waa magangalkeenna iyo xooggeenna, Oo waa caawimaad inoo diyaar ah wakhtiga dhibaatada.
  • Sab 59:9-9 : 9 Xooggaygiiyow, adigaan ku sugi doonaa, Waayo, Ilaah waa qalcaddayda. 10 Ilaahayga naxariista leh ayaa i hor iman doona, Oo waxaan doonayana Ilaah wuxuu iga tusi doonaa cadaawayaashayda.
  • Sab 61:2-3 : 2 Markii qalbigaygu itaal darnaado, waxaan kaaga qayshan doonaa darafka dhulka ugu shisheeya, Ii hoggaami dhagaxa iga dheer. 3 Waayo, waxaad ii ahayd magangal, Iyo qalcad adag oo aan cadowga ka galo.
  • Sab 77:2 : 2 Maalintii aan dhibaataysnaa waxaan doondoonay Sayidka, Gacantaydu way fidsanayd habeennimadii, mana ay nasan, Oo naftaydiina way diidday in la qaboojiyo.
  • Sab 86:13 : 13 Waayo, naxariistaadu xaggayga way ku weyn tahay, Naftaydana waxaad ka soo samatabbixisay She'oolka ugu hooseeya.
  • Sab 88:13 : 13 Laakiinse Rabbiyow, adigaan kuu qayshaday, Oo baryootankayguna subaxduu hortaada imanayaa.
  • Sab 89:1 : 1 Anigu weligayba waxaan ku gabyi doonaa Rabbiga waxyaalihiisa naxariista leh, Oo aaminnimadaadana afkaygaan ka ab ka ab ku ogeysiinayaa.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 17Xooggaygiiyow, adigaan ammaan kuugu gabyi doonaa, Waayo, Ilaah waa qalcaddayda, waana Ilaaha naxariistayda.

  • Sab 59:9-10
    2 aayado
    78%

    9Xooggaygiiyow, adigaan ku sugi doonaa, Waayo, Ilaah waa qalcaddayda.

    10Ilaahayga naxariista leh ayaa i hor iman doona, Oo waxaan doonayana Ilaah wuxuu iga tusi doonaa cadaawayaashayda.

  • 3Waayo, waxaad ii ahayd magangal, Iyo qalcad adag oo aan cadowga ka galo.

  • 2Iyo in raxmaddaada aroorta la muujiyo, Habeen kastana aaminnimadaada,

  • 1Ii naxariiso, Ilaahow, ii naxariiso, Waayo, naftaydu adigay ku magan gashaa, Haah, waxaan magangeli doonaa hooska baalashaada, Ilaa ay belaayooyinkanu gudbayaan.

  • 8Aroorta naxariistaada i maqashii, Waayo, adigaan isku kaa halleeyaa, I garansii sidii aan u socon lahaa, Waayo, naftaydaan kor kuugu qaadaa.

  • 1Anigu weligayba waxaan ku gabyi doonaa Rabbiga waxyaalihiisa naxariista leh, Oo aaminnimadaadana afkaygaan ka ab ka ab ku ogeysiinayaa.

  • Sab 18:1-2
    2 aayado
    76%

    1Rabbiyow, xooggaygiiyow, anigu waan ku jeclahay.

    2Rabbigu waa dhagax weyn oo ii gabbaad ah iyo qalcaddayda, iyo samatabbixiyahayga, Iyo Ilaahay, iyo gabbaadkayga adag, oo isagaan isku hallayn doonaa, Isagu waa gaashaankayga, iyo geeska badbaadadayda, iyo munaaraddayda dheer.

  • 7Waayo, waxaad ii ahayd caawimaad, Oo hooska baalashaada ayaan ku rayrayn doonaa.

  • 3Rabbiyow, codkayga aroorta baad maqli doontaa, Oo aroorta ayaan tukashadayda kugu soo hagaajin doonaa, oo waan soo jeedi doonaa.

  • Sab 42:8-9
    2 aayado
    75%

    8Laakiinse Rabbigu maalinnimada wuxuu soo diri doonaa raxmaddiisa, Oo habeennimadana waxaa ila jiri doona gabaygiisa, Iyo baryootanka aan Ilaaha noloshayda baryo.

    9Waxaan Ilaaha dhagaxayga weyn ah ku odhan doonaa, Bal maxaad ii illowday? Dulmiga cadowga daraaddiis bal maxaan ula sii cabaadaa?

  • 13Laakiinse Rabbiyow, adigaan kuu qayshaday, Oo baryootankayguna subaxduu hortaada imanayaa.

  • 2Kaasoo ah raxmaddayda, iyo qalcaddayda, Munaaraddayda, iyo samatabbixiyahayga, Iyo gaashaankayga, iyo kan aan isku halleeyo, Oo dadkayga ka yeela kuwo iga hooseeya.

  • 1Ilaahow, i dhawr, waayo, adigaan isku kaa halleeyaa.

  • Sab 13:5-6
    2 aayado
    75%

    5Laakiinse anigu waxaan isku halleeyey naxariistaada, Oo qalbigayguna wuxuu ku rayrayn doonaa badbaadintaada.

    6Rabbigaan u gabyi doonaa, Maxaa yeelay, wax badan oo wanaagsan buu ii sameeyey.

  • 7Naxariistaada waan ku farxi doonaa, waanan ku rayrayn doonaa, Waayo, dhibaatadii igu dhacday waad aragtay, Waanad ogayd qaxarka naftaydu ku jirtay,

  • 3Iyo Ilaaha ah gabbaadkayga, isagaan isku hallayn doonaa; Isagu waa gaashaankayga, iyo geeska badbaadadayda, iyo munaaraddayda dheer, iyo magangalkayga, Iyo badbaadshahayga, waxaad iga badbaadisaa dulmiga.

  • 1Waxaan ka gabyi doonaa naxariis iyo garsoorid, Rabbiyow, waxaan kuugu gabyi doonaa ammaan.

  • 2Waxaan Rabbiga ka odhan doonaa, Isagu waa magangalkayga iyo qalcaddayda Oo waa Ilaahayga aan isku halleeyo.

  • Sab 57:8-9
    2 aayado
    74%

    8Naftaydoy, toos, shareerad iyo kataaradoy, toosa, Aniga qudhayduna waxaan toosi doonaa aroor hore.

    9Sayidow, dadyowga dhexdooda ayaan kaaga mahadnaqi doonaa, Oo quruumaha dhexdooda ayaan ammaan kuugu gabyi doonaa.

  • 7Rabbigu waa xooggayga iyo gaashaankayga, Qalbigaygu isaguu isku halleeyey, oo waa lay caawiyey, Sidaas daraaddeed qalbigaygu aad iyo aad buu u reyreeyey, Oo gabaygaygaan isaga ku ammaani doonaa.

  • Sab 55:16-17
    2 aayado
    74%

    16Laakiinse anigu Ilaah baan baryi doonaa, Oo Rabbigaa i badbaadin doona.

    17Fiidka, iyo subaxda, iyo duhurkaba, anigu waan cataabi doonaa, oo waan taahi doonaa, Oo isna codkayguu maqli doonaa.

  • 7Badbaadadayda iyo ammaantayduba waxay la jiraan Ilaah, Dhagaxii xooggayga iyo magangalkaygaba waa xagga Ilaah.

  • 3Ii noqo dhagax weyn oo rug ah, oo aan had iyo goorba ku noqnoqdo, Waxaad amar ku bixisay in lay badbaadsho, Waayo, adigu waxaad tahay dhagax weyn oo ii gabbaad ah iyo qalcaddayda.

  • 22Laakiinse Rabbigu waxa weeye munaaraddayda, Ilaahayna waa dhagaxii magangalkayga.

  • 13Rabbiyow, adigu xooggaaga ku sarree, Markaasaannu gabyi doonnaa, oo waxaannu ammaani doonnaa itaalkaaga.

  • Sab 27:5-6
    2 aayado
    73%

    5Waayo, isagu maalinta dhibta wuxuu igu qarin doonaa teendhadiisa, Oo meesha qarsoon oo taambuuggiisa ayuu igu xasayn doonaa, Kor buu ii qaadi doonaa oo dhagax weyn buu i saari doonaa.

    6Imminka waxaa madaxayga laga sarraysiin doonaa cadaawayaashayda igu wareegsan, Oo waxaan taambuugga Rabbiga ku dhex bixin doonaa allabari dhawaaq farxadeed leh, Waan gabyi doonaa, haah, ammaan baan Rabbiga ugu gabyi doonaa.

  • 2Waayo, waxaad tahay Ilaaha xoogga ii ah, bal maxaad ii xoortay? Dulmiga cadowga daraaddiis bal maxaan ula sii cabaadaa?

  • 26Rabbiyow, Ilaahayow, i caawi, Oo igu badbaadi si naxariistaada waafaqsan,

  • 7Waxaad tahay meeshaan ku dhuunto, oo dhib baad iga ilaalin doontaa, Oo waxaad igu wareejin doontaa gabayadii samatabbixinta. (Selaah)

  • 22Ilaahow, waxaan kugu ammaani doonaa alaab muusiko ah, Oo runtaadaan ammaani doonaa, Israa'iil kiisa Quduuska ahow, Waxaan ammaan kuugula gabyi doonaa kataarad.

  • 14Laakiinse Rabbiyow, adigaan isku kaa halleeyey, Oo waxaan idhi, Waxaad tahay Ilaahay.

  • 8Markaasaan weligayba magacaaga ammaan ugu gabyi doonaa, Si aan maalin kasta nidarradayda u oofiyo.

  • 2Shareerad iyo kataaradow, toosa, Aroorta hore waan toosi doonaa.

  • 2Rabbiyow, noo roonow, waayo, waannu ku sugaynay, subax kasta gacan noo ahow, oo wakhtiga dhibaatadana badbaado noo noqo.

  • 7Anigu kuwo badan baan u ahay sidii wax yaab leh, Laakiinse adigu waxaad ii tahay magangal xoog leh.

  • 17Waayo, waxaad tahay ammaantii xooggooda, Oo raallinimadaada daraaddeed ayaa geeskayaga kor loogu sarraysiin doonaa.

  • 2Waan kugu farxi doonaa oo kugu rayrayn doonaa, Kaaga ah kan ugu sarreeyow, magacaaga ayaan ammaan ugu gabyi doonaa.

  • 14Rabbigu waa xooggayga iyo gabaygayga, Oo wuxuu ii noqday badbaadadayda.

  • 14Laakiinse anigu had iyo goorba wax baan rajaynayaa, Oo weliba waan kuu sii ammaanayaa aad iyo aad.

  • 1Ilaahayow, cadaawayaashayda iga samatabbixi, Oo kuwa igu kacayna meel sare iga saar.

  • 28Oo maalinta oo dhan carrabkaygu wuxuu ka hadli doonaa Xaqnimadaada iyo ammaantaadaba.

  • 14Ilaahow, Ilaaha badbaadadaydow, dhiiggelidda iga samatabbixi, Markaasaa carrabkaygu wuxuu aad uga gabyi doonaa xaqnimadaada.