Sabuurradii 144:2

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Kaasoo ah raxmaddayda, iyo qalcaddayda, Munaaraddayda, iyo samatabbixiyahayga, Iyo gaashaankayga, iyo kan aan isku halleeyo, Oo dadkayga ka yeela kuwo iga hooseeya.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sab 18:2 : 2 Rabbigu waa dhagax weyn oo ii gabbaad ah iyo qalcaddayda, iyo samatabbixiyahayga, Iyo Ilaahay, iyo gabbaadkayga adag, oo isagaan isku hallayn doonaa, Isagu waa gaashaankayga, iyo geeska badbaadadayda, iyo munaaraddayda dheer.
  • Sab 59:9 : 9 Xooggaygiiyow, adigaan ku sugi doonaa, Waayo, Ilaah waa qalcaddayda.
  • Sab 91:2 : 2 Waxaan Rabbiga ka odhan doonaa, Isagu waa magangalkayga iyo qalcaddayda Oo waa Ilaahayga aan isku halleeyo.
  • Sab 18:47 : 47 Kaasoo ah Ilaaha aniga ii aarguda, Oo dadkana hoostayda ku soo tuura.
  • 2 Sam 22:2-3 : 2 oo wuxuu yidhi, Rabbigu waa dhagax weyn oo ii gabbaad ah, iyo qalcaddayda iyo samatabbixiyahayga, xataa waa kayga; 3 Iyo Ilaaha ah gabbaadkayga, isagaan isku hallayn doonaa; Isagu waa gaashaankayga, iyo geeska badbaadadayda, iyo munaaraddayda dheer, iyo magangalkayga, Iyo badbaadshahayga, waxaad iga badbaadisaa dulmiga.
  • 2 Sam 22:40-48 : 40 Waayo, xoog baad iigu guntisay dagaalka aawadiis; Oo kuwii igu kacayna hoostaydaad ku soo tuurtay. 41 Oo cadaawayaashaydiina waxaad ka dhigtay inay dhabarka ii jeediyaan, Si aan u kala gooyo kuwa i neceb. 42 Wax bay fiirsadeen, laakiinse way waayeen mid iyaga badbaadiya; Oo xataa Rabbiga way baryeen, laakiinse uma uu jawaabin. 43 Markaasaan iyagii u duqeeyey sida boodhka dhulka, Waan ku tuntay sidii dhoobada jidadka taal oo kale, markaasaan kala firdhiyey. 44 Oo waxaad kaloo iga samatabbixisay murankii dadkayga; Oo waxaad iga sii dhigtay quruumaha madaxdoodii; Oo dad aanan aqoon ayaa ii adeegi doona. 45 Oo shisheeyayaashu way isu kay dhiibi doonaan, Oo mar alla markay warkayga maqlaan way i addeeci doonaan. 46 Shisheeyayaashu way libdhi doonaan, Oo iyagoo gariiraya ayay qolalkooda ka soo bixi doonaan. 47 Rabbigu waa nool yahay; oo mahad waxaa leh dhagaxayga weyn; Oo ha sarreeyo Ilaaha ah dhagaxa weyn ee badbaadintayda; 48 Kaasoo ah Ilaaha aniga ii aarguda, Oo dadkana hoostayda ku soo tuura,
  • Sab 110:3 : 3 Dadkaagu iyagoo raalli ah bay isbixiyaan maalintii xooggaaga, Iyagoo leh quruxda quduusnimada, ee ka timaada uurka waaberiga, Adigaa leh sayaxa dhallinyaranimadaada.
  • Yer 16:19 : 19 Rabbiyow, xooggaygii, iyo qalcaddaydii, iyo magangalkaygii aan maalinta dhibaatada magangalow, quruumuhu way kaaga iman doonaan dhulka darafyadiisa ugu shisheeya, oo waxay odhan doonaan, Sida xaqiiqada ah awowayaashayo waxba ma dhaxlin been, iyo wax aan waxtar lahayn, iyo waxyaalo aan innaba faa'iido lahayn mooyaane.
  • Sab 84:9 : 9 Ilaahow, gaashaankayagiiyow, bal eeg, Oo bal kaaga la subkay wejigiisa fiiri.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Sab 18:1-3
    3 aayado
    88%

    1Rabbiyow, xooggaygiiyow, anigu waan ku jeclahay.

    2Rabbigu waa dhagax weyn oo ii gabbaad ah iyo qalcaddayda, iyo samatabbixiyahayga, Iyo Ilaahay, iyo gabbaadkayga adag, oo isagaan isku hallayn doonaa, Isagu waa gaashaankayga, iyo geeska badbaadadayda, iyo munaaraddayda dheer.

    3Waxaan baryayaa Rabbiga istaahila in la ammaano, Oo sidaasaan cadaawayaashayda kaga badbaadi doonaa.

  • 2 Sam 22:2-3
    2 aayado
    85%

    2oo wuxuu yidhi, Rabbigu waa dhagax weyn oo ii gabbaad ah, iyo qalcaddayda iyo samatabbixiyahayga, xataa waa kayga;

    3Iyo Ilaaha ah gabbaadkayga, isagaan isku hallayn doonaa; Isagu waa gaashaankayga, iyo geeska badbaadadayda, iyo munaaraddayda dheer, iyo magangalkayga, Iyo badbaadshahayga, waxaad iga badbaadisaa dulmiga.

  • 1Mahad waxaa leh Rabbiga dhagaxayga weyn ah, Oo gacmahayga dagaalka bara, Farahaygana dirirta bara,

  • 2Waxaan Rabbiga ka odhan doonaa, Isagu waa magangalkayga iyo qalcaddayda Oo waa Ilaahayga aan isku halleeyo.

  • 22Laakiinse Rabbigu waxa weeye munaaraddayda, Ilaahayna waa dhagaxii magangalkayga.

  • 7Rabbigu waa xooggayga iyo gaashaankayga, Qalbigaygu isaguu isku halleeyey, oo waa lay caawiyey, Sidaas daraaddeed qalbigaygu aad iyo aad buu u reyreeyey, Oo gabaygaygaan isaga ku ammaani doonaa.

  • 3Ii noqo dhagax weyn oo rug ah, oo aan had iyo goorba ku noqnoqdo, Waxaad amar ku bixisay in lay badbaadsho, Waayo, adigu waxaad tahay dhagax weyn oo ii gabbaad ah iyo qalcaddayda.

  • Sab 18:46-48
    3 aayado
    78%

    46Rabbigu waa nool yahay, oo mahad waxaa leh dhagaxayga weyn, Oo Ilaaha i badbaadiyeyna ha sarreeyo,

    47Kaasoo ah Ilaaha aniga ii aarguda, Oo dadkana hoostayda ku soo tuura.

    48Isagu wuxuu iga badbaadiyaa cadaawayaashayda, Haah, oo adigu waxaad iga sara marisaa kuwa igu kaca, Oo waxaad iga samatabbixisaa ninka dulmiga badan.

  • Sab 59:16-17
    2 aayado
    78%

    16Laakiinse anigu waxaan ka gabyi doonaa xooggaaga, Haah, oo aroortii ayaan naxariistaada aad uga gabyi doonaa, Waayo, waxaad ahayd qalcaddaydii, Oo maalintii aan dhibaataysnaana magangal baad ii ahayd.

    17Xooggaygiiyow, adigaan ammaan kuugu gabyi doonaa, Waayo, Ilaah waa qalcaddayda, waana Ilaaha naxariistayda.

  • 3Waayo, waxaad ii ahayd magangal, Iyo qalcad adag oo aan cadowga ka galo.

  • 14Rabbigu waa xooggayga iyo gabaygayga, Oo wuxuu ii noqday badbaadadayda.

  • Sab 62:6-7
    2 aayado
    77%

    6Isaga oo qudha ayaa dhagaxayga weyn iyo badbaadadaydaba ah, Isagu waa munaaraddayda, oo aniga layma dhaqaajin doono.

    7Badbaadadayda iyo ammaantayduba waxay la jiraan Ilaah, Dhagaxii xooggayga iyo magangalkaygaba waa xagga Ilaah.

  • 35Weliba waxaad kaloo i siisay gaashaankii badbaadintaada, Oo waxaa kor ii qaadday gacantaada midig, Oo roonaantaada ayaa i weynaysay.

  • 77%

    47Rabbigu waa nool yahay; oo mahad waxaa leh dhagaxayga weyn; Oo ha sarreeyo Ilaaha ah dhagaxa weyn ee badbaadintayda;

    48Kaasoo ah Ilaaha aniga ii aarguda, Oo dadkana hoostayda ku soo tuura,

    49Oo wuxuu iga soo bixiyaa cadaawayaashayda; Haah, waxaad iga sara marisaa kuwa igu kaca; Oo waxaad iga samatabbixisaa ninka dulmiga badan.

  • 7Ilaahow Sayidow, xooggii badbaadadaydow, Maalintii dagaalka madaxaygaad dabooshay.

  • 2Rabbigu waa xooggayga iyo gabaygayga, Oo isagu wuxuu noqday badbaadadayda. Kanu waa Ilaahay, oo anigu waan ammaani doonaa isaga; Waa Ilaahii aabbahay, aniguna waan sarraysiin doonaa.

  • 2Isaga oo qudha ayaa dhagaxayga weyn iyo badbaadadaydaba ah, Isagu waa munaaraddayda, oo aniga aad lay dhaqaajin maayo.

  • 76%

    32Bal yaa Ilaah ah, Rabbiga mooyaane? Oo bal yaa dhagax weyn ah, Ilaahayaga mooyaane?

    33Ilaah waa qalcaddayda xoogga badan; Oo isagu wuxuu hoggaamiyaa kuwa jidkiisa ku qumman.

  • Sab 31:14-15
    2 aayado
    76%

    14Laakiinse Rabbiyow, adigaan isku kaa halleeyey, Oo waxaan idhi, Waxaad tahay Ilaahay.

    15Wakhtigaygu gacantaaduu ku jiraa, Haddaba iga samatabbixi gacanta cadaawayaashayda, iyo weliba kuwa i silciya gacantooda.

  • 9Rabbiyow, cadaawayaashayda iga samatabbixi, Waayo, adaan kugu soo cararaa inaad i qariso.

  • 2Dhegtaada ii soo dhig, oo dhaqso ii samatabbixi, Dhagax weyn oo xoog leh ii ahow, iyo guri laysku daafaco si aad ii badbaadisid.

  • 39Waayo, xoog baad iigu guntisay dagaalka aawadiis, Oo kuwii igu kacayna hoostaydaad ku soo tuurtay.

  • 1Rabbiyow, Ilaahayow, adigaan isku kaa halleeyaa, Haddaba iga badbaadi kuwa i eryanaya oo dhan, oo iga samatabbixi,

  • 1Ilaahow, i dhawr, waayo, adigaan isku kaa halleeyaa.

  • 18Waayo, gaashaankayaga waxaa iska leh Rabbiga, Oo boqorkayagana waxaa iska leh Kan quduuska ah oo reer binu Israa'iil.

  • 29Waayo, adaan col kuugu dhex ordaa, Oo Ilaahay caawimaaddiisa ayaan derbi kaga boodaa.

  • 30Oo adaan col kuugu dhex ordaa, Oo Ilaahay caawimaaddiisa ayaan derbi kaga boodaa.

  • 75%

    35Gacmahaygana wuxuu baraa dagaalka; Oo sidaas daraaddeed gacmahaygu waxay xoodaan qaanso naxaas ah.

    36Weliba waxaad kaloo i siisay gaashaankii badbaadadaada; Oo roonaantaada ayaa i weynaysay;

  • 3Laakiinse, Rabbiyow, adigu waxaad tahay gaashaan igu wareegsan, Iyo sharaftayda, iyo kan madaxayga kor u qaada.

  • 40Waayo, xoog baad iigu guntisay dagaalka aawadiis; Oo kuwii igu kacayna hoostaydaad ku soo tuurtay.

  • 9Xooggaygiiyow, adigaan ku sugi doonaa, Waayo, Ilaah waa qalcaddayda.

  • 1Rabbigu waa nuurkayga iyo badbaadadayda, bal yaan ka cabsadaa? Oo Rabbigu waa xoogga noloshayda, bal yaan ka baqaa?

  • 2Bal eega, Ilaah waa badbaadadayda! Waan isku hallayn doonaa, mana baqi doono, waayo, Rabbiga Ilaaha ahu waa xooggayga iyo gabaygayga, oo weliba wuxuu ii noqday badbaadadayda.

  • 18Wuxuu iga samatabbixiyey cadowgaygii xoogga badnaa, Iyo kuwii i necbaaba; waayo, iyagu way iga xoog badnaayeen.

  • 17Wuxuu iga samatabbixiyey cadowgaygii xoogga badnaa, Iyo kuwii i necbaaba, waayo, iyagu way iga xoog badnaayeen.

  • 4Oo iga bixi shabagga dabinka ah oo ay qarsoodiga iigu dhigeen, Waayo, waxaad tahay qalcaddayda.

  • 10Waa isaga kan boqorrada badbaadiyaa, Oo addoonkiisa Daa'uud ka badbaadiya seefta sharka leh.

  • 1Ilaahayow, cadaawayaashayda iga samatabbixi, Oo kuwa igu kacayna meel sare iga saar.