Sabuurradii 7:1

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Rabbiyow, Ilaahayow, adigaan isku kaa halleeyaa, Haddaba iga badbaadi kuwa i eryanaya oo dhan, oo iga samatabbixi,

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sab 31:15 : 15 Wakhtigaygu gacantaaduu ku jiraa, Haddaba iga samatabbixi gacanta cadaawayaashayda, iyo weliba kuwa i silciya gacantooda.
  • Xab 3:1 : 1 ¶ Tanu waa salaaddii Xabaquuq, oo lagu luuqeeyo Shigyonood.
  • Sak 14:5 : 5 Markaasaad ku carari doontaan dooxadii buurahayga, waayo, dooxada buuruhu waxay gaadhi doontaa tan iyo Aaseel. Oo waxaad u carari doontaan sidaad ugu hor cararteen dhulgariirkii dhacay wakhtigii Cusiyaah boqorka ka ahaa dalka Yahuudah. Oo Rabbiga Ilaahayga ahu wuu iman doonaa, oo waxaa la iman doonaa kuwa quduuska ah oo dhan.
  • 1 But 1:21 : 21 idinkoo isaga aawadiis ku ah kuwa rumaysan Ilaaha isaga ka soo sara kiciyey kuwii dhintay oo ammaanay isaga, in rumaysadkiinna iyo rajadiinnu ay Ilaah ku xidhnaadaan aawadeed.
  • 1 But 4:19 : 19 Sidaas daraaddeed kuwa doonista Ilaah u xanuunsada, iyagoo samafalaya, naftooda ammaano ha ugu dhiibeen Abuuraha aaminka ah.
  • Sab 26:1 : 1 Rabbiyow, i xukun, waayo, waxaan ku socday daacadnimadayda, Oo weliba waxaan Rabbiga isugu halleeyey rogrogmashola'aan.
  • Sab 30:2 : 2 Rabbiyow, Ilaahayow, Waan kuu qayshaday oo adna waad i bogsiisay.
  • Sab 30:12-31:1 : 12 Taasuna waa si nafsaddaydu ay ammaan kuugu gabaydo, oo aanay u aamusin. Rabbiyow, Ilaahayow, weligayba waan kugu mahadnaqayaa. 1 Rabbiyow, adigaan isku kaa halleeyaa, yaanan weligayba ceeboobin, Oo xaqnimadaada igu samatabbixi.
  • Sab 32:10 : 10 Kii shar leh waxaa ku dhici doona waxyaalo badan oo murug leh, Laakiinse kii Rabbiga isku halleeya waxaa ku wareegsanaan doona naxariis.
  • Sab 35:1-3 : 1 Rabbiyow, la dirir kuwa ila dirira, Oo la dagaallan kuwa ila dagaallama. 2 Gaashaan iyo gabbaad qaado. Oo caawimaaddayda daraaddeed u istaag. 3 Waran la soo bax, oo kuwa i eryanaya jidka ka goo, Oo naftayda waxaad ku tidhaahdaa, Anigu waxaan ahay badbaadadaada.
  • Sab 43:4 : 4 Oo markaasaan tegi doonaa meesha allabariga Ilaah, Iyo Ilaaha ah farxaddayda weyn, Ilaahow, Ilaahaygiiyow, kataaradda waan kugu ammaani doonaa.
  • Sab 89:26 : 26 Aniguu ii qayshan doonaa, oo wuxuu odhan doonaa, Adigu waxaad tahay aabbahay, Iyo Ilaahay, iyo dhagaxii weynaa oo badbaadadayda.
  • Sab 146:3-6 : 3 Ha isku hallaynina amiirrada Iyo binu-aadmiga aan waxba caawimi karin. 4 Naftiisu way ka baxdaa, oo wuxuu ku noqdaa dhulkiisii. Oo isla maalintaas ayaa fikirradiisu baabba'aan. 5 Waxaa faraxsan ninkii ay caawimaaddiisu tahay Ilaaha reer Yacquub, Oo rajadiisuna ay ku xidhan tahay Rabbiga Ilaahiisa ah, 6 Oo sameeyey cirka iyo dhulka, Iyo badda iyo waxyaalaha ku jira oo dhan, Oo runtana dhawra weligiisba,
  • Ish 50:10 : 10 ¶ Bal yaa idinka mid ah oo Rabbiga ka cabsada, oo codka addoonkiisa addeeca? Kan gudcurka ku dhex socda, oo aan iftiin lahaynu magaca Rabbiga ha aamino, oo Ilaahiisa ha isku halleeyo.
  • Yer 15:15 : 15 ¶ Rabbiyow, wax kastaba waad og tahay, haddaba bal i soo xusuuso, oo i soo booqo, oo iiga aargud kuwa i silcinaya. Ii dulqaado oo ha i fogayn. Ogow inaan aawadaa cay ugu adkaystay.
  • Yer 20:11 : 11 Laakiinse Rabbigu waa ila jiraa isagoo ah sidii mid xoog badan oo cabsi leh, oo sidaas daraaddeed kuwa i silciyaa way turunturoon doonaan, oo igama ay adkaan doonaan. Ma ay liibaanin oo taas daraaddeed aad iyo aad bay ugu ceeboobi doonaan ceeb weligeed ah oo aan marnaba la illoobi doonin.
  • Yer 31:18 : 18 Sida xaqiiqada ah waxaan maqlay Efrayim oo ku barooranaya, Adigu waad i edbisay, oo waxaa la ii edbiyey sidii dibi layli ah oo aan harqoodka u baran. I soo celi, oo aniguna waan soo noqon doonaa, waayo, Rabbiga Ilaahayga ah ayaad tahay.
  • Daan 9:4 : 4 Oo Rabbiga ah Ilaahayga ayaan baryay, oo wax baan u qirtay, oo aan idhi, Sayidow, waxaad tahay Ilaaha weyn oo laga cabsado, oo axdi xajiya, oo u naxariista kuwa isaga jecel oo amarradiisa dhawra;
  • Daan 9:19-20 : 19 Sayidow, na maqal; Sayidow, na cafi; Sayidow, na dhegayso oo yeel; ha raagin; aawadaa baan kugu baryaynaa Ilaahayow, maxaa yeelay magaaladaada iyo dadkaagaba waxaa loogu yeedhay magacaaga. 20 ¶ Oo intii aan hadlayay, oo aan tukanayay, oo aan dembigayga iyo dembigii dadkayga reer binu Israa'iil qiranayay, oo aan Rabbiga Ilaahayga ah u baryayay buurta quduuska ah oo Ilaahay,
  • Yash 14:8 : 8 Habase yeeshee walaalahaygii i raacay ayaa dadka qalbi dhalaaliyey, laakiinse anigu daacad baan u raacay Rabbiga Ilaahayga ah.
  • 2 Sam 16:1-9 : 1 ¶ Oo Daa'uud markuu in yar dhaafay jiirta dusheedii waxaa u yimid Siibaa oo ahaa midiidinkii Mefiiboshed, isagoo wada laba dameer oo kooraysan, oo dushoodana waxaa u saarnaa laba boqol oo xabbadood oo kibis ah, iyo boqol rucubood oo sabiib ah, iyo boqol rucubood oo midho xagaa ah, iyo sibraar khamri ah. 2 Markaasaa boqorkii wuxuu Siibaa ku yidhi, War waxyaalahan maxaad ula jeeddaa? Oo Siibaana wuxuu yidhi, Dameeraha waxaan u keenay in boqorka reerkiisu fuulaan; kibista iyo midhahana waxaan u keenay in ragga dhallinyarada ahu cunaan; khamrigana waxaan u keenay in ku alla kii cidlada ku itaal darnaadaa uu cabbo. 3 Markaasaa boqorkii ku yidhi, Meeh wiilkii sayidkaagu? Siibaana boqorkii buu ku yidhi, Yeruusaalem buu ku hadhay, oo wuxuu yidhi, Reer binu Israa'iil maantay ii soo celin doonaan boqortooyadii aabbahay. 4 Markaasaa boqorkii wuxuu Siibaa ku yidhi, Bal eeg, Mefiiboshed wixiisa oo dhan adigaa iska leh. Oo Siibaana wuxuu yidhi, Boqorow, sayidkaygiiyow, waan ku sujuudayaa hortaada; aan raallinimo kaa helo. 5 ¶ Oo Boqor Daa'uudna markuu Baxuuriim yimid, waxaa ku soo baxay nin ay Saa'uul isku cid ahaayeen, oo magiciisa la odhan jiray Shimcii ina Geeraa. Wuu soo baxay, isagoo habaartamaya intuu soo socday. 6 Oo dhagxan buuna ku tuuray Daa'uud iyo addoommadii Boqor Daa'uud oo dhanba, oo dadkii oo dhan iyo raggii xoogga lahaa oo dhammuna waxay joogeen midigtiisa iyo bidixdiisaba. 7 Oo Shimcii markuu habaartamayay wuxuu lahaa, Naga tag, nin yahow dhiigga qabaa, oo naga tag, nin yahow waxmataraha ihi! 8 Rabbigu waa ku kor saaray reer Saa'uul dhiiggoodii oo dhan, Saa'uulkaasoo aad meeshiisii xukumayso; oo Rabbigu boqortooyadii gacantuu u geliyey wiilkaaga Absaaloom; oo bal eeg, adiga belaayadaadii baa kula tagtaye, maxaa yeelay, waxaad tahay nin dhiig qaba. 9 Markaasaa Abiishay oo ay Seruuyaah dhashay wuxuu boqorkii ku yidhi, War eeygan dhintay muxuu kuu habaarayaa, boqorow, sayidkaygiiyow? Waan ku baryayaaye, i daa intaan u tago aan madaxa ka gooyee. 10 Kolkaasaa boqorkii wuxuu yidhi, Kuwiinna ay Seruuyaah dhashayow, bal maxaa inoo dhexeeya? Hadduu habaartamay, oo Rabbigu ku yidhi, Daa'uud soo habaar, bal yaa ninkan ku odhan kara, War maxaad saas u yeeshay? 11 Daa'uudna wuxuu ku yidhi Abiishay, iyo addoommadiisii oo dhanba, Bal eega, wiilkaygii iga soo baxay ayaa doonaya inuu nafta iga qaado; haddaba intee in ka badan ayaa ninkan reer Benyaamiin igu samaynayaa? Haddaba ninkan iska daaya, ha iska habaartamee; waayo, Rabbigaa saas ku amray. 12 Mindhaa Rabbigu intuu dhibaatadayda eego ayuu wanaag iigu beddeli doonaa habaarkuu maanta igu habaaray. 13 Sidaas daraaddeed Daa'uud iyo raggiisiiba jidkii bay mareen, Shimciina wuxuu maray buurtii agtiisa ahayd dhinaceeda, oo intuu sii socdayna Daa'uud buu habaarayay, oo dhagxan ku tuurayay, ciidna wuu ku soo saydhayay. 14 Oo boqorkii iyo dadkii isaga la jiray oo dhammu waxay yimaadeen iyagoo daalay; halkaasuuna ku nastay. 15 ¶ Markaasaa Absaaloom iyo dadkii reer binu Israa'iil oo dhammu Yeruusaalem yimaadeen, iyagoo uu Axiitofel la socdo. 16 Oo kolkii Xuushay kii reer Arkii oo Daa'uud saaxiibkiis ahaa uu Absaaloom u yimid ayaa Xuushay Absaaloom ku yidhi, Boqorku ha noolaado, boqorku ha noolaado. 17 Markaasaa Absaaloom wuxuu Xuushay ku yidhi, Ma sidatanaad ugu roonaanaysaa saaxiibka? Maxaadse saaxiibkaa u raaci weyday? 18 Xuushayna wuxuu Absaaloom ku yidhi, Saas ma aha; laakiinse kii Rabbiga, iyo dadkan, iyo reer binu Israa'iil oo dhammu doorteen ayaa i lahaanaya, oo isagaan la joogayaa. 19 Oo haddana, bal yaan u adeegaa? Sow wiilkiisa ma aha? Sidaan aabbahaa ugu adeegi jiray oo kale ayaan haatanna adiga kuugu adeegayaa. 20 Markaasaa Absaaloom wuxuu Axiitofel ku yidhi, Bal ka tali waxaan samayn lahayn. 21 Oo Axiitofelna wuxuu Absaaloom ku yidhi, Waxaad u tagtaa naagaha addoommaha ah ee aabbahaa, ee uu uga tegey inay guriga dhawraan; oo reer binu Israa'iil oo dhammuna waxay maqli doonaan in aabbahaa ku karahsaday; dabadeedna inta kula jirta oo dhan gacmahoodu way xoogaysan doonaan. 22 Sidaas daraaddeed Absaaloom teendhay uga dhiseen guriga dushiisa, oo Absaaloomna wuxuu u tegey naagihii addoommaha ahaa ee aabbihiis, iyadoo ay reer binu Israa'iil oo dhammu u jeedeen. 23 Oo waayahaasna taladii Axiitofel ku talin jiray waxay ahayd sidii Ilaah hadalkiisa markii Ilaah wax la weyddiisto oo kale; oo Axiitofel taladiisuna saasay la ahayd Daa'uud iyo Absaaloomba.
  • Sab 3:7 : 7 Kac, Rabbiyow, oo i badbaadi, Ilaahayow, Waayo, cadaawayaashaydii oo dhan waxaad ku dhufatay dhabanka, Oo kuwa sharka leh ilkahoodiina waad jejebisay.
  • Sab 11:1 : 1 Anigu Rabbigaan isku halleeyaa, Haddaba idinku sidee baad naftayda ugu tidhaahdaan, Sida shimbir oo kale buurtiinnii ku carara?
  • Sab 13:3 : 3 Rabbiyow Ilaahayow, waxaas u fiirso, oo ii jawaab, Indhahayga iftiimi, yaanan hurdadii geerida seexanine,
  • Sab 13:5 : 5 Laakiinse anigu waxaan isku halleeyey naxariistaada, Oo qalbigayguna wuxuu ku rayrayn doonaa badbaadintaada.
  • Sab 17:7-9 : 7 Bal muuji raxmaddaada yaabka leh, Adigoo kuwa isku kaa halleeya gacantaada midig kaga badbaadiya Kuwa ku kaca iyaga. 8 Ii dhawr sida isha inankeeda, Oo igu qari hooska baalashaada. 9 Waxaad iga qarisaa kuwa sharka leh oo i kharriba, Kuwaas oo ah cadaawayaasha naftayda oo hareerahayga ku wareegsan.
  • Sab 18:2 : 2 Rabbigu waa dhagax weyn oo ii gabbaad ah iyo qalcaddayda, iyo samatabbixiyahayga, Iyo Ilaahay, iyo gabbaadkayga adag, oo isagaan isku hallayn doonaa, Isagu waa gaashaankayga, iyo geeska badbaadadayda, iyo munaaraddayda dheer.
  • Sab 18:28 : 28 Waayo, waxaad daaraysaa laambaddayda, Rabbiga Ilaahayga ah ayaa gudcurkayga iftiiminaya.
  • Sab 25:2 : 2 Ilaahayow, adigaan isku kaa halleeyey, Haddaba yaanan ceeboobin, Oo yaan cadaawayaashaydu ii faanin.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Sab 7:2-3
    2 aayado
    86%

    2Waaba intaasoo ay naftayda sida libaax oo kale u kala dildillaaciyaane, Oo ay i kala jeexjeexaan intii aanay jirin cid iga samatabbixisaa.

    3Rabbiyow, Ilaahayow, haddii aan waxan sameeyey, Haddii xumaanu gacmahayga ku jirto,

  • Sab 71:1-4
    4 aayado
    82%

    1Rabbiyow, adigaan isku kaa halleeyaa, Yaanan weligay wareerin.

    2Xaqnimadaada igu samatabbixi oo i nabad geli, Dhegta ii dhig, oo i badbaadi.

    3Ii noqo dhagax weyn oo rug ah, oo aan had iyo goorba ku noqnoqdo, Waxaad amar ku bixisay in lay badbaadsho, Waayo, adigu waxaad tahay dhagax weyn oo ii gabbaad ah iyo qalcaddayda.

    4Ilaahayow, iga badbaadi kan sharka leh gacantiisa, Iyo gacanta xaqlaawaha iyo ninka nacabkaa.

  • 1Ilaahow, i dhawr, waayo, adigaan isku kaa halleeyaa.

  • 9Rabbiyow, cadaawayaashayda iga samatabbixi, Waayo, adaan kugu soo cararaa inaad i qariso.

  • Sab 31:14-15
    2 aayado
    80%

    14Laakiinse Rabbiyow, adigaan isku kaa halleeyey, Oo waxaan idhi, Waxaad tahay Ilaahay.

    15Wakhtigaygu gacantaaduu ku jiraa, Haddaba iga samatabbixi gacanta cadaawayaashayda, iyo weliba kuwa i silciya gacantooda.

  • Sab 31:1-2
    2 aayado
    80%

    1Rabbiyow, adigaan isku kaa halleeyaa, yaanan weligayba ceeboobin, Oo xaqnimadaada igu samatabbixi.

    2Dhegtaada ii soo dhig, oo dhaqso ii samatabbixi, Dhagax weyn oo xoog leh ii ahow, iyo guri laysku daafaco si aad ii badbaadisid.

  • 1Anigu Rabbigaan isku halleeyaa, Haddaba idinku sidee baad naftayda ugu tidhaahdaan, Sida shimbir oo kale buurtiinnii ku carara?

  • 2 Sam 22:2-3
    2 aayado
    79%

    2oo wuxuu yidhi, Rabbigu waa dhagax weyn oo ii gabbaad ah, iyo qalcaddayda iyo samatabbixiyahayga, xataa waa kayga;

    3Iyo Ilaaha ah gabbaadkayga, isagaan isku hallayn doonaa; Isagu waa gaashaankayga, iyo geeska badbaadadayda, iyo munaaraddayda dheer, iyo magangalkayga, Iyo badbaadshahayga, waxaad iga badbaadisaa dulmiga.

  • 7Bal muuji raxmaddaada yaabka leh, Adigoo kuwa isku kaa halleeya gacantaada midig kaga badbaadiya Kuwa ku kaca iyaga.

  • 1Ilaahayow, cadaawayaashayda iga samatabbixi, Oo kuwa igu kacayna meel sare iga saar.

  • 26Rabbiyow, Ilaahayow, i caawi, Oo igu badbaadi si naxariistaada waafaqsan,

  • 1Ii naxariiso, Ilaahow, ii naxariiso, Waayo, naftaydu adigay ku magan gashaa, Haah, waxaan magangeli doonaa hooska baalashaada, Ilaa ay belaayooyinkanu gudbayaan.

  • Sab 18:2-3
    2 aayado
    77%

    2Rabbigu waa dhagax weyn oo ii gabbaad ah iyo qalcaddayda, iyo samatabbixiyahayga, Iyo Ilaahay, iyo gabbaadkayga adag, oo isagaan isku hallayn doonaa, Isagu waa gaashaankayga, iyo geeska badbaadadayda, iyo munaaraddayda dheer.

    3Waxaan baryayaa Rabbiga istaahila in la ammaano, Oo sidaasaan cadaawayaashayda kaga badbaadi doonaa.

  • 1Ilaahow, soo dhaqso oo i samatabbixi, Rabbiyow, soo dhaqso oo i caawi.

  • 11Ilaah baan isku halleeyey, oo innaba baqi maayo, Haddaba bal dad muxuu igu samayn karaa?

  • 20Naftayda dhawr, oo i samatabbixi, Oo yaanan ceeboobin, waayo, waan isku kaa halleeyaa.

  • 8Waayo, Ilaahow Sayidow, indhahaygu xaggaagay ku soo jeedaan, Oo adigaan isku kaa halleeyaa, haddaba naftayda ha dayrin.

  • 6Qayladayda dhegayso, waayo, aad baa hoos laygu dejiyey, Kuwa i silciya iga samatabbixi, waayo, iyagu way iga xoog badan yihiin.

  • 13Rabbiyow, waan ku baryayaaye, i samatabbixi, Rabbiyow, u soo dhaqso inaad i caawiso.

  • 2Waxaan Rabbiga ka odhan doonaa, Isagu waa magangalkayga iyo qalcaddayda Oo waa Ilaahayga aan isku halleeyo.

  • 7Badbaadadayda iyo ammaantayduba waxay la jiraan Ilaah, Dhagaxii xooggayga iyo magangalkaygaba waa xagga Ilaah.

  • 3Isagu samaduu caawimaad ka soo diri doonaa, wuuna i badbaadin doonaa, Markuu kan i liqi lahaa i caayo, (Selaah) Ilaah wuxuu soo diri doonaa naxariistiisa iyo runtiisa.

  • 1Rabbigu waa nuurkayga iyo badbaadadayda, bal yaan ka cabsadaa? Oo Rabbigu waa xoogga noloshayda, bal yaan ka baqaa?

  • 2Kaasoo ah raxmaddayda, iyo qalcaddayda, Munaaraddayda, iyo samatabbixiyahayga, Iyo gaashaankayga, iyo kan aan isku halleeyo, Oo dadkayga ka yeela kuwo iga hooseeya.

  • 17Sayidow, ilaa goormaad sii fiirinaysaa? Naftayda halligaaddooda ka badbaadi, Noloshaydana libaaxyada ka badbaadi.

  • Sab 56:3-4
    2 aayado
    75%

    3Markaan cabsado, Waan isku kaa hallaynayaa.

    4Ilaah caawimaaddiisa ayaan eraygiisa ku ammaani doonaa, Waayo, Ilaah baan isku halleeyey, oo innaba baqi maayo, Haddaba bal binu-aadmigu muxuu igu samayn karaa?

  • 13Rabbiyow, ii naxariiso, Bal eeg dhibaatada ay kuwa i necebu igu hayaan. Waxaad kor iiga qaaddaa irdaha dhimashada,

  • 40Oo Rabbigu iyaguu caawiyaa, wuuna samatabbixiyaa, Oo wuxuu iyaga ka samatabbixiyaa kuwa sharka leh, wuuna badbaadiyaa, Maxaa yeelay, isagay magangaleen.

  • 13Rabbiyow, kac, Oo isaga ka hor tag, oo dhulka hoos ugu tuur, Oo naftaydana kan sharka leh seeftaada kaga samatabbixi,

  • 21Laakiinse Ilaahow, Sayidow, magacaaga daraaddiis wax iigu yeel, Naxariistaadu waa wanaagsan tahay, ee sidaas daraaddeed ii samatabbixi,

  • 7Waxaad tahay meeshaan ku dhuunto, oo dhib baad iga ilaalin doontaa, Oo waxaad igu wareejin doontaa gabayadii samatabbixinta. (Selaah)

  • 7Ilaahow Sayidow, xooggii badbaadadaydow, Maalintii dagaalka madaxaygaad dabooshay.

  • 1Ilaahow, ii gar soor, oo dacwadayda kala muddac quruun aan cibaado lahayn, Iga samatabbixi ninka khiyaanada badan oo xaqa daran.

  • 1Anigoo cidhiidhi ku jira ayaan Rabbiga u qayshaday, Oo isna wuu ii jawaabay.

  • 4Oo iga bixi shabagga dabinka ah oo ay qarsoodiga iigu dhigeen, Waayo, waxaad tahay qalcaddayda.

  • 3Waran la soo bax, oo kuwa i eryanaya jidka ka goo, Oo naftayda waxaad ku tidhaahdaa, Anigu waxaan ahay badbaadadaada.

  • 9Waxaad iga qarisaa kuwa sharka leh oo i kharriba, Kuwaas oo ah cadaawayaasha naftayda oo hareerahayga ku wareegsan.

  • 5Laakiinse anigu waxaan isku halleeyey naxariistaada, Oo qalbigayguna wuxuu ku rayrayn doonaa badbaadintaada.

  • 1Rabbiyow, ninka sharka leh iga samatabbixi, Oo iga ilaali ninka dulmiga badan,

  • 8Rabbiguu isku halleeyey, ha samatabbixiyo, Bal isagu waa kan ku faraxsane hadda ha samatabbixiyo.

  • 7Rabbiyow, markaan codkayga ku qayliyo, i maqal, Weliba ii naxariiso, oo ii jawaab.