Sabuurradii 144:1

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Mahad waxaa leh Rabbiga dhagaxayga weyn ah, Oo gacmahayga dagaalka bara, Farahaygana dirirta bara,

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sab 18:34 : 34 Gacmahaygana wuxuu baraa dagaalka, Oo sidaas daraaddeed gacmahaygu waxay xoodaan qaanso naxaas ah.
  • Sab 18:2 : 2 Rabbigu waa dhagax weyn oo ii gabbaad ah iyo qalcaddayda, iyo samatabbixiyahayga, Iyo Ilaahay, iyo gabbaadkayga adag, oo isagaan isku hallayn doonaa, Isagu waa gaashaankayga, iyo geeska badbaadadayda, iyo munaaraddayda dheer.
  • Sharc 32:30-31 : 30 Haddaan Dhagaxoodii iyaga iibin, Oo aan Rabbigu iyaga gacanta u gelin, Sidee baa nin keliya kun u eryi karaa? Labase sidee bay toban kun u didin karaan? 31 Dhagaxoodu ma aha sida Dhagaxayaga. Oo xataa cadaawayaashayada qudhoodu waxaas way kala gartaan.
  • 2 Sam 22:35 : 35 Gacmahaygana wuxuu baraa dagaalka; Oo sidaas daraaddeed gacmahaygu waxay xoodaan qaanso naxaas ah.
  • Sab 44:3-4 : 3 Waayo, iyagu dalka kuma hantiyin seeftooda, Oo cududdooduna ma ay badbaadin, Laakiinse midigtaada iyo cududdaada iyo nuurka wejigaaga ayaa badbaadshay iyaga, Maxaa yeelay, raalli baad ka ahayd. 4 Ilaahow, waxaad tahay boqorkayga, Haddaba reer Yacquub samatabbixin u amar.
  • 2 Kor 10:4 : 4 waayo, hubka dagaalkayagu ma aha xagga jidhka, laakiin xoog bay leeyihiin Ilaah hortiisa in qalcado lagu dumiyo.
  • Ef 6:10-11 : 10 ¶ Ugu dambaysta waxaan idinku leeyahay, Ku xoogaysta Rabbiga iyo xoogga itaalkiisa. 11 Oo hubka Ilaah oo dhan qaata, si aad u awooddaan inaad sirta Ibliiska hor istaagtaan.
  • Sab 18:31 : 31 Waayo, bal yaa Ilaah ah, Rabbiga mooyaane? Oo bal yaa dhagax weyn ah, Ilaahayaga mooyaane?
  • Sab 60:12 : 12 Ilaah caawimaaddiisa ayaannu wax xoog leh ku samayn doonaa, Waayo, isagaa ah kan cadaawayaashayada ku tuman doona.
  • Sab 71:3 : 3 Ii noqo dhagax weyn oo rug ah, oo aan had iyo goorba ku noqnoqdo, Waxaad amar ku bixisay in lay badbaadsho, Waayo, adigu waxaad tahay dhagax weyn oo ii gabbaad ah iyo qalcaddayda.
  • Sab 95:1 : 1 Kaalaya, aynu Rabbiga u gabaynee, Oo aynu farxad ugu qaylinno dhagaxa badbaadadeenna.
  • Ish 26:4 : 4 Rabbiga weligiinba aamina, waayo, Rabbiga Ilaaha ahu waa dhagax daa'im ah.
  • Ish 45:24 : 24 Waxaa laygu odhan doonaa, Rabbiga uun ayaa xaqnimo iyo xoogba leh. Isagaa loo iman doonaa, oo kuwii isaga u cadhaysnaa oo dhammuna way wada ceeboobi doonaan.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 84%

    32Bal yaa Ilaah ah, Rabbiga mooyaane? Oo bal yaa dhagax weyn ah, Ilaahayaga mooyaane?

    33Ilaah waa qalcaddayda xoogga badan; Oo isagu wuxuu hoggaamiyaa kuwa jidkiisa ku qumman.

    34Isagu cagahayga wuxuu ka dhigaa sida cagaha deerada, Oo wuxuu igu fadhiisiyaa meelahayga sarsare.

    35Gacmahaygana wuxuu baraa dagaalka; Oo sidaas daraaddeed gacmahaygu waxay xoodaan qaanso naxaas ah.

    36Weliba waxaad kaloo i siisay gaashaankii badbaadadaada; Oo roonaantaada ayaa i weynaysay;

  • 2Kaasoo ah raxmaddayda, iyo qalcaddayda, Munaaraddayda, iyo samatabbixiyahayga, Iyo gaashaankayga, iyo kan aan isku halleeyo, Oo dadkayga ka yeela kuwo iga hooseeya.

  • Sab 18:34-35
    2 aayado
    83%

    34Gacmahaygana wuxuu baraa dagaalka, Oo sidaas daraaddeed gacmahaygu waxay xoodaan qaanso naxaas ah.

    35Weliba waxaad kaloo i siisay gaashaankii badbaadintaada, Oo waxaa kor ii qaadday gacantaada midig, Oo roonaantaada ayaa i weynaysay.

  • Sab 18:1-3
    3 aayado
    79%

    1Rabbiyow, xooggaygiiyow, anigu waan ku jeclahay.

    2Rabbigu waa dhagax weyn oo ii gabbaad ah iyo qalcaddayda, iyo samatabbixiyahayga, Iyo Ilaahay, iyo gabbaadkayga adag, oo isagaan isku hallayn doonaa, Isagu waa gaashaankayga, iyo geeska badbaadadayda, iyo munaaraddayda dheer.

    3Waxaan baryayaa Rabbiga istaahila in la ammaano, Oo sidaasaan cadaawayaashayda kaga badbaadi doonaa.

  • 78%

    14Rabbigu waa xooggayga iyo gabaygayga, Oo wuxuu ii noqday badbaadadayda.

    15Kuwa xaq ah teendhooyinkooda waxaa ku jira codkii rayraynta iyo badbaadada, Gacanta midig oo Rabbiguna wax xoog leh bay samaysaa.

    16Gacanta midig oo Rabbiga waa la sarraysiiyey, Gacanta midig oo Rabbiguna wax xoog leh bay samaysaa.

  • Sab 28:6-7
    2 aayado
    78%

    6Mahad waxaa leh Rabbiga, Maxaa yeelay, codkii baryootankayguu maqlay.

    7Rabbigu waa xooggayga iyo gaashaankayga, Qalbigaygu isaguu isku halleeyey, oo waa lay caawiyey, Sidaas daraaddeed qalbigaygu aad iyo aad buu u reyreeyey, Oo gabaygaygaan isaga ku ammaani doonaa.

  • 47Rabbigu waa nool yahay; oo mahad waxaa leh dhagaxayga weyn; Oo ha sarreeyo Ilaaha ah dhagaxa weyn ee badbaadintayda;

  • 2 Sam 22:2-3
    2 aayado
    76%

    2oo wuxuu yidhi, Rabbigu waa dhagax weyn oo ii gabbaad ah, iyo qalcaddayda iyo samatabbixiyahayga, xataa waa kayga;

    3Iyo Ilaaha ah gabbaadkayga, isagaan isku hallayn doonaa; Isagu waa gaashaankayga, iyo geeska badbaadadayda, iyo munaaraddayda dheer, iyo magangalkayga, Iyo badbaadshahayga, waxaad iga badbaadisaa dulmiga.

  • Sab 18:46-47
    2 aayado
    76%

    46Rabbigu waa nool yahay, oo mahad waxaa leh dhagaxayga weyn, Oo Ilaaha i badbaadiyeyna ha sarreeyo,

    47Kaasoo ah Ilaaha aniga ii aarguda, Oo dadkana hoostayda ku soo tuura.

  • Bax 15:2-3
    2 aayado
    76%

    2Rabbigu waa xooggayga iyo gabaygayga, Oo isagu wuxuu noqday badbaadadayda. Kanu waa Ilaahay, oo anigu waan ammaani doonaa isaga; Waa Ilaahii aabbahay, aniguna waan sarraysiin doonaa.

    3Rabbigu waa dagaalyahan, Magiciisuna waa Rabbi.

  • 39Waayo, xoog baad iigu guntisay dagaalka aawadiis, Oo kuwii igu kacayna hoostaydaad ku soo tuurtay.

  • 7Ilaahow Sayidow, xooggii badbaadadaydow, Maalintii dagaalka madaxaygaad dabooshay.

  • Sab 18:31-32
    2 aayado
    74%

    31Waayo, bal yaa Ilaah ah, Rabbiga mooyaane? Oo bal yaa dhagax weyn ah, Ilaahayaga mooyaane?

    32Kaasoo ah Ilaaha ii guntiya xoog, Jidkaygana qummaatiya.

  • 40Waayo, xoog baad iigu guntisay dagaalka aawadiis; Oo kuwii igu kacayna hoostaydaad ku soo tuurtay.

  • 19Rabbiga Sayidka ah ayaa xoog ii ah, Cagahaygana wuxuu ka dhigaa sida cagaha deerada, Oo wuxuu igu socodsiin doonaa meelahayga sarsare. Tan waxaa lagu tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, oo waxaa lagu qaadaa alaabtayda xadhkaha leh.

  • 17Xooggaygiiyow, adigaan ammaan kuugu gabyi doonaa, Waayo, Ilaah waa qalcaddayda, waana Ilaaha naxariistayda.

  • 12Rabbiyow, adigaa mahad leh, Haddaba qaynuunnadaada i bar.

  • 1Rabbiyow, boqorku wuxuu ku farxi doonaa xooggaaga, Oo badbaadintaadana aad buu ugu rayrayn doonaa.

  • 13Adigu waxaad leedahay dhudhun itaal weyn, Gacantaaduna way xoog badan tahay, midigtaaduna way sarraysaa.

  • 10Waa isaga kan boqorrada badbaadiyaa, Oo addoonkiisa Daa'uud ka badbaadiya seefta sharka leh.

  • 15Wakhtigaygu gacantaaduu ku jiraa, Haddaba iga samatabbixi gacanta cadaawayaashayda, iyo weliba kuwa i silciya gacantooda.

  • 3In kastoo ciidan col ah i ag dego, Qalbigaygu cabsan maayo, In kastoo dagaal igu soo kaco, Xataa markaas waan kalsoonaanayaa.

  • 13Rabbiyow, adigu xooggaaga ku sarree, Markaasaannu gabyi doonnaa, oo waxaannu ammaani doonnaa itaalkaaga.

  • 6Rabbiyow, gacantaada midig xoog bay ammaan ku leedahay, Rabbiyow, gacantaada midig cadowga bay burburisaa.

  • 22Laakiinse Rabbigu waxa weeye munaaraddayda, Ilaahayna waa dhagaxii magangalkayga.

  • 1Rabbigu waa nuurkayga iyo badbaadadayda, bal yaan ka cabsadaa? Oo Rabbigu waa xoogga noloshayda, bal yaan ka baqaa?

  • 11Rabbigu dadkiisuu xoogayn doonaa, Oo Rabbigu nabad buu dadkiisa ku barakayn doonaa.

  • 21Oo gacantaydu isagay la jiri doontaa, Dhudhunkayguna isaguu xoogayn doonaa.

  • 29Waayo, adaan col kuugu dhex ordaa, Oo Ilaahay caawimaaddiisa ayaan derbi kaga boodaa.

  • 30Oo adaan col kuugu dhex ordaa, Oo Ilaahay caawimaaddiisa ayaan derbi kaga boodaa.

  • 4Waayo, Rabbiyow, waxaad igaga farxisay shuqulkaagii, Oo shuqullada gacmahaagana waan ku guulaysan doonaa.

  • 49Oo wuxuu iga soo bixiyaa cadaawayaashayda; Haah, waxaad iga sara marisaa kuwa igu kaca; Oo waxaad iga samatabbixisaa ninka dulmiga badan.

  • 2Oo afkaygana wuxuu ka dhigay sidii seef af badan oo kale, oo hooska gacantiisa ayuu igu qariyey, wuxuuna iga yeelay sidii fallaadh fiiqan oo kale, oo gabooyihiisa ayuu igu xaseeyey.

  • 6Ammaanta sare oo Ilaah afkooda ha ku jirto, Seef laba af lahuna gacantooda ha ku jirto,

  • 1Rabbiyow, la dirir kuwa ila dirira, Oo la dagaallan kuwa ila dagaallama.

  • 2Bal eega, Ilaah waa badbaadadayda! Waan isku hallayn doonaa, mana baqi doono, waayo, Rabbiga Ilaaha ahu waa xooggayga iyo gabaygayga, oo weliba wuxuu ii noqday badbaadadayda.