Ishacyaah 49:2

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo afkaygana wuxuu ka dhigay sidii seef af badan oo kale, oo hooska gacantiisa ayuu igu qariyey, wuxuuna iga yeelay sidii fallaadh fiiqan oo kale, oo gabooyihiisa ayuu igu xaseeyey.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Ish 11:4 : 4 laakiin masaakiinta wuxuu ugu gar qaybin doonaa xaqnimo, oo dhulka kuwiisa hooseeyana wuxuu ugu gar gooyn doonaa caddaalad, oo wuxuu dhulka ku dhufan doonaa usha afkiisa, oo kan sharka lehna wuu ku dili doonaa neefta bushimihiisa.
  • Muj 1:16 : 16 Oo gacantiisa midigtaana wuxuu ku haystay toddoba xiddigood, oo afkiisana waxaa ka soo baxay seef soofaysan oo laba af leh, jaahiisuna wuxuu u ekaa qorraxda oo xoog u dhalaalaysa.
  • Cib 4:12 : 12 Waayo, hadalka Ilaah wuu nool yahay, waana shaqeeyaa, oo waa ka af badan yahay seef kasta oo laba af leh, isagoo ka dhex dusaya ilaa kala soocniinta nafta iyo ruuxa, iyo xubnaha iyo dhuuxaba, waana kala gartaa fikirrada iyo waxyaalaha qalbiga ku jira.
  • Ish 51:16 : 16 Oo erayadaydii ayaan afkaaga geliyey, hooskii gacantaydana waan kugu daboolay si aan samooyinka u kala bixiyo, oo aan aasaaska dhulka u dhigo, oo aan reer Siyoonna ugu idhaahdo, Dadkayga baad tihiin.
  • Muj 2:12 : 12 ¶ Kiniisadda Bergamos ku taalna malaa'igteeda waxaad u qortaa; Kan haysta seefta soofaysan oo labada af leh wuxuu kugu leeyahay waxyaalahan,
  • Hos 6:5 : 5 Sidaas daraaddeed waxaan iyaga ku gooyay gacantii nebiyada, oo waxaan ku laayay erayadii afkayga, oo xukummadayduna waa sidii iftiinka soo baxa.
  • Luuk 23:46 : 46 Markaasaa Ciise cod weyn ku dhawaaqay oo yidhi, Aabbow, gacmahaaga ayaan ruuxayga u dhiibayaa. Goortuu waxaas yidhi, ayuu ruuxii bixiyey.
  • Muj 19:15 : 15 Oo afkiisana waxaa ka soo baxday seef af badan inuu ku laayo quruumaha; oo wuxuu iyaga ku xukumi doonaa ul bir ah, oo wuxuu ku tumay macsaraddii canabka oo xanaaqii cadhada Ilaaha Qaadirkaa.
  • Ish 61:1-3 : 1 ¶ Ruuxii Sayidka Rabbiga ah ayaa i dul jooga, waayo, wuxuu Rabbigu ii subkay inaan war wanaagsan masaakiinta ku wacdiyo, wuxuuna ii soo diray inaan kuwa qalbiga jaban bogsiiyo, iyo inaan maxaabiista xornimada ogeysiiyo, kuwa xidhanna furriinnimada, 2 iyo inaan dadka ogeysiiyo sannadda qaabbilaadda ah ee Rabbiga iyo maalintii aarsashada Ilaahayaga, iyo inaan kuwa baroorta oo dhan u qalbi qaboojiyo, 3 iyo inaan kuwa Siyoon ku baroorta meeshii dambaska qurux madaxooda ka saaro, oo meeshii baroorashadana aan saliiddii farxadda ka siiyo, oo meeshii qalbijabna aan dharkii ammaanta ka siiyo, in iyaga lagu magacaabo geedihii xaqnimada iyo beeriddii Rabbiga, si uu isagu u ammaanmo.
  • Yer 1:18 : 18 Waayo, bal eeg, maanta waxaan kaa dhigay magaalo deyr leh, iyo tiir bir ah, iyo derbiyo naxaas ah, oo dalka oo dhan col ku ah, oo col ku ah boqorrada dalka Yahuudah, iyo amiirradooda, iyo wadaaddadooda, iyo dadka dalka oo dhanba.
  • Yer 15:19-20 : 19 ¶ Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Haddaad soo noqotid, waan ku soo celin doonaa, oo hortaydaad istaagi doontaa. Oo haddaad waxyaalaha qaaliga ah nijaasta ka soocdidna waxaad noqon doontaa sida afkayga oo kale. Iyagu waa inay kuu soo noqdaan, laakiinse adigu waa inaadan xaggooda u noqon. 20 Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaan dadkan kaaga dhigi doonaa derbi adag oo naxaas ah. Way kula diriri doonaan, laakiinse kaama ay adkaan doonaan innaba, waayo, waan kuula jiraa inaan ku badbaadsho oo aan ku samatabbixiyo.
  • Ish 42:1 : 1 ¶ Bal eega addoonkayga aan tiiriyo, oo aan doortay oo ay naftaydu ku faraxsan tahay. Ruuxayga ayaan dul saaray. Wuxuu quruumaha u soo saari doonaa xukunka.
  • Ish 50:4 : 4 ¶ Sayidka Rabbiga ah ayaa afka kuwa wax bartay i siiyey inaan ogaado si aan hadal ugu taageero kan daallan. Subax kastuu i toosiyaa, subax walbana dhegtayduu u toosiyaa inaan wax u maqlo sida kuwa wax bartay.
  • Sab 45:2-5 : 2 Adigu waad ka sii quruxsan tahay binu-aadmiga, Oo bushimahaaga waxaa ka buuxda nimco, Sidaas daraaddeed ayaa Ilaah kuu barakeeyey weligaaba. 3 Seeftaadu bowdadaada ha saarnaato, kaaga xoogga badanow, Oo quruxda iyo haybadda lahow. 4 Runta iyo camalqabowga iyo xaqnimada daraaddood, Waxaad faraskaaga ku fuushaa haybad adigoo barwaaqaysan, Oo gacantaada midigna waxay ku bari doontaa waxyaalo cabsi badan. 5 Fallaadhahaagu waa af badan yihiin, Oo waxay wadnaha ka mudaan boqorka cadaawayaashiisa, Dadyowguna hoostaaday ku soo dhacaan.
  • Sab 91:1 : 1 Kan dega Ilaaha ugu sarreeya meeshiisa qarsoon Wuxuu joogi doonaa hooska Qaadirka.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Ish 49:3-5
    3 aayado
    80%

    3Oo wuxuu igu yidhi, Israa'iilow, waxaad tahay addoonkaygii oo waan kugu ammaanmi doonaa.

    4Markaasaan idhi, Wax aan waxba ahayn ayaan u hawshooday, oo xooggaygiina waxaan ku dhammeeyey baabba' iyo wax aan waxba ahayn, laakiinse gartaydu waxay la jirtaa Rabbiga oo abaalgudkayguna wuxuu la jiraa Ilaahayga.

    5Oo haddaba Rabbigii uurka hooyaday iga soo sameeyey inaan isaga addoon u noqdo si aan reer Yacquub isaga ugu keeno, oo reer binu Israa'iilna ay isaga ugu soo wada ururaan, wuu ila hadlay, (waayo, anigu Rabbiga hortiisa waan ku sharaf badnahay, Ilaahayguna wuxuu ii noqday xoog iyo itaal)

  • 1¶ Gasiiradahow, bal i maqla, dadkiinna fogow, bal i dhegaysta, Rabbigu wuxuu iiga yeedhay maxalka, oo uurkii hooyaday ayuu iga soo magacaabay.

  • Bar 3:11-13
    3 aayado
    77%

    11Jidadkaygii wuu iga leexiyey, oo cad cad buu ii kala jaray, cidla buuna iga dhigay.

    12Qaansadiisii wuu xootay, oo wuxuu iga dhigay goolibaadhkii fallaadha.

    13Isagu wuxuu ka dhigay fallaadhihii gabooyihiisu inay kelyahayga galaan.

  • 16Oo erayadaydii ayaan afkaaga geliyey, hooskii gacantaydana waan kugu daboolay si aan samooyinka u kala bixiyo, oo aan aasaaska dhulka u dhigo, oo aan reer Siyoonna ugu idhaahdo, Dadkayga baad tihiin.

  • 76%

    34Isagu cagahayga wuxuu ka dhigaa sida cagaha deerada, Oo wuxuu igu fadhiisiyaa meelahayga sarsare.

    35Gacmahaygana wuxuu baraa dagaalka; Oo sidaas daraaddeed gacmahaygu waxay xoodaan qaanso naxaas ah.

    36Weliba waxaad kaloo i siisay gaashaankii badbaadadaada; Oo roonaantaada ayaa i weynaysay;

  • Sab 18:33-35
    3 aayado
    75%

    33Isagu cagahayga wuxuu ka dhigaa sida cagaha deerada, Oo wuxuu igu fadhiisiyaa meelahayga sare.

    34Gacmahaygana wuxuu baraa dagaalka, Oo sidaas daraaddeed gacmahaygu waxay xoodaan qaanso naxaas ah.

    35Weliba waxaad kaloo i siisay gaashaankii badbaadintaada, Oo waxaa kor ii qaadday gacantaada midig, Oo roonaantaada ayaa i weynaysay.

  • Sab 18:39-40
    2 aayado
    74%

    39Waayo, xoog baad iigu guntisay dagaalka aawadiis, Oo kuwii igu kacayna hoostaydaad ku soo tuurtay.

    40Oo weliba cadaawayaashaydii waxaad ka dhigtay inay dhabarka ii jeediyaan, Si aan u kala gooyo kuwa i neceb.

  • 9Markaasaa Rabbigu gacanta soo fidiyey, oo afkayguu taabtay, kolkaasaa Rabbigu wuxuu igu yidhi, Bal eeg, Anigu erayadaydii ayaan afka kuugu riday.

  • 11Oo seefta waxaa loo dhiibay in la safeeyo si wax loogu isticmaalo. Seefta waxaa loo soo afeeyey oo loo soo safeeyey in gacanta loo geliyo kan wax laaya.

  • 13Xagga sare ayuu lafahayga uga soo daayay dab iyaga ka xoog badnaaday. Cagahayga ayuu shabag u kala bixiyey, oo dib buu ii celiyey. Maalintii oo dhan cidla buu iga dhigay, wuuna i taag gabiyey.

  • 73%

    12Anigoo iska istareexsan ayuu i kala jejebiyey, Oo intuu surka i qabtay ayuu i kala burburiyey, Oo weliba intuu meel i qotomiyey ayuu goolibaadh iga dhigtay.

    13Qaansoolayaashiisii ayaa i hareereeya, Oo kelyahaygii ayuu kala googooyaa, Oo xammeetidaydiina dhulkuu ku daadshaa.

  • 73%

    40Waayo, xoog baad iigu guntisay dagaalka aawadiis; Oo kuwii igu kacayna hoostaydaad ku soo tuurtay.

    41Oo cadaawayaashaydiina waxaad ka dhigtay inay dhabarka ii jeediyaan, Si aan u kala gooyo kuwa i neceb.

  • 4Naftaydu waxay ku dhex jirtaa libaaxyo, Oo anigu waxaan dhex jiifaa kuwo dab lagu shiday, Kuwaasoo ah binu-aadmiga oo ilkahoodu yihiin warmo iyo fallaadho, Oo carrabkooduna yahay seef af badan.

  • 4Wuxuu qaansadiisii u xootay sidii cadow oo kale, oo gacantiisii midigna wuu u taagay sidii nacab oo kale, Oo wixii isha u roonaa ayuu wada laayay, Oo taambuuggii magaalada Siyoonna cadhadiisuu ugu soo daadiyey sidii dab oo kale.

  • 2Waa kuma kan mid xagga bari ka soo kiciyey, oo isaga xaqnimo ugu yeedhay inuu raaco? Quruumaha hortiisuu ku siiyaa, oo isaga ka dhigaa inuu boqorro u taliyo. Iyaga wuxuu seeftiisa kaga dhigaa sida boodh oo kale, oo qaansadiisana wuxuu kaga dhigaa sida xaab bidaya oo kale.

  • Ish 50:4-5
    2 aayado
    72%

    4¶ Sayidka Rabbiga ah ayaa afka kuwa wax bartay i siiyey inaan ogaado si aan hadal ugu taageero kan daallan. Subax kastuu i toosiyaa, subax walbana dhegtayduu u toosiyaa inaan wax u maqlo sida kuwa wax bartay.

    5Sayidka Rabbiga ah ayaa dhegtayda furay, oo aniguna ma aan caasiyoobin, oo dibna ugama aan noqon.

  • 6Oo weliba isagu wuxuu iga dhigay wax ay dadku ku halqabsadaan, Oo waxaan noqday mid ay dadku candhuuf ku tufaan.

  • 3Seeftaadu bowdadaada ha saarnaato, kaaga xoogga badanow, Oo quruxda iyo haybadda lahow.

  • Ish 54:16-17
    2 aayado
    72%

    16Bal eeg, anigaa abuuray birtumaha dabka dhuxuleed afuufa oo hub dagaal u soo saara, oo weliba waxaan abuuray kan wax dumiya inuu wax baabbi'iyo aawadeed.

    17Hub laguu samaystay oo liibaanaya ma jiro, oo af kasta oo garsoorid kuugu kacana waad xukumi doontaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Kanu waa dhaxalkii addoommada Rabbiga, oo xaqnimadooduna xaggaygay ka timid.

  • 43Oo weliba afka seeftiisana dib baad u celisaa, Isagiina kama aad dhigin inuu dagaalka ku sii adkaysto.

  • 15Xooggaygii wuxuu u engegay sidii dheri burburkiisa oo kale, Oo carrabkaygiina daamankayguu ku dhegay, Oo waxaad i gelisay ciiddii dhimashada.

  • 13Rabbiyow, kac, Oo isaga ka hor tag, oo dhulka hoos ugu tuur, Oo naftaydana kan sharka leh seeftaada kaga samatabbixi,

  • 4Adoo ah sida ku xoog badan oo fallaadhihiisa afaysan, Kuwaas oo wata dhuxulo geed rotem la yidhaahdo.

  • Sab 144:1-2
    2 aayado
    71%

    1Mahad waxaa leh Rabbiga dhagaxayga weyn ah, Oo gacmahayga dagaalka bara, Farahaygana dirirta bara,

    2Kaasoo ah raxmaddayda, iyo qalcaddayda, Munaaraddayda, iyo samatabbixiyahayga, Iyo gaashaankayga, iyo kan aan isku halleeyo, Oo dadkayga ka yeela kuwo iga hooseeya.

  • 6Ammaanta sare oo Ilaah afkooda ha ku jirto, Seef laba af lahuna gacantooda ha ku jirto,

  • 25Oo weliba gacantiisa waxaan ka sarraysiin doonaa badda, Midigtiisana webiyaasha.

  • 44Oo waxaad kaloo iga samatabbixisay murankii dadkayga; Oo waxaad iga sii dhigtay quruumaha madaxdoodii; Oo dad aanan aqoon ayaa ii adeegi doona.

  • 21Oo gacantaydu isagay la jiri doontaa, Dhudhunkayguna isaguu xoogayn doonaa.

  • 5Fallaadhahaagu waa af badan yihiin, Oo waxay wadnaha ka mudaan boqorka cadaawayaashiisa, Dadyowguna hoostaaday ku soo dhacaan.

  • 49Oo wuxuu iga soo bixiyaa cadaawayaashayda; Haah, waxaad iga sara marisaa kuwa igu kaca; Oo waxaad iga samatabbixisaa ninka dulmiga badan.

  • 22Sidii maalin ciid ah oo kale ayaad dhinac kasta iigaga yeedhay kuwii aan ka cabsan jiray, Oo maalinta cadhada Rabbiga midna ma baxsan mana hadhin, Kuwii aan koolkooliyey oo aan koriyey cadowgaygaa baabbi'iyey.

  • 8¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Wakhti la aqbalay ayaan kuu jawaabay, oo maalintii badbaadintana waan ku caawiyey, waanan ku ilaalin doonaa, oo axdi ahaan baan dadka kuu siin doonaa inaad dhulka hagaajisid oo aad ka yeeshid in ay dhaxlaan meelihii hantida ahaa ee baabba'ay,

  • 71%

    41Haddaan listo seeftayda dhalaalaysa, Oo gacantayduna xukun qabsato, Cadaawayaashayda waan ka aarsan doonaa, Oo kuwa i necebna waan u abaalgudi doonaa.

    42Fallaadhahayga waan ku sakhraamin doonaa Kuwa la dilay iyo maxaabiista dhiiggooda, Oo seeftayduna waxay hilib ka cuni doontaa Madaxa hoggaamiyayaasha cadowga.

  • 9Laakiinse adigu waxaad tahay kii uurka iga soo bixiyey, Oo intaan naasaha hooyaday nuugayay, waxaad iga dhigtay mid ku aaminsan.

  • 2Waayo, fallaadhahaagii aad bay ii mudeen, Oo gacantaaduna way igu soo degtay.