2 Samuu'eel 22:47

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Rabbigu waa nool yahay; oo mahad waxaa leh dhagaxayga weyn; Oo ha sarreeyo Ilaaha ah dhagaxa weyn ee badbaadintayda;

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sab 89:26 : 26 Aniguu ii qayshan doonaa, oo wuxuu odhan doonaa, Adigu waxaad tahay aabbahay, Iyo Ilaahay, iyo dhagaxii weynaa oo badbaadadayda.
  • Luuk 1:47 : 47 Ruuxayguna wuxuu ku reyreeyey Ilaaha Badbaadiyahayga ah.
  • Sharc 32:39-40 : 39 Haddaba bal eega inaan aniga qudhuhu ahay isagii, Oo aniga mooyaane aan ilaah kale jirin. Wax baan dilaa, waanan soo nooleeyaa. Wax baan dhaawacaa, waanan bogsiiyaa. Mana jiro mid gacantayda wax ka samatabbixin karaa. 40 Waayo, gacantayda ayaan xagga samada kor ugu qaadaa, Oo waxaan leeyahay, Weligay waan noolahay.
  • 2 Sam 22:3 : 3 Iyo Ilaaha ah gabbaadkayga, isagaan isku hallayn doonaa; Isagu waa gaashaankayga, iyo geeska badbaadadayda, iyo munaaraddayda dheer, iyo magangalkayga, Iyo badbaadshahayga, waxaad iga badbaadisaa dulmiga.
  • Ayuub 19:25 : 25 Laakiinse waan ogahay in kii i soo furtay nool yahay, Iyo inuu ugudambaysta dhulka ku istaagi doono.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Sab 18:46-48
    3 aayado
    96%

    46Rabbigu waa nool yahay, oo mahad waxaa leh dhagaxayga weyn, Oo Ilaaha i badbaadiyeyna ha sarreeyo,

    47Kaasoo ah Ilaaha aniga ii aarguda, Oo dadkana hoostayda ku soo tuura.

    48Isagu wuxuu iga badbaadiyaa cadaawayaashayda, Haah, oo adigu waxaad iga sara marisaa kuwa igu kaca, Oo waxaad iga samatabbixisaa ninka dulmiga badan.

  • 2 Sam 22:2-4
    3 aayado
    84%

    2oo wuxuu yidhi, Rabbigu waa dhagax weyn oo ii gabbaad ah, iyo qalcaddayda iyo samatabbixiyahayga, xataa waa kayga;

    3Iyo Ilaaha ah gabbaadkayga, isagaan isku hallayn doonaa; Isagu waa gaashaankayga, iyo geeska badbaadadayda, iyo munaaraddayda dheer, iyo magangalkayga, Iyo badbaadshahayga, waxaad iga badbaadisaa dulmiga.

    4Waxaan baryayaa Rabbiga istaahila in la ammaano, Oo sidaasaan cadaawayaashayda kaga badbaadi doonaa.

  • Sab 18:2-3
    2 aayado
    81%

    2Rabbigu waa dhagax weyn oo ii gabbaad ah iyo qalcaddayda, iyo samatabbixiyahayga, Iyo Ilaahay, iyo gabbaadkayga adag, oo isagaan isku hallayn doonaa, Isagu waa gaashaankayga, iyo geeska badbaadadayda, iyo munaaraddayda dheer.

    3Waxaan baryayaa Rabbiga istaahila in la ammaano, Oo sidaasaan cadaawayaashayda kaga badbaadi doonaa.

  • 81%

    32Bal yaa Ilaah ah, Rabbiga mooyaane? Oo bal yaa dhagax weyn ah, Ilaahayaga mooyaane?

    33Ilaah waa qalcaddayda xoogga badan; Oo isagu wuxuu hoggaamiyaa kuwa jidkiisa ku qumman.

  • 79%

    48Kaasoo ah Ilaaha aniga ii aarguda, Oo dadkana hoostayda ku soo tuura,

    49Oo wuxuu iga soo bixiyaa cadaawayaashayda; Haah, waxaad iga sara marisaa kuwa igu kaca; Oo waxaad iga samatabbixisaa ninka dulmiga badan.

    50Sidaas daraaddeed, Rabbiyow, anigu waxaan kuugu mahadnaqi doonaa quruumaha dhexdooda, Oo magacaaga ammaan baan ugu gabyi doonaa.

  • Sab 62:6-7
    2 aayado
    79%

    6Isaga oo qudha ayaa dhagaxayga weyn iyo badbaadadaydaba ah, Isagu waa munaaraddayda, oo aniga layma dhaqaajin doono.

    7Badbaadadayda iyo ammaantayduba waxay la jiraan Ilaah, Dhagaxii xooggayga iyo magangalkaygaba waa xagga Ilaah.

  • 31Waayo, bal yaa Ilaah ah, Rabbiga mooyaane? Oo bal yaa dhagax weyn ah, Ilaahayaga mooyaane?

  • 14Rabbigu waa xooggayga iyo gabaygayga, Oo wuxuu ii noqday badbaadadayda.

  • 22Laakiinse Rabbigu waxa weeye munaaraddayda, Ilaahayna waa dhagaxii magangalkayga.

  • Sab 144:1-2
    2 aayado
    76%

    1Mahad waxaa leh Rabbiga dhagaxayga weyn ah, Oo gacmahayga dagaalka bara, Farahaygana dirirta bara,

    2Kaasoo ah raxmaddayda, iyo qalcaddayda, Munaaraddayda, iyo samatabbixiyahayga, Iyo gaashaankayga, iyo kan aan isku halleeyo, Oo dadkayga ka yeela kuwo iga hooseeya.

  • Sab 28:6-8
    3 aayado
    76%

    6Mahad waxaa leh Rabbiga, Maxaa yeelay, codkii baryootankayguu maqlay.

    7Rabbigu waa xooggayga iyo gaashaankayga, Qalbigaygu isaguu isku halleeyey, oo waa lay caawiyey, Sidaas daraaddeed qalbigaygu aad iyo aad buu u reyreeyey, Oo gabaygaygaan isaga ku ammaani doonaa.

    8Rabbigu wuxuu dadkiisa u yahay xoog, Oo kiisa subkanna wuxuu u yahay qalcad lagu badbaado.

  • 26Aniguu ii qayshan doonaa, oo wuxuu odhan doonaa, Adigu waxaad tahay aabbahay, Iyo Ilaahay, iyo dhagaxii weynaa oo badbaadadayda.

  • 2Isaga oo qudha ayaa dhagaxayga weyn iyo badbaadadaydaba ah, Isagu waa munaaraddayda, oo aniga aad lay dhaqaajin maayo.

  • 1Rabbigu waa nuurkayga iyo badbaadadayda, bal yaan ka cabsadaa? Oo Rabbigu waa xoogga noloshayda, bal yaan ka baqaa?

  • 2Bal eega, Ilaah waa badbaadadayda! Waan isku hallayn doonaa, mana baqi doono, waayo, Rabbiga Ilaaha ahu waa xooggayga iyo gabaygayga, oo weliba wuxuu ii noqday badbaadadayda.

  • 2Rabbigu waa xooggayga iyo gabaygayga, Oo isagu wuxuu noqday badbaadadayda. Kanu waa Ilaahay, oo anigu waan ammaani doonaa isaga; Waa Ilaahii aabbahay, aniguna waan sarraysiin doonaa.

  • 1Rabbiyow, boqorku wuxuu ku farxi doonaa xooggaaga, Oo badbaadintaadana aad buu ugu rayrayn doonaa.

  • 3Ii noqo dhagax weyn oo rug ah, oo aan had iyo goorba ku noqnoqdo, Waxaad amar ku bixisay in lay badbaadsho, Waayo, adigu waxaad tahay dhagax weyn oo ii gabbaad ah iyo qalcaddayda.

  • 9Oo naftayduna Rabbigay aad ugu farxi doontaa, Oo waxay ku rayrayn doontaa badbaadintiisa.

  • 52Mahad waxaa leh Rabbiga tan iyo weligiisba. Aamiin, iyo aamiin.

  • 13Weligiis iyo weligiisba Waxaa mahad leh Rabbiga ah Ilaaha Israa'iil. Aamiin iyo Aamiin.

  • 8Badbaado waxaa leh Rabbiga, Barakadaadu dadkaaga ha ku soo degto. (Selaah)

  • Sab 140:6-7
    2 aayado
    73%

    6Waxaan Rabbiga ku idhi, Waxaad tahay Ilaahayga, Haddaba, Rabbiyow, bal dhegta u dhig codka baryootankayga.

    7Ilaahow Sayidow, xooggii badbaadadaydow, Maalintii dagaalka madaxaygaad dabooshay.

  • 21Rabbiga Yeruusaalem deggan ha laga ammaano Siyoon. Rabbiga ammaana.

  • 15Si ay u muujiyaan in Rabbigu qumman yahay, Isagu waa dhagaxayga gabbaadka ah, oo xaqdarro kuma jirto.

  • 28Waxaad tahay Ilaahay, oo anna waan kugu mahadnaqi doonaa, Waxaad tahay Ilaahay, oo waan ku sarraysiin doonaa.

  • Sab 27:5-6
    2 aayado
    72%

    5Waayo, isagu maalinta dhibta wuxuu igu qarin doonaa teendhadiisa, Oo meesha qarsoon oo taambuuggiisa ayuu igu xasayn doonaa, Kor buu ii qaadi doonaa oo dhagax weyn buu i saari doonaa.

    6Imminka waxaa madaxayga laga sarraysiin doonaa cadaawayaashayda igu wareegsan, Oo waxaan taambuugga Rabbiga ku dhex bixin doonaa allabari dhawaaq farxadeed leh, Waan gabyi doonaa, haah, ammaan baan Rabbiga ugu gabyi doonaa.

  • 5Ilaahow, samooyinka ka sara mar, Oo ammaantaaduna dhulka oo dhan ha ka sarrayso.

  • 17Anigu ma dhiman doono, laakiinse waan noolaan doonaa, Oo waxaan sheegi doonaa shuqullada Rabbiga.

  • 19Rabbiga Sayidka ah ayaa xoog ii ah, Cagahaygana wuxuu ka dhigaa sida cagaha deerada, Oo wuxuu igu socodsiin doonaa meelahayga sarsare. Tan waxaa lagu tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, oo waxaa lagu qaadaa alaabtayda xadhkaha leh.

  • 30Oo adaan col kuugu dhex ordaa, Oo Ilaahay caawimaaddiisa ayaan derbi kaga boodaa.

  • 2Intaan noolahay oo dhan Rabbiga waan ammaani doonaa, Oo ammaan baan Ilaahay ugu gabyi doonaa intaan jiro oo dhan.

  • 14Laakiinse Rabbiyow, adigaan isku kaa halleeyey, Oo waxaan idhi, Waxaad tahay Ilaahay.

  • 5Rabbiyow, adigaan kuu qayshaday, Oo waxaan idhi, Waxaad tahay magangalkayga, Iyo qaybta aan dalka kuwa nool ku leeyahay.

  • 48Waxaa mahad leh Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil Tan iyo weligiis iyo weligiisba. Oo dadka oo dhammu ha yidhaahdo, Aamiin. Rabbiga ammaana.

  • 16Laakiinse anigu Ilaah baan baryi doonaa, Oo Rabbigaa i badbaadin doona.