Sabuurradii 79:4

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Waxaannu cay u noqonnay derisyadayadii, Kuwa nagu wareegsanna wax la quudhsado oo lagu qoslo.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sab 80:6 : 6 Waxaad nala dirirsiisay derisyadayada, Oo cadaawayaashayadiina way nagu qoslaan.
  • Sab 89:41 : 41 Wax alla wixii jidka soo mara oo dhanba isagay dhacaan, Oo derisyadiisana wuxuu u noqday cay.
  • Yer 24:9 : 9 Oo waxaan ka dhigi doonaa inay boqortooyooyinka dunida oo dhan hor iyo dib ku dhex rogrogmadaan, oo meelaha aan iyaga u kaxayn doono oo dhanba waxay ku noqon doonaan cay iyo maahmaah iyo halqabsi iyo habaar.
  • Yer 25:18 : 18 Yeruusaalem, iyo magaalooyinka dalka Yahuudah, iyo boqorradooda, iyo amiirradooda, si aan iyaga uga dhigo cidla, iyo wax laga yaabo oo lagu foodhyo, iyo inkaar, siday maantaba tahay,
  • Yer 42:18 : 18 Waayo, Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Sidii xanaaqaygii iyo cadhadaydii ay kuwii Yeruusaalem degganaa ugu dheceen oo kale ayaa cadhadaydu idiinku dhici doonta markaad dalka Masar gashaan, oo weliba waxaad wada noqon doontaan wax aad loo karho, iyo wax laga yaabo, iyo inkaar, iyo cay, oo meeshanna mar dambe ma aad arki doontaan innaba.
  • Bar 2:15-16 : 15 Waxa ag mara oo dhammu way kugu sacbiyaan, Wayna ku foodhyaan oo ay madaxa ku lulaan magaalada Yeruusaalem, oo waxay isku yidhaahdaan, Tanu ma magaaladii la odhan jiray Kaamilnimada quruxda iyo farxadda dunida oo dhan baa? 16 Cadaawayaashaadii oo dhammu afkay kugu kala qaadeen, Intay foodhyaan oo ilko jirriqsadaan ayay waxay yidhaahdaan, Waannu liqnay. Sida xaqiiqada ah tanu waa maalintii aannu sugaynay, Waannu helnay oo waannu aragnay.
  • Bar 5:1 : 1 Rabbiyow, bal xusuuso wixii nagu soo degay. Ka fiirso oo bal eeg caydii nalagu caayay.
  • Yex 35:12 : 12 Oo waxaad ogaan doontaa inaan anigoo Rabbiga ah maqlay caydaadii aad buuraha reer binu Israa'iil ku cayday oo dhan, adoo lahaa, Iyaga cidlaa laga dhigay, oo annagaa lanoo siiyey inaan baabbi'inno.
  • Yex 36:3 : 3 Sidaas daraaddeed wax sii sheeg, oo waxaad tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Iyagu cidla bay idinka dhigeen, oo dhinac kastaba way idinka liqeen, si aad quruumaha kale hanti ugu noqotaan, oo waxaa laydinku hadal hayaa bushimaha waranwarrowyada, oo dadyowgaad ceeb u tihiin.
  • Yex 36:15 : 15 Oo Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxaan ka dhigi doonaa inaan mar dambe ceebtii quruumaha dhexdaada laga maqal, oo mar dambena caydii dadyowga siima aad sidan doontid, oo quruuntaadana mar dambe ma aad turunturayn doontid.
  • Daan 9:16 : 16 Sayidow, waan ku baryayaaye xaqnimadaada oo dhan aawadeed, Dhirifkaaga iyo cadhadaaduba ha ka leexdeen magaaladaada Yeruusaalem, oo ah buurtaada quduuska ah; waayo, dembiyadayada iyo xumaantii awowayaashayo aawadood ayaa Yeruusaalem iyo dadkaagiiba kuwo ceebaysan ugu noqdeen inta nagu wareegsan oo dhan.
  • Sharc 28:37 : 37 Oo dadyowga Rabbigu idiin geeyn doono oo dhan dhexdooda waxaad ku ahaan doontaan yaab iyo maahmaah iyo halqabsi.
  • 1 Boq 9:7 : 7 de markaasaan reer binu Israa'iil ka gooyn doonaa dalkii aan siiyey; oo gurigan aan magacayga aawadiis quduus uga dhigayna hortaydaan ka tuuri doonaa, oo reer binu Israa'iilna markaas waxay dadyowga oo dhan ku dhex noqon doonaan maahmaah iyo halqabsi.
  • Nex 2:19 : 19 Laakiinse Sanballad oo ahaa reer Xoron, iyo addoonkii ahaa Toobiyaah oo ahaa reer Cammoon, iyo Geshem oo ahaa Carab, markay taas maqleen ayay nagu qosleen, oo na quudhsadeen, oo waxay yidhaahdeen, War waxaad samaynaysaan waa maxay? Ma boqorkaad ku caasiyoobaysaan?
  • Nex 4:1-4 : 1 ¶ Laakiinse markii Sanballad maqlay inaannu derbigii dhisaynay ayuu cadhooday, oo aad u dhirfay, oo Yuhuuddiina wuu ku majaajilooday. 2 Markaasuu ka hor hadlay walaalihiis iyo ciidankii Samaariya, oo wuxuu yidhi, War Yuhuuddan itaalka daranu waxay samaynayaan waa maxay? Iyaga ma la daynayaa? Oo miyey allabaryayaan? Oo ma maalin bay hawshaas ku dhammaynayaan? Oo dhagxantii miyey ka soo noolaynayaan tuulmooyinkii waxyaalaha baabba'ay oo gubtay? 3 Oo haddana Toobiyaah oo ahaa reer Cammoon oo agtiisa taagnaa wuxuu yidhi, Waxa ay dhisayaan oo dhan xataa haddii dawaco fuusho way kala burburinaysaa derbigooda dhagaxa ah. 4 Ilaahayagow, bal maqal, waayo, waa nala quudhsadaye; caydooda dib ugu celi madaxooda, oo iyaga u gacangeli dal dhaca oo maxaabiis ahaan u kaxaysta.
  • Sab 44:13-14 : 13 Deriskayaga waxaad nooga dhigtaa cay, Oo kuwa hareerahayaga ku wareegsanna waxaad nooga dhigtaa quudhsasho iyo qosol. 14 Quruumaha dhexdooda waxaad nooga dhigtaa halqabsi, Dadyowga dhexdoodana waxaad nooga dhigtaa kuwa madaxa laga lulo.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Sab 44:13-17
    5 aayado
    86%

    13Deriskayaga waxaad nooga dhigtaa cay, Oo kuwa hareerahayaga ku wareegsanna waxaad nooga dhigtaa quudhsasho iyo qosol.

    14Quruumaha dhexdooda waxaad nooga dhigtaa halqabsi, Dadyowga dhexdoodana waxaad nooga dhigtaa kuwa madaxa laga lulo.

    15Maalinta oo dhan sharafdarradaydu way i hor taal, Oo waxaa iga muuqatay ceebtii wejigayga,

    16Waayo, sababtu waxaa weeye codka kan i caaya oo i af xumeeya, Iyo cadowga iyo kan iga aarguta daraaddood.

    17Waxyaalahaas oo dhammu way nagu dhaceen, laakiinse weli kuma aannu illoobin, Axdigaagana khiyaano kuma aannu samayn.

  • 6Waxaad nala dirirsiisay derisyadayada, Oo cadaawayaashayadiina way nagu qoslaan.

  • 41Wax alla wixii jidka soo mara oo dhanba isagay dhacaan, Oo derisyadiisana wuxuu u noqday cay.

  • 4Ilaahayagow, bal maqal, waayo, waa nala quudhsadaye; caydooda dib ugu celi madaxooda, oo iyaga u gacangeli dal dhaca oo maxaabiis ahaan u kaxaysta.

  • Bar 3:45-46
    2 aayado
    76%

    45Waxaad dadyowga dhexdooda naga dhigtay uskag iyo wax la nacay.

    46Cadaawayaashayadii oo dhammu afkay nagu kala qaadeen.

  • 51Annagu waannu ceeboonnay, maxaa yeelay, waxaannu maqalnay cay xun, oo ceeb baa wejigayagii qarisay, waayo, shisheeyayaal ayaa meelaha quduuska ah ee guriga Rabbiga soo dhex galay.

  • Bar 5:1-2
    2 aayado
    74%

    1Rabbiyow, bal xusuuso wixii nagu soo degay. Ka fiirso oo bal eeg caydii nalagu caayay.

    2Dhaxalkayagii waxaa helay shisheeyayaal. Guryahayagiina waxaa iska qaatay ajnabiyo.

  • 11Cadaawayaashayda oo dhan daraaddood ayaan waxaan noqday mid ceebaysan, Xataa deriskayga aad iyo aad baan ugu hor ceeboobay, oo kuwa i yaqaanna way iga cabsadeen, Oo xataa kuwii dibadda igu arkay way iga carareen.

  • 3Dhiiggoodiina waxay Yeruusaalem hareeraheeda ugu daadiyeen sidii biyo oo kale, Cid aastaana ma jirin.

  • Sab 123:3-4
    2 aayado
    74%

    3Rabbiyow, noo naxariiso, annaga noo naxariiso, Waayo, waxaa aad nooga buuxda quudhsasho.

    4Naftayadii waxaa aad uga batay Qosolka kuwa istareexsan Iyo quudhsashadii kuwa kibirsan.

  • 12Sayidow, derisyadayada toddoba jibbaar ugu abaalmari, Oo laabta u geli caydii ay kugu caayeen.

  • 19Waayo, waxaa Siyoon ka yeedhaya cod baroor ah oo leh, Sidee baannu u baabba'nay! Aad iyo aad baannu u ceebownay, maxaa yeelay, dalkii waannu ka tagnay, oo hoyaashayadiina waa nalaga dumiyey.

  • 14Waxaan dadkaygii oo dhan u noqday wax la quudhsado, oo maalintii oo dhanna gabaygooda way igu halqabsadaan.

  • 5Rabbiyow, ilaa goormaad noo cadhaysnaan doontaa? Ma weligaa baa? Masayrkaagu ma sida dab buu u ololi doonaa?

  • 25Oo weliba waxaan iyaga u noqday cay, Oo kolkay i arkaan ayay madaxa ruxruxaan.

  • 3War bal maxaa sida xayawaan naloogu tiriyaa? Oo bal maxaannu hortiinna ugu nijaasownay?

  • Bar 4:17-20
    4 aayado
    72%

    17Intaannu waxtarla'aan caawimaad u fiirinaynay ayaa indhihii na daaleen. Quruuntii aannu fiirinaynay waxay ahayd quruun aan na badbaadin karin.

    18Way na raadraadiyaan, oo jidadkayagana ma mari karno. Ugudambaystayadii way soo dhowaatay. Cimrigayagii wuu dhammaaday, waayo, ugudambaystayadii way timid.

    19Kuwii na eryanayay gorgorka samada way ka sii dheereeyeen. Waxay nagu eryadeen buuraha dushooda, oo cidlada dhexdeeda way noogu gabbadeen.

    20Kii sankayaga neefta u ahaa oo ahaa kii Rabbigu subkay ayaa godadkoodii lagu qabtay, Kaasoo aannu nidhi, Quruumaha dhexdooda ayaannu hooskiisa ku sii degganaanaynaa.

  • Sab 44:9-11
    3 aayado
    72%

    9Laakiinse haatan waad na xoortay, oo sharafdarrona waad nagu soo dejisay, Oo weliba ciidammadayadana ma aad hor kacdid.

    10Waxaa dib nooga celisaa cadowgayaga hortiisa, Oo kuwa na necebuna way na dhacaan.

    11Waxaad naga dhigtay sidii ido la qalayo, Oo waxaad nagu kala firdhisay quruumaha dhexdooda.

  • 13Markii lana xantona, si qabow ayaannu u hadallaa, waxaannu noqonnay uskagga dunida iyo waxa ugu wasakhsan wax kasta tan iyo haatan.

  • 24Laakiinse tan iyo yaraantayadii waxa ceebta ah ayaa baabba' ka dhigtay wixii awowayaashayo ku hawshoodeen oo dhan, xataa adhyahoodii iyo ishkinkoodii, iyo wiilashoodii iyo gabdhahoodiiba.

  • 8Oo taas daraaddeed ayaa cadhada Rabbigu ugu soo degtay dadka Yahuudah iyo Yeruusaalemba, oo Rabbiguna wuxuu iyagii geliyey rabshad iyo in laga yaabo oo lagu foodhyo, sida aad idinkuba indhihiinna ugu aragtaan.

  • 10Ilaahow, ilaa goormaa cadowgu caytamayaa? Cadowgu miyuu magacaaga caayayaa weligiisba?

  • 7Sayidow, xaqnimada adigaa iska leh, laakiinse annagu waxaannu leennahay qasnaan iyo ceeb sida maanta annagoo ah dadka reer Yahuudah, iyo kuwa ku dhaqma Yeruusaalem, iyo reer binu Israa'iil oo dhan, iyo kuwa dhow iyo kuwa fog oo aad dalalka kale u kaxaysay xadgudubkii ay kugu xadgudbeen aawadiis.

  • 11Oo hadda waxaa kaa shiray quruumo badan, oo waxay yidhaahdaan, Ha nijaasowdo, oo indhahayagu Siyoon ha fiiriyeen.

  • 19¶ Rabbiyow, aslanba dalka Yahuudah ma nacday? Naftaadu Siyoon ma karahday? Bal maxaad wax noogu dhufatay oo aannu u bogsan waynay? Nabad baannu filanaynay, laakiinse wax wanaagsanina ma iman, oo waxaannu filanaynay wakhti caafimaad leh, laakiinse waxaa noo timid cabsi keliya!

  • 14Oo weliba waxaan kaa dhigi doonaa meel cidla ah iyo cay dhex taal quruumaha hareerahaaga ku wareegsan, iyadoo ay kuwa ku soo ag mara oo dhanba indhaha ku hayaan.

  • 11Oo haatan waxay cidhiidhiyeen tallaabooyinkayagii, Oo waxay noogu dhaygageen inay dhulka nagu tuuraan aawadeed.

  • 7Maxaa yeelay, adiga daraaddaa ayaan cay u qaaday, Oo waxaa wejigaygii ka muuqatay ceeb.

  • 17Markaasaan ku idhi, War waad aragtaan xaalka xun oo aan ku jirno, iyo sida Yeruusaalem u baabba'day, iyo in irdaheedii dab lagu gubay. Haddaba kaalaya oo aan dhisno derbiga Yeruusaalem, si aynaan mar dambe u sii ceebaysnaan.

  • 5Taada magaceedu ba'ay ee rabshadu ka buuxdaay, kuwa kuu dhow iyo kuwa kaa foguba way kugu majaajiloon doonaan.

  • 50Sayidow, bal soo xusuuso cayda addoommadaada, Iyo sida aan laabta ugu sido cayda dadka badan oo dhan,

  • 7Waayo, annagu cadhadaadii baannu ku baabba'nay, Oo waxaan ku dhibtoonnay xanaaqaagii.

  • 7Tan iyo waagii awowayaashayo iyo ilaa maantadan xujo badan baannu lahayn, oo xumaatooyinkayagii aawadood ayaa annaga iyo boqorradayadii iyo wadaaddadayadiiba loogu gacangeliyey boqorradii dalalka degganaa inay seef nala dhacaan, oo ay maxaabiis naga dhigtaan, oo ay na dhacaan, iyo inay na wareeriyaan, siday maantadan tahay.

  • 7Oo kuwa i arka oo dhammu way igu qoslaan, Bushimahay yuubaan, oo madaxay lulaan, iyagoo leh,

  • 19Adiguse waxaad si xun noogu jebisay meeshii dawacooyinka, Oo waxaad nagu qarisay hooskii dhimashada.

  • 3Toban jeer baad i caydeen, Haddaba miyaydaan ka xishoonayn inaad saas oo xun iila macaamilootaan?

  • 4Wakhtigaas waxaa laydinku qaadi doonaa masaal, waxaa lagu barooran doonaa baroor aad u weyn, oo waxaa la odhan doonaa, Annaga waa nala wada baabbi'iyey. Isagu waa beddelaa qaybtii dadkayga. Bal sidee buu iiga wareejiyaa! Oo beerahayagiina wuxuu u qaybiyaa caasiyiinta.

  • 8Taas aawadeed dhar joonyad ah guntada, oo baroorta, oo qayliya, waayo, cadhadii Rabbiga oo kululayd nagama noqon.