Sabuurradii 90:7

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Waayo, annagu cadhadaadii baannu ku baabba'nay, Oo waxaan ku dhibtoonnay xanaaqaagii.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sab 39:11 : 11 Markaad dadka canaanta ku edbisid xumaanta daraaddeed, Waxaad quruxdiisa ka dhigtaa inay u baabba'do sidii balanbaallis oo kale, Hubaal nin kastaaba waa bilaash. (Selaah)
  • Sab 59:13 : 13 Iyaga cadho ku baabbi'i, si aanay mar dambe u jirin iyaga baabbi'i, Oo ha ogaadeen in Ilaah u taliyo reer Yacquub Tan iyo dhulka darafkiisa. (Selaah)
  • Sab 90:9 : 9 Waayo, maalmahayagii oo dhammu waxay nagu dhaafeen cadhadaada, Oo cimrigayagiina wuxuu u dhammaaday sidii sheeko la sheegay.
  • Sab 90:11 : 11 Bal yaa yaqaan cadhadaada xooggeeda, Iyo xanaaqaaga kaas oo waafaqsan cabsida kugu habboon in lagaa cabsado?
  • Room 2:8-9 : 8 laakiin kuwa iskala qaybqaybiya, oo aan runta addeecin, laakiinse xaqdarrada addeeca, waxaa u ahaan doona cadho iyo ciil, 9 iyo dhibaato iyo cidhiidhiba, oo waxay u ahaan doonaan naf kasta oo dadka sharka sameeya, marka hore Yuhuudda, dabadeedna Gariigga.
  • Cib 3:10-11 : 10 Taas daraaddeed qarnigan waan u cadhaysnaa, Oo waxaan idhi, Had iyo goorba qalbigooday ka qaldamaan, Oo iyagu ma ay aqoon jidadkaygii. 11 Sidaas daraaddeed anigoo cadhaysan ayaan waxaan ku dhaartay, Iyagu nasashadayda ma geli doonaan.
  • Cib 3:17-4:2 : 17 Oo yuu afartan sannadood u cadhaysnaa? Miyaanay ahayn kuwii dembaabay oo meydadkoodu cidlada ku dhacdhaceen? 18 Oo yuu ku dhaartay inaanay nasashadiisa gelin, kuwii isaga addeeci waayay mooyaane? 19 Oo waxaynu aragnaa inaanay geli karin rumaysaddarro aawadeed. 1 ¶ Sidaas daraaddeed aynu cabsanno, inta ballan nasashadiisa lagu gelayaa jiro, inaan midkiinna u ekaan mid gaadhi waayay. 2 Waayo, innagana war wanaagsan baa laynagu wacdiyey sidooda oo kale, laakiin hadalkay maqleen waxba uma uu tarin iyaga, maxaa yeelay, kuwii maqlay rumaysad kuma ay darin.
  • Bax 14:24 : 24 Oo markii waagii beryay waxaa dhacday in Rabbigu ciidankii Masriyiinta ka dhex fiiriyey tiirkii dabka ahaa iyo kii daruurta ahaa, kolkaasuu kadeeday ciidankii Masriyiinta.
  • Tir 17:12-13 : 12 ¶ Markaasay reer binu Israa'iil Muuse la hadleen, oo waxay ku yidhaahdeen, War bal eeg, waannu baabba'aynaa, oo waannu halligmaynaa, kulligayo waannu wada halligmaynaaye. 13 Mid kasta oo soo dhowaada oo u soo dhowaadaa taambuugga Rabbiga wuu dhiman doonaa. Haddaba kulligayo miyaannu wada baabba'aynaa?
  • Sharc 2:14-16 : 14 Oo wakhtigii u dhexeeyey waagii aan Qaadeesh Barneeca ka soo kacnay iyo markii aan durdurka Sered ka soo gudubnay wuxuu ahaa siddeed iyo soddon sannadood, ilamaa qarnigii dagaalyahannada ahaa oo dhan laga wada baabbi'iyey xerada dhexdeedii, sidii Rabbigu iyaga ugu dhaartay. 15 Oo weliba gacantii Rabbigu iyaga gees bay ka ahayd, si iyaga looga wada baabbi'iyo xerada dhexdeeda jeeray wada baabba'aan. 16 ¶ Markii dadkii dagaalyahannada ahaa oo dhammu ay wada baabbe'een oo ay dadka dhexdiisii ka wada le'deen,

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Sab 90:8-12
    5 aayado
    83%

    8Xumaatooyinkayagii waxaad dhigtay hortaada, Oo dembiyadayadii qarsoonaana waxaad dhigtay iftiinka wejigaaga.

    9Waayo, maalmahayagii oo dhammu waxay nagu dhaafeen cadhadaada, Oo cimrigayagiina wuxuu u dhammaaday sidii sheeko la sheegay.

    10Waayo, wakhtiga cimrigayagu waxa weeye toddobaatan sannadood, Oo xataa hadduu xoog aawadiis ku sii dheeraado waa siddeetan sannadood, Laakiinse faankiisu waa hawl iyo caloolxumo miidhan, Waayo, haddiiba wuu iska dhammaadaa, oo annana waannu duulnaa.

    11Bal yaa yaqaan cadhadaada xooggeeda, Iyo xanaaqaaga kaas oo waafaqsan cabsida kugu habboon in lagaa cabsado?

    12Haddaba na bar inaannu tirinno maalmaha cimrigayaga, Si aannu u helno qalbi xigmad leh.

  • Sab 85:3-5
    3 aayado
    76%

    3Cadhadaadii oo dhan waad fogaysay, Oo waad ka soo noqotay kulaylkii xanaaqaaga.

    4Ilaaha Badbaadadayadow, na soo celi, Oo dhirifkaaga naga jooji.

    5Miyaad weligaaba noo cadhaysnaanaysaa? Oo xanaaqaaga miyaad sii dheeraynaysaa tan iyo ka ab ka ab?

  • 6Subaxda way cagaaraan, wayna soo baxaan, Oo fiidkana waa la jaraa, wayna engegaan.

  • 43Cadho baad isku dabooshay, waanad na eryatay, waad na dishay, oo noomana aadan tudhin.

  • 16Cadhadaadii kululayd ayaa i kor martay, Oo waxaa i baabbi'iyey waxyaalihii aad igu cabsiisay.

  • Sab 79:4-5
    2 aayado
    74%

    4Waxaannu cay u noqonnay derisyadayadii, Kuwa nagu wareegsanna wax la quudhsado oo lagu qoslo.

    5Rabbiyow, ilaa goormaad noo cadhaysnaan doontaa? Ma weligaa baa? Masayrkaagu ma sida dab buu u ololi doonaa?

  • 22Laakiinse dhammaantayoba waad na diidday. Oo aad baad noogu cadhootay.

  • 7Adigase waa in lagaa cabsadaa, Bal yaa hortaada istaagi kara mar haddaad cadhootid?

  • 3Kolkaasay innagoo noolnool ina wada liqliqi lahaayeen, Markay aad inoogu cadhoodeen,

  • 1Ilaahow, bal maxaad weligaaba noo xoortay? Oo bal maxaa cadhadaadu ugu kululaataa idaha daaqsintaada?

  • 24Xanaaqaaga iyaga ku deji, Oo cadhadaada kulaylkeeduna ha qabsado.

  • 10Haddaba belaayadaada iga durki, Maxaa yeelay, waxaa i baabbi'iyey weerarka gacantaada.

  • 8Taas aawadeed dhar joonyad ah guntada, oo baroorta, oo qayliya, waayo, cadhadii Rabbiga oo kululayd nagama noqon.

  • 19Sidee bay daqiiqad ugu noqdeen meel cidla ah! Dhammaantood waxay ku baabba'een cabsi.

  • 46Rabbiyow, ilaa goormaad isqarin doontaa? Ma weligaa baa? Oo ilaa goormay cadhadaadu sida dab u ololi doontaa?

  • 7Oo innaba lama arko mid magacaaga ku baryootama, ama niyadiisa u kiciya inuu ku xagsado, waayo, wejigaagii waad naga qarisay, oo xumaatooyinkayagii aawadood waad na wada baabbi'isay.

  • 7Cadhadaadii baa igu soo degtay, Oo waxaad igu dhibtay hirarkaagii oo dhan. (Selaah)

  • 12¶ Waayo, Rabbiyow, xadgudubyadayadii hortaaday ku bateen, oo waxaa nagu marag fura dembiyadayada, waayo, xadgudubyadayadu way nala jiraan, oo xumaatooyinkayagana waannu og nahay.

  • 10Sababtuna waa dhirifkaagii iyo cadhadaadii aawadood, Waayo, kor baad ii qaadday, dabadeedna waad i xoortay.

  • 4Rabbiyow Ilaaha ciidammadow, Ilaa goormaad u cadhaysnaan doontaa baryootanka dadkaaga?

  • Sab 90:14-15
    2 aayado
    71%

    14Aroorta naxariistaada naga dhergi, Si aannu u rayrayno oo aannu u faraxsanaano maalmaha cimrigayaga oo dhan.

    15Nooga farxi intii ay ahaayeen maalmihii aad na dhibtay, Iyo sannadihii aan sharka aragnay in le'eg.

  • 3Rabbiyow, noo naxariiso, annaga noo naxariiso, Waayo, waxaa aad nooga buuxda quudhsasho.

  • 16Dab baa lagu gubay, oo waa la gooyay, Oo waxay ku halligmeen canaantii jaahaaga.

  • 20Waxayna yidhaahdaan, Sida xaqiiqada ah kuwii nagu kacay waa la baabbi'iyey, Oo kuwoodii hadhayna dab baa liqay.

  • 1Ilaahow, adigu waad na xoortay, oo waad na dudumisay, Oo waad nagu cadhootay, haddaba bal mar na soo celi.

  • 29waayo, Ilaaheennu waa dab wax baabbi'iya.

  • 20Rabbiyow, annagu waannu aqoonsannaa sharnimadayada iyo xumaantii awowayaashayoba, waayo, waannu kugu dembaabnay.

  • 14haddaba waxaas oo dhan dabadeed ma mar kalaannu amarradaada jebinnaa, oo aannu la xididnaa dadyowga karaahiyadan sameeya? Sow noo cadhoon maysid jeeraad na wada baabbi'isid oo aadan innaba naga reebin dad hadha iyo mid naga baxsada toona?

  • 37Oo xeryihii nabaadiinada waa la wada baabbi'iyey Rabbiga xanaaqiisa kulul aawadiis.

  • 1Rabbiyow, cadhadaada ha igu canaanan, Oo dhirifkaaga kululna ha igu edbin.

  • 3War bal maxaa sida xayawaan naloogu tiriyaa? Oo bal maxaannu hortiinna ugu nijaasownay?

  • 45Waxaad dadyowga dhexdooda naga dhigtay uskag iyo wax la nacay.

  • 9Rabbiyow, aad ha u cadhoon, oo xumaantana ilaa weligaa ha sii xusuusan. Bal eeg, oo na fiiri, waan ku baryaynaaye, waayo, kulligayo dadkaaga baannu nahay.

  • 8Oo taas daraaddeed ayaa cadhada Rabbigu ugu soo degtay dadka Yahuudah iyo Yeruusaalemba, oo Rabbiguna wuxuu iyagii geliyey rabshad iyo in laga yaabo oo lagu foodhyo, sida aad idinkuba indhihiinna ugu aragtaan.

  • 5Kan isagoo faraxsan xaqnimo sameeya, iyo kuwa jidadkaaga kugu xusuusta waad la kulantaa. Waad cadhaysnayd, waannuna dembaabnay. Dembiyadaas wakhti dheer baannu ku sii soconnay, haddaba ma nala badbaadin doonaa?

  • 14Bal eega, makhribkii cabsi baa jirta, oo aroortii ka horna ma jiraan. Taasu waa waxa ku dhaca kuwa na booba iyo qaybtii kuwa na dhaca.

  • 2Rabbiyow, noo roonow, waayo, waannu ku sugaynay, subax kasta gacan noo ahow, oo wakhtiga dhibaatadana badbaado noo noqo.

  • 27oo sidaas daraaddeed ayaa Rabbigu ugu xanaaqay dalkan, inuu ku soo dejiyo kulli inkaarta kitaabkan ku qoran oo dhan.

  • 8Ha noo xusuusnaan dembiyadii awowayaashayo, Naxariistaadu dhaqsiyo ha noogu timaado, Waayo, aad baa lanoo dhibay.

  • 14Waayo, maalintii oo dhan waa lay dhibayay, Oo subax kastana waa lay edbinayay.

  • 19Adiguse waxaad si xun noogu jebisay meeshii dawacooyinka, Oo waxaad nagu qarisay hooskii dhimashada.

  • 7Tan iyo waagii awowayaashayo iyo ilaa maantadan xujo badan baannu lahayn, oo xumaatooyinkayagii aawadood ayaa annaga iyo boqorradayadii iyo wadaaddadayadiiba loogu gacangeliyey boqorradii dalalka degganaa inay seef nala dhacaan, oo ay maxaabiis naga dhigtaan, oo ay na dhacaan, iyo inay na wareeriyaan, siday maantadan tahay.