Sabuurradii 80:4

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Rabbiyow Ilaaha ciidammadow, Ilaa goormaad u cadhaysnaan doontaa baryootanka dadkaaga?

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sab 85:5 : 5 Miyaad weligaaba noo cadhaysnaanaysaa? Oo xanaaqaaga miyaad sii dheeraynaysaa tan iyo ka ab ka ab?
  • Ish 58:2-3 : 2 Laakiinse iyagu maalin kasta way i doondoonaan, oo waxay jecel yihiin inay jidadkayga ogaadaan. Sidii quruun xaqnimo samaysay oo aan innaba amarkii Ilaahooda ka tegin waxay i weyddiistaan amarro xaq ah, oo waxay aad u jecel yihiin inay Ilaah ku soo dhowaadaan. 3 Waxay leeyihiin, Bal maxaannu u soonnay oo aad u arki weyday? Bal maxaannu naftayada u dhibnay oo aad u daymoon weyday? Bal eega, maalintii aad soontaan waad iska raaxaysataan, oo shaqaalihiinna oo dhanna waad dulantaan.
  • Ish 58:6-9 : 6 Sow kanu ma aha soonkii aan doortay in silsiladihii sharnimada la furo, oo guntimihii harqoodka la debciyo, oo kuwa la dulmay la xoreeyo, oo aad harqood kasta jebisaan? 7 Sow ma aha inaad kibistaada ka gaajaysan u gooysid, oo aad masaakiinta aan hoy lahayn gurigaaga soo gelisid, oo markaad aragtid mid qaawan aad wax huwisid, oo aadan xigtadaada aad isku jiidhka tihiin ka dhuuman? 8 Oo markaas iftiinkaagu wuxuu u soo kaahi doonaa sida kaaha waaberi, oo bogsiintaaduna dhaqso bay u soo bixi doontaa, oo xaqnimadaaduna way ku hor socon doontaa, oo ammaanta Rabbiguna way ku daba socon doontaa. 9 Markaasaad dhawaaqi doontaa, oo Rabbiguna waa kuu jawaabi doonaa, waad u qayshan doontaa, oo isna wuxuu ku odhan doonaa, Waa i kan. Haddaad dhexdaada ka fogaysid harqoodka, iyo farta fiiqiddeeda, iyo hadlidda sharka ah,
  • Bar 3:44 : 44 Daruur baad isku dabooshay si aan baryona kuugu soo gudbin.
  • Mat 15:22-28 : 22 Oo naag reer Kancaan ah ayaa soohdimahaas ka soo baxday oo qaylisay iyadoo leh, Ii naxariiso, Sayidow, ina Daa'uudow. Gabadhayda jinni baa si xun u waalaya. 23 Laakiin hadal uguma uu jawaabin. Markaasaa xertiisii u timid oo ka bariday iyagoo leh, Eri, waayo, way inaga daba qaylinaysaa. 24 Laakiin wuxuu u jawaabay oo ku yidhi, La iima soo dirin, idaha lunsan oo reer binu Israa'iil maahee. 25 Laakiin iyadu way u timid oo sujuudday, oo waxay tidhi, Sayidow, i caawi. 26 Wuxuu u jawaabay oo ku yidhi, Ma wanaagsana in carruurta kibistooda la qaado oo eeyaha loo tuuro. 27 Waxay tidhi, Waa run, Sayidow, laakiin weliba eeyahu waxay cunaan jajabka ka dhaca miiska sayidkooda. 28 Markaasaa Ciise u jawaabay oo ku yidhi, Naagtay, rumaysadkaagu waa weyn yahay ee ha kuu noqoto sidaad doonaysid. Oo saacaddaasba gabadheedii waa bogsatay.
  • Luuk 18:1-8 : 1 ¶ Si Ciise u tuso inay waajib ku tahay iyaga inay mar walba tukadaan oo aanay ka qalbi jabin, wuxuu iyaga kula hadlay masaal isagoo leh, 2 Waxaa magaalo joogay xaakin aan Ilaah ka baqi jirin, ninnana aan danayn jirin. 3 Waxaana magaaladaas joogtay carmal ninkeedii ka dhintay, marar badanna way u timid, iyadoo ku leh, Cadowgayga iga xaq sii. 4 Intii wakhti ah ayuu yeeli waayay, laakiin dabadeed wuxuu isku yidhi, In kastoo aanan Ilaah ka baqin, oo aanan ninna danayn, 5 weliba dhibta ay carmalkan i dhibayso aawadeed, waan xaq siin doonaa, si aanay marar badan iigu soo noqnoqon oo ii daalin. 6 Markaasaa Rabbigu yidhi, Maqla wixii xaakinkii xaqa darnaa yidhi. 7 Ilaahna miyaanu xaq siin doonin kuwuu doortay oo habeen iyo maalinba u qayliya; oo miyaanu u dulqaadan doonin? 8 Waxaan idinku leeyahay, Dhaqsoba wuu u xaq siin doonaa; hase ahaatee goortuu Wiilka Aadanahu yimaado, markaas rumaysad ma ka heli doonaa dhulka?
  • Sharc 29:20 : 20 Rabbigu ninkaas saamixi maayo, laakiinse Rabbiga cadhadiisa iyo masayrkiisa ayaa ninkaas ku kululaan doona, oo inkaarta kitaabkan ku qoran oo dhammuna isagay saarnaan doontaa, oo Rabbiguna magiciisa wuu ka tirtiri doonaa inta samada ka hoosaysa oo dhan.
  • Sab 59:5 : 5 Rabbiyow, Ilaaha ciidammadow, Ilaaha reer binu Israa'iilow, Sara joogso oo quruumaha oo dhan soo booqo, Oo innaba ha u naxariisan xadgudbayaasha. (Selaah)
  • Sab 74:1 : 1 Ilaahow, bal maxaad weligaaba noo xoortay? Oo bal maxaa cadhadaadu ugu kululaataa idaha daaqsintaada?
  • Sab 79:5 : 5 Rabbiyow, ilaa goormaad noo cadhaysnaan doontaa? Ma weligaa baa? Masayrkaagu ma sida dab buu u ololi doonaa?

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Sab 79:5-6
    2 aayado
    82%

    5Rabbiyow, ilaa goormaad noo cadhaysnaan doontaa? Ma weligaa baa? Masayrkaagu ma sida dab buu u ololi doonaa?

    6Cadhadaada ku soo deji quruumaha aan ku aqoon, Iyo boqortooyooyinka aan magacaaga kugu baryin.

  • Sab 85:3-6
    4 aayado
    81%

    3Cadhadaadii oo dhan waad fogaysay, Oo waad ka soo noqotay kulaylkii xanaaqaaga.

    4Ilaaha Badbaadadayadow, na soo celi, Oo dhirifkaaga naga jooji.

    5Miyaad weligaaba noo cadhaysnaanaysaa? Oo xanaaqaaga miyaad sii dheeraynaysaa tan iyo ka ab ka ab?

    6Miyaanad mar dambe na soo noolaynayn, Si ay dadkaagu kuugu reyreeyaan?

  • 13Rabbiyow, soo noqo, ilaa goormaad soo noqonaysaa? Oo raalli ka ahow addoommadaada.

  • 3Ilaahow, mar kale na soo celi, Oo wejigaaga noo iftiimi, oo waannu badbaadi doonnaa.

  • Sab 80:5-7
    3 aayado
    76%

    5Waxaad ku quudisay kibistii ilmada, Oo ilmo aad u badanna ayaad cabsiisay.

    6Waxaad nala dirirsiisay derisyadayada, Oo cadaawayaashayadiina way nagu qoslaan.

    7Ilaaha ciidammadow, mar kale na soo celi, Oo wejigaaga noo iftiimi, oo waannu badbaadi doonnaa.

  • 46Rabbiyow, ilaa goormaad isqarin doontaa? Ma weligaa baa? Oo ilaa goormay cadhadaadu sida dab u ololi doontaa?

  • 10Ilaahow, ilaa goormaa cadowgu caytamayaa? Cadowgu miyuu magacaaga caayayaa weligiisba?

  • Sab 13:1-2
    2 aayado
    75%

    1Rabbiyow, ilaa goormaad i illoobaysaa? Ma weligaa baa? Oo ilaa goormaad wejigaaga iga qarinaysaa?

    2Ilaa goormaan naftayda la tashanayaa, Anigoo maalinta oo dhan calool xun? Ilaa goormuu cadowgaygu iga sarraynayaa?

  • 1Ilaahow, bal maxaad weligaaba noo xoortay? Oo bal maxaa cadhadaadu ugu kululaataa idaha daaqsintaada?

  • Sab 80:18-19
    2 aayado
    74%

    18Markaas dib kaaga noqon mayno, Na noolee, oo markaasaannu magacaaga ku baryootamaynaa.

    19Rabbiyow Ilaaha ciidammadow, mar kale na soo celi, Oo wejigaaga noo iftiimi, oo waannu badbaadi doonnaa.

  • 9Rabbiyow, aad ha u cadhoon, oo xumaantana ilaa weligaa ha sii xusuusan. Bal eeg, oo na fiiri, waan ku baryaynaaye, waayo, kulligayo dadkaaga baannu nahay.

  • 12Rabbiyow, waxyaalahaas aawadood ma isu celinaysaa? Ma iska aamusaysaa, oo ma aad baad noo sii dhibaysaa?

  • 1Ilaahow, adigu waad na xoortay, oo waad na dudumisay, Oo waad nagu cadhootay, haddaba bal mar na soo celi.

  • Bar 5:20-22
    3 aayado
    74%

    20Haddaba bal maxaad weligaaba noo illowdaa, Oo maxaad wakhti dheer noo dayrisaa?

    21Rabbiyow, xaggaaga noo soo celi, oo waannu soo noqon doonnaa. Maalmahayagana sida kuwii hore oo kale nooga dhig.

    22Laakiinse dhammaantayoba waad na diidday. Oo aad baad noogu cadhootay.

  • 16Sayidow, waan ku baryayaaye xaqnimadaada oo dhan aawadeed, Dhirifkaaga iyo cadhadaaduba ha ka leexdeen magaaladaada Yeruusaalem, oo ah buurtaada quduuska ah; waayo, dembiyadayada iyo xumaantii awowayaashayo aawadood ayaa Yeruusaalem iyo dadkaagiiba kuwo ceebaysan ugu noqdeen inta nagu wareegsan oo dhan.

  • 3Oo weliba naftayduna aad iyo aad bay u dhibaataysan tahay, Adiguse, Rabbiyow, ilaa goormaad sugaysaa?

  • Yoel 2:17-18
    2 aayado
    73%

    17Wadaaddada midiidinnada Rabbiga ahu balbalada iyo meesha allabariga dhexdooda ha ku ooyeen, oo iyagu ha yidhaahdeen, Rabbiyow, dadkaaga u tudh, oo dadka dhaxalkaaga ah wax la caayo ha ka dhigin oo yaanay quruumuhu iyaga u taline. Waayo, bal maxaa dadyowga dhexdooda looga odhan doonaa, Bal meeh Ilaahooda?

    18¶ Markaasaa Rabbigu u hinaasay dalkiisii, oo dadkiisuu u naxay.

  • 8Rabbiyow, Ilaaha ciidammadow, baryadayda maqal, Ilaaha Yacquubow, bal dhegta ii dhig, (Selaah)

  • 12Markaasaa malaggii Rabbigu jawaabay oo wuxuu yidhi, Rabbiga ciidammadow, ilaa goormaadan u naxariisanayn Yeruusaalem iyo magaalooyinka dalka Yahuudah, kuwaasoo aad toddobaatan sannadood u cadhaysnayd?

  • 14Ilaaha ciidammadow, waannu ku baryaynaaye noo soo noqo, Samada hoos nooga soo fiiri oo intaad soo eegtid, geedkan canabka ah soo booqo,

  • 4War waa adiga xanaaq daraaddiis isla jeexjeexayaye Dhulka ma daraaddaa baa looga tegayaa? Mase dhagaxa ayaa meeshiisa laga rujinayaa?

  • 7Sayidku weligiisba ma i xoorayaa? Oo miyaanu mar dambe raalli iga ahaanaynin?

  • Sab 44:23-24
    2 aayado
    72%

    23Toos, maxaad u huruddaa, Sayidow? Sara joogso, oo ha na xoorin weligaa.

    24Bal maxaad wejiga nooga qarsanaysaa, Oo aad u illoobaysaa dhibaatada iyo dulmiga aan ku dhex jirno?

  • Bar 3:43-44
    2 aayado
    72%

    43Cadho baad isku dabooshay, waanad na eryatay, waad na dishay, oo noomana aadan tudhin.

    44Daruur baad isku dabooshay si aan baryona kuugu soo gudbin.

  • 3Rabbiyow, kuwa sharka lahu ilaa goormay, Kuwa sharka lahu ilaa goormay guulaysanayaan?

  • 7Waayo, annagu cadhadaadii baannu ku baabba'nay, Oo waxaan ku dhibtoonnay xanaaqaagii.

  • 8Taas aawadeed dhar joonyad ah guntada, oo baroorta, oo qayliya, waayo, cadhadii Rabbiga oo kululayd nagama noqon.

  • 1Rabbiyow, cadhadaada ha igu canaanan, Oo dhirifkaaga kululna ha igu edbin.

  • 2Rabbiyow, noo roonow, waayo, waannu ku sugaynay, subax kasta gacan noo ahow, oo wakhtiga dhibaatadana badbaado noo noqo.

  • 71%

    39de markaas tukashadooda iyo baryootankooda ka maqal samada oo ah meeshaad deggan tahay, dacwaddoodana u yeel, oo cafi dadkaaga kugu dembaabay.

    40Haddaba Ilaahayow waan ku baryayaaye indhahaagu ha furmeen oo dhegahaaguna ha maqleen baryootanka meeshan lagu baryootamo.

  • 7Iyagu ma xumaan bay ku baxsan doonaan? Ilaahow, dadyowga adoo cadhaysan hoos u tuur.

  • 52oo dhegahaagu ha maqleen baryootanka addoonkaaga iyo baryootanka dadkaaga reer binu Israa'iil si aad u maqashid mar alla markay kuu qayshadaanba,

  • 11Ilaahow, sow nama aadan xoorin? Ilaahow, lama soo baxdid ciidammadayada.

  • 28Oo weliba Rabbiyow, Ilaahayow, aqbal tukashadayda iyo baryootankayga anoo addoonkaaga ah, oo maqal qaylada iyo tukashada anoo addoonkaaga ahu aan maanta hortaada ku tukanayo,

  • 9Haddaba waan idin baryayaaye, Rabbiga barya inuu inoo roonaado aawadeed. Haddaba idinkoo waxaas sameeyey, miyuu midkiinna aqbalayaa? Saasuu Rabbiga ciidammadu leeyahay.

  • 1Rabbiyow, cadhadaada ha igu canaanan, Oo dhirifkaaga kululna ha igu edbin.