Ishacyaah 64:12

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Rabbiyow, waxyaalahaas aawadood ma isu celinaysaa? Ma iska aamusaysaa, oo ma aad baad noo sii dhibaysaa?

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Ish 42:14 : 14 ¶ Wakhti dheer baan iska aamusnaa oo aan xasilloonaa oo aan iscelinayay, oo haatan waxaan u qaylin doonaa sida naag foolanaysa oo kale, waan hinraagi doonaa, waanan taahi doonaa.
  • Sab 74:10-11 : 10 Ilaahow, ilaa goormaa cadowgu caytamayaa? Cadowgu miyuu magacaaga caayayaa weligiisba? 11 Bal maxaad gacantaada midig dib ugu celisaa? Laabtaada ka soo bixi oo iyaga baabbi'i.
  • Sab 74:18-19 : 18 Rabbiyow, xusuuso in cadowgu caytamay, Iyo in dad nacas ahu magacaaga caayay. 19 Qoolleydaada nafteeda ha u gacangelin dugaagga, Weligaaba ha illoobin nafta masaakiintaada,
  • Sak 1:12 : 12 Markaasaa malaggii Rabbigu jawaabay oo wuxuu yidhi, Rabbiga ciidammadow, ilaa goormaadan u naxariisanayn Yeruusaalem iyo magaalooyinka dalka Yahuudah, kuwaasoo aad toddobaatan sannadood u cadhaysnayd?
  • Sab 83:1 : 1 Ilaahow, shib ha odhan, Oo ha aamusin, afkana ha haysan, Ilaahow.
  • Sab 89:46-51 : 46 Rabbiyow, ilaa goormaad isqarin doontaa? Ma weligaa baa? Oo ilaa goormay cadhadaadu sida dab u ololi doontaa? 47 Bal xusuuso sida wakhtigaygu u gaaban yahay, Waayo, sidaad binu-aadmiga oo dhan u abuurtay micnedarnaa! 48 Bal waa ninkee kan iska noolaan doona isagoo aan dhimasho arkin, Oo naftiisa ka samatabbixin doona xoogga She'ool? (Selaah) 49 Sayidow, meeday naxariistaadii hore, Oo aad Daa'uud aaminnimadaada ugu dhaaratay? 50 Sayidow, bal soo xusuuso cayda addoommadaada, Iyo sida aan laabta ugu sido cayda dadka badan oo dhan, 51 Rabbiyow, waana tii ay cadaawayaashaadu igu caayeen, Oo waa tii ay ku caayeen tallaabooyinka kaaga subkan.
  • Muj 6:10 : 10 oo iyana waxay ku dhawaaqeen cod weyn iyagoo leh, Sayidkayaga quduuskaa oo runtahow, ilaa goormaadan xukumayn oo aadan dhiigayaga nooga aarayn kuwa dhulka jooga?
  • Sab 79:5 : 5 Rabbiyow, ilaa goormaad noo cadhaysnaan doontaa? Ma weligaa baa? Masayrkaagu ma sida dab buu u ololi doonaa?
  • Sab 80:3-4 : 3 Ilaahow, mar kale na soo celi, Oo wejigaaga noo iftiimi, oo waannu badbaadi doonnaa. 4 Rabbiyow Ilaaha ciidammadow, Ilaa goormaad u cadhaysnaan doontaa baryootanka dadkaaga?
  • Sab 10:1 : 1 Rabbiyow, maxaad meesha fog u istaagtay? Oo maxaad u dhuumataa markii dhibaato jirto?

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Ish 64:9-11
    3 aayado
    84%

    9Rabbiyow, aad ha u cadhoon, oo xumaantana ilaa weligaa ha sii xusuusan. Bal eeg, oo na fiiri, waan ku baryaynaaye, waayo, kulligayo dadkaaga baannu nahay.

    10Magaalooyinkaagii quduuska ahaa cidlo bay noqdeen, Siyoon waxay noqotay cidlo oo kale, Yeruusaalemna waxay noqotay meel baabba' ah.

    11Gurigayagii quduuska ahaa oo qurxoonaa oo ahaa meeshii ay awowayaashayo kugu ammaani jireen dab baa lagu gubay, oo waxyaalahayagii wanwanaagsanaa oo dhanna waa la wada baabbi'iyey.

  • Sab 44:23-24
    2 aayado
    77%

    23Toos, maxaad u huruddaa, Sayidow? Sara joogso, oo ha na xoorin weligaa.

    24Bal maxaad wejiga nooga qarsanaysaa, Oo aad u illoobaysaa dhibaatada iyo dulmiga aan ku dhex jirno?

  • Yer 14:19-20
    2 aayado
    75%

    19¶ Rabbiyow, aslanba dalka Yahuudah ma nacday? Naftaadu Siyoon ma karahday? Bal maxaad wax noogu dhufatay oo aannu u bogsan waynay? Nabad baannu filanaynay, laakiinse wax wanaagsanina ma iman, oo waxaannu filanaynay wakhti caafimaad leh, laakiinse waxaa noo timid cabsi keliya!

    20Rabbiyow, annagu waannu aqoonsannaa sharnimadayada iyo xumaantii awowayaashayoba, waayo, waannu kugu dembaabnay.

  • 7Oo innaba lama arko mid magacaaga ku baryootama, ama niyadiisa u kiciya inuu ku xagsado, waayo, wejigaagii waad naga qarisay, oo xumaatooyinkayagii aawadood waad na wada baabbi'isay.

  • Bar 1:12-13
    2 aayado
    75%

    12Miyaydaan dan iga lahayn, kuwiinna i ag marayow? Bal eega, oo fiiriya hadday jirto murug murugtayda la mid ah ee laygu riday, Oo uu Rabbigu igu dhibay maalintii ay cadhadiisa kululu timid.

    13Xagga sare ayuu lafahayga uga soo daayay dab iyaga ka xoog badnaaday. Cagahayga ayuu shabag u kala bixiyey, oo dib buu ii celiyey. Maalintii oo dhan cidla buu iga dhigay, wuuna i taag gabiyey.

  • Cesr 9:13-14
    2 aayado
    74%

    13Oo tanu waxay noogu soo degtay falimahayagii sharka ahaa aawadood, iyo xujadayadii weynayd aawadeed, maxaa yeelay, Ilaahayagiiyow, waxaad nagu taqsiirtay wax ka yar intii xumaatooyinkayagu mudnaayeen, oo weliba waxaad na siisay dad caynkan ah oo noo hadha,

    14haddaba waxaas oo dhan dabadeed ma mar kalaannu amarradaada jebinnaa, oo aannu la xididnaa dadyowga karaahiyadan sameeya? Sow noo cadhoon maysid jeeraad na wada baabbi'isid oo aadan innaba naga reebin dad hadha iyo mid naga baxsada toona?

  • 4Rabbiyow Ilaaha ciidammadow, Ilaa goormaad u cadhaysnaan doontaa baryootanka dadkaaga?

  • 15Bal samada wax ka soo fiiri, oo bal rugtaada quduusnimada iyo ammaanta leh wax ka soo arag. Meeyey qiiradaadii iyo xooggaagii? Jacaylkii iyo raxmaddii aad ii qabtay way iga joogsadeen.

  • 46Rabbiyow, ilaa goormaad isqarin doontaa? Ma weligaa baa? Oo ilaa goormay cadhadaadu sida dab u ololi doontaa?

  • 1Ilaahow, adigu waad na xoortay, oo waad na dudumisay, Oo waad nagu cadhootay, haddaba bal mar na soo celi.

  • 5Rabbiyow, ilaa goormaad noo cadhaysnaan doontaa? Ma weligaa baa? Masayrkaagu ma sida dab buu u ololi doonaa?

  • 12¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, In kastoo ay xoog badan yihiin oo weliba ay tiro badan yihiin, haddana iyaga waa la wada gooyn doonaa, oo isna wuu dhammaan doonaa. In kastoo aan idin dhibay, mar dambe idin dhibi maayo.

  • 17Wadaaddada midiidinnada Rabbiga ahu balbalada iyo meesha allabariga dhexdooda ha ku ooyeen, oo iyagu ha yidhaahdeen, Rabbiyow, dadkaaga u tudh, oo dadka dhaxalkaaga ah wax la caayo ha ka dhigin oo yaanay quruumuhu iyaga u taline. Waayo, bal maxaa dadyowga dhexdooda looga odhan doonaa, Bal meeh Ilaahooda?

  • 8Taas aawadeed dhar joonyad ah guntada, oo baroorta, oo qayliya, waayo, cadhadii Rabbiga oo kululayd nagama noqon.

  • 16Sayidow, waan ku baryayaaye xaqnimadaada oo dhan aawadeed, Dhirifkaaga iyo cadhadaaduba ha ka leexdeen magaaladaada Yeruusaalem, oo ah buurtaada quduuska ah; waayo, dembiyadayada iyo xumaantii awowayaashayo aawadood ayaa Yeruusaalem iyo dadkaagiiba kuwo ceebaysan ugu noqdeen inta nagu wareegsan oo dhan.

  • 22Markaasuu Rabbigu u sii adkaysan kari waayay, waana sharka falimihiinna iyo karaahiyada aad samayseen aawadood, oo sidaas daraaddeed dalkiinnii wuxuu u noqday cidla, iyo wax laga yaabo, iyo inkaar, oo ciduna ma deggana siday maantadan tahay.

  • 10Oo markaad dadkan u sheegtid erayadan oo dhan oo ay kugu yidhaahdaan, Bal maxaa Rabbigu noogaga hadlay masiibadan weyn? Amase waa maxay xumaantayadu? Amase waa maxay dembigii aannu Rabbiga Ilaahayaga ah ku samaynay?

  • 14¶ Wakhti dheer baan iska aamusnaa oo aan xasilloonaa oo aan iscelinayay, oo haatan waxaan u qaylin doonaa sida naag foolanaysa oo kale, waan hinraagi doonaa, waanan taahi doonaa.

  • 43Cadho baad isku dabooshay, waanad na eryatay, waad na dishay, oo noomana aadan tudhin.

  • 4Ilaa goormuu dalku sii barooranayaa, oo uu waddanka oo dhan dooggiisu engegayaa? Xumaanta kuwa dhex deggan aawadeed ayaa xayawaankii iyo shimbirrihiiba wada baabbe'een, maxaa yeelay, dadku waxay yidhaahdeen, Isagu ugudambaystayada ma uu arki doono.

  • Sab 85:5-6
    2 aayado
    72%

    5Miyaad weligaaba noo cadhaysnaanaysaa? Oo xanaaqaaga miyaad sii dheeraynaysaa tan iyo ka ab ka ab?

    6Miyaanad mar dambe na soo noolaynayn, Si ay dadkaagu kuugu reyreeyaan?

  • 3Oo weliba naftayduna aad iyo aad bay u dhibaataysan tahay, Adiguse, Rabbiyow, ilaa goormaad sugaysaa?

  • 22Laakiinse dhammaantayoba waad na diidday. Oo aad baad noogu cadhootay.

  • 15Bal maxaad ula qaylinaysaa nabarkaaga? Xanuunkaagu waa mid aan bogsan karin, waana xumaantaadii badatay aawadeed, oo waxaan waxyaalahan kuugu sameeyey waa dembiyadaadii sii kordhay aawadood.

  • 11Waxaad na gelisay shabagga dabinka ah, Oo waxaad simaha naga saartay culaab weyn.

  • 1Ilaahow, bal maxaad weligaaba noo xoortay? Oo bal maxaa cadhadaadu ugu kululaataa idaha daaqsintaada?

  • 1Rabbiyow, cadhadaada ha igu canaanan, Oo dhirifkaaga kululna ha igu edbin.

  • 20Haddaba bal maxaad weligaaba noo illowdaa, Oo maxaad wakhti dheer noo dayrisaa?

  • 4War waa adiga xanaaq daraaddiis isla jeexjeexayaye Dhulka ma daraaddaa baa looga tegayaa? Mase dhagaxa ayaa meeshiisa laga rujinayaa?

  • 11Ilaahow, sow nama aadan xoorin? Ilaahow, lama soo baxdid ciidammadayada.

  • 1Rabbiyow, ilaa goormaad i illoobaysaa? Ma weligaa baa? Oo ilaa goormaad wejigaaga iga qarinaysaa?

  • 19Adiguse waxaad si xun noogu jebisay meeshii dawacooyinka, Oo waxaad nagu qarisay hooskii dhimashada.

  • 8Oo taas daraaddeed ayaa cadhada Rabbigu ugu soo degtay dadka Yahuudah iyo Yeruusaalemba, oo Rabbiguna wuxuu iyagii geliyey rabshad iyo in laga yaabo oo lagu foodhyo, sida aad idinkuba indhihiinna ugu aragtaan.

  • 1Rabbiyow, bal xusuuso wixii nagu soo degay. Ka fiirso oo bal eeg caydii nalagu caayay.

  • 17Waxyaalahaas oo dhammu way nagu dhaceen, laakiinse weli kuma aannu illoobin, Axdigaagana khiyaano kuma aannu samayn.

  • 20Rabbiyow, bal eeg, oo ka fiirso kan aad waxan ku samaysay! Naaguhu ma inay midhaha maxalkooda oo ah carruurtii ay koolkooliyeen cunaan baa? Wadaadka iyo nebiga ma in meesha quduuska ah ee Sayidka lagu dilaa baa?

  • 11Markaasaan idhi, Sayidow, waa ilaa goorma? Oo isna wuxuu iigu jawaabay, Waa ilaa magaalooyinku baabba'aan oo wax deggan laga waayo, oo guryuhuna ay noqdaan cidla, oo dalkuna uu dhammaantiis wada baabba'o,

  • 32Haddaba sidaas daraaddeed Ilaahayaga weyn, oo Qaadirka ah, oo laga cabsado, oo xajiya axdiga iyo naxariistow, dhibkan oo dhammu yuusan wax yar kula ekaan, kaasoo ku soo kor degay annaga, iyo boqorradayadii, iyo amiirradayadii, iyo wadaaddadayadii, iyo nebiyadayadii, iyo awowayaashayadii, iyo dadkaagii oo dhan, tan iyo wakhtigii boqorradii Ashuur iyo ilaa maantadan la joogo.

  • 5Kan isagoo faraxsan xaqnimo sameeya, iyo kuwa jidadkaaga kugu xusuusta waad la kulantaa. Waad cadhaysnayd, waannuna dembaabnay. Dembiyadaas wakhti dheer baannu ku sii soconnay, haddaba ma nala badbaadin doonaa?

  • 51Annagu waannu ceeboonnay, maxaa yeelay, waxaannu maqalnay cay xun, oo ceeb baa wejigayagii qarisay, waayo, shisheeyayaal ayaa meelaha quduuska ah ee guriga Rabbiga soo dhex galay.

  • 2Rabbiyow, ilaa goormaan kuu qayshadaa, oo adna aadan i maqlayn? Dulmi baan kaaga qayshadaa, oo namana aad badbaadisid.

  • 1Rabbiyow, cadhadaada ha igu canaanan, Oo dhirifkaaga kululna ha igu edbin.

  • 19¶ Reer Siyoon oo Yeruusaalem degganow, mar dambe ma aad ooyi doontaan, waayo, isagu hubaal aad buu idiinku roonaan doonaa markaad qaylisaan, oo markuu maqlo wuu idiin jawaabi doonaa.