Sabuurradii 73:21

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Waayo, qalbigaygu wuu murugooday, Oo waxaa layga muday kelyaha,

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Ayuub 16:13 : 13 Qaansoolayaashiisii ayaa i hareereeya, Oo kelyahaygii ayuu kala googooyaa, Oo xammeetidaydiina dhulkuu ku daadshaa.
  • Sab 37:1 : 1 Ha isku dhibin xumaanfalayaasha aawadood, Hana uga hinaasin kuwa xaqdarrada sameeya.
  • Sab 37:7 : 7 Rabbiga ku hor xasilloonow, oo isaga samir ku sug, Oo ha isku dhibin kii jidkiisa ku barwaaqaysan Iyo ninkii hindisooyin shar ah sameeya toona.
  • Sab 73:3 : 3 Waayo, waxaan ka hinaasay kuwa qabka weyn, Markaan arkay barwaaqada ay kuwa sharka lahu haystaan.
  • Bar 3:13 : 13 Isagu wuxuu ka dhigay fallaadhihii gabooyihiisu inay kelyahayga galaan.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 20Rabbiyow, bal i eeg, waayo, cidhiidhi baan ku jiraa. Uurkaa i gubanaya, Qalbigayguna wuu igu dhex rogman yahay, waayo, aad baan u caasiyoobay. Dibadda seef baa igu gablamisa, gurigana geeri baa ii joogta.

  • 16Markaan ku fikiray si aan tan ku ogaado, Aad bay iigu xanuun badnayd,

  • 4Sidaas daraaddeed ayaa ruuxaygu iigu dhex itaal darnaadaa, Qalbigayguna gudahayguu ku cidloobay.

  • 4Wadnuhu aad buu ii xanuunayaa, Oo waxaa igu dhacday cabsida dhimashada.

  • Sab 38:6-8
    3 aayado
    77%

    6Waan xanuunsanayaa, oo aad baan hoos ugu gotay, Oo maalinta oo dhanna oohin baan la wareegaa.

    7Waayo, dhexdayda waxaa ka buuxa olol, Oo jidhkayguna fayoobaan ma leh.

    8Waan itaal daranahay, oo aad baan u burbursanahay, Oo waxaan la cabaaday buuqa qalbigayga ku jira.

  • 13Isagu wuxuu ka dhigay fallaadhihii gabooyihiisu inay kelyahayga galaan.

  • Sab 31:9-10
    2 aayado
    76%

    9Rabbiyow, ii naxariiso, waayo, cidhiidhi baan ku jiraa, Oo murug baan la il go'aa, oo naftayda iyo jidhkayguba way taag darnaadaan.

    10Waayo, noloshaydu waxay ku dhammaatay caloolxumo, cimrigayguna taahid, Oo dembigayga daraaddiis ayaa xooggaygii ii gabay, lafahaygiina way wada kharribmeen.

  • Ish 21:3-4
    2 aayado
    76%

    3Sidaas daraaddeed naxdin baa cidhiidhi i gelisay, oo waxaa i qabtay xanuun badan sida naag foosheed oo kale, oo xanuun aawadiis waxba waan maqli kari waayay, oo naxdin aawadeed waxba waan arki kari waayay.

    4Waan qalbitakhtakhay, oo cabsi baa i argaggixisay. Fiidkii aan istareexa ka filanayay gariir buu iigu rogmaday.

  • 76%

    16Haddaba naftaydaa igu dhex daadatay, Oo waxaan la kulmay wakhti dhibaato badan.

    17Habeenkii lafahaygaa i muda, Oo xanuunka i cunayaana ima daayo innaba.

  • 14Waxaan u shubmay sidii biyo oo kale, Oo lafahaygii oo dhammuna xubnihii way ka kala bexeen, Oo qalbigaygii wuxuu noqday sidii shamac oo kale, Oo wuxuu ku dhex dhalaalay xiidmahayga.

  • 18¶ Murugtaydu waa mid aan la fududayn karin, oo qalbigaygiina waa igu dhex taag darnaaday.

  • 13Qaansoolayaashiisii ayaa i hareereeya, Oo kelyahaygii ayuu kala googooyaa, Oo xammeetidaydiina dhulkuu ku daadshaa.

  • 22Waxaan ahaa doqon iyo jaahil, Oo hortaada waxaan ku ahaa sidii xoolo oo kale.

  • 27Qalbigaygu welwel buu la kacsan yahay, mana nasto, Oo waxaan la kulmay wakhti dhibaato badan.

  • Sab 102:4-5
    2 aayado
    75%

    4Wadnahayga wax baa lagu dhuftay, sida caws oo kalena wuu engegay, Waayo, waan iska illoobaa inaan kibistayda cuno.

    5Codkii taahiddayda daraaddiis Ayaa lafahaygu jidhkayga ku dhegaan.

  • 14Waayo, maalintii oo dhan waa lay dhibayay, Oo subax kastana waa lay edbinayay.

  • 2Laakiinse anigu waan turunturoon gaadhay, Oo tallaabooyinkayguna waxay u dhowaadeen inay simbiriirixdaan.

  • Bar 3:19-20
    2 aayado
    75%

    19Xusuuso dhibkaygii iyo wareeggaygii, iyo dacartii iyo xammeetidii.

    20Naftaydu iyagay weli soo xusuusataa, oo ceeb bay la foororsatay.

  • 22Waayo, anigu waxaan ahay miskiin iyo mid baahan, Oo qalbigayguna wuu igu dhex dhaawacmay.

  • 17Waayo, waxaan ku dhowahay inaan dhaco, Oo tiiraanyadayduna had iyo goorba way i hor taalaa.

  • 3Qalbigaygu uurkayguu ku kululaaday, Oo intii aan fikirayay ayaa dabkii shidmay, Markaasaan carrabkaygii ku hadlay, oo idhi,

  • 20Cay baa i qalbi jebisay, waanan quusanayaa, Oo waxaan doondoonay mid ii jixinjixa, laakiinse waan waayay, Oo waxaan doondoonay kuwo i qalbi qaboojiya, laakiinse ma aanan helin.

  • 1Oo weliba taas aawadeed qalbigaygu wuu gariiraa, Oo meeshiisiina wuu ka dhaqaaqaa.

  • 16Waayo, Ilaah ayaa qalbigayga itaal darreeyey, Oo Ilaaha Qaadirka ah ayaa iga nixiyey,

  • 3Xadhkihii dhimashada ayaa i hareereeyey, Xanuunkii She'oolna waa i qabsaday. Oo waxaan la kulmay dhib iyo murug.

  • 11Jidadkaygii wuu iga leexiyey, oo cad cad buu ii kala jaray, cidla buuna iga dhigay.

  • 22Xumaantooda oo dhammu hortaada ha timaado, Oo iyaga ku samee wixii aad xadgudubyadayda aawadood iigu samaysay oo dhan, Waayo, taahaygu waa badan yahay, oo qalbigaygiina wuu itaal darnaaday.

  • 2Rabbiyow, i imtixaan, oo i tijaabi, Oo uurkayga iyo qalbigaygana baadh.

  • 15Haddaba bal maxaan idhaahdaa? Isagu wuu ila hadlay, oo weliba isaga qudhiisaa waxan sameeyey. Haddaba cimrigayga oo dhan tartiib baan u socon doonaa qadhaadhka naftayda aawadiis.

  • 19Anigaa iska hoogay nabarkayga aawadiis! Dhaawacaygu aad buu u xun yahay, laakiinse waxaan is-idhi, Sida runta ah kanu waa xanuundaran, waase inaan u adkaystaa.

  • 3Markii naftaydu gudahayga ku itaal darnaatay, waddadayda waad tiqiin, Jidka aan ku socdona dabin bay iigu qariyeen.

  • 1Sida deeradu biyaha durdurka ugu harraaddo, Ayay naftaydu kuugu harraaddaa, Ilaahayow.

  • 19Calooshaydiiyey, calooshaydiiyey! Aniga qalbigaa i xanuunaya, oo wadnahaa i fig leh. Iskamana aamusi karo, maxaa yeelay, naftaydiiyey, waxaad maqashay buunka dhawaaqiisii iyo qayladii dagaalka.

  • 7Indhahaygii murug bay la arag daranyihiin, Oo xubnahaygii oo dhammuna waxay noqdeen sidii hoos oo kale.

  • 11Sidaas daraaddeed anigu afkayga celin maayo; Waxaan ku hadli doonaa cidhiidhiga qalbigayga, Oo waxaan ku caban doonaa tiiraanyada qadhaadh oo naftayda.

  • 17Xumaantii hunguriweynaantiisa aawadeed ayaan u cadhooday oo aan wax ugu dhuftay. Waan isqariyey oo waan cadhooday, oo isna wuu ku sii leexday xagga jidkii qalbigiisa.

  • 11Cimrigaygii waa dhammaaday, Oo qasdigaygii iyo fikirradii qalbigayguba waa baabbe'een.

  • 10Wadnahaa i fig leh, oo xooggaygiina waa i gabay, Oo weliba iftiinkii indhahayguna waa iga tegey.

  • 2Waayo, fallaadhahaagii aad bay ii mudeen, Oo gacantaaduna way igu soo degtay.

  • Sab 6:2-3
    2 aayado
    73%

    2Rabbiyow, ii naxariiso, waayo, anigu waan taagdaranahay, Rabbiyow, i bogsii, waayo, lafahaygu way dhib qabaan.

    3Oo weliba naftayduna aad iyo aad bay u dhibaataysan tahay, Adiguse, Rabbiyow, ilaa goormaad sugaysaa?

  • 2Xataa maantadan guryankayga cabashada ahu waa qadhaadh yahay, Oo gacanta i saaranuna waa ka sii daran tahay cabashadayda.

  • 17Dhibaatooyinka qalbigaygu way sii ballaadheen, Cidhiidhigayga iga bixi.