2 Samuu'eel 22:5

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Waayo, waxaa i hareereeyey hirarkii dhimashada, Oo waxaa i cabsiiyey daadkii cibaadola'aanta.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sab 69:14-15 : 14 Dhoobada iga samatabbixi, oo yaanan ku liimban, Oo ha layga samatabbixiyo kuwa i neceb, iyo biyaha moolka dheer. 15 Biyaha daadka ahuna yaanay i qarqin, Oo yaan moolku i liqin, Oo yamayskuna yaanu afkiisa igu qabsan.
  • Yoon 2:3 : 3 Waayo, waxaad igu dhex tuurtay moolka iyo badda uurkeeda. Hareerahaygana waxaa ku wareegsanaa daad, Hirarkaagii iyo mawjadahaagii oo dhammuna way i dul mareen.
  • 1 Tes 5:3 : 3 Markay leeyihiin, Waa nabad iyo salaamad, kolkaasaa filashola'aan halaaggu u qaban doonaa sida fooshu naag uur leh u qabato; iyaguna sinaba ugama baxsan doonaan.
  • Muj 12:15-16 : 15 Oo maskiina wuxuu afkiisa ka tufay oo naagtii ka daba tuuray biyo ah sidii webi, si uu durdurku u qaado. 16 Markaasaa dhulku naagtii caawiyey, oo afka kala qaaday, oo wuxuu liqay webigii masduulaagu afkiisa ka soo tuuray.
  • Muj 17:1 : 1 ¶ Markaasaa waxaa timid toddobadii malaa'igood oo toddobada fijaan haystay middood, oo way ila hadashay, waxayna igu tidhi, Kaalay halkan, waxaan ku tusi doonaa xukunka dhillada weyn oo biyaha badan ku dul fadhida,
  • Muj 17:15 : 15 ¶ Markaasay waxay igu tidhi, Biyihii aad aragtay oo ay dhilladu ku dul fadhiday waxa weeyaan dadad iyo maqluuqyo iyo quruumo iyo afaf.
  • Sab 93:3-4 : 3 Rabbiyow, webiyadii kor bay u kaceen, Webiyadii codkooday kor u qaadeen, Oo webiyadii waxay kor u qaadeen hirarkoodii. 4 Biyaha badan codkooda, Iyo mawjadaha badda oo waaweynba Waxaa ka sii xoog badan Rabbiga sare.
  • Ish 59:19 : 19 Markaasaa magaca Rabbiga xagga galbeed lagaga cabsan doonaa, oo ammaantiisana xagga qorrax-ka-soobaxaa lagaga cabsan doonaa. Marka cadowgu sida daad oo kale u yimaado ayaa Ruuxa Rabbigu eryi doonaa.
  • Yer 46:7-8 : 7 Yuu yahay kan u soo kaca sida Webi Niil, oo biyihiisu ay sida webiyaasha u rogrogmadaan? 8 Dalka Masar ayaa u kaca sida Webi Niil, oo biyihiisuna way u rogrogmadaan sida webiyaasha oo kale, oo wuxuu leeyahay, Anigu waan kacayaa, oo dhulkaan dabooli doonaa, waanan baabbi'in doonaa magaalada iyo dadka dhex degganba.
  • Sab 18:4 : 4 Waxaa i hareereeyey xadhkihii dhimashada, Oo waxaa i cabsiiyey daadkii cibaadala'aanta.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Sab 18:3-5
    3 aayado
    92%

    3Waxaan baryayaa Rabbiga istaahila in la ammaano, Oo sidaasaan cadaawayaashayda kaga badbaadi doonaa.

    4Waxaa i hareereeyey xadhkihii dhimashada, Oo waxaa i cabsiiyey daadkii cibaadala'aanta.

    5Waxaa igu wareegsanaa xadhkihii She'ool, Oo waxaa i qabsaday dabinnadii dhimashada.

  • 6Waxaa igu wareegsanaa xadhkihii She'ool; Oo waxaa i qabsaday dabinnadii dhimashada.

  • Yoon 2:3-6
    4 aayado
    82%

    3Waayo, waxaad igu dhex tuurtay moolka iyo badda uurkeeda. Hareerahaygana waxaa ku wareegsanaa daad, Hirarkaagii iyo mawjadahaagii oo dhammuna way i dul mareen.

    4Kolkaasaan idhi, Indhahaaga hortooda waa layga tuuray; Welise waxaan mar kale eegayaa macbudkaaga quduuskaa.

    5Biyihii way i hareerayeen xataa naftayda, Moolkiina wuu igu wareegsanaa; Madaxaygana waxaa ku duudduubnaa caws badeed.

    6Waxaan hoos ugu dhaadhacay buuraha guntooda; Oo weligay waxaa i awday dhulkii iyo gudbayaashiisiiba; Laakiinse, Rabbiyow, Ilaahayow, noloshaydii waxaad ka soo bixisay yamayskii.

  • Sab 116:3-4
    2 aayado
    81%

    3Xadhkihii dhimashada ayaa i hareereeyey, Xanuunkii She'oolna waa i qabsaday. Oo waxaan la kulmay dhib iyo murug.

    4Markaasaan ku baryootamay magaca Rabbiga, Anigoo leh, Rabbiyow, naftayda samatabbixi.

  • Sab 69:1-2
    2 aayado
    78%

    1Ilaahow, i badbaadi, Waayo, biyaa naftii ii keenay.

    2Waxaan ku dhex liimbadaa dhoobo mool dheer oo aan lahayn meel laysku taago, Waxaan ku dhacay biyo mool dheer, oo daad baa halkaas igu qarqinaya.

  • 7Moolba mool buu u yeedhaa markay biya dhacu qaylinayaan, Hirarkaagii iyo mawjadahaagii oo dhammu dushayday mareen.

  • 78%

    17Xagga sare ayuu cid ka soo diray, oo wuu i qaaday; Oo wuxuu iga soo dhex bixiyey biyo badan.

    18Wuxuu iga samatabbixiyey cadowgaygii xoogga badnaa, Iyo kuwii i necbaaba; waayo, iyagu way iga xoog badnaayeen.

  • 54Madaxaygii biyaa ku kor daatay, oo waxaan is-idhi, Waad go'day.

  • Sab 124:4-5
    2 aayado
    77%

    4Kolkaasay biyuhu ina qarqin lahaayeen, Durdurna nafteennuu dul mari lahaa,

    5Oo kolkaasay biyaha kibirsanu nafteenna dul mari lahaayeen.

  • Sab 55:4-5
    2 aayado
    77%

    4Wadnuhu aad buu ii xanuunayaa, Oo waxaa igu dhacday cabsida dhimashada.

    5Baqdin iyo gariir ayaa igu soo degay, Oo naxdin baa i dabooshay.

  • Sab 69:14-15
    2 aayado
    76%

    14Dhoobada iga samatabbixi, oo yaanan ku liimban, Oo ha layga samatabbixiyo kuwa i neceb, iyo biyaha moolka dheer.

    15Biyaha daadka ahuna yaanay i qarqin, Oo yaan moolku i liqin, Oo yamayskuna yaanu afkiisa igu qabsan.

  • 7Cadhadaadii baa igu soo degtay, Oo waxaad igu dhibtay hirarkaagii oo dhan. (Selaah)

  • 4Waxaan baryayaa Rabbiga istaahila in la ammaano, Oo sidaasaan cadaawayaashayda kaga badbaadi doonaa.

  • Sab 18:16-17
    2 aayado
    75%

    16Xagga sare ayuu cid ka soo diray, oo wuu i qaaday, Oo wuxuu iga soo dhex bixiyey biyo badan.

    17Wuxuu iga samatabbixiyey cadowgaygii xoogga badnaa, Iyo kuwii i necbaaba, waayo, iyagu way iga xoog badnaayeen.

  • 16Ilaahow, biyuhu way ku arkeen, Biyuhu way ku arkeen, oo way cabsadeen, Oo moolalkuna way gariireen.

  • 74%

    14Jabniin ballaadhan ayay ka soo dusaan, Oo burburka dhexdiisa ayay igaga soo dhacaan.

    15Waxaa igu soo jeesta cabsi weyn, Oo sharaftayda waxaa loo kaxeeyaa sida dabayshu wax u kaxayso oo kale. Barwaaqadaydiina waxay u dhammaatay sidii daruur oo kale.

  • 3Rabbiyow, webiyadii kor bay u kaceen, Webiyadii codkooday kor u qaadeen, Oo webiyadii waxay kor u qaadeen hirarkoodii.

  • 9Waxaad iga qarisaa kuwa sharka leh oo i kharriba, Kuwaas oo ah cadaawayaasha naftayda oo hareerahayga ku wareegsan.

  • 13Rabbiyow, ii naxariiso, Bal eeg dhibaatada ay kuwa i necebu igu hayaan. Waxaad kor iiga qaaddaa irdaha dhimashada,

  • 6Taas daraaddeed mid kastoo cibaado lahu ha ku soo baryo wakhti lagu heli karo, Hubaal markii biyaha badanu dhulka qarqiyaan, isaga sooma ay gaadhi doonaan.

  • 12Waayo, xumaatooyin aan la tirin karin ayaa i hareereeyey, Oo dembiyadaydii ayaa i qabsaday, sidaas daraaddeed kor ma fiirin karo, Iyagu way ka badan yihiin timaha madaxayga, oo qalbigaygiina waa i gabay.

  • Sab 88:15-17
    3 aayado
    73%

    15Waan dhibaataysnaa oo waxaan ku dhowaa inaan dhinto tan iyo yaraantaydiiba, Intaad cabsidaada igu riddayna waan caataysnaa.

    16Cadhadaadii kululayd ayaa i kor martay, Oo waxaa i baabbi'iyey waxyaalihii aad igu cabsiisay.

    17Maalintii oo dhan waxay hareerahayga ugu wareegsanaayeen sidii biyo oo kale, Dhammaantood way i wada hareereeyeen.

  • 5Oo waxaa iyagii qariyey moolkii, Oo moolkay dhex tiimbadeen sidii dhagax oo kale.

  • 3Markaan cabsado, Waan isku kaa hallaynayaa.

  • 14Ilaahow, kuwa kibirka lahu way igu keceen, Ururka dadka dulmiga badanna waxay doonayeen inay nafta iga qaadaan, Oo adigana kuuma ay soo jeesan.

  • 18Rabbigu aad buu ii edbiyey, Laakiinse dhimasho iima uu dhiibin.

  • 10Buurihii way ku arkeen, oo way cabsadeen. Biyaha xoogga lahuna way iska gudbeen, Moolkii codkiisuu ku hadlay, Gacmihiisiina kor buu u taagay.

  • 16Laakiinse anigu Ilaah baan baryi doonaa, Oo Rabbigaa i badbaadin doona.

  • 5Kuwii dhintayna way ku hoos gariiraan Biyaha iyo waxyaalaha dhex deggan.

  • 1Anigoo cidhiidhi ku jira ayaan Rabbiga u qayshaday, Oo isna wuu ii jawaabay.

  • 5Kuwa kibirka badanu waxay ii qariyeen dabin iyo xadhko, Oo jidka dhinaciisana waxay ii gogleen shabag, oo siriq bay ii qooleen. (Selaah)

  • 3Waayo, cadowgaa naftayda silciyey, Noloshaydiina dhulkuu ku tuuray, Oo wuxuu iga dhigay inaan meelo gudcur ah dego, sidii kuwii waagii hore dhintay.

  • 25Waayo, hadba wixii aan ka cabsado ayaa igu soo dega, Oo wixii aan ka baqo ayaa ii yimaada.

  • 1Rabbiyow, waxaan kaaga qayshaday moolalka.

  • 1Rabbigu waa nuurkayga iyo badbaadadayda, bal yaan ka cabsadaa? Oo Rabbigu waa xoogga noloshayda, bal yaan ka baqaa?