Sabuurradii 77:16

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Ilaahow, biyuhu way ku arkeen, Biyuhu way ku arkeen, oo way cabsadeen, Oo moolalkuna way gariireen.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bax 14:21 : 21 Markaasaa Muuse gacantii baddii ku kor fidiyey, oo habeenkii oo dhan Rabbigu wuxuu baddii dib ugu celiyey dabayl xoog badan oo bari ka timid, oo wuxuu baddii ka dhigay dhul engegan, oo biyihiina way kala go'een.
  • Yash 3:15-16 : 15 oo markii kuwa sanduuqa sida ay soo gaadheen Webi Urdun, oo wadaaddada sida sanduuqa ay cagahoodu galeen biyaha qarkooda, (waayo, xilliga waxgoosashada oo dhan Webi Urdun qararkiisa oo dhan buu buuxdhaafaa) 16 ayay biyaha kor ka imanayay istaageen, iyagoo tuulan, oo meel aad u fog bay istaageen oo u dhow magaalada la yidhaahdo Aadaam oo ku ag taal Saaretaan. Kuwii hoos u kacay xagga badda Caraabaah, taasoo ah Badda Cusbada leh, iyana kulligood waa go'een; oo dadkii wuxuu u gudbay meel ku toosan Yerixoo.
  • Sab 114:3-6 : 3 Baddii way aragtay, wayna carartay, Webi Urdunna dib baa loo celiyey. 4 Buurihii waxay u boodboodeen sidii wanan, Kurihiina sidii baraar. 5 Baddoy, bal maxaa kugu dhacay oo aad u cararaysaa? Webi Urdunow, maxaad dib ugu noqonaysaa? 6 Buurahow, bal maxaad ugu boodboodaysaan sida wanan? Kuraha yaryarow, bal maxaad ugu boodboodaysaan sida baraar?
  • Xab 3:8-9 : 8 Rabbigu ma wuxuu u cadhooday webiyaasha? Ma waxaad u xanaaqday webiyaasha Mase waxaad u cadhootay badda? Ma saas aawadeed baad u soo fuushay fardahaaga, Iyo gaadhifardoodyadaadii badbaadinta? 9 Qaansadaadii daaha baad ka qaadday, Dhaartii aad qabiilooyinka ugu dhaaratayna waxay ahayd eray run ah. (Selaah) Dhulka waxaad ka dillaacisay webiyaal. 10 Buurihii way ku arkeen, oo way cabsadeen. Biyaha xoogga lahuna way iska gudbeen, Moolkii codkiisuu ku hadlay, Gacmihiisiina kor buu u taagay.
  • Xab 3:15 : 15 Fardahaagii waad kula tumatay baddii, Taasoo ahayd biyaha aad u badan oo iskor taallaysan.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Xab 3:7-10
    4 aayado
    84%

    7Waxaan arkay teendhooyinkii reer Kushan oo dhib ku dhex jira. Daahyadii dalka reer Midyaanna way gariireen.

    8Rabbigu ma wuxuu u cadhooday webiyaasha? Ma waxaad u xanaaqday webiyaasha Mase waxaad u cadhootay badda? Ma saas aawadeed baad u soo fuushay fardahaaga, Iyo gaadhifardoodyadaadii badbaadinta?

    9Qaansadaadii daaha baad ka qaadday, Dhaartii aad qabiilooyinka ugu dhaaratayna waxay ahayd eray run ah. (Selaah) Dhulka waxaad ka dillaacisay webiyaal.

    10Buurihii way ku arkeen, oo way cabsadeen. Biyaha xoogga lahuna way iska gudbeen, Moolkii codkiisuu ku hadlay, Gacmihiisiina kor buu u taagay.

  • Sab 77:17-19
    3 aayado
    80%

    17Daruuruhuna biyay soo daayeen, Cirkuna wuxuu diray dhawaaq, Oo weliba fallaadhahaaguna way bexeen.

    18Codkii onkodkaaguna wuxuu ku dhex jiray cirwareenta, Hillaacuna wuxuu iftiimiyey dunida, Dhulkuna wuu gariiray oo wuu ruxmaday.

    19Jidkaaguna badduu dhex maray, Waddooyinkaaguna waxay dhex mareen biyo badan, Oo raadadkaagana lama aqoon.

  • Bax 15:7-8
    2 aayado
    78%

    7Oo mudnaantaada weynaanteeda ayaad ku jebisaa kuwa adiga kugu kaca. Oo waxaad soo dirtaa cadhadaada, kolkaasay iyaga u gubtaa sidii jirrido yaryar oo jajab ah.

    8Oo neeftii sankaaga aawadeed ayaa biyihii isdul rasaysmeen, Daadkiina kor buu u kacay sidii taallo; Moolkiina wuxuu ku adkaaday badda dhexdeeda.

  • 11Oo iyagii hortood ayaad baddii kala qaybisay, oo waxay mareen badda dhexdeedii, oo dhul engegan bay ku socdeen, oo kuwii iyaga eryanayayna sidii dhagax biyo xoog badan lagu dhex riday ayaad moolka ugu tuurtay.

  • 3Baddii way aragtay, wayna carartay, Webi Urdunna dib baa loo celiyey.

  • Bax 15:10-12
    3 aayado
    77%

    10Adigu dabayshaadii baad ku afuuftay, oo baddii baa qarisay iyagii; Oo sidii laxaamad oo kale ayay u dhex tiimbadeen biyihii xoogga badnaa.

    11Rabbiyow, adiga bal yaa kula mid ah ilaahyada dhexdooda? Bal yaa adiga kula mid ah oo quduusnimada ammaan ku leh, Oo ammaantiisa laga cabsadaa, oo cajaa'ibyo sameeya?

    12Adigu gacantaadii midig baad soo fidisay, Markaasaa dhulku liqay iyagii.

  • Sab 18:15-16
    2 aayado
    76%

    15Rabbiyow, canaantaadii aawadeed iyo dulalka sankaaga neefta ka soo baxaysa aawadeed Ayaa durdurradii biyuhu la muuqdeen, Oo aasaaskii duniduna wuu soo bannaan baxay.

    16Xagga sare ayuu cid ka soo diray, oo wuu i qaaday, Oo wuxuu iga soo dhex bixiyey biyo badan.

  • 3Iyo in kastoo biyaheedu guuxaan oo qasmaan, Iyo in kastoo ay buurahu kibirkooda la ruxruxmaan. (Selaah)

  • 7Moolba mool buu u yeedhaa markay biya dhacu qaylinayaan, Hirarkaagii iyo mawjadahaagii oo dhammu dushayday mareen.

  • 15Waxaad kala furtay ilo iyo durdurro, Oo waxaad qallajisay webiyo waaweyn.

  • 5Oo waxaa iyagii qariyey moolkii, Oo moolkay dhex tiimbadeen sidii dhagax oo kale.

  • 15Fardahaagii waad kula tumatay baddii, Taasoo ahayd biyaha aad u badan oo iskor taallaysan.

  • 5Baddoy, bal maxaa kugu dhacay oo aad u cararaysaa? Webi Urdunow, maxaad dib ugu noqonaysaa?

  • 3Rabbiga codkiisu wuxuu dul joogaa biyaha, Ilaaha ammaantu wuu onkodaa, Oo xataa Rabbigu wuxuu ka kor onkodaa biyo badan.

  • 6Wuxuu baddii ka dhigay dhul engegan, Oo iyagu webiga dhexdiisa waxay ku mareen lug, Oo halkaasaan isaga ku rayraynay.

  • Sab 93:3-4
    2 aayado
    75%

    3Rabbiyow, webiyadii kor bay u kaceen, Webiyadii codkooday kor u qaadeen, Oo webiyadii waxay kor u qaadeen hirarkoodii.

    4Biyaha badan codkooda, Iyo mawjadaha badda oo waaweynba Waxaa ka sii xoog badan Rabbiga sare.

  • 5Waayo, waxaa i hareereeyey hirarkii dhimashada, Oo waxaa i cabsiiyey daadkii cibaadola'aanta.

  • Sab 104:6-7
    2 aayado
    75%

    6Waxaad ku dabooshay mool sidii dhar oo kale, Biyihiina waxay joogsadeen buuraha korkooda.

    7Canaantaadii ayay ku carareen, Oo codkii onkodkaaga ayay haddiiba ka baxsadeen,

  • 13Xooggaagaad badda ku kala qaybisay, Oo masbadeedyada ku dhex jirana madaxaad ka jebisaa.

  • Sab 77:14-15
    2 aayado
    75%

    14Waxaad tahay Ilaah cajaa'ibyo sameeya, Xooggaagii waxaad ogeysiisay dadyowga.

    15Gacantaadaad dadkaagii ku soo furatay, Kuwaasoo ah ilma Yacquub iyo Yuusuf. (Selaah)

  • 74%

    16Oo canaantii Rabbiga aawadeed, iyo dulalka sankiisa neefta ka soo baxaysa aawadeed Ayaa durdurradii baddu la muuqdeen, Oo aasaaskii duniduna wuu soo bannaan baxay.

    17Xagga sare ayuu cid ka soo diray, oo wuu i qaaday; Oo wuxuu iga soo dhex bixiyey biyo badan.

  • 10Miyaadan ahayn tii engejisay baddii ahayd biyihii moolka dheeraa? Sow ma aad tihid tii badda moolkeeda jidka ka samaysay in kuwa la soo furtay ay ku gudbaan?

  • 4Rabbiyow, markaad Seciir ka baxday, Iyo markaad ku socotay berrinkii Edom, Ayaa dhulku gariiray, oo samadiina waa soo da'day, Daruurihiina biyay soo daadsheen.

  • Sab 124:4-5
    2 aayado
    74%

    4Kolkaasay biyuhu ina qarqin lahaayeen, Durdurna nafteennuu dul mari lahaa,

    5Oo kolkaasay biyaha kibirsanu nafteenna dul mari lahaayeen.

  • 24Kuwaasu waxay arkaan Rabbiga shuqulladiisa, Iyo yaababkiisa moolka ku jira.

  • 7Waad ii dhawaaqatay markii dhib kuu yimid, oo anna waan ku soo samatabbixiyey, Waxaan kaaga jawaabay onkodka meeshiisa qarsoon, Oo waxaan kugu tijaabiyey biyihii Meriibaah. (Selaah)

  • Sab 78:15-16
    2 aayado
    73%

    15Wuxuu kala jebiyey dhagaxyadii cidlada, Oo wuxuu iyaga ka siiyey cabniin aad u badan oo ah sidii kan moolka laga helo.

    16Oo weliba wuxuu dhagaxa weyn ka soo faruuray durdurro, Oo wuxuu biyo u qulquliyey sidii webiyada oo kale.

  • 3Markaad waxyaalo cabsi badan oo aannan filanayn samaysay, hoos baad u soo dhaadhacday, oo buurihiina hortaaday ku gariireen.

  • 11Ama gudcur aadan waxba ku arki karin, Oo waxaa ku qariya biyo aad u badan.

  • 3Waayo, waxaad igu dhex tuurtay moolka iyo badda uurkeeda. Hareerahaygana waxaa ku wareegsanaa daad, Hirarkaagii iyo mawjadahaagii oo dhammuna way i dul mareen.

  • 5Biyihii way i hareerayeen xataa naftayda, Moolkiina wuu igu wareegsanaa; Madaxaygana waxaa ku duudduubnaa caws badeed.

  • 7Isagu biyaha badda intuu isku ururiyo ayuu wuxuu ka dhigaa sidii taallo oo kale, Oo moolalka dhaadheerna wuxuu dhex dhigaa maqsinno.

  • 7Dhulkow, ku gariir Sayidka hortiisa, Ilaaha reer Yacquub hortiisa ku gariir,

  • 11Biyihiina waxay qariyeen cadaawayaashoodii. Xataa mid qudhahu kama hadhin.

  • 9Oo weliba Badda Cas ayuu canaantay, kolkaasay engegtay, Sidaas daraaddeed wuxuu iyagii ku hor kacay moolka dhexdiisii sidii iyagoo maraya cidlada dhexdeeda.