Sabuurradii 46:3

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Iyo in kastoo biyaheedu guuxaan oo qasmaan, Iyo in kastoo ay buurahu kibirkooda la ruxruxmaan. (Selaah)

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sab 93:3-4 : 3 Rabbiyow, webiyadii kor bay u kaceen, Webiyadii codkooday kor u qaadeen, Oo webiyadii waxay kor u qaadeen hirarkoodii. 4 Biyaha badan codkooda, Iyo mawjadaha badda oo waaweynba Waxaa ka sii xoog badan Rabbiga sare.
  • Yer 5:22 : 22 Rabbigu wuxuu leeyahay, War miyeydaan iga cabsanayn? Oo miyeydaan hortayda ku gariirayn? Waayo, anigu waxaan ahay kii cammuudda badda uga dhigay soohdinta, oo amar weligiis ah bixiyey inayan soo dhaafin, oo in kastoo ay mawjadaheedu aad u dhacaan, innaba kama ay adkaan karaan, oo in kastoo ay guuxaanna marna sooma ay dhaafi karaan.
  • Ish 17:12-13 : 12 ¶ Dadka faraha badanu aad bay u buuqayaan, oo waxay u hugmaan sida hugunka badda! Quruumuhu aad bay u bulxamayaan, oo waxay u guuxaan sidii guuxa biyo xoog badan! 13 Quruumuhu waxay u guuxi doonaan sida guuxa biyo faro badan, laakiinse wuu canaanan doonaa, oo meel fog bay u carari doonaan, oo waxaa loo eryi doonaa sida xaabka buuraha ee dabayshu kaxayso iyo sida boodh cirwareen ah.
  • Yer 4:24 : 24 Buurahaan fiiriyey, oo waxaan arkay inay gariirayeen, oo kurihii oo dhammuna way wada dhaqdhaqaaqayeen.
  • Sab 114:4-7 : 4 Buurihii waxay u boodboodeen sidii wanan, Kurihiina sidii baraar. 5 Baddoy, bal maxaa kugu dhacay oo aad u cararaysaa? Webi Urdunow, maxaad dib ugu noqonaysaa? 6 Buurahow, bal maxaad ugu boodboodaysaan sida wanan? Kuraha yaryarow, bal maxaad ugu boodboodaysaan sida baraar? 7 Dhulkow, ku gariir Sayidka hortiisa, Ilaaha reer Yacquub hortiisa ku gariir,
  • Ish 5:3 : 3 Haddaba, dadka Yeruusaalem deggan iyo dadka Yahuudahow, waxaan idinka baryayaa inaad aniga iyo beertayda canabka ah noo kala gar qaybisaan.
  • Xaak 5:4-5 : 4 Rabbiyow, markaad Seciir ka baxday, Iyo markaad ku socotay berrinkii Edom, Ayaa dhulku gariiray, oo samadiina waa soo da'day, Daruurihiina biyay soo daadsheen. 5 Buurihiina way u gariireen Rabbiga aawadiis, Xataa Siinaydaasu way u gariirtay Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil aawadiis.
  • 1 Boq 19:11 : 11 Oo isna wuxuu ku yidhi, Ka bax, oo buurta fuul oo Rabbiga hortiisa istaag. Oo bal eeg, waxaa meeshaas soo maray Rabbiga, oo hortiisa ayaa dabayl weyn oo xoog badan buurihii kala jejebisay, dhagxantiina burburisay; laakiinse Rabbigu kuma jirin dabaysha; oo dabayshii dabadeedna waxaa jiray dhulgariir, oo Rabbiguna kuma jirin dhulgariirka.
  • Ayuub 9:5-6 : 5 Isagu wuxuu rujiyaa buuraha, oo iyana ma ay yaqaaniin, Markuu cadhadiisa ku afgembiyo. 6 Dhulka wuu ka ruxruxaa meeshiisa, Oo tiirarkiisuna way wada gariiraan.
  • Ayuub 38:11 : 11 Oo aan ku idhi, Ilaa halkan soo gaadh, laakiinse innaba ha soo dhaafin, Oo hirarkaaga kibirka lahu waa inay halkan ku joogsadaan?
  • Sab 18:4 : 4 Waxaa i hareereeyey xadhkihii dhimashada, Oo waxaa i cabsiiyey daadkii cibaadala'aanta.
  • Miik 1:4 : 4 Oo buuruhu hoostiisay ku dhalaali doonaan, dooxooyinkuna way u kala dildillaaci doonaan sidii shamac dab hor yaal, iyo sidii biyo ka daadanaya meel sare.
  • Nax 1:5 : 5 Buuruhu way ka gariiraan isaga, oo kuruhuna way dhalaalaan, oo dhulka xataa dunida iyo waxa deggan oo dhammuba way ku rogmadaan hortiisa.
  • Mat 7:25 : 25 Roobkii ayaa da'ay, daadkiina waa yimid, dabayshiina waa dhacday, wayna ku dhaceen gurigaas, ma uuna dumin, waayo, waxaa laga dul dhisay dhagaxa.
  • Muj 16:20 : 20 Oo gasiirad kastaaba way carartay, buurihiina lama helin.
  • Muj 17:15 : 15 ¶ Markaasay waxay igu tidhi, Biyihii aad aragtay oo ay dhilladu ku dul fadhiday waxa weeyaan dadad iyo maqluuqyo iyo quruumo iyo afaf.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Sab 46:1-2
    2 aayado
    85%

    1Ilaah waa magangalkeenna iyo xooggeenna, Oo waa caawimaad inoo diyaar ah wakhtiga dhibaatada.

    2Sidaas daraaddeed cabsan mayno in kastoo dhulku beddelmo, Iyo in kastoo buurahu badda uurkeeda ku dhex dhaqaaqaan,

  • Sab 46:4-7
    4 aayado
    81%

    4Waxaa jira webi durdurradiisu ay ka farxiyaan magaalada Ilaah, Taasoo ah meesha quduuska ah ee Ilaaha ugu sarreeya taambuugyadiisa.

    5Ilaah baa iyada ku dhex jira, mana ay dhaqaaqi doonto, Oo Ilaah baa iyada ku caawin doona marka waagu beryo.

    6Quruumihii way cabaadeen, oo boqortooyooyinkiina way dhaqdhaqaaqeen, Codkiisii buu ku hadlay, oo dhulkii baa dhalaalay.

    7Rabbiga ciidammadu waa inala jiraa, Oo Ilaaha Yacquub baa magangalkeenna ah. (Selaah)

  • 10Buurihii way ku arkeen, oo way cabsadeen. Biyaha xoogga lahuna way iska gudbeen, Moolkii codkiisuu ku hadlay, Gacmihiisiina kor buu u taagay.

  • Sab 93:3-4
    2 aayado
    78%

    3Rabbiyow, webiyadii kor bay u kaceen, Webiyadii codkooday kor u qaadeen, Oo webiyadii waxay kor u qaadeen hirarkoodii.

    4Biyaha badan codkooda, Iyo mawjadaha badda oo waaweynba Waxaa ka sii xoog badan Rabbiga sare.

  • 16Ilaahow, biyuhu way ku arkeen, Biyuhu way ku arkeen, oo way cabsadeen, Oo moolalkuna way gariireen.

  • 3Rabbiga codkiisu wuxuu dul joogaa biyaha, Ilaaha ammaantu wuu onkodaa, Oo xataa Rabbigu wuxuu ka kor onkodaa biyo badan.

  • Sab 65:6-7
    2 aayado
    75%

    6Kaas oo xooggiisa buuraha ku adkeeya, Isagoo dhexda xoog ku xidhay.

    7Wuxuu aamusiiyaa guuxa badaha, iyo guuxa hirarkooda, Iyo dadyowga buuqooda.

  • 7Moolba mool buu u yeedhaa markay biya dhacu qaylinayaan, Hirarkaagii iyo mawjadahaagii oo dhammu dushayday mareen.

  • Sab 98:7-8
    2 aayado
    75%

    7Badda iyo waxa ka buuxaaba ha guuxeen, Dunida iyo kuwa dhex deggan oo dhammuna ha dhawaaqeen,

    8Webiyadu ha sacbiyeen, Oo buuruhuna dhammaantood farxad ha kaga gabyeen Rabbiga hortiisa,

  • 5Buuruhu way ka gariiraan isaga, oo kuruhuna way dhalaalaan, oo dhulka xataa dunida iyo waxa deggan oo dhammuba way ku rogmadaan hortiisa.

  • 7Markaasaa dhulku ruxmay oo gariiray, Oo buuraha aasaaskoodiina wuu dhaqdhaqaaqay, Oo wuu ruxmay, maxaa yeelay, Ilaah waa cadhaysnaa.

  • Sab 114:3-7
    5 aayado
    73%

    3Baddii way aragtay, wayna carartay, Webi Urdunna dib baa loo celiyey.

    4Buurihii waxay u boodboodeen sidii wanan, Kurihiina sidii baraar.

    5Baddoy, bal maxaa kugu dhacay oo aad u cararaysaa? Webi Urdunow, maxaad dib ugu noqonaysaa?

    6Buurahow, bal maxaad ugu boodboodaysaan sida wanan? Kuraha yaryarow, bal maxaad ugu boodboodaysaan sida baraar?

    7Dhulkow, ku gariir Sayidka hortiisa, Ilaaha reer Yacquub hortiisa ku gariir,

  • 32Badda iyo waxa ka buuxaba ha guuxeen, Berriga iyo waxa ku jira oo dhammuna ha farxeen,

  • 3Dhulka iyo waxa kor deggan oo dhammuba way wada dhalaaleen, Tiirarkiisa anigaa qotomiyey. (Selaah)

  • 26Waxay u kacaan xagga samada, oo haddana waxay hoos ugu soo dhacaan moolalka, Naftoodiina waxay ku dhalaashay dhibaato daraaddeed.

  • 24Buurahaan fiiriyey, oo waxaan arkay inay gariirayeen, oo kurihii oo dhammuna way wada dhaqdhaqaaqayeen.

  • Sab 46:10-11
    2 aayado
    72%

    10Iska daaya oo ogaada inaan anigu Ilaah ahay, Waa laygu sarraysiin doonaa quruumaha dhexdooda, dhulkana waa laygu sarraysiin doonaa.

    11Rabbiga ciidammadu waa inala jiraa, Oo Ilaaha Yacquub baa magangalkeenna ah. (Selaah)

  • 6Wuxuu baddii ka dhigay dhul engegan, Oo iyagu webiga dhexdiisa waxay ku mareen lug, Oo halkaasaan isaga ku rayraynay.

  • 30Dadka dhulka oo dhammow, hortiisa ku gariira. Duniduna waxay u dhisan tahay si aan la dhaqaajin karin.

  • 21si ay cabsida Rabbiga iyo sharafta haybaddiisa uga galaan qorrofyada dhagaxyada iyo qararka meelahooda dildillaacsan markii Rabbigu uu soo sara joogsado inuu dhulka si xun u gariiriyo.

  • 12¶ Dadka faraha badanu aad bay u buuqayaan, oo waxay u hugmaan sida hugunka badda! Quruumuhu aad bay u bulxamayaan, oo waxay u guuxaan sidii guuxa biyo xoog badan!

  • 4Oo buuruhu hoostiisay ku dhalaali doonaan, dooxooyinkuna way u kala dildillaaci doonaan sidii shamac dab hor yaal, iyo sidii biyo ka daadanaya meel sare.

  • 16Rabbigu Buur Siyoon buu ka qaylin doonaa, oo codkiisuu kaga hadli doonaa Yeruusaalem, oo kolkaasay samooyinka iyo dhulkuba gariiri doonaan, laakiinse Rabbigu wuxuu dadkiisa u ahaan doonaa magangal, oo reer binu Israa'iilna wuxuu u ahaan doonaa qalcad adag.

  • 11Haddaba samooyinku ha farxeen, dhulkuna ha reyreeyo, Oo badda iyo waxa ka buuxaaba, ha guuxeen,

  • Sab 124:4-5
    2 aayado
    72%

    4Kolkaasay biyuhu ina qarqin lahaayeen, Durdurna nafteennuu dul mari lahaa,

    5Oo kolkaasay biyaha kibirsanu nafteenna dul mari lahaayeen.

  • 1Oo weliba taas aawadeed qalbigaygu wuu gariiraa, Oo meeshiisiina wuu ka dhaqaaqaa.

  • 5Waayo, waxaa i hareereeyey hirarkii dhimashada, Oo waxaa i cabsiiyey daadkii cibaadola'aanta.

  • 3Markaad waxyaalo cabsi badan oo aannan filanayn samaysay, hoos baad u soo dhaadhacday, oo buurihiina hortaaday ku gariireen.

  • 6Dhulka wuu ka ruxruxaa meeshiisa, Oo tiirarkiisuna way wada gariiraan.

  • 8Dhulku waa gariiray, Samooyinkuna waxay ku de'een Ilaah hortiisa, Xataa Buur Siinay nafteedu waxay ka gariirtay Ilaah hortiisa, kaasoo ah Ilaaha Israa'iil.

  • 2Waayo, isagaa badaha dushooda ka aasaasay, Oo wuxuu ka dul dhisay webiyaasha.

  • 18Codkii onkodkaaguna wuxuu ku dhex jiray cirwareenta, Hillaacuna wuxuu iftiimiyey dunida, Dhulkuna wuu gariiray oo wuu ruxmaday.

  • 5Buurihii waxay Rabbiga hortiisa ugu dhalaaleen sidii shamac oo kale, Iyagoo hor jooga Sayidka dhulka oo dhan.

  • 9Adigaa u taliya badda kibirkeeda, Oo markii hirarkeedu kacaan adigaa dejiya.

  • 20oo kalluunka badda, iyo haadda samada, iyo dugaagga duurka, iyo waxyaalaha dhulka ku gurguurta oo dhan, iyo dadka dhulka jooga oo dhammuba waxay ka wada gariiri doonaan hortayda, oo buuruhu way dumi doonaan, oo meelaha dheerdheeruna way wada dhici doonaan, oo derbi kastaana dhulkuu ku soo dhici doonaa.

  • 8Markaasaa dhulku ruxmay oo gariiray, Oo samada aasaaskeediina wuu dhaqdhaqaaqay, Oo wuu ruxmay, maxaa yeelay, Ilaah waa cadhaysnaa.

  • 6Waxaad ku dabooshay mool sidii dhar oo kale, Biyihiina waxay joogsadeen buuraha korkooda.