Yo'eel 3:16

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Rabbigu Buur Siyoon buu ka qaylin doonaa, oo codkiisuu kaga hadli doonaa Yeruusaalem, oo kolkaasay samooyinka iyo dhulkuba gariiri doonaan, laakiinse Rabbigu wuxuu dadkiisa u ahaan doonaa magangal, oo reer binu Israa'iilna wuxuu u ahaan doonaa qalcad adag.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Aam 1:2 : 2 ¶ Oo isagu wuxuu yidhi, Rabbigu Buur Siyoon buu ka qaylin doonaa, oo codkiisuu Yeruusaalem kaga hadli doonaa, kolkaasay daaqsiimaha adhijirradu barooran doonaan, oo Buur Karmel dhaladeeduna way engegi doontaa.
  • Yoel 2:10-11 : 10 Oo hortooda dhulku wuu gariirayaa, samooyinkuna way ruxmanayaan, oo qorraxdii iyo dayaxiina way madoobaadeen, oo xiddigihiina iftiinkoodii way ceshadeen. 11 Rabbiga ayaa codkiisa kaga hor hadlaya ciidankiisa, waayo, xeradiisu aad bay u weyn tahay, oo midka eraygiisa oofinayaa waa xoog badan yahay, waayo, Rabbiga maalintiisu waa weyn tahay, waana mid cabsi badan aad iyo aad, haddaba bal yaa u adkaysan kara?
  • Yex 38:19 : 19 Waayo, waxaan ku hadlay masayrkaygii iyo cadhadaydii kululayd, oo hubaal wakhtigaas waxaa dalka reer binu Israa'iil jiri doona gariir weyn,
  • Hos 11:10 : 10 Iyagu waxay daba geli doonaan Rabbiga oo sidii libaax buu u ciyi doonaa, Markuu ciyo ilmihiisu xagga galbeed bay ka iman doonaan iyagoo gariiraya.
  • Sab 61:3 : 3 Waayo, waxaad ii ahayd magangal, Iyo qalcad adag oo aan cadowga ka galo.
  • Yer 25:30-31 : 30 Sidaas daraaddeed erayadan oo dhan iyaga kaga sii hadal, oo waxaad ku tidhaahdaa, Rabbigu xagga saruu ka qaylin doonaa, oo codkiisuu kaga soo hadli doonaa hoygiisa quduuska ah, oo wuxuu si weyn ugu qaylin doonaa xeradiisa, oo dadka dhulka deggan oo dhanna wuxuu ugu qaylin doonaa sida kuwa canabka ku tunta. 31 Rabbigu wuxuu leeyahay, Dhawaaq baa gaadhi doona tan iyo dhulka darafkiisa, maxaa yeelay, Rabbigu dacwad buu la leeyahay quruumaha, oo wuxuu la muddacayaa binu-aadmiga oo dhan, oo kuwa sharka ahna seef buu u gacangelin doonaa.
  • Ish 33:16 : 16 kaasu wuxuu fadhiyi doonaa meel sare, oo gabbaadkiisuna wuxuu noqon doonaa dhufays dhagaxyo ah, oo cuntadiisa baa la siin doonaa, oo biyihiisuna waxay ahaan doonaan kuwa la hubo.
  • Xag 2:6 : 6 Waayo, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Weli wakhti yar oo gaaban baa ii hadhay, oo dabadeedna waxaan gariirin doonaa samooyinka, iyo dhulka, iyo badda, iyo berrigaba.
  • Sak 10:6 : 6 Reer Yahuudah waan xoogayn doonaa, waanan badbaadin doonaa reer Yuusuf, oo mar kalaan soo celin doonaa, waayo, waan u naxariisanayaa, oo waxay noqon doonaan sidii iyagoo aanan xoorin, waayo, waxaan ahay Rabbiga Ilaahooda ah, oo waan maqli doonaa iyaga.
  • Sak 10:12 : 12 Oo iyagaan ku xoogayn doonaa Rabbiga, oo hor iyo dibba way ugu socon doonaan magiciisa, ayaa Rabbigu leeyahay.
  • Sak 12:5-8 : 5 Oo taliyayaasha dalka Yahuudahna waxay qalbiga iska odhan doonaan, Kuwa Yeruusaalem deggan xooggii ay Rabbiga ciidammada oo Ilaahooda ah ka heleen waa inoo xoog. 6 Wakhtigaas taliyayaasha dalka Yahuudah waxaan ka dhigi doonaa sida girgire dab ah oo qoryo ku dhex jira, iyo sida qori ololaya oo xidhmooyin hadhuudh ah ku dhex jira, oo iyana waxay wada baabbi'in doonaan dadyowga iyaga ku wareegsan oo dhan, kuwa midigta ka xiga iyo kuwa bidixda ka xigaba, oo reer Yeruusaalemna mar kalay degganaan doonaan meeshooda, taasoo ah Yeruusaalem qudheeda. 7 Oo weliba Rabbigu wuxuu marka hore badbaadin doonaa teendhooyinka dadka Yahuudah, in sharafta reer Daa'uud iyo sharafta dadka Yeruusaalem degganu ayan ka sii weynaan tan dadka Yahuudah. 8 Wakhtigaas Rabbigu wuxuu daafici doonaa dadka Yeruusaalem deggan, oo kii iyaga ugu tabaryaru wakhtigaas wuxuu ahaan doonaa sida Daa'uud oo kale, oo reer Daa'uudna wuxuu noqon doonaa sida Ilaah oo kale, iyo sida malaa'igtii Rabbiga oo iyaga hor socota.
  • Cib 12:26 : 26 kan codkiisii wakhtigaas gariiriyey dhulka; laakiin hadda wuu ballanqaaday isagoo leh, Weliba mar kale ayaan gariirin doonaa dhulka, dhulka oo keliyana ma aha ee xataa samadana waan gariirin doonaa.
  • Muj 11:13 : 13 Oo saacaddaasna waxaa dhacay dhulgariir weyn, oo magaaladii toban meelood oo meel ayaa duntay; oo dhulgariirkii wuxuu dilay toddoba kun oo qof, oo intoodii kalena way cabsadeen, oo waxay ammaaneen Ilaaha samada.
  • Muj 11:19 : 19 ¶ Markaasaa waxaa samada laga furay macbudkii Ilaah; oo waxaa macbudkiisa gudihiisa ka muuqday sanduuqii axdigiisa; markaasaa waxaa soo dhacay hillaac, iyo codad, iyo onkod, iyo dhulgariir, iyo roob dhagaxyaale oo weyn.
  • Muj 16:18 : 18 Markaasaa waxaa dhacay hillaac iyo codad iyo onkod; oo waxaa dhacay dhulgariir weyn oo aan weligiis isagoo kale la arag intii dad dhulka joogay, oo wuxuu ahaa dhulgariir aad u weyn oo aad u xoog badan.
  • Ish 33:21 : 21 Laakiinse Rabbiga haybadda badanu wuxuu halkaas inoogu noqon doonaa meel webiyo ballaadhan iyo durdurro leh, oo ayan huuriyo seeb lahu mari doonin, oo aan doonniyaha waaweynuna dhaafi doonin.
  • Ish 42:13 : 13 Rabbigu wuxuu u soo bixi doonaa sida nin xoog badan, oo qiirona wuxuu u soo kicin doonaa sida nin dagaalyahan ah. Wuu qaylin doonaa, oo aad buu u dhawaaqi doonaa, oo xoog buuna cadowyadiisa kaga adkaan doonaa.
  • Ish 51:5-6 : 5 Xaqnimadaydii way soo dhowdahay, badbaadintaydiina way soo baxday, oo gacmahayguna dadyowgay u garsoori doonaan, gasiiraduhuna anigay i sugi doonaan, oo gacantayday isku hallayn doonaan. 6 Bal indhihiinna samooyinka ku taaga, oo haddana dhulka hoose fiiriya, waayo, samooyinku sida qiiq oo kale bay u libdhi doonaan, oo dhulkuna sida dhar buu u duugoobi doonaa, oo kuwa degganuna sidaas oo kalay u dhiman doonaan, laakiinse badbaadintaydu weligeedba way sii waari doontaa, oo xaqnimadayduna weligeed ma dhammaan doonto.
  • Ish 51:16 : 16 Oo erayadaydii ayaan afkaaga geliyey, hooskii gacantaydana waan kugu daboolay si aan samooyinka u kala bixiyo, oo aan aasaaska dhulka u dhigo, oo aan reer Siyoonna ugu idhaahdo, Dadkayga baad tihiin.
  • Yer 16:19 : 19 Rabbiyow, xooggaygii, iyo qalcaddaydii, iyo magangalkaygii aan maalinta dhibaatada magangalow, quruumuhu way kaaga iman doonaan dhulka darafyadiisa ugu shisheeya, oo waxay odhan doonaan, Sida xaqiiqada ah awowayaashayo waxba ma dhaxlin been, iyo wax aan waxtar lahayn, iyo waxyaalo aan innaba faa'iido lahayn mooyaane.
  • 1 Sam 15:29 : 29 Kan xoogga reer binu Israa'iil ahna been sheegi maayo, qoomamaynna maayo; waayo, isagu ma aha nin qoomamooda.
  • Sab 18:2 : 2 Rabbigu waa dhagax weyn oo ii gabbaad ah iyo qalcaddayda, iyo samatabbixiyahayga, Iyo Ilaahay, iyo gabbaadkayga adag, oo isagaan isku hallayn doonaa, Isagu waa gaashaankayga, iyo geeska badbaadadayda, iyo munaaraddayda dheer.
  • Sab 29:11 : 11 Rabbigu dadkiisuu xoogayn doonaa, Oo Rabbigu nabad buu dadkiisa ku barakayn doonaa.
  • Sab 46:1-9 : 1 Ilaah waa magangalkeenna iyo xooggeenna, Oo waa caawimaad inoo diyaar ah wakhtiga dhibaatada. 2 Sidaas daraaddeed cabsan mayno in kastoo dhulku beddelmo, Iyo in kastoo buurahu badda uurkeeda ku dhex dhaqaaqaan, 3 Iyo in kastoo biyaheedu guuxaan oo qasmaan, Iyo in kastoo ay buurahu kibirkooda la ruxruxmaan. (Selaah) 4 Waxaa jira webi durdurradiisu ay ka farxiyaan magaalada Ilaah, Taasoo ah meesha quduuska ah ee Ilaaha ugu sarreeya taambuugyadiisa. 5 Ilaah baa iyada ku dhex jira, mana ay dhaqaaqi doonto, Oo Ilaah baa iyada ku caawin doona marka waagu beryo. 6 Quruumihii way cabaadeen, oo boqortooyooyinkiina way dhaqdhaqaaqeen, Codkiisii buu ku hadlay, oo dhulkii baa dhalaalay. 7 Rabbiga ciidammadu waa inala jiraa, Oo Ilaaha Yacquub baa magangalkeenna ah. (Selaah) 8 Bal kaalaya arka shuqullada Rabbiga, Iyo halaagga uu ku sameeyey dhulka. 9 Dagaallada wuu ku joojiyaa tan iyo dunida meesha ugu dambaysa, Qaansada wuu jebiyaa, oo warankana wuu jaraa, Oo gaadhifardoodkana dab buu ku gubaa. 10 Iska daaya oo ogaada inaan anigu Ilaah ahay, Waa laygu sarraysiin doonaa quruumaha dhexdooda, dhulkana waa laygu sarraysiin doonaa. 11 Rabbiga ciidammadu waa inala jiraa, Oo Ilaaha Yacquub baa magangalkeenna ah. (Selaah)
  • Aam 3:8 : 8 Aarkii waa ciyey, haddaba bal yaan cabsanayn? Sayidka Rabbiga ahu waa hadlay, haddaba bal yaa wax sii sheegi waayaya?
  • Sab 91:1-2 : 1 Kan dega Ilaaha ugu sarreeya meeshiisa qarsoon Wuxuu joogi doonaa hooska Qaadirka. 2 Waxaan Rabbiga ka odhan doonaa, Isagu waa magangalkayga iyo qalcaddayda Oo waa Ilaahayga aan isku halleeyo.
  • Maah 18:10 : 10 Rabbiga magiciisu waa noobiyad xoog leh, Kii xaq ahu iyaduu ku cararaa, meel sarena wuu ku nabad galaa.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 15Qorraxdii iyo dayaxii way madoobaadeen, oo xiddigihiina iftiinkoodii way ceshadeen.

  • 17¶ Oo sidaasaad ku ogaan doontaan inaan anigu ahay Rabbiga Ilaahiinna ah, oo aan deggan ahay Siyoon oo ah buurtayda quduuska ah, oo markaasay Yeruusaalem quduus noqon doontaa, oo shisheeyayaal dambena iyada ma dhex mari doonaan innaba.

  • 30Sidaas daraaddeed erayadan oo dhan iyaga kaga sii hadal, oo waxaad ku tidhaahdaa, Rabbigu xagga saruu ka qaylin doonaa, oo codkiisuu kaga soo hadli doonaa hoygiisa quduuska ah, oo wuxuu si weyn ugu qaylin doonaa xeradiisa, oo dadka dhulka deggan oo dhanna wuxuu ugu qaylin doonaa sida kuwa canabka ku tunta.

  • 2¶ Oo isagu wuxuu yidhi, Rabbigu Buur Siyoon buu ka qaylin doonaa, oo codkiisuu Yeruusaalem kaga hadli doonaa, kolkaasay daaqsiimaha adhijirradu barooran doonaan, oo Buur Karmel dhaladeeduna way engegi doontaa.

  • 4Waayo, Rabbigu wuxuu igu leeyahay, Sida aar libaax iyo libaax yar oo raq ku kor guuxa, oo markii adhijirro badan loogu yeedho aan codkooda ka baqin ama aan qayladooda ka cabsan ayaa Rabbiga ciidammadu u soo degi doonaa inuu Buur Siyoon iyo kurteeda korkood ku diriro.

  • Ish 13:13-14
    2 aayado
    77%

    13Haddaba sidaas daraaddeed maalinta Rabbiga xanaaqiisa kululu iman doono ayaan samooyinka gariirin doonaa, dhulkuna meeshiisuu kaga dhaqaaqi doonaa cadhada Rabbiga ciidammada.

    14Oo sida deero la eryay iyo sida ido aan ciduna soo ururin ayaa midkood kastaaba dadkiisa ku noqon doonaa, oo mid kastaaba dalkiisa u carari doonaa.

  • 10Iyagu waxay daba geli doonaan Rabbiga oo sidii libaax buu u ciyi doonaa, Markuu ciyo ilmihiisu xagga galbeed bay ka iman doonaan iyagoo gariiraya.

  • 10Oo hortooda dhulku wuu gariirayaa, samooyinkuna way ruxmanayaan, oo qorraxdii iyo dayaxiina way madoobaadeen, oo xiddigihiina iftiinkoodii way ceshadeen.

  • 1¶ Siyoon buun ka dhex afuufa, oo buurtayda quduuska ah ka dhawaajiya, oo dadka dalka deggan oo dhammu ha wada gariireen, waayo, maalintii Rabbigu way imanaysaa, oo haatan way soo dhow dahay.

  • Yex 38:19-20
    2 aayado
    76%

    19Waayo, waxaan ku hadlay masayrkaygii iyo cadhadaydii kululayd, oo hubaal wakhtigaas waxaa dalka reer binu Israa'iil jiri doona gariir weyn,

    20oo kalluunka badda, iyo haadda samada, iyo dugaagga duurka, iyo waxyaalaha dhulka ku gurguurta oo dhan, iyo dadka dhulka jooga oo dhammuba waxay ka wada gariiri doonaan hortayda, oo buuruhu way dumi doonaan, oo meelaha dheerdheeruna way wada dhici doonaan, oo derbi kastaana dhulkuu ku soo dhici doonaa.

  • 6Kuwiinna Siyoon degganow, aad u qayliya oo dhawaaqa, waayo, Kan Quduuska ah oo reer binu Israa'iil ee dhexdiinna joogaa wuu weyn yahay.

  • 9Oo cabsi ayuu qalcaddiisa kala sii gudbi doonaa, oo amiirradiisuna cabsi aawadeed bay calanka uga carari doonaan, saas waxaa leh Rabbiga dabkiisu Siyoon ku jiro oo foornadiisuna ay Yeruusaalem taallo.

  • 30Oo Rabbiguna wuxuu ka dhigi doonaa in codkiisa haybadda badan la maqlo, oo wuxuu muujin doonaa soodejinta gacantiisa, oo ay la jiraan dhirifkii cadhadiisa, iyo dab wax gubaya ololkiis, iyo roob weyn oo kedis ah, iyo duufaan, iyo roobdhagaxyaale.

  • 14¶ Magaalada Siyoonay, gabay, reer binu Israa'iilow, qayliya, Magaalada Yeruusaalemay, farax oo qalbiga oo dhan ku reyree.

  • Yoel 2:31-32
    2 aayado
    75%

    31Qorraxdu waxay u beddelmi doontaa gudcur, dayaxuna wuxuu u beddelmi doonaa dhiig, intaanay iman maalinta Rabbiga oo weyn oo cabsida badanu.

    32Oo waxay noqon doontaa in ku alla kii magaca Rabbiga ku barya uu samatabbixi doono, waayo, Buur Siyoon iyo Yeruusaalem, iyo kuwa hadhay oo Rabbigu u yeedhayba waxaa jiri doona kuwo u baxsada sidii Rabbigu yidhi.

  • 6Waayo, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Weli wakhti yar oo gaaban baa ii hadhay, oo dabadeedna waxaan gariirin doonaa samooyinka, iyo dhulka, iyo badda, iyo berrigaba.

  • 31Waayo, Yeruusaalem waxaa ka soo bixi doona kuwa hadhi doona, oo Buur Siyoonna waxaa ka soo bixi doona kuwa baxsan doona. Oo qiirada Rabbiga ayaa taas samayn doonta.

  • 16Wakhtigaas waxaa Yeruusaalem lagu odhan doonaa, Ha cabsan, Siyoonay, yaan gacmahaagu debcin.

  • 13Rabbigu wuxuu u soo bixi doonaa sida nin xoog badan, oo qiirona wuxuu u soo kicin doonaa sida nin dagaalyahan ah. Wuu qaylin doonaa, oo aad buu u dhawaaqi doonaa, oo xoog buuna cadowyadiisa kaga adkaan doonaa.

  • 6Oo Rabbiga ciidammadu wuxuu la iman doonaa onkod, iyo dhulgariir, iyo sanqadh weyn, iyo cirwareen, iyo duufaan, iyo dab ololkiisu wax baabbi'inayo.

  • 32Waayo, Yeruusaalem waxaa ka soo bixi doona kuwa hadhi doona, oo Buur Siyoonna waxaa ka soo bixi doona kuwa baxsan doona, oo qiirada Rabbiga ciidammada ayaa taas samayn doonta.

  • 21si ay cabsida Rabbiga iyo sharafta haybaddiisa uga galaan qorrofyada dhagaxyada iyo qararka meelahooda dildillaacsan markii Rabbigu uu soo sara joogsado inuu dhulka si xun u gariiriyo.

  • Ish 5:29-30
    2 aayado
    74%

    29oo cidoodu waxay ahaan doontaa sida gool cideed, oo waxay u ciyi doonaan sida libaaxyo yaryar oo kale; hubaal way ciyi doonaan, wayna qabsan doonaan waxay ugaadhsanayaan, oo si ammaan ah ayay u qaadan doonaan, oo ciduna kama samatabbixin doonto.

    30Oo maalintaas waxay iyaga ugu gurxami doonaan sida gurxanka badda; oo haddii dalka la eegana waxaa ka muuqda gudcur iyo cidhiidhi, oo iftiinkuna waa ku dhex madoobaaday daruurihii.

  • 12Haddaba sidaas daraaddeed idinka aawadiin Siyoon waxaa loo jeexi doonaa sida beer oo kale, oo Yeruusaalemna waxay noqon doontaa taallooyin burbur ah, oo buurta guriguna waxay noqon doontaa sida meelaha sare ee kaynta ku yaal oo kale.

  • 16Waayo, Rabbigu wuxuu dhisay Siyoon, Oo wuxuu ka dhex muuqday ammaantiisii,

  • 3¶ Waayo, bal eega, Rabbigu meeshiisuu ka soo bixi doonaa, wuuna soo degan doonaa, oo dhulka meelihiisa sarsare mari doonaa.

  • 17Laakiinse Buur Siyoon waxaa joogi doona kuwa baxsaday, oo iyana quduus bay ahaan doontaa, oo reer Yacquubna waxay lahaan doonaan waxyaalihii dhaxalkoodii ahaa.

  • 32Maantadan wuxuu soo joogsan doonaa Nob, oo wuxuu gacantiisa ku ruxayaa buurta magaalada Siyoon oo ah kurta Yeruusaalem.

  • Aam 3:8-9
    2 aayado
    73%

    8Aarkii waa ciyey, haddaba bal yaan cabsanayn? Sayidka Rabbiga ahu waa hadlay, haddaba bal yaa wax sii sheegi waayaya?

    9¶ Warkan ka dhex naadiya daaraha waaweyn ee Ashdood ku yaal iyo daaraha waaweyn ee dalka Masar ku dhex yaalba, oo waxaad tidhaahdaan, War waxaad ku soo shirtaan buuraha Samaariya korkooda, oo bal eega buuqa weyn oo halkaas ku jira, iyo dulmiga ku dhex jira.

  • 1¶ Bal eeg, waayahaas iyo wakhtigaas, markaan soo celin doono maxaabiistii dadka Yahuudah iyo reer Yeruusaalem,

  • 23Oo markaasaa dayaxu isku qasmi doonaa, oo qorraxduna way ceeboobi doontaa, waayo, Rabbiga ciidammadu boqor buu ku ahaan doonaa Buur Siyoon iyo Yeruusaalem, isagoo odayaashiisa hortooda sharaftiisa ka muujinaya.

  • 6Waxaa iman doona wakhti waardiyayaasha buuraha Efrayim kor saaranu ay ku dhawaaqi doonaan, Sara joogsada oo aynu Rabbiga Ilaaheena ah Siyoon ugu kacnee.

  • 7Oo kuwii dhutin jiray waxaan ka dhigi doonaa kuwa hadhay, oo kuwa meesha fog lagu tuurayna waxaan ka dhigi doonaa quruun xoog badan, oo Rabbigu iyaguu ugu talin doonaa Buur Siyoon hadda dabadeed iyo tan iyo weligeedba.

  • 32Haddaba bal maxaa loogu jawaabi doonaa wargeeyayaasha quruunta? Waxaa loogu jawaabi doonaa in Rabbigu Siyoon aasaasay oo kuwa dhibaataysan ee dadkiisuna ay dhexdeeda magangeli doonaan.

  • 14¶ Oo Rabbigiina waa lagu arki doonaa korkooda, oo fallaadhihiisuna waa u soo bixi doonaan sida hillaac. Oo Sayidka Rabbiga ahu buunkuu afuufi doonaa, oo wuxuu raaci doonaa dabaylo cirwareen ah ee koonfureed.

  • 19Markii Rabbigu u soo sara joogsado inuu dhulka si xun u gariiriyo ayay dadku cabsida Rabbiga iyo sharafta haybaddiisa ka geli doonaan qorrofyada dhagaxyada, iyo godadka dhulka.

  • 2¶ Bal eeg, Yeruusaalem waxaan koob lagu dhacdhaco uga dhigi doonaa dadka ku wareegsan oo dhan, iyo weliba dalka Yahuudah, markii Yeruusaalem la hareereeyo.

  • 10¶ Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Isla maalintaas qaylo dhawaaqeed ayaa ka yeedhi doona Iridda Kalluunka, oo magaalada inteeda labaadna waxaa ka yeedhi doonta baroor, kurahana waxaa ka yeedhi doona daryaan weyn.

  • 13Waayo, sidaasay ahaan doontaa dalka iyo dadyowga dhexdoodaba, oo waxay noqon doontaa sida ruxruxidda geedka saytuunka ah iyo sida xaaxaabka canabka marka midhaha laga gurto dabadeed.

  • 13Oo wakhtigaas rabshad weyn oo xagga Rabbiga ka timid ayaa dhexdooda jiri doonta, oo midkood kastaaba wuxuu qabsan doonaa gacanta deriskiisa, oo gacantiisu waxay ku kici doontaa gacanta deriskiisa.

  • 3Markaasaa Rabbigu soo bixi doonaa, oo quruumahaas buu la diriri doonaa, siduu u diriray maalintii dagaalka.

  • 5Oo meel kasta oo la deggan yahay oo Buur Siyoon ku taal, iyo shirarkeeda oo dhanba Rabbigu wuxuu ku kor abuuri doonaa maalintii daruur iyo qiiq, habeenkiina dab ololaya iftiinkiis, oo ammaanta oo dhanna waxaa ka sarrayn doona dabool.

  • 5Rabbigu wuu sarreeyaa, waayo, meel saruu joogaa, oo wuxuu Siyoon ka buuxiyey caddaalad iyo xaqnimo.

  • 3Oo dad badan baa halkaas tegi doona oo waxay odhan doonaan, Ina keena, buurta Rabbiga aynu u kacnee, oo guriga Ilaaha reer Yacquub aynu tagnee, oo isna wuxuu ina bari doonaa jidadkiisa, oo innana waxaynu mari doonnaa waddooyinkiisa, waayo, sharcigu wuxuu ka soo bixi doonaa Siyoon, erayga Rabbiguna Yeruusaalem.

  • 6Baroorta, waayo, maalintii Rabbigu way dhow dahay, oo waxay u iman doontaa sida baabbi'in xagga Ilaaha Qaadirka ah ka timid.