Yo'eel 2:10

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo hortooda dhulku wuu gariirayaa, samooyinkuna way ruxmanayaan, oo qorraxdii iyo dayaxiina way madoobaadeen, oo xiddigihiina iftiinkoodii way ceshadeen.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Ish 13:10 : 10 Waayo, xiddigaha samada iyo ururkooduba ma iftiimi doonaan. Qorraxduna way madoobaan doontaa markii ay soo baxdo, oo dayaxuna ma iftiimi doono.
  • Mat 24:29 : 29 ¶ Laakiin dhibta wakhtigaas dabadeed, kolkiiba qorraxdu waa madoobaan doontaa, dayuxuna ma nuuri doono, xiddiguhuna cirka waa ka soo dhici doonaan, xoogagga cirkana waa la gariirin doonaa.
  • Sab 18:7 : 7 Markaasaa dhulku ruxmay oo gariiray, Oo buuraha aasaaskoodiina wuu dhaqdhaqaaqay, Oo wuu ruxmay, maxaa yeelay, Ilaah waa cadhaysnaa.
  • Yoel 3:15-16 : 15 Qorraxdii iyo dayaxii way madoobaadeen, oo xiddigihiina iftiinkoodii way ceshadeen. 16 Rabbigu Buur Siyoon buu ka qaylin doonaa, oo codkiisuu kaga hadli doonaa Yeruusaalem, oo kolkaasay samooyinka iyo dhulkuba gariiri doonaan, laakiinse Rabbigu wuxuu dadkiisa u ahaan doonaa magangal, oo reer binu Israa'iilna wuxuu u ahaan doonaa qalcad adag.
  • Muj 8:12 : 12 ¶ Oo haddana waxaa ka dhawaajisay malaa'igtii afraad, markaasaa waxaa wax lagu dhuftay qorraxda saddex meelood oo meel, iyo dayaxa saddex meelood oo meel, iyo xiddigaha saddex meelood oo meel, in saddex meelood oo meeli ay gudcur noqoto, iyo in maalinta saddex meelood oo meeli aanay iftiimin, habeenkuna uu noqdo sidaas oo kale.
  • Yex 32:7-8 : 7 Oo markaan ku baabbi'iyo ayaan samada dabooli doonaa, oo xiddigaheedana waan madoobayn doonaa. Qorraxdana daruur baan ku qarin doonaa, oo dayaxuna iftiinkiisa sooma bixin doono. 8 Oo Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Iftiimmada dhalaalaya oo samada oo dhan ayaan korkaaga ku wada madoobayn doonaa, oo dalkaagana gudcur baan ku soo dejin doonaa.
  • Ish 34:4 : 4 Oo ciidanka samada oo dhammuna wuu wada idlaan doonaa, oo samooyinka oo dhanna waa la wada duudduubi doonaa sida qorniin duudduuban oo kale, oo ciidankooda oo dhammuna hoos buu u soo daadan doonaa sida caleenu geed canab ah uga dhacdo iyo sida xabbad berde ahu geed berde ah uga soo dhacdo.
  • Yer 4:23 : 23 ¶ Bal eega, dhulkaan fiiriyey, oo waxaan arkay inuusan qaab lahayn oo uu madhan yahay, oo haddana samooyinkaan fiiriyey, oo iyana innaba iftiin ma ay lahayn.
  • Mark 13:24-25 : 24 ¶ Laakiin wakhtigaas, dhibtaas dabadeed, qorraxdu waa madoobaan doontaa, dayaxuna ma nuuri doono, 25 xiddiguhuna cirka waa ka soo dhici doonaan, xoogagga cirka ku jirana waa la gariirin doonaa.
  • Fal 2:20 : 20 Qorraxdu waxay u beddelmi doontaa gudcur, Dayaxuna wuxuu u beddelmi doonaa dhiig, Intaanay iman maalinta Rabbigu, Taas oo ah maalin weyn oo caan ah.
  • Muj 6:12 : 12 ¶ Oo haddana waxaan arkay markii uu furay shaabaddii lixaad, markaasaa waxaa dhacay dhulgariir weyn; oo qorraxduna waxay u madoobaatay sidii joonyad dhogor ah, oo dayaxii oo dhammuna wuxuu noqday sidii dhiig oo kale;

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Yoel 3:14-16
    3 aayado
    87%

    14Dad badan oo badan ayaa ku jira dooxada xukunka la gooyay, waayo, maalintii Rabbigu way ku soo dhow dahay dooxada xukunka.

    15Qorraxdii iyo dayaxii way madoobaadeen, oo xiddigihiina iftiinkoodii way ceshadeen.

    16Rabbigu Buur Siyoon buu ka qaylin doonaa, oo codkiisuu kaga hadli doonaa Yeruusaalem, oo kolkaasay samooyinka iyo dhulkuba gariiri doonaan, laakiinse Rabbigu wuxuu dadkiisa u ahaan doonaa magangal, oo reer binu Israa'iilna wuxuu u ahaan doonaa qalcad adag.

  • Yoel 2:30-31
    2 aayado
    84%

    30Oo waxaan samooyinka iyo dhulkaba ka muujin doonaa yaabab, kuwaasoo ah dhiig, iyo dab, iyo tiirar qiiq ah.

    31Qorraxdu waxay u beddelmi doontaa gudcur, dayaxuna wuxuu u beddelmi doonaa dhiig, intaanay iman maalinta Rabbiga oo weyn oo cabsida badanu.

  • Ish 13:8-10
    3 aayado
    84%

    8Wayna nixi doonaan, oo waxaa qaban doona xanuun iyo murug, oo waxay u xanuunsan doonaan sida naag foolanaysa. Oo midkoodba kan kaluu la yaabi doonaa, oo wejigooduna wuxuu noqon doonaa sida olol oo kale.

    9Bal eega, maalinta Rabbigu way imanaysaa iyadoo nac weyn oo ka buuxda cadho iyo xanaaq kulul si dhulka cidla looga dhigo oo dembilayaasha oo dhan dhexdiisa looga baabbi'iyo.

    10Waayo, xiddigaha samada iyo ururkooduba ma iftiimi doonaan. Qorraxduna way madoobaan doontaa markii ay soo baxdo, oo dayaxuna ma iftiimi doono.

  • 20Qorraxdu waxay u beddelmi doontaa gudcur, Dayaxuna wuxuu u beddelmi doonaa dhiig, Intaanay iman maalinta Rabbigu, Taas oo ah maalin weyn oo caan ah.

  • Yoel 2:1-3
    3 aayado
    81%

    1¶ Siyoon buun ka dhex afuufa, oo buurtayda quduuska ah ka dhawaajiya, oo dadka dalka deggan oo dhammu ha wada gariireen, waayo, maalintii Rabbigu way imanaysaa, oo haatan way soo dhow dahay.

    2Oo maalintaasu waa maalin mugdi iyo gudcur ah, oo waa maalin cadar ah oo gudcur qaro weyn ahu jiro, oo waxay u imanaysaa sida kaaha waaberiga buuraha ku dul faafa. Bal eega dad tiro badan oo xoog weyn! Dadkaas wax la mid ah hore looma arag, oo iyaga dabadoodna wax la mid ahu ma jiri doonaan xataa tan iyo sannado iyo qarniyo badan.

    3Hortooda dab baa wax laasanaya, oo dabadoodana olol baa wax gubaya. Dhulka iyaga ka horreeya waa sida Beer Ceeden, oo kan iyaga ka dambeeyana waa sidii cidla baabba' ah oo kale, oo wax iyaga ka baxsadayna innaba ma jiraan.

  • 11Rabbiga ayaa codkiisa kaga hor hadlaya ciidankiisa, waayo, xeradiisu aad bay u weyn tahay, oo midka eraygiisa oofinayaa waa xoog badan yahay, waayo, Rabbiga maalintiisu waa weyn tahay, waana mid cabsi badan aad iyo aad, haddaba bal yaa u adkaysan kara?

  • 29¶ Laakiin dhibta wakhtigaas dabadeed, kolkiiba qorraxdu waa madoobaan doontaa, dayuxuna ma nuuri doono, xiddiguhuna cirka waa ka soo dhici doonaan, xoogagga cirkana waa la gariirin doonaa.

  • 30Oo maalintaas waxay iyaga ugu gurxami doonaan sida gurxanka badda; oo haddii dalka la eegana waxaa ka muuqda gudcur iyo cidhiidhi, oo iftiinkuna waa ku dhex madoobaaday daruurihii.

  • Yoel 2:5-6
    2 aayado
    78%

    5Oo sanqadhkoodu waa sida gaadhifardood buuraha dhaladooda boodboodaya, iyo sida olol dab oo bal gubaya, iyo sida dad xoog badan oo dagaal u diyaargaroobay.

    6Hortooda dadyowgu way wada gariirayaan, oo qof kastaba wejigiisa cabsi baa ka muuqanaysa.

  • 19Markii Rabbigu u soo sara joogsado inuu dhulka si xun u gariiriyo ayay dadku cabsida Rabbiga iyo sharafta haybaddiisa ka geli doonaan qorrofyada dhagaxyada, iyo godadka dhulka.

  • 78%

    24¶ Laakiin wakhtigaas, dhibtaas dabadeed, qorraxdu waa madoobaan doontaa, dayaxuna ma nuuri doono,

    25xiddiguhuna cirka waa ka soo dhici doonaan, xoogagga cirka ku jirana waa la gariirin doonaa.

  • 22dhulkana way fiirin doonaan, oo bal eega, waxay ku arki doonaan dhib iyo gudcur, iyo cidhiidhiga madowgiisa, oo waxaa iyaga lagu eryi doonaa gudcur dam ah.

  • 9Magaalada korkeeda ayay ku boodayaan, oo derbiga korkiisa ayay ku ordayaan, oo guryahay soo korayaan, oo sida tuug oo kale ayay daaqadaha ka soo galayaan.

  • 13Haddaba sidaas daraaddeed maalinta Rabbiga xanaaqiisa kululu iman doono ayaan samooyinka gariirin doonaa, dhulkuna meeshiisuu kaga dhaqaaqi doonaa cadhada Rabbiga ciidammada.

  • 9Oo Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Maalintaas waxaan ka dhigi doonaa in qorraxdu hadhkii dhacdo, oo dhulkana maalin cad baan gudcur ka dhigi doonaa.

  • 21si ay cabsida Rabbiga iyo sharafta haybaddiisa uga galaan qorrofyada dhagaxyada iyo qararka meelahooda dildillaacsan markii Rabbigu uu soo sara joogsado inuu dhulka si xun u gariiriyo.

  • Muj 6:12-14
    3 aayado
    76%

    12¶ Oo haddana waxaan arkay markii uu furay shaabaddii lixaad, markaasaa waxaa dhacay dhulgariir weyn; oo qorraxduna waxay u madoobaatay sidii joonyad dhogor ah, oo dayaxii oo dhammuna wuxuu noqday sidii dhiig oo kale;

    13oo xiddigihii samaduna waxay ku soo daateen dhulka sida geed berde ahi u tuuro midhihiisa aan bislaan markii dabayl weyni ruxdo.

    14Oo samadiina waxaa loo qaaday sidii kitaab la duubay oo kale, oo buur walba iyo gasiirad walbaba meeshoodii waa laga dhaqaajiyey.

  • 76%

    25¶ Calaamooyin ayaa laga arki doonaa qorraxda, iyo dayaxa, iyo xiddigaha; dhulkana waxaa ku jiri doona dhib quruumahu ka welwelaan guuxa badda iyo hirarka aawadood.

    26Dadkuna waxay la suuxi doonaan baqdin iyo filasho waxa dunida iman doona, waayo, xoogagga cirka ayaa la gariirin doonaa.

  • Saf 1:14-15
    2 aayado
    76%

    14¶ Maalintii weynayd oo Rabbigu way soo dhow dahay, way soo dhow dahay, oo aad bay u soo degdegaysaa. Dhawaaqi maalinta Rabbigu mar dhow buu yeedhi doonaa, dadka xoogga badanuna halkaasay si qadhaadh ah uga qaylin doonaan.

    15Maalintaasu waa maalin ay cadho jirto, oo waa maalin ay jiraan dhibaato iyo cidhiidhi, oo waa maalin ay jiraan dumin iyo baabbi'in, oo waa maalin ay jiraan gudcur iyo mugdi madow, oo waa maalin ay jiraan daruuro iyo gudcur dam ah,

  • 20oo kalluunka badda, iyo haadda samada, iyo dugaagga duurka, iyo waxyaalaha dhulka ku gurguurta oo dhan, iyo dadka dhulka jooga oo dhammuba waxay ka wada gariiri doonaan hortayda, oo buuruhu way dumi doonaan, oo meelaha dheerdheeruna way wada dhici doonaan, oo derbi kastaana dhulkuu ku soo dhici doonaa.

  • 3iyo inta kuwa guriga dhawraa ay gariiraan, oo nimanka xoogga badanuna ay soo gotaan, oo kuwa wax shiidaana ay tiradooda yar aawadeed shuqulka u joojiyaan, oo kuwa daaqadaha wax ka fiiriyaana ay madoobaadaan,

  • 23Oo markaasaa dayaxu isku qasmi doonaa, oo qorraxduna way ceeboobi doontaa, waayo, Rabbiga ciidammadu boqor buu ku ahaan doonaa Buur Siyoon iyo Yeruusaalem, isagoo odayaashiisa hortooda sharaftiisa ka muujinaya.

  • 8Oo Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Iftiimmada dhalaalaya oo samada oo dhan ayaan korkaaga ku wada madoobayn doonaa, oo dalkaagana gudcur baan ku soo dejin doonaa.

  • 5Buuruhu way ka gariiraan isaga, oo kuruhuna way dhalaalaan, oo dhulka xataa dunida iyo waxa deggan oo dhammuba way ku rogmadaan hortiisa.

  • 12Rabbigu wuxuu leeyahay, Samooyinkow, bal waxan la yaaba, oo aad iyo aad u cabsada, oo haddana aad u gariira.

  • Ish 24:18-19
    2 aayado
    74%

    18Oo kii qaylada cabsida ka cararaa yamayskuu ku dhici doonaa, oo kii yamayska ka soo baxana waxaa qaban doona dabinka, waayo, waxaa la furay daaqadihii xagga sare, oo aasaaskii dhulkuna wuu gariirayaa.

    19Dhulkii dhammaantiis wuu dumay, oo dhulkii kulligiis wuu burburay, oo dhulkii aad iyo aad buu u dhaqdhaqaaqay.

  • Ish 13:5-6
    2 aayado
    74%

    5Waxay ka imanayaan waddan fog iyo samada darafka ugu shisheeya inay dalka oo dhan baabbi'iyaan, waana Rabbiga iyo hubkii dhirifkiisaba.

    6Baroorta, waayo, maalintii Rabbigu way dhow dahay, oo waxay u iman doontaa sida baabbi'in xagga Ilaaha Qaadirka ah ka timid.

  • 6Oo waxay maalintaas noqon doontaa in iftiinku uusan yeelanayn dhalaal iyo gudcur toona,

  • 6Waayo, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Weli wakhti yar oo gaaban baa ii hadhay, oo dabadeedna waxaan gariirin doonaa samooyinka, iyo dhulka, iyo badda, iyo berrigaba.

  • 16Rabbiga Ilaahiinna ah ammaana intuusan gudcur idinku soo dejin, iyo intaan cagihiinnu ku turunturoon buuraha gudcurka ah, oo intaad iftiin sugaysaan uusan idiinku beddelin hooskii dhimashada iyo gudcur dam ah.

  • 20Maalinta Rabbigu sow ma ahaan doonto gudcur aan iftiin lahayn, iyo xataa gudcur weyn oo aan dhalaal lahayn?

  • 4Gaadhifardoodyada ayaa jidadka dhexdooda ka gurdamaya, oo jidadka balballaadhan ayaa midkoodba kan kale ku cidhiidhinaya, oo muuqashadooduna waa sida qori iftiimaya oo kale, waxayna u ordayaan sida hillaaca oo kale.

  • 10¶ Laakiinse maalinta Rabbigu waxay u iman doontaa sida tuug oo kale; maalintaas oo ay samooyinku baabbi'i doonaan iyagoo sanqadh weynu ka yeedhayso, oo waxyaalaha abuuranna iyagoo gubanaya ayay baabbi'i doonaan. Dhulka iyo shuqullada ku jirana waa la gubi doonaa.

  • 4Hillaaciisii ayaa dunida iftiimiyey, Dhulkuna wuu arkay, wuuna gariiray.