Ishacyaah 24:18

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo kii qaylada cabsida ka cararaa yamayskuu ku dhici doonaa, oo kii yamayska ka soo baxana waxaa qaban doona dabinka, waayo, waxaa la furay daaqadihii xagga sare, oo aasaaskii dhulkuna wuu gariirayaa.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bil 7:11 : 11 Sannaddii uu Nuux lix boqol oo sannadood jiray, bisheedii labaad, maalintii toddoba iyo tobnaad oo bisha, isla maalintaas ayaa ilihii moolka weyn biyo ka buqdeen, dariishadihii samadana la furay.
  • Sab 18:7 : 7 Markaasaa dhulku ruxmay oo gariiray, Oo buuraha aasaaskoodiina wuu dhaqdhaqaaqay, Oo wuu ruxmay, maxaa yeelay, Ilaah waa cadhaysnaa.
  • Sab 18:15 : 15 Rabbiyow, canaantaadii aawadeed iyo dulalka sankaaga neefta ka soo baxaysa aawadeed Ayaa durdurradii biyuhu la muuqdeen, Oo aasaaskii duniduna wuu soo bannaan baxay.
  • Sab 46:2-3 : 2 Sidaas daraaddeed cabsan mayno in kastoo dhulku beddelmo, Iyo in kastoo buurahu badda uurkeeda ku dhex dhaqaaqaan, 3 Iyo in kastoo biyaheedu guuxaan oo qasmaan, Iyo in kastoo ay buurahu kibirkooda la ruxruxmaan. (Selaah)
  • Aam 5:19 : 19 Waa sidii nin libaax ka cararay oo orso ka hor timid, ama intuu guri galay derbiga ku tiirsaday oo markaas abeeso gacanta ka qaniintay.
  • Bil 19:24 : 24 Markaasaa Rabbigu wuxuu Sodom iyo Gomora ku soo daayay baruud iyo dab ka yimid xagga Rabbiga oo samada ka soo daatay;
  • Sharc 32:22-26 : 22 Waayo, dab baa ka qaxmay cadhadaydii, Oo wuxuu gubaa ilaa meesha ugu hoosaysa ee She'ool, Dhulkana wuu baabbi'iyaa iyo waxa ka baxaba. Oo wuxuu dab ku dhejiyaa aasaaska buuraha. 23 Waxaan korkooda ku tuuli doonaa belaayooyin, Oo fallaadhahaygana iyagaan ku gani doonaa. 24 Waxay ku baabbi'i doonaan gaajo, oo waxay ku guban doonaan kulayl qaxmaya Iyo halligaad qadhaadh, Oo waxaan ku diri doonaa ilkaha dugaagga, Iyo waabayda waxyaalaha ciidda ku gurguurta. 25 Dibadda waxaa ku layn doona seef, guryaha gudahoodana cabsi, Oo barbaar iyo bikrad iyo naasnuug iyo oday cirro lehba way wada baabbi'i doonaan. 26 Waxaan idhi, Iyaga meel fog baan ku kala firdhin lahaa, Oo xusuustoodana dadka dhexdiisa waan ka joojin lahaa,
  • Yash 10:10-11 : 10 Oo markaasaa Rabbigu cabsi ku riday iyagii reer binu Israa'iil hortooda, oo Gibecoon agteeda ayuu aad ugu laayay, oo wuxuu u eryaday xagga jidkii kor loo baxo Beytxooroon, oo wuxuu ku laynayay ilaa Caseeqaah iyo tan iyo Maqeedaah. 11 Oo markay ka carareen reer binu Israa'iil, intay ku sii jireen dhaadhaca Beytxooroon, ayaa Rabbigu wuxuu iyaga samada kaga soo daayay roob dhagaxyo leh oo waaweyn ilaa Caseeqaah, oo way dhinteen; oo intii roobkii dhagaxyada lahaa ku dhimatay baa ka sii badnayd intoodii reer binu Israa'iil seefta ku laayeen.
  • 1 Boq 20:29-30 : 29 Oo intii toddoba maalmood ah ayay is-hor degganaayeen. Oo waxay noqotay in maalintii toddobaad dagaalkii bilaabmay, oo maalin keliya ayaa ciidankii Israa'iil waxay dadkii Suuriya ka laayeen boqol kun oo nin oo lug ah. 30 Laakiinse intoodii kale Afeeq ayay u carareen oo magaaladay galeen, oo toddoba iyo labaatan kun oo nin oo ka hadhayna waxaa ku soo dhacay derbigii. Markaasaa Benhadad cararay oo magaaladuu galay isagoo ugu gudbaya qol ilaa qol.
  • 2 Boq 7:2 : 2 Oo sirkaalkii gacantiisa boqorku ku tiirsanaa wuxuu ninkii Ilaah ugu jawaabay, Rabbiga oo samada daaqado ka fura mooyaane, ee sidee baa waxanu ku noqon karaan? Oo isna wuxuu ku yidhi, Bal ogow, indhahaaga ayaad ku arki doontaa, laakiinse waxba kama cuni doontid.
  • Ayuub 18:8-9 : 8 Waayo, isagu wuxuu cagta gashadaa shabag, Oo wuxuu ku kor socdaa dabin. 9 Waxaa isaga cedhibta ku dhegi doona dabin, Oo qool baana qabsan doona. 10 Waxaa dhulka ugu qarsan siriq, Oo jidkana waxaa u yaal dabin. 11 Dhinac kasta waxaa ka bajin doona cabsi, Oo xataa gadaalna way ka soo eryan doontaa. 12 Xooggiisa waxaa dili doonta gaajo, Oo belaayona agtiisay diyaar ku tahay. 13 Oo waxay baabbi'in doontaa xubnaha jidhkiisa, Oo curadka dhimashada ayaa xubnihiisa baabbi'in doona. 14 Oo isaga waa laga rujin doonaa teendhadiisa uu isku halleeyo, Oo waxaa loo keeni doonaa boqorka cabsida. 15 Teendhadiisa waxaa ku jiri doona wax aan wixiisii ahayn, Oo hoygiisana waxaa lagu soo kor firdhin doonaa baaruud. 16 Xididdadiisa hoose way qallali doonaan, Oo laamihiisa sarena waa la jari doonaa.
  • Ayuub 20:24 : 24 Wuu ka carari doonaa hubka birta ah, Oo qaansada naxaasta ahu fallaadh bay ka dhex dusin doontaa.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 17Kan dhulka degganow, waxaa ku hor yaal cabsi iyo yamays iyo dabin.

  • Ish 24:19-22
    4 aayado
    84%

    19Dhulkii dhammaantiis wuu dumay, oo dhulkii kulligiis wuu burburay, oo dhulkii aad iyo aad buu u dhaqdhaqaaqay.

    20Dhulku wuxuu u dhicdhici doonaa sida nin sakhraansan, oo waxaa loo dhaqdhaqaajin doonaa sida buul oo kale. Xadgudubkiisuna wuu ku cuslaan doonaa, oo wuu dhici doonaa, oo mar dambena sooma kici doono.

    21¶ Oo waxay maalintaas noqon doontaa in Rabbigu ciidanka kuwa sare kor ku ciqaabi doono, oo boqorrada dunidana dhulkuu ku ciqaabi doonaa.

    22Oo iyaga waxaa laysugu soo ururin doonaa sida maxaabiista godxabsiga loogu urursho, oo waa la xabbisi doonaa oo maalmo badan dabadeed ayaa la ciqaabi doonaa.

  • 21si ay cabsida Rabbiga iyo sharafta haybaddiisa uga galaan qorrofyada dhagaxyada iyo qararka meelahooda dildillaacsan markii Rabbigu uu soo sara joogsado inuu dhulka si xun u gariiriyo.

  • 19Markii Rabbigu u soo sara joogsado inuu dhulka si xun u gariiriyo ayay dadku cabsida Rabbiga iyo sharafta haybaddiisa ka geli doonaan qorrofyada dhagaxyada, iyo godadka dhulka.

  • Yer 48:43-44
    2 aayado
    75%

    43Rabbigu wuxuu leeyahay, Kan Moo'aab degganow, waxaa ku hor yaal cabsi, iyo yamays, iyo dabin.

    44Kii cabsida ka cararaa wuxuu ku dhici doonaa yamayska, oo kii yamayska ka soo baxana waxaa qaban doona dabinka, waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaan reer Moo'aab ku soo dul dejin doonaa sannaddii ciqaabiddooda.

  • 47Waxaa noo yimid cabsi iyo yamays, iyo halligaad iyo baabbi'in.

  • Yoel 2:9-10
    2 aayado
    74%

    9Magaalada korkeeda ayay ku boodayaan, oo derbiga korkiisa ayay ku ordayaan, oo guryahay soo korayaan, oo sida tuug oo kale ayay daaqadaha ka soo galayaan.

    10Oo hortooda dhulku wuu gariirayaa, samooyinkuna way ruxmanayaan, oo qorraxdii iyo dayaxiina way madoobaadeen, oo xiddigihiina iftiinkoodii way ceshadeen.

  • 20oo kalluunka badda, iyo haadda samada, iyo dugaagga duurka, iyo waxyaalaha dhulka ku gurguurta oo dhan, iyo dadka dhulka jooga oo dhammuba waxay ka wada gariiri doonaan hortayda, oo buuruhu way dumi doonaan, oo meelaha dheerdheeruna way wada dhici doonaan, oo derbi kastaana dhulkuu ku soo dhici doonaa.

  • 16Oo kuwa ku arkaa way kugu dhaygagi doonaan, wayna ku fiirsan doonaan, oo waxay odhan doonaan, War kanu ma ninkii dhulka gariiriyey, oo boqortooyooyinka ruxruxay,

  • 27Markay cabsidiinnu u timaado sida duufaan oo kale, Oo belaayadiinnuna u timaado sida dabayl cirwareen ah; Oo dhibaato iyo cidhiidhi idinku yimaadaan.

  • 73%

    10Waxaa dhulka ugu qarsan siriq, Oo jidkana waxaa u yaal dabin.

    11Dhinac kasta waxaa ka bajin doona cabsi, Oo xataa gadaalna way ka soo eryan doontaa.

  • Muj 6:14-15
    2 aayado
    73%

    14Oo samadiina waxaa loo qaaday sidii kitaab la duubay oo kale, oo buur walba iyo gasiirad walbaba meeshoodii waa laga dhaqaajiyey.

    15Oo boqorradii dunida, iyo amiirrada, iyo saraakiisha sare, iyo taajiriinta, iyo kuwa xoogga weyn ah, iyo addoon kasta iyo mid kasta oo xor ahuba, waxay ku dhuunteen godadka iyo dhagaxyada buuraha;

  • 26Dadkuna waxay la suuxi doonaan baqdin iyo filasho waxa dunida iman doona, waayo, xoogagga cirka ayaa la gariirin doonaa.

  • 10Sidaas daraaddeed waxaa hareerahaaga ku wareegsan dabinno, Oo waxaa ku dhibaya cabsi kedis ah,

  • 6Dhulka wuu ka ruxruxaa meeshiisa, Oo tiirarkiisuna way wada gariiraan.

  • 35Waayo, sidaas oo kale ayaa ku dhacaysa kulli kuwa dunida oo dhan jooga.

  • 13Haddaba sidaas daraaddeed maalinta Rabbiga xanaaqiisa kululu iman doono ayaan samooyinka gariirin doonaa, dhulkuna meeshiisuu kaga dhaqaaqi doonaa cadhada Rabbiga ciidammada.

  • 20¶ Dadkaygow, kaalaya, qolladihiinna gala, oo albaabbadiinna soo xidha, oo wakhti yar dhuunta, intay cadhadu gudbayso.

  • 24Buurahaan fiiriyey, oo waxaan arkay inay gariirayeen, oo kurihii oo dhammuna way wada dhaqdhaqaaqayeen.

  • 7Markaasaa dhulku ruxmay oo gariiray, Oo buuraha aasaaskoodiina wuu dhaqdhaqaaqay, Oo wuu ruxmay, maxaa yeelay, Ilaah waa cadhaysnaa.

  • 3iyo inta kuwa guriga dhawraa ay gariiraan, oo nimanka xoogga badanuna ay soo gotaan, oo kuwa wax shiidaana ay tiradooda yar aawadeed shuqulka u joojiyaan, oo kuwa daaqadaha wax ka fiiriyaana ay madoobaadaan,

  • 14Ayaa cabsi iyo gariiru igu dhacay, Oo lafahayga oo dhammuna way wada ruxruxmadeen.

  • 26kan codkiisii wakhtigaas gariiriyey dhulka; laakiin hadda wuu ballanqaaday isagoo leh, Weliba mar kale ayaan gariirin doonaa dhulka, dhulka oo keliyana ma aha ee xataa samadana waan gariirin doonaa.

  • 16Anigu waan maqlay, kolkaasaan caloosha ka naxay, Oo codkii aawadiis ayaa bushimahaygu la qadhqadheen, Lafahaygiina way qudhmeen, oo meeshaydaan ku gariiray, Inaan iska nasto intaan sugayo maalinta dhibka Oo ay ciidammadu ku soo kici doonaan dadka.

  • 13Waayo, sidaasay ahaan doontaa dalka iyo dadyowga dhexdoodaba, oo waxay noqon doontaa sida ruxruxidda geedka saytuunka ah iyo sida xaaxaabka canabka marka midhaha laga gurto dabadeed.

  • 30Dadka dhulka oo dhammow, hortiisa ku gariira. Duniduna waxay u dhisan tahay si aan la dhaqaajin karin.

  • 8Markaasaa dhulku ruxmay oo gariiray, Oo samada aasaaskeediina wuu dhaqdhaqaaqay, Oo wuu ruxmay, maxaa yeelay, Ilaah waa cadhaysnaa.

  • Miik 1:3-4
    2 aayado
    71%

    3¶ Waayo, bal eega, Rabbigu meeshiisuu ka soo bixi doonaa, wuuna soo degan doonaa, oo dhulka meelihiisa sarsare mari doonaa.

    4Oo buuruhu hoostiisay ku dhalaali doonaan, dooxooyinkuna way u kala dildillaaci doonaan sidii shamac dab hor yaal, iyo sidii biyo ka daadanaya meel sare.

  • 46Dhulkii wuxuu la gariiraa sanqadhii qabsashadii Baabuloon, oo qayladeeda waxaa laga maqlaa quruumaha dhexdooda.

  • 29Magaalada oo dhammu waxay ka qixi doontaa qaylada fardoleyda iyo qaansoleyda, oo jiqday ku carari doonaan, dhagaxyada dushoodana way fuuli doonaan, magaalo kastana waa laga tegi doonaa, oo nin qudhuhuna ma degganaan doono.

  • 13Si uu u qabsado dhulka darfihiisa, Oo sharrowyada looga hurgufo?

  • 21Dhulkii wuxuu la gariiraa sanqadhii dhiciddooda, oo qayladoodana waxaa laga maqlaa tan iyo Badda Cas.

  • 6Waa inay ku hoydaan haadaamaha dooxooyinka, Iyo boholaha dhulka iyo dhagaxyada dhexdooda.

  • 8Tan daraaddeed miyaan dhulku la gariiri doonin, oo mid kasta oo degganuna miyuusan barooran doonin? Haah, oo dhammaantiis wuxuu u kici doonaa sida Webiga, oo wuu rogrogman doonaa, dabadeedna wuxuu u degi doonaa sida Webiga Masar.

  • 16markaas kuwa Yahuudiya joogaa, buuraha ha u carareen.

  • 4Oo hoos baa laguu soo dejin doonaa, oo dhulkaad ka dhex hadli doontaa, oo hadalkaaguna isagoo gaaban ayuu ciidda ka yeedhi doonaa, oo codkaaguna wuxuu ahaan doonaa sida mid ruuxaan leh oo dhulka ka yeedhaya, oo hadalkaaguna ciidduu ka shuqshuqlayn doonaa.

  • 1Oo weliba taas aawadeed qalbigaygu wuu gariiraa, Oo meeshiisiina wuu ka dhaqaaqaa.

  • 18Oo sida xaqiiqada ah buurtii dhacdaa waa baabba'daa, Oo dhagaxiina meeshiisii wuu ka dhaqaaqaa.

  • 22Markaad col sii dhaqsiya ugu soo daysid, qaylo ha ka dhex yeedho guryahooda, waayo, god bay ii qodeen, oo shirqool bay cagahayga u qariyeen.

  • 5Baqdin iyo gariir ayaa igu soo degay, Oo naxdin baa i dabooshay.

  • 2Sidaas daraaddeed cabsan mayno in kastoo dhulku beddelmo, Iyo in kastoo buurahu badda uurkeeda ku dhex dhaqaaqaan,