Aamos 8:9
Oo Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Maalintaas waxaan ka dhigi doonaa in qorraxdu hadhkii dhacdo, oo dhulkana maalin cad baan gudcur ka dhigi doonaa.
Oo Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Maalintaas waxaan ka dhigi doonaa in qorraxdu hadhkii dhacdo, oo dhulkana maalin cad baan gudcur ka dhigi doonaa.
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
7Oo markaan ku baabbi'iyo ayaan samada dabooli doonaa, oo xiddigaheedana waan madoobayn doonaa. Qorraxdana daruur baan ku qarin doonaa, oo dayaxuna iftiinkiisa sooma bixin doono.
8Oo Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Iftiimmada dhalaalaya oo samada oo dhan ayaan korkaaga ku wada madoobayn doonaa, oo dalkaagana gudcur baan ku soo dejin doonaa.
9Oo markaan halligaaddii aad quruumaha ku dhex halligantay u keeno waddammada aadan aqoonin ayaan dadyow badan qalbigood dhibi doonaa.
10Iidihiinnana waan u beddeli doonaa tacsi, oo gabayadiinna oo dhanna baroorasho baan u beddeli doonaa, oo waxaan ka dhigi doonaa in qof kasta joonyad xidho oo madax kastana la xiiro, oo waxaan ka dhigi doonaa sidii baroorasho wiil madi ah loogu baroorto, oo dhammaadkeedana sidii maalin qadhaadh.
11Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal eega, waxaa iman doona wakhti aan dalka abaar u soo diri doono, mana ahaan doonto abaar cunto la waayo ama biyo loo oomo, laakiinse waxay ahaan doontaa abaar la waayayo erayada Rabbiga.
9Bal eega, maalinta Rabbigu way imanaysaa iyadoo nac weyn oo ka buuxda cadho iyo xanaaq kulul si dhulka cidla looga dhigo oo dembilayaasha oo dhan dhexdiisa looga baabbi'iyo.
10Waayo, xiddigaha samada iyo ururkooduba ma iftiimi doonaan. Qorraxduna way madoobaan doontaa markii ay soo baxdo, oo dayaxuna ma iftiimi doono.
11Oo dunida sharkeeda aawadiis ayaan u ciqaabi doonaa, oo kuwa sharka lehna xumaantooda aawadeed ayaan u ciqaabi doonaa, oo kuwa kibrana kibirkooda waan joojin doonaa, oo kuwa laga cabsadona madaxweynaantooda hoos baan u soo dejin doonaa.
6Oo waxay maalintaas noqon doontaa in iftiinku uusan yeelanayn dhalaal iyo gudcur toona,
7laakiinse waxay ahaan doontaa maalin uu Rabbigu og yahay, taasoo aan maalin ahayn, oo aan habeenna ahayn, laakiinse waxay ahaan doontaa in markay fiidkii tahay uu iftiin jiri doono.
15Qorraxdii iyo dayaxii way madoobaadeen, oo xiddigihiina iftiinkoodii way ceshadeen.
20Maalinta Rabbigu sow ma ahaan doonto gudcur aan iftiin lahayn, iyo xataa gudcur weyn oo aan dhalaal lahayn?
8Tan daraaddeed miyaan dhulku la gariiri doonin, oo mid kasta oo degganuna miyuusan barooran doonin? Haah, oo dhammaantiis wuxuu u kici doonaa sida Webiga, oo wuu rogrogman doonaa, dabadeedna wuxuu u degi doonaa sida Webiga Masar.
14¶ Maalintii weynayd oo Rabbigu way soo dhow dahay, way soo dhow dahay, oo aad bay u soo degdegaysaa. Dhawaaqi maalinta Rabbigu mar dhow buu yeedhi doonaa, dadka xoogga badanuna halkaasay si qadhaadh ah uga qaylin doonaan.
15Maalintaasu waa maalin ay cadho jirto, oo waa maalin ay jiraan dhibaato iyo cidhiidhi, oo waa maalin ay jiraan dumin iyo baabbi'in, oo waa maalin ay jiraan gudcur iyo mugdi madow, oo waa maalin ay jiraan daruuro iyo gudcur dam ah,
6Haddaba sidaas daraaddeed waxay idiin noqon doontaa habeen, waxbana laydinma tusi doono, oo waxay idiin noqon doontaa gudcur, mana aad faalan doontaan, oo qorraxdu way dhici doontaa nebiyada oo jooga, oo maalintuna way ku madoobaan doontaa iyaga.
31Qorraxdu waxay u beddelmi doontaa gudcur, dayaxuna wuxuu u beddelmi doonaa dhiig, intaanay iman maalinta Rabbiga oo weyn oo cabsida badanu.
10Oo hortooda dhulku wuu gariirayaa, samooyinkuna way ruxmanayaan, oo qorraxdii iyo dayaxiina way madoobaadeen, oo xiddigihiina iftiinkoodii way ceshadeen.
30Oo maalintaas waxay iyaga ugu gurxami doonaan sida gurxanka badda; oo haddii dalka la eegana waxaa ka muuqda gudcur iyo cidhiidhi, oo iftiinkuna waa ku dhex madoobaaday daruurihii.
24¶ Laakiin wakhtigaas, dhibtaas dabadeed, qorraxdu waa madoobaan doontaa, dayaxuna ma nuuri doono,
22dhulkana way fiirin doonaan, oo bal eega, waxay ku arki doonaan dhib iyo gudcur, iyo cidhiidhiga madowgiisa, oo waxaa iyaga lagu eryi doonaa gudcur dam ah.
20Qorraxdu waxay u beddelmi doontaa gudcur, Dayaxuna wuxuu u beddelmi doonaa dhiig, Intaanay iman maalinta Rabbigu, Taas oo ah maalin weyn oo caan ah.
18¶ Kuwiinna maalinta Rabbiga jeclaystow, waa idiin hoog. Maxaad maalinta Rabbiga u doonaysaan? Waa gudcur, oo iftiin ma aha.
2Oo maalintaasu waa maalin mugdi iyo gudcur ah, oo waa maalin cadar ah oo gudcur qaro weyn ahu jiro, oo waxay u imanaysaa sida kaaha waaberiga buuraha ku dul faafa. Bal eega dad tiro badan oo xoog weyn! Dadkaas wax la mid ah hore looma arag, oo iyaga dabadoodna wax la mid ahu ma jiri doonaan xataa tan iyo sannado iyo qarniyo badan.
15Waxaa hoogtay maalintaas! Waayo, maalintii Rabbigu way soo dhow dahay, oo waxay u imanaysaa sida halligaad ka timid xagga Ilaaha Qaadirka ah.
3iyo inta kuwa guriga dhawraa ay gariiraan, oo nimanka xoogga badanuna ay soo gotaan, oo kuwa wax shiidaana ay tiradooda yar aawadeed shuqulka u joojiyaan, oo kuwa daaqadaha wax ka fiiriyaana ay madoobaadaan,
3Waayo, maalintii waa soo dhow dahay, maalintii Rabbigu waa soo dhow dahay, waana maalin daruuro madow leh, oo waxay noqon doontaa wakhtigii quruumaha.
29¶ Laakiin dhibta wakhtigaas dabadeed, kolkiiba qorraxdu waa madoobaan doontaa, dayuxuna ma nuuri doono, xiddiguhuna cirka waa ka soo dhici doonaan, xoogagga cirkana waa la gariirin doonaa.
12Habeenka waxay u beddelaan maalin, Oo waxay yidhaahdaan, Iftiinku waa u dhow yahay gudcurka.
12Oo Sayidka ah Rabbiga ciidammadu wuxuu maalintaas dadka ugu yeedhay oohin, iyo madax-xiirnaan, iyo dhar joonyad ah guntashadiisa.
3Samooyinka madow baan huwiyaa, oo dhar joonyad ah ayaan go' uga dhigaa.
4Isu diyaariya inaad iyada dagaal ugu kacdaan, sara joogsada, oo ina keena aan iyada hadhka weerarnee. Annagaa iska hoognay, waayo, gabbalkii waa dhacay, oo hooskii habeennimo ayaa sii dheeraaday.
8Bal eega, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Wuu imanayaa oo wuu ahaan doonaa, kaasu waa wakhtigii aan ka sii hadlay.
4Maalintaasu gudcur ha ahaato; Oo Ilaah yuusan iyada xagga sare kaga fiirsan, Oo nuurkuna yuusan iftiimin.
5Gudcur iyo hooska dhimashadu iyada mulki ha ka dhigteen. Daruuru ha ku degto, Oo wixii maalin madoobeeya oo dhammu ha cabsiiyeen.
8bal eeg, waxaan dib u soo celin doonaa hooska derejooyinka, intuu hore uga socday toban derejo oo ah derejooyinkii Aaxaas. Sidaasay qorraxdu dib ugu soo noqotay toban derejo oo ay hore u dhaaftay.
12¶ Oo haddana waxaa ka dhawaajisay malaa'igtii afraad, markaasaa waxaa wax lagu dhuftay qorraxda saddex meelood oo meel, iyo dayaxa saddex meelood oo meel, iyo xiddigaha saddex meelood oo meel, in saddex meelood oo meeli ay gudcur noqoto, iyo in maalinta saddex meelood oo meeli aanay iftiimin, habeenkuna uu noqdo sidaas oo kale.
16Rabbiga Ilaahiinna ah ammaana intuusan gudcur idinku soo dejin, iyo intaan cagihiinnu ku turunturoon buuraha gudcurka ah, oo intaad iftiin sugaysaan uusan idiinku beddelin hooskii dhimashada iyo gudcur dam ah.
19Mar dambe qorraxdu kuuma ahaan doonto iftiinkaaga maalinnimo, oo dayaxuna nuur dhalaalaya kuma siin doono, laakiinse Rabbiga ayaa iftiin weligiis ah kuu ahaan doona, oo Ilaahaaguna qurux buu kuu ahaan doonaa.
20Qorraxdaadu mar dambe ma dhici doonto, oo dayaxaaguna iftiinkiisa ma ceshan doono, waayo, Rabbigu wuxuu kuu ahaan doonaa iftiin weligiis ah, oo wakhtigii baroorashadaaduna wuu dhammaan doonaa.
9Fiidka xiddigihiisu gudcur ha noqdeen, Iftiin ha doondoono oo yuusan helin; Oo innaba yuusan arkin kaaha waaberiga.
28Taas aawadeed dhulku wuu u barooran doonaa, oo samooyinka sarena way u madoobaan doonaan, maxaa yeelay, waxan anigaa ku hadlay, oo anigaa u qasdiyey, oo innaba ka qoomamoon maayo, kana soo noqon maayo marnaba.
26Oo weliba iftiinka dayaxu wuxuu noqon doonaa sida nuurka qorraxda, oo nuurka qorraxduna wuxuu toddoba jibbaar u noqon doonaa sida toddoba maalmood iftiinkood oo kale, waana maalinta Rabbigu nabarka dadkiisa duubi doono oo uu dhaawacooda ku dhacay bogsiin doono.
8Oo Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Dalkaan cidla ka dhigi doonaa, maxaa yeelay, iyagu way xadgudbeen.
33¶ Goortii saacaddii lixaad la gaadhay, dhulka oo dhammu gudcur buu ahaa ilaa saacaddii sagaalaad.
8Oo subaxdii dambe ayaa eraygii Rabbigu ii yimid isagoo leh,
18Oo Texafneheesna maalintaa ku madoobaan doonta, markaan harqoodyada Masar halkaas ku jejebin doono, kibirka xooggeeduna wuu ka dhex baabbi'i doonaa, oo iyada daruur baa qarin doonta, oo gabdhaheedana maxaabiis ahaan baa loo kaxaysan doonaa.
11¶ Wakhtigaas waxaan sare kicin doonaa taambuuggii Daa'uud oo dhacay, waanan awdi doonaa daldaloolkiisa, oo jajabkiisana waan sare kicin doonaa, oo waxaan u dhisi doonaa sidii waagii hore,
23Oo markaasaa dayaxu isku qasmi doonaa, oo qorraxduna way ceeboobi doontaa, waayo, Rabbiga ciidammadu boqor buu ku ahaan doonaa Buur Siyoon iyo Yeruusaalem, isagoo odayaashiisa hortooda sharaftiisa ka muujinaya.
45¶ Hadda saacaddii lixaad ilaa saacaddii sagaalaad dhulka oo dhammu gudcur buu ahaa.