Ishacyaah 33:5

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Rabbigu wuu sarreeyaa, waayo, meel saruu joogaa, oo wuxuu Siyoon ka buuxiyey caddaalad iyo xaqnimo.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Ish 2:17 : 17 Oo kibirka binu-aadmiga hoos baa loo soo dejin doonaa, oo dadka madaxweynaantiisana waa la hoosaysiin doonaa, oo Rabbiga keliya ayaa maalintaas la sarraysiin doonaa.
  • Ish 4:2-4 : 2 ¶ Oo maalintaas ayaa biqilka Rabbigu noqon doonaa wax qurux iyo ammaan badan, oo midhaha dhulkuna waxay kuwa reer binu Israa'iil oo baxsaday u noqon doonaan wax lagu faano oo quruxsan. 3 Oo waxay noqon doontaa in kii Siyoon ku hadhay iyo kii Yeruusaalem sii joogay loogu yeedho quduus, xataa mid kasta oo ku qoran kuwa Yeruusaalem ku nool dhexdooda 4 markii Sayidku maydho wasakhda dadka Siyoon, oo uu Yeruusaalem dhiiggeeda dhexdeeda kaga nadiifiyo ruuxa caddaaladda, iyo ruuxa wax guba.
  • Ish 12:4 : 4 Oo maalintaas waxaad odhan doontaan, Rabbiga u mahadnaqa, oo magiciisa ku barya, falimihiisana ka caddeeya dadyowga dhexdooda, oo xusuusiya inuu magiciisu weyn yahay.
  • Ish 28:6 : 6 oo kan garsoorid u fadhiyana wuxuu u ahaan doonaa caddaalad, oo kuwa dagaalka iridda ka celiyana wuxuu u ahaan doonaa xoog.
  • Ish 32:1 : 1 ¶ Bal eega, boqor baa xaqnimo ku talin doona, oo amiirrona caddaalad bay wax ku xukumi doonaan.
  • Ish 32:15-18 : 15 ilaa Ruuxa xagga sare nalagu kor shubo, oo cidladuna ay noqoto beer midho badan, oo beerta midhaha badanna sida duud oo kale lagu tiriyo. 16 Oo markaas dabadeed ayaa caddaaladu cidlada joogi doontaa, oo xaqnimona waxay ku sii jiri doontaa beerta midhaha badan. 17 Oo xaqnimada shuqulkeeduna wuxuu ahaan doonaa nabad, xaqnimaduna weligeed waxay keeni doontaa xasilloonaan iyo kalsooni. 18 Oo dadkayguna waxay joogi doonaan rug nabaadiino, iyo hoyaal ammaan ah, iyo meelo xasilloon oo lagu nasto.
  • Ish 33:10 : 10 Rabbigu wuxuu leeyahay, Hadda waan kacayaa, hadda kor baan isu qaadayaa, oo hadda waan sara marayaa.
  • Ish 37:20 : 20 Haddaba sidaas daraaddeed, Rabbiyow, Ilaahayagow, gacantiisa naga badbaadi, in boqortooyooyinka dunida oo dhammu ay ogaadaan inaad adiga keliyuhu Rabbiga tahay.
  • Ish 52:1 : 1 ¶ Siyoonay, toos oo toos, oo xooggaaga xidho. Yeruusaalemay, magaalada quduuska ahay, dharkaaga quruxda badan xidho, waayo, hadda ka dib kuwa buuryoqab ah iyo kuwa nijaas ah toona kuma ay soo geli doonaan.
  • Ish 54:11-14 : 11 ¶ Taada dhibaataysan, oo duufaanku rogrogay, oo aan la qalbi qabowjinay, bal eeg, dhagaxyadaada waxaan ku qurxin doonaa midabyo kala cayncayn ah, oo aasaaskaagana waxaan ka samayn doonaa dhagaxyo safayr la yidhaahdo. 12 Oo daaqadahaagana waxaan ka samayn doonaa dhagaxyo cascas oo yaaquud la yidhaahdo, irdahaagana waxaan ka samayn doonaa dhagaxyo dhalaalaya, oo derbigaaga oo dhanna waxaan ka samayn doonaa dhagaxyo qaali ah. 13 Oo Rabbigu carruurtaada oo dhan ayuu wax bari doonaa, oo nabadda carruurtaaduna waxay ahaan doontaa mid weyn. 14 Xaqnimaad ku dhismi doontaa, oo dulmina waad ka fogaan doontaa, waayo, ma aad cabsan doontid, oo cabsigelintana waad ka fogaan doontaa, waayo, innaba kuuma ay soo dhowaan doonto.
  • Ish 57:15 : 15 ¶ Waayo, Kan dheer oo sarreeya, oo weligiis waara, oo magiciisu Quduuska yahay wuxuu leeyahay, Anigu waxaan degganahay meesha sare oo quduuska ah, oo weliba waxaan la jiraa kan toobadkeena oo is-hoosaysiiya inaan soo nooleeyo ruuxa kuwa is-hoosaysiiya, iyo inaan soo nooleeyo qalbiga kuwa toobadkeena.
  • Ish 60:21 : 21 Oo weliba dadkaaga oo dhammuna waxay ahaan doonaan kuwa xaqa ah, oo weligoodba dalkay dhaxli doonaan, iyagoo ah laantii beeriddayda, iyo shuqulkii gacmahayga inaan ammaanmo aawadeed.
  • Ish 61:3 : 3 iyo inaan kuwa Siyoon ku baroorta meeshii dambaska qurux madaxooda ka saaro, oo meeshii baroorashadana aan saliiddii farxadda ka siiyo, oo meeshii qalbijabna aan dharkii ammaanta ka siiyo, in iyaga lagu magacaabo geedihii xaqnimada iyo beeriddii Rabbiga, si uu isagu u ammaanmo.
  • Ish 61:11-62:1 : 11 Waayo, sida dhulku biqilkiisa u soo bixiyo, iyo sida beertu wixii lagu dhex abuuray u soo bixiso, ayaa Sayidka Rabbiga ahu ka dhigi doonaa in xaqnimo iyo ammaanu ay quruumaha oo dhan ka soo hor baxaan. 1 ¶ Jeeray xaqnimadeedu sida nuur u soo dhalaasho, oo ay badbaadadeeduna sida laambad baxaysa u soo dhalaasho, anigu Siyoon daraaddeed aamusi maayo, oo innaba Yeruusaalem daraaddeed nasan maayo.
  • Ish 66:1 : 1 ¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Samadu waa carshigayga, dhulkuna waa meeshaan cagaha saarto. Guri caynmaad ii dhisi doontaan? Oo maxay tahay meeshaan ku nastaa?
  • Daan 4:37 : 37 Haatan anigoo ah Nebukadnesar waxaan ammaanayaa oo sarraysiinayaa, oo cisaynayaa Boqorka samada, waayo, shuqulladiisa oo dhammu waa run, jidadkiisuna waa xaq; oo kuwa kibirka ku socdana isagaa kara inuu hoosaysiiyo.
  • Room 3:26 : 26 waxaa weeye muujinta xaqnimadiisa ee haatan joogta inuu isaga qudhiisu xaq ahaado iyo kan xaq ka dhiga kan Ciise rumaysan.
  • Room 11:26 : 26 oo sidaasay reer binu Israa'iil oo dhammu u wada badbaadi doonaan, sida qoran, Waxaa Siyoon ka soo bixi doona Bixiyaha. Wuxuu Yacquub ka sii jeedin doonaa cibaadola'aanta.
  • Ef 1:20-21 : 20 ee uu kaga shaqeeyey Masiixii, goortuu kuwii dhintay ka soo sara kiciyey, oo uu fadhiisiyey meelaha jannada xagga midigtiisa. 21 Oo wuxuu isaga ka sarreeysiiyey madax kasta, iyo amar kasta, iyo xoog kasta, iyo sayidnimo kasta, iyo magac kasta oo la magacaabay, mana aha wakhtigan oo keliya, laakiinse xataa kan imanaya.
  • Muj 19:2-6 : 2 waayo, waxaa run iyo xaq ah xukummadiisa, maxaa yeelay, isagu wuu xukumay dhilladii weynayd ee dhulka ku hallaysay sinadeedii; oo dhiiggii addoommadiisiina gacanteeda wuu ka aaray. 3 Oo haddana mar labaad ayay yidhaahdeen, Halleeluuya. Oo qiiqeeduna kor buu u baxaa weligiis iyo weligiis. 4 Markaasaa afar iyo labaatankii oday iyo afartii xayawaan ayaa sujuuday, oo waxay caabudeen Ilaaha carshiga ku fadhiya iyagoo leh, Aamiin, Halleeluuya. 5 ¶ Markaasaa cod baa ka soo baxay carshigii, oo wuxuu yidhi, Ilaaheenna ammaana, addoommadiisa oo dhammow, kuwiinna isaga ka cabsadow, yar iyo weynba. 6 Oo haddana waxaan maqlay wax u eg maqluuq badan codkood, iyo biyo badan codkood, iyo onkod xoog weyn codkiis, oo waxay lahaayeen, Halleeluuya, waayo, waxaa wax xukuma Rabbiga Ilaahayaga oo Qaadirka ah.
  • Bax 9:16-17 : 16 laakiin sababtan aawadeed ayaan kuu taagay, inaan xooggayga kaa muujiyo iyo in magacayga laga sheego dhulka oo dhan. 17 Ma weli baad dadkayga iska weynaynaysaa, oo aanad sii daynin?
  • Bax 15:1 : 1 ¶ Markaasaa Muuse iyo reer binu Israa'iil waxay Rabbiga ugu gabyeen gabaygan, oo intay qaadeen, bay yidhaahdeen, Anigu Rabbiga waan u gabyi doonaa, waayo, ammaan buu ku guulaystay; Faraskii iyo kii fuushanaaba wuxuu ku tuuray badda.
  • Bax 15:6 : 6 Rabbiyow, gacantaada midig xoog bay ammaan ku leedahay, Rabbiyow, gacantaada midig cadowga bay burburisaa.
  • Bax 18:11 : 11 Oo haatan anigu waan ogahay in Rabbigu ka wada weyn yahay ilaahyada oo dhan; waayo, waxyaalihii ay kula macaamiloodeen iyagoo kibirsan aawadeed, isagaa ka sarreeyey.
  • 2 Taar 31:20-21 : 20 Oo Xisqiyaah sidaasuu ku dhex yeelay dalkii Yahuudah oo dhan, oo wuxuu sameeyey wax wanaagsan oo ku qumman, daacadna ku ah Rabbiga Ilaahiisa ah hortiisa. 21 Oo shuqul kasta oo uu ku bilaabay hawshii gurigii Rabbiga, iyo sharciga, iyo amarrada, si uu u doondoono Ilaahiisa, wuxuu ku samayn jiray qalbigiisa oo dhan, wuuna ku liibaani jiray.
  • Ayuub 40:9-9 : 9 Adiguse ma waxaad leedahay Ilaah gacantiisa oo kale? Oo codkiisa oo kale miyaad ku onkodi kartaa? 10 Haddaba waxaad isku sharraxdaa sarraysnaan iyo derejo, Oo waxaad huwataa sharaf iyo haybad. 11 Haddaba cadhadaada buuxdhaafkeeda soo daadi, Oo waxaad fiirisaa mid kasta oo kibir leh, oo isaga hoos u soo deji. 12 Mid kasta oo kibir leh soo fiiri oo hoosaysii, Oo kuwa sharka ah meel alla meeshay istaagaan ku joogso. 13 Dhammaantood ciidda ku qari, Oo wejigoodana meel qarsoon ku xidh. 14 Oo anna markaas waxaan kuu qiran doonaa In gacantaada midig ay ku badbaadin karto.
  • Sab 21:11-13 : 11 Waayo, iyagu waxay ku talo jireen inay xumaan kugu sameeyaan, Oo waxay hindiseen xeel ayan iyagu dhammayn karin. 12 Waayo, waxaad iyaga ka dhigi doontaa inay dib u jeestaan, Oo xadhigga qaansadaadana waxaad ku diyaarin doontaa wejigooda hortiisa. 13 Rabbiyow, adigu xooggaaga ku sarree, Markaasaannu gabyi doonnaa, oo waxaannu ammaani doonnaa itaalkaaga.
  • Sab 46:9-9 : 9 Dagaallada wuu ku joojiyaa tan iyo dunida meesha ugu dambaysa, Qaansada wuu jebiyaa, oo warankana wuu jaraa, Oo gaadhifardoodkana dab buu ku gubaa. 10 Iska daaya oo ogaada inaan anigu Ilaah ahay, Waa laygu sarraysiin doonaa quruumaha dhexdooda, dhulkana waa laygu sarraysiin doonaa.
  • Sab 97:8-9 : 8 Rabbiyow, Siyoon way maqashay, wayna faraxday, Oo gabdhihii reer Yahuudahna waxay ku reyreeyeen garsooriddaadii. 9 Waayo, Rabbiyow, adigu waad ka sarraysaa dhulka oo dhan, Oo aad baa lagaaga sarraysiiyey ilaahyada oo dhan.
  • Sab 113:5-6 : 5 Bal yaa la mid ah Rabbiga Ilaaheenna ah, Oo kursigiisa ku leh xagga sare, 6 Oo hoos u eega Waxyaalaha samada ku jira iyo waxyaalaha dhulka yaalba?
  • Sab 115:1-2 : 1 Rabbiyow, yaanay noo ahaan, yaanay noo ahaan, Laakiinse magacaaga ammaani ha u ahaato, Naxariistaada iyo runtaada daraaddood. 2 Bal maxay quruumuhu u odhanayaan, Haddaba Ilaahoodu meeh?
  • Sab 118:16 : 16 Gacanta midig oo Rabbiga waa la sarraysiiyey, Gacanta midig oo Rabbiguna wax xoog leh bay samaysaa.
  • Sab 123:1 : 1 Kaaga samooyinka dhex fadhiyow, Adigaan indhahayga kor kuugu taagaa.
  • Ish 1:26-27 : 26 Oo waxaan kuu soo celin doonaa xaakinnadaadii sidii markii hore oo kale, oo lataliyayaashaadana waxaan ka dhigi doonaa sidii bilowgii oo kale, oo dabadeedna waxaa laguugu yeedhi doonaa Magaalada xaqnimada, iyo magaalada aaminka ah. 27 Siyoon waxaa lagu soo furan doonaa caddaalad, oo kuweeda soo noqdayna waxaa lagu soo furan doonaa xaqnimo.
  • Ish 2:11 : 11 ¶ Binu-aadmiga indhihiisa kibray waa la hoosaysiin doonaa, oo dadka madaxweynaantiisana hoos baa loo soo dejin doonaa, oo Rabbiga keliya ayaa maalintaas la sarraysiin doonaa.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Sab 99:1-2
    2 aayado
    81%

    1Rabbigu isagaa taliya, dadyowgu ha gariireen, Isagu wuxuu ku fadhiyaa keruubiimta, dhulku ha dhaqdhaqaaqo.

    2Rabbigu Siyoon dhexdeeda waa ku weyn yahay, Oo dadyowga oo dhanna wuu ka wada sarreeyaa.

  • 16laakiinse Rabbiga ciidammada caddaalad baa lagu sarraysiin doonaa, oo Ilaaha quduuska ahna waxaa quduus loogu tirin doonaa xaqnimo.

  • Sab 113:4-5
    2 aayado
    77%

    4Rabbigu quruumaha oo dhan wuu ka wada sarreeyaa, Ammaantiisuna samooyinka way ka sii sarraysaa.

    5Bal yaa la mid ah Rabbiga Ilaaheenna ah, Oo kursigiisa ku leh xagga sare,

  • 5Wuxuu jecel yahay xaqnimo iyo caddaalad, Dhulka waxaa ka buuxda Rabbiga raxmaddiisa.

  • 16Waayo, Rabbigu wuxuu dhisay Siyoon, Oo wuxuu ka dhex muuqday ammaantiisii,

  • Sab 97:8-9
    2 aayado
    76%

    8Rabbiyow, Siyoon way maqashay, wayna faraxday, Oo gabdhihii reer Yahuudahna waxay ku reyreeyeen garsooriddaadii.

    9Waayo, Rabbiyow, adigu waad ka sarraysaa dhulka oo dhan, Oo aad baa lagaaga sarraysiiyey ilaahyada oo dhan.

  • 10Rabbigu xukun buu haysan doonaa weligiis, Siyoonay, Ilaahaagaa boqor ah tan iyo ab ka ab. Rabbiga ammaana.

  • 11Buur Siyoon ha faraxdo, Oo gabdhaha reer Yahuudah ha ku reyreeyeen xukummadaada daraaddood.

  • 2Isaga waxaa ku wareegsan daruuro iyo gudcur, Oo carshigiisana waxaa aasaas u ah xaqnimo iyo garsoorid.

  • 21Rabbiga Yeruusaalem deggan ha laga ammaano Siyoon. Rabbiga ammaana.

  • Sab 48:1-3
    3 aayado
    74%

    1Rabbigu waa weyn yahay, waana in aad loogu ammaanaa Ilaaheenna magaaladiisa, iyo buurtiisa quduuska ah.

    2Waxaa dhererka ku quruxsan, oo farxad u ah dunida oo dhan Buur Siyoon oo dhanka woqooyi ah, Meeshaas oo ah magaalada Boqorka weyn.

    3Ilaah wuxuu daaraheeda dhaadheer isku muujiyey inuu magangal yahay.

  • 13Waayo, Rabbigu wuu doortay Siyoon, Oo wuxuu u jeclaystay inuu rugtiisii ka dhigto.

  • 6Oo wakhtigaaguna wuxuu ahaan doonaa ammaan, iyo badbaado, iyo xigmad, iyo aqoon miidhan, oo cabsida Rabbiguna waxay tahay khasnaddiisa.

  • 35Waayo, Ilaah Siyoon wuu badbaadin doonaa, oo magaalooyinka reer Yahuudahna wuu dhisi doonaa, Oo iyana halkaasay degi doonaan, oo hanti ahaan bay u lahaan doonaan.

  • 27Siyoon waxaa lagu soo furan doonaa caddaalad, oo kuweeda soo noqdayna waxaa lagu soo furan doonaa xaqnimo.

  • Sab 9:7-9
    3 aayado
    73%

    7Laakiinse Rabbigu wuxuu weligiis u fadhiyaa sida boqor, Oo carshigiisiina wuxuu u diyaarsaday garsoorid.

    8Oo dunida xaqnimuu ku xukumi doonaa. Oo dadyowgana qummanaan buu ugu garsoori doonaa.

    9Oo weliba Rabbigu wuxuu kuwa la dulmay u noqon doonaa magangal. Oo kolkii ay dhibaataysan yihiinna magangal buu u ahaan doonaa,

  • 6Kuwiinna Siyoon degganow, aad u qayliya oo dhawaaqa, waayo, Kan Quduuska ah oo reer binu Israa'iil ee dhexdiinna joogaa wuu weyn yahay.

  • 10Rabbigu wuxuu soo saaray xaqnimadeennii, ina keena oo aynu Siyoon ka caddayno shuqulka Rabbiga Ilaaheenna ah.

  • 11Rabbiga Siyoon deggan ammaan ugu gabya, Oo waxyaalahuu sameeyey dadka dhexdiisa ka caddeeya.

  • 4Oo weliba boqorka xooggiisu wuxuu jecel yahay garsoorid, Caddaalad baad adkaysaa, Garsoorid iyo xaqnimo baad u samaysaa reer Yacquub.

  • 12Yeruusaalemay, Rabbiga ammaan, Siyoonay, Ilaahaaga ammaan.

  • 16kaasu wuxuu fadhiyi doonaa meel sare, oo gabbaadkiisuna wuxuu noqon doonaa dhufays dhagaxyo ah, oo cuntadiisa baa la siin doonaa, oo biyihiisuna waxay ahaan doonaan kuwa la hubo.

  • 5Ilaahow, samooyinka ka sara mar, Oo ammaantaaduna dhulka oo dhan ha ka sarrayso.

  • 1Rabbigaa taliya, oo wuxuu huwan yahay haybad, Rabbigu waa huwan yahay, oo wuxuu dhexda ku xidhay xoog, Duniduna waxay u dhisan tahay si aan la dhaqaajin karin.

  • 5Oo carshigu naxariis buu ku dhismi doonaa, oo run ahaan waxaa carshiga taambuugga Daa'uud dhexdiisa ah ku fadhiisan doona mid caddaalad ku garsoora, caddaaladna doondoona, oo xaqnimada ku dhaqsada.

  • 5Ilaahow, samooyinka ka sarree, Oo ammaantaaduna dhulka oo dhan ha ka sarrayso,

  • 16Buurihiinnan dhaadheerow, bal maxaad u quudhsanaysaan Buurta Ilaah uu jeclaaday inuu hoygiisii ka dhigto? Haah, oo Rabbigu halkaasuu degganaan doonaa weligiisba.

  • 2Waayo, Rabbiga ah Ilaaha ugu sarreeya waa cabsi miidhan, Oo isagu waa boqor weyn oo dhulka oo dhan u taliya.

  • Sab 72:2-3
    2 aayado
    72%

    2Isagu dadkaaga wuxuu ku xukumi doonaa xaqnimo, Oo masaakiintaadana caddaalad.

    3Buuruhu waxay dadka u keeni doonaan nabad, Kuruhuna waxay nabad ugu keeni doonaan xaqnimada.

  • 16Rabbigu Buur Siyoon buu ka qaylin doonaa, oo codkiisuu kaga hadli doonaa Yeruusaalem, oo kolkaasay samooyinka iyo dhulkuba gariiri doonaan, laakiinse Rabbigu wuxuu dadkiisa u ahaan doonaa magangal, oo reer binu Israa'iilna wuxuu u ahaan doonaa qalcad adag.

  • 6Waayo, in kastoo Rabbigu sarreeyo, haddana wuu fiiriyaa kuwa hooseeya, Laakiinse kan kibra meel fog buu ka yaqaan.

  • 6Xaqnimadaadu waa sida buuraha Ilaah, Oo xukummadaaduna waa mool dheer, Rabbiyow, waxaad nabad gelisaa dadka iyo duunyadaba.

  • 13Rabbigu wuxuu u sara joogaa inuu doodo, oo wuxuu u taagan yahay inuu dadka xukumo.

  • 9Waayo, isagu wuxuu u imanayaa inuu dhulka xukumo, Wuxuu dunida ku xukumi doonaa xaqnimo, Dadyowgana caddaalad.

  • 5Oo indhihiinnuna way arki doonaan, oo idinku waxaad odhan doontaan, Rabbigu ha laga weyneeyo soohdinta dalka Israa'iil shishadeeda.

  • Sab 87:1-2
    2 aayado
    71%

    1Aasaaskiisu wuxuu ku jiraa buuraha quduuska ah.

    2Rabbigu degmooyinka reer Yacquub oo dhan Wuxuu ka jecel yahay irdaha Siyoon.

  • 7Waayo, Rabbigu waa xaq, oo isagu xaqnimaduu jecel yahay, Kuwa qummanuna wejigiisay arki doonaan.

  • 17Laakiinse Buur Siyoon waxaa joogi doona kuwa baxsaday, oo iyana quduus bay ahaan doontaa, oo reer Yacquubna waxay lahaan doonaan waxyaalihii dhaxalkoodii ahaa.

  • 21Rabbigu wuxuu aad ugu farxay xaqnimadiisa aawadeed inuu sharciga weyneeyo oo aad u sharfo.

  • 3¶ Waayo, bal eega, Rabbigu meeshiisuu ka soo bixi doonaa, wuuna soo degan doonaa, oo dhulka meelihiisa sarsare mari doonaa.

  • 4Rabbigu waa xaq, Oo isagu wuxuu kala gooyay xadhkihii kuwa sharka leh.