Ishacyaah 33:16

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

kaasu wuxuu fadhiyi doonaa meel sare, oo gabbaadkiisuna wuxuu noqon doonaa dhufays dhagaxyo ah, oo cuntadiisa baa la siin doonaa, oo biyihiisuna waxay ahaan doonaan kuwa la hubo.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Ish 32:18 : 18 Oo dadkayguna waxay joogi doonaan rug nabaadiino, iyo hoyaal ammaan ah, iyo meelo xasilloon oo lagu nasto.
  • Luuk 12:29-31 : 29 Ha doondoonina waxaad cuntaan iyo waxaad cabtaan, oo ha shakiyina, 30 waayo, quruumaha dunidu waxaas oo dhan ayay doondoonaan; laakiin Aabbihiin waa og yahay inaad waxaas u baahan tihiin. 31 Laakiin doondoona boqortooyadiisa, oo waxaas oo dhan waa laydiinku dari doonaa.
  • Ish 49:10 : 10 Ma ay gaajoon doonaan, mana ay harraadi doonaan, oo kulaylka iyo qorraxdu kuma ay dhici doonaan, waayo, ka iyaga u naxariista ayaa hor kici doona, oo wuxuu ku hoggaamin doonaa ilo biya ah agtood.
  • Xab 3:19 : 19 Rabbiga Sayidka ah ayaa xoog ii ah, Cagahaygana wuxuu ka dhigaa sida cagaha deerada, Oo wuxuu igu socodsiin doonaa meelahayga sarsare. Tan waxaa lagu tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, oo waxaa lagu qaadaa alaabtayda xadhkaha leh.
  • Sab 15:1 : 1 Rabbiyow, bal yaa taambuuggaaga ku fadhiyaya? Oo bal yaa buurtaada quduuska ah degganaanaya?
  • Sab 18:33 : 33 Isagu cagahayga wuxuu ka dhigaa sida cagaha deerada, Oo wuxuu igu fadhiisiyaa meelahayga sare.
  • Sab 33:18 : 18 Bal eega, Rabbiga ishiisu waxay la jirtaa kuwa isaga ka cabsada, Waana kuwa naxariistiisa rajeeya,
  • Sab 34:10 : 10 Aaranka libaaxa wax baa ka dhimman, wayna gaajoodaan, Laakiinse kuwa Rabbiga doondoonaa wax wanaagsan uma baahnaan doonaan.
  • Sab 37:3 : 3 Rabbiga isku hallee oo wanaag samee, Oo sidaasaad dalka ku degganaan doontaa, oo ammaan baad ku daaqi doontaa.
  • Sab 90:1 : 1 Rabbiyow, tan iyo ka ab ka ab Adigu waxaad noo ahayd meesha aannu degganaanno.
  • Sab 91:1-9 : 1 Kan dega Ilaaha ugu sarreeya meeshiisa qarsoon Wuxuu joogi doonaa hooska Qaadirka. 2 Waxaan Rabbiga ka odhan doonaa, Isagu waa magangalkayga iyo qalcaddayda Oo waa Ilaahayga aan isku halleeyo. 3 Waayo, wuxuu kaa samatabbixin doonaa dabinka ugaadhsadaha, Iyo belaayada aad u xun. 4 Oo wuxuu kugu dedi doonaa baalashiisa, Oo waxaad magangeli doontaa baadadkiisa, Runtiisuna waxay tahay gaashaan iyo gabbaad. 5 Waa inaanad ka cabsan naxdinta habeennimada, Iyo fallaadha dharaarnimada duulaysa toona, 6 Ama belaayada gudcurka ku socota, Iyo halligaadda duhurka wax baabbi'isa. 7 Dhinacaaga waxaa ku dhici doona kun, Midigtaadana waxaa ku ag dhici doona toban kun, Innabase kuuma soo dhowaan doonto. 8 Laakiinse indhaha uun baad ku fiirin doontaa, Oo waxaad arki doontaa kuwa sharka leh abaalgudkooda. 9 Waayo, waxaad tidhi, Rabbigu waa magangalkayga, Oo Kan ugu sarreeya ayaa degmadayda ah. 10 Shar kuguma dhici doono, Belaayona teendhadaada uma soo dhowaan doonto.
  • Sab 91:14 : 14 Rabbigu wuxuu yidhi, Isagu aad buu ii jeclaaday, oo sidaas daraaddeed ayaan u samatabbixin doonaa, Meel sare ayaan ku fadhiisin doonaa, maxaa yeelay, magacayguu yiqiin.
  • Sab 107:41 : 41 Oo weliba kan baahanna dhibaatada ayuu ka sara mariyaa, Oo wuxuu u yeelaa qolooyin ah sidii adhi oo kale.
  • Sab 111:5 : 5 Wuxuu cunto siiyey kuwa isaga ka cabsada, Oo weligiisna wuxuu xusuusnaan doonaa axdigiisii.
  • Maah 1:33 : 33 Laakiinse ku alla kii aniga i maqlaa, ammaan buu u fadhiyi doonaa, Wuuna xasilloonaan doonaa, isagoo aan shar ka cabsanaynin.
  • Maah 18:10 : 10 Rabbiga magiciisu waa noobiyad xoog leh, Kii xaq ahu iyaduu ku cararaa, meel sarena wuu ku nabad galaa.
  • Ish 25:4 : 4 Waayo, waxaad miskiinka u ahayd xoog, oo saboolka baahanna markuu dhibaataysnaa xoog baad u ahayd, waxaadna ahayd meel duufaanka laga dugsado oo kulaylkana laga hadhsado markii kuwa laga cabsado neeftoodu ay ahayd sida duufaan derbi ku dhacaya.
  • Ish 26:1-5 : 1 ¶ Oo maalintaas dalka Yahuudah waxaa lagaga gabyi doonaa gabaygan, Annagu magaalo xoog badan baannu leennahay, oo Rabbigu wuxuu derbiyo iyo qalcado nooga dhigi doonaa badbaado. 2 Irdaha fura, quruunta xaqa ah oo runta xajisa ha soo gashee. 3 Qofkii maankiisu isku kaa halleeyo nabad dhan baad ku dhawri doontaa, maxaa yeelay, adiguu ku aaminsan yahay. 4 Rabbiga weligiinba aamina, waayo, Rabbiga Ilaaha ahu waa dhagax daa'im ah. 5 Maxaa yeelay, isagaa hoos u soo dejiyey kuwii meelaha sare degganaa, oo magaaladii sarajoogga dheeraydna wuu hoosaysiiyey, oo wuxuu hoos ugu soo dejiyaa tan iyo dhulka, oo ciidduu ku soo xooraa.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 17Indhahaagu waxay arki doonaan Boqorka oo quruxdiisa huwan, oo waxay arki doonaan dhul ilaa meel fog kala baxsan.

  • 73%

    27Ilaaha daa'imka ahu waa hoygaaga, Oo waxaa kaa hooseeya gacmo weligood jira. Oo cadowgana hortaaduu ka tuuray, Oo yidhi, Baabbi'i.

    28Oo Israa'iil oo ah isha Yacquub oo keliya Ammaan buu ku deggan yahay dal sarreen iyo khamri leh, Oo waxaa samada uga soo da'a sayax.

  • 13Wuuna fuuliyey meelaha sarsare ee dhulka, Oo wuxuu cunay wixii beerta ka baxay, Wuxuuna ka dhigay inuu nuugo malab dhagaxii ka soo baxay, Iyo saliid dhagax madow ka soo baxday.

  • 18Oo dadkayguna waxay joogi doonaan rug nabaadiino, iyo hoyaal ammaan ah, iyo meelo xasilloon oo lagu nasto.

  • 5Rabbigu wuu sarreeyaa, waayo, meel saruu joogaa, oo wuxuu Siyoon ka buuxiyey caddaalad iyo xaqnimo.

  • 7Intuu jidka socdo ayuu durdurka ka cabbi doonaa, Oo sidaas daraaddeed ayuu madaxa kor u qaadi doonaa.

  • Sab 91:1-2
    2 aayado
    72%

    1Kan dega Ilaaha ugu sarreeya meeshiisa qarsoon Wuxuu joogi doonaa hooska Qaadirka.

    2Waxaan Rabbiga ka odhan doonaa, Isagu waa magangalkayga iyo qalcaddayda Oo waa Ilaahayga aan isku halleeyo.

  • 15Waxaan iyada aad iyo aad ugu barakayn doonaa quud, Oo masaakiinteeda waxaan ka dhergin doonaa cunto.

  • 2Oo ninba wuxuu noqon doonaa meel dabaysha lagaga dhuunto iyo gabbaad duufaanka laga dugsado, iyo sida webiyo biya ah oo meel engegan ku yaal, iyo sida hoos dhagax weyn oo dal oommane ah ku yaal.

  • 16Oo dhulka waxaa jiri doona hadhuudh badan xagga buuraha dushooda, Oo midhihiisuna waxay u soo ruxmi doonaan sida Lubnaan oo kale, Oo kuwa magaalada joogaana waxay u barwaaqoobi doonaan sida doogga dhulka.

  • 15Iyo waxyaalaha ugu wanaagsan ee buuraha gaboobay, Iyo waxyaalaha qaaliga ah oo kuraha daa'imiska ah,

  • 1Aasaaskiisu wuxuu ku jiraa buuraha quduuska ah.

  • 8Laakiinse ninkii xoog badnaa isagaa dhulka haystay; Oo ninkii sharaf lahaana isagaa dalka degganaa.

  • 22Laakiinse Rabbigu waxa weeye munaaraddayda, Ilaahayna waa dhagaxii magangalkayga.

  • 23Ilaahna wuxuu iyaga siiyaa meel ammaan ah, oo halkaasay isku halleeyaan, Jidadkoodana ishuu ku hayaa.

  • 21Markaasaa Rabbigu wuxuu yidhi, Bal eeg, meel baa agtayda ah, oo waxaad isku taagi doontaa dhagaxa weyn,

  • 3Buuruhu waxay dadka u keeni doonaan nabad, Kuruhuna waxay nabad ugu keeni doonaan xaqnimada.

  • 36Oo halkaasuu kuwa gaajaysan dejiyaa, Si ay u samaystaan magaalo ay degaan,

  • 4Oo isagu wuu istaagi doonaa, oo wuxuu adhigiisa ku daajin doonaa xoogga Rabbiga iyo haybadda magaca Rabbiga Ilaahiisa ah, oo iyana ammaan bay ku joogi doonaan, waayo, isagu haatan mid weyn buu ku ahaan doonaa tan iyo dhulka darfihiisa.

  • 33Isagu cagahayga wuxuu ka dhigaa sida cagaha deerada, Oo wuxuu igu fadhiisiyaa meelahayga sare.

  • 6Waayo, wuxuu ahaan doonaa sida geed xun oo lamadegaanka ku yaal, oo mana uu arki doono markii wanaag imanayo, laakiinse wuxuu joogi doonaa meelo engegan oo cidlada dhexdeeda ah, oo ah dal cusba ah oo aan ciduna degganayn.

  • 5Waayo, isagu maalinta dhibta wuxuu igu qarin doonaa teendhadiisa, Oo meesha qarsoon oo taambuuggiisa ayuu igu xasayn doonaa, Kor buu ii qaadi doonaa oo dhagax weyn buu i saari doonaa.

  • 13Naftiisu wanaag bay ku jiri doontaa, Oo farcankiisuna wuxuu dhaxli doonaa dalka.

  • 23Oo markaasuu roob idiin siin doonaa abuurkiinna si aad dhulka ugu abuurtaan, oo wuxuu cunto idinka siin doonaa waxa dhulka idiinka baxa, oo waxayna ahaan doontaa barwaaqo badan, oo wakhtigaas lo'diinnu waxay daaqi doontaa berrimmo balballaadhan.

  • 9Waayo, waxaad tidhi, Rabbigu waa magangalkayga, Oo Kan ugu sarreeya ayaa degmadayda ah.

  • 3Ilaah wuxuu daaraheeda dhaadheer isku muujiyey inuu magangal yahay.

  • 33Laakiinse ku alla kii aniga i maqlaa, ammaan buu u fadhiyi doonaa, Wuuna xasilloonaan doonaa, isagoo aan shar ka cabsanaynin.

  • 15iyo munaarad kasta oo dheer, iyo derbi kasta oo deyr leh,

  • 17Laakiinse Buur Siyoon waxaa joogi doona kuwa baxsaday, oo iyana quduus bay ahaan doontaa, oo reer Yacquubna waxay lahaan doonaan waxyaalihii dhaxalkoodii ahaa.

  • 1¶ Oo maalintaas dalka Yahuudah waxaa lagaga gabyi doonaa gabaygan, Annagu magaalo xoog badan baannu leennahay, oo Rabbigu wuxuu derbiyo iyo qalcado nooga dhigi doonaa badbaado.

  • 3Gurigiisa waxaa ku jira maal iyo taajirnimo, Xaqnimadiisuna weligeedba way sii waartaa.

  • 34Isagu cagahayga wuxuu ka dhigaa sida cagaha deerada, Oo wuxuu igu fadhiisiyaa meelahayga sarsare.

  • 9oo waa dal aad waayitaanla'aan kibis kaga cunaysaan oo aydaan waxba uga baahnayn, waa dal dhagaxyadiisu ay bir yihiin, oo aad buurihiisana naxaas ka qodan doontaan.

  • 15Rabbiga ciidammada ayaa daafici doona iyaga, oo way baabbi'in doonaan, oo waxay ku tuman doonaan dhagaxyada wadhafka, oo khamri bay cabbi doonaan oo waxay u qaylin doonaan sida iyagoo sakhraansan, oo waxay u buuxsami doonaan sida maddiibado, iyo sida rukummada meesha allabariga.

  • 2Rabbigu waa dhagax weyn oo ii gabbaad ah iyo qalcaddayda, iyo samatabbixiyahayga, Iyo Ilaahay, iyo gabbaadkayga adag, oo isagaan isku hallayn doonaa, Isagu waa gaashaankayga, iyo geeska badbaadadayda, iyo munaaraddayda dheer.

  • 2Rabbigu wuu dhawri doonaa, wuuna sii noolayn doonaa, oo isaguna dhulkuu ku barakaysnaan doonaa. Rabbow, isaga ha u gacangelin sida cadaawayaashiisu rabaan.

  • 21Oo markuu lamadegaannada dhex marsiiyeyna ma ay oomin, oo dhagaxa ayuu biyo uga soo daayay, oo isagu dhagaxii ayuu kala dillaaciyey, oo markaasay biyihii ka soo butaaceen.

  • 2Isaga oo qudha ayaa dhagaxayga weyn iyo badbaadadaydaba ah, Isagu waa munaaraddayda, oo aniga aad lay dhaqaajin maayo.

  • 1Kuwa Rabbiga isku halleeyaa Waa sida Buur Siyoon oo aan la dhaqaajin karin, laakiinse weligeedba sii jirta.

  • 3Iyo Ilaaha ah gabbaadkayga, isagaan isku hallayn doonaa; Isagu waa gaashaankayga, iyo geeska badbaadadayda, iyo munaaraddayda dheer, iyo magangalkayga, Iyo badbaadshahayga, waxaad iga badbaadisaa dulmiga.

  • 5Tumidda hadhuudhkiinnu waxay gaadhi doontaa guridda canabkiinna, guridda canabkuna waxay gaadhi doontaa ilaa wakhtiga beeridda, oo cuntadiinna ayaad cuni doontaan ilaa aad dheregtaan, oo dalkiinnana ammaan baad ku degganaan doontaan.

  • 16Buurihiinnan dhaadheerow, bal maxaad u quudhsanaysaan Buurta Ilaah uu jeclaaday inuu hoygiisii ka dhigto? Haah, oo Rabbigu halkaasuu degganaan doonaa weligiisba.

  • 16Oo markaas dabadeed ayaa caddaaladu cidlada joogi doontaa, oo xaqnimona waxay ku sii jiri doontaa beerta midhaha badan.

  • 28Waxay ku hoyataa qarka dheer korkiisa, oo hoygeeduna halkaasuu ku yaal, Xagga qarka dheer dhaladiisa, iyo meesha adag dusheeda.

  • 15Kii si xaqnimo ah u socda, oo si qumman u hadla, oo faa'iidada dulmiga quudhsada, kii laaluush qaadashadiis ka gacmo jafjafta, oo maqlidda dhiigdaadinta dhegihiisa ka furaysta, oo indhihiisana isku qabsada si uusan wax shar ah u arag,

  • 14markaasaad Rabbiga ku farxi doontaa, oo anna waxaan ku marsiin doonaa meelaha sarsare ee dhulka, oo dhaxalkii awowgaa Yacquub ayaan kugu quudin doonaa, waayo, afkii Rabbiga ayaa saas ku hadlay.

  • 11Oo dad baa dhexdeeda degganaan doona, oo innaba habaar dambe ma jiri doono, laakiinse Yeruusaalem si ammaan ah ayay u degganaan doontaa.

  • 18Waayo, gaashaankayaga waxaa iska leh Rabbiga, Oo boqorkayagana waxaa iska leh Kan quduuska ah oo reer binu Israa'iil.